Shirjaraa’id oo Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Mucaskarka Raaskaamboni si wada jira ugu qabteen Magaalada Baydhabo ee Xaruna Gobolka Bay ayey ka shaaciyeen inay si rasmi ah u midoobeen Al-Shabaab iyo Kaambooni isla markaana ku midoobeen Magaca Shabaabul Mujaahidiin.
Shirka Jaraa’id oo ay Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac qabteen ayey ku shaaciyeen in ka dib Kulomo dhowr Maalmood u socday oo ay labad a dhinac yeesheen isku waafaqay in lagu midoobo Magaca Al-Shabaab.
Xubnaha Arinkan Shaaciyey ee sida wada jirka ah Baydhabo shirka Jaraa’id ugu qabtay waxaa kamida Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf iyo Sheekh Max’ed Dulyadeyn.
Sheekh Fu’aad oo Saxaafada u aqriyey dhowr qodob oo ay labda dhinac ku heshiiyeen ayaa yiri:“halkaan waxaanu ku cadeyneynaa labadaa Mujaahidiin oo walaalaha ahaa inay ku hashiiyeen:
1. in la mideeyo dhamaan Mujaahidiinta labada dhinac ayaa lagu heshiiyey.
2. Raadinta Midnimada Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta inta dhiman ee Mujaahidiinta ah waxaanu raadineynaa inay soo galaan Midnimada ilaaheyna wuu rumeyn doonaa.
3. in loo howlgalo dhismaha Dowlad Islaama oo hirgaliso shareecada Alle.
4. in loo hiiliyo Umada Muslimka ah siiba Shucuubta Muslimiinta ah ee ku nool bariga iyo geeska Africa kuwaas oo ku hoosnool Cadawga Kiristaanka ah lagana tira badanyahay.
5. si loo soo celiyo sharafta Muslimiinta ee dhaawacantay quwadooda siyaasadeed, awoodooda dhaqaale, Cududooda Milatari waa in lamideeyaa Muslimiinta kunool geeska Africa iyo barigiisaba lana tirtiraa Colaada Gumeystuhu dhexdhigey, Colaada Musliniintana Gayigaan oo dhan inay ka dhamaato.
6. in laga hortago Duulaanka Saliibiyiinta Caalamiga ah ee ay ku soo qaadeen Muslimiita isla markaana Jihaadka ka socda geeska Africa lagu xiro Jihaadka Caalamiga ah”.
Sheekh Max’ed Dulyadeyn ayaa isna Goobta ka aqriyey Xubnaha labada dhinac uga qeybgalay wadahadalada islamarkaana Heshiiskan saxiixay wuuxuuna sheegay in dhanka Raaskaambooni ay u mataleen Heshiiska:-
1. Sheekh Xasan C/laahi Xirsi oo looyaqaano Sh Xasan Turki.
2. Sheekh Max’ed Max’ed Cali oo looyaqaano Dulyadeyn.
3. Sheekh Max’ed Axmed Guhaad abu Sacad.
4. Sheekh C/qaadir C/laahi Max’ed.
5. Sheekh Ibraahim Aadan Ibraahim.
Dhanka Xarakada Shabaab waxa Heshiiska u saxiixay:-
1. Sheekh Maxukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr Amiirka Al-shaab.
2. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu mansuur.
3. Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf.
4. Sheekh C/raxmaan Axmed Aadan (C/raxmaan Siiro).
5. Sheekh Abu Bakar Zeylici.
Dulyadeyn ayaa ugu dambeyn Dadka ugu baaqay in lagu taageero laguna Farxo Howsha ay qabteen.
Waxaa la ogsoonyahay in Mucaskarka Raaskaambooni uu kamid ahaa Garabyadii ku Midoobay Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Turkina wuxuu ahaa gudoomiye kuxigeynka koowaad ee Xibiga, haseeyeeshee Mas’uulka Maanta u hadlay Mucaskarka sooma hadal qaadin inay ka baxeen Xisbul Islaam iyo inkale.
Sidoo kale Majiro war ka soo baxay Mas’uuliyiinta Sarsare ee Xisbul Islaam oo ku aadan kubiirida ay Shabaabka ku biireen Xoogaga Mucaskarka Raaskaambooni, mar aanu la xiriirnay qaar kamida Madaxda Xisbul Islaam waxay sheegeen inay arintan dib war uga soosaari doonaan.

Related posts:
Allahu akbar Guuleysta o midooba o samaysta ciidan xogbadan samaysta alla xog lehe allah ha idin gargaaro dowladi islam way so noqotay masha allah xarakatu shabaabul mujahidin webkan somalimirror waxan kula takinaya in ay beeniyan warkii been abuurka ahaa ee sheikh umal ay uga qalad turjumeen website yada xun xun o ahaa umal baa ku tilmamay alshabab khawarij wuuna beeniyey sheikha.waxad ka heli kartan warkan sheikha somalireal.com iyo halgan.net
Sh Xasan Daahir iyo Calidheere Hurdada maa loogu gooyay.
Allahu Akbar walilahil xamdu, waan sugeynay inta dhimanna Allaha deg-deg u dhameystiro
ASC.
Aniga waan yaabanahey runtii!!!
Maxaa ka harey Raaskaamboodi, soo tey la dagaalameen maaha Alshaabta Kismaayo oo baalaha laga rifey?
wxa ay umidoobeen dabar gooynta umada soomaaliyeed
ilaahoow hanagu salidin duul aanan kaa cabsan anagana aanan naga naxaynin
maasha alaah hadaad midomdeen waxaan idiin rajaynayaa guul insha alaah
Walaalaha Mujaahidiinta :
Farxadeena ween wa markaad Wada midowdaan kuli kuna ,
taasnah Allaah ayaan ka sugaynaa
howa xasbuna wa nicmal wakiil
illaahayoow u naxriiso qowm naxariise kale qabin adaa khaaliq oo raxmaan ah
alaahu akbar alaahu akbar ilaahayoow mujaahidiinta inta hartayna mideey ilaahayoiw kuhanuuni ineey kitaabkaga ugargaraan ooy uhiiliyaan fitnada aduunkana ilaahayoow garabmari xukun jaceel aduunyadana ilahayoow katirtir qalbiyadooda ineey dartaa udhintaan kusuk qalbiyadooda oo kadhik kuwa safar oon ka ah aduunka oo dankale kalaheen muslimiinta waxaan kacotsanaayaa in loo duceeyo mujaahidiinta wa binaa adir qalat wuu kadhicikaraa shey daan ayaa kuxariiro inuu ilaheey kaxifdiyo sheeydaan oo kusugo kor uqadida kitaabka ilaahey oodana kale lajirin
…………..Allaahu akbar…………….
Alle ha ka dhigo midowgan midkii umadda soomaliyeed u horseeda dowlad islaami inay yeelato, cadowga soo jireen ka ahna looga adkaado, waa amxaaradee.
ragani wa darood isaaq iyo rahanweyn ee hawiyow maxaa jihaadka ku diidan tihin?
alaahu akbar walilaahil xamdu
ilaah ayaa mahadaas iskale naga aqbalay ducadeeni. ilaahaw inta dhimana si dag dag ah umidey xaqana ku wada toosi aaaaaaaaammmmiiiin
Walaahi waa arin farxad weyn u leh inta imaanka uu ku jiro arintaan maadaama ay midoobeen mujaahidiin is khilaafsanaa!!!!.
Asc
Salan kadib runti waxan u arka fikir ahan in lo midoo bay besha Hawiye wayo Qof ka socda beshas shirka kama qayb galin Sheq xasan dahir sheq cali dhere Dr cumar iiman iyo kuwo kalo badan marka ma diin ayaa lo midobay mise beel su aashas waxa leh somali iyo inta loo midobay in ay ka jawaban waxana lo midobay dhamaynta beshas o dhul keeda gor gortan ku jiro wabilahi towfiiq
midnimo dad muslimiin ah waa wax lagu farxo, waxaan rejeynayaa inay wanaag kusoo kordhiso, saaxada mururgsan!
ma filayo inay jiraan wax badan oo laga faalloodo, waxaase aniga akhrintayda ugu muhiimsan:
(1) Ihaano culus oo ku socoto XisbulIslaam, iyo inay si weyn usoo muuqato inaanay jirin meel dhexe oo laysku maaweeliyo, looona baahanyahay in la kala doorto saddeexdii “sh” shariif, shabaab, shacab!!
(2) inaan shabaabulmujaahidiiin soomaali ugu maqnayn wax aysan ugu maqnayn muslimiinta kale, oo aan laga sugayn natiijo aan ka soo bixin Jihaadka caalamiga ah ee uu hogaamiyo sheekh usaama.
(3) In magaca Alshaab uu yahay lama taabtaan, taasoo u muuqata inuu leeyahay mhiimad qarsoon!
Fiiro gaar ah:
Qodobbada waxaa ugu muhiimsan kan 6-aad, inta kale waa boos buuxis !
Wallaahu Aclam
Allaaaaaaaaaaaaaahu akbarrr.
ILAAHOOW adigaa ku mahadsan arintaan maanta aad dhegehena maqashiisay indhaheenana tusisay.
Midnimadan maanta ay gaareen labadan gabar ee la dhihi karo waa awooda ugu weyn ee Mujaahidiinta maanta ku leeyihiin dalka Soomaaliya WAA GUUL USOO HOYATAY MUSLIMIINTA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN KUWA ADUUNKA KU NOOL.
Farxada ugu weyn ee maanta taala waxay tahay MUNAAFIQIINTII iska dhigi jiray inay Sh.Xasan Turki la safanyihiin ugana hiilinayaan Shabaab-ka oo sheekha duulaan ku ah ayaa sheegashadoodii waxay noqotay HABAA’AN MANTHUURAN waxaana soo baxay wejigoodii saxda ahaa ee ku dhisnaa nacaybka Mujaahidiinta iyo isku qarinta boorka dagaalada Jihaadiga ah ee looga soo horjeedo cadawga Islaamka.
Kuwaas waxay wixii maanta ka horeeysey buufinayeen sun aad u qormoon iyagoo ku baraanburayay in MUCASKARKA RAASKAAMBOONI la dulmiyay oo ay la dagaalamayaan Mujaahidiinta AL-SHABAAB Balse kuwaas doqonimadooda iyo dhoohanaantooda ayaa maanta muuqata maadaama ay xitaa qiimeyn waaween Xaalada xaqiiqda ah ee Dhulka taala, taas oo ah in Mujaahidiintu xiriir joogta ah leeyihiin isla markaana qorsheynayaan arimo waaweyn oo u dan ah masiirka Ummada Muslimiinta ah.
Dockayeeradaas aan kasoo waramay ayaan Hadiyad uga dhigayaa waxa maanta meeshaan ku qoran..Waxaanan leeyahay AMAAD RAJO LEEDIHIIN OOD ILAAHAY SW U TOWBAD KEENTAAN INTA GOORI GOOR TAHAY WELI WAAN IDIIN NASEEXEYNAYAAYE?!!.
Allaaaaahu Akbar…ILAAHOOW ADAA MAHADSAN MAR WALBA.
Mar Alla markay laba Sheydaan midoobaan waa war aan lagu farxin.
meeshaan waxaa lalayaabi jiray fikirkiisa gala jaceelka iyo muslin naceebka wadaad yare hadana ma wadaad weyne imaaday ilaahayoow wadadaan nala arak waxey jacelyihiin
s/c
yaa arkay CALI GUURE
Khabarun saaar, war macaan o farxad leh midowga mujahidinta dadka ka naxayow nafta waaye alle wuxu yiri subxanah MUUTUU BIQHEYZIKUM, jabka musliminta munafaq iyo gaala jecel waxan rajeyneyna insha,alahu tacala mu,minita o saf ah o gushi umada garsiyey bi,idnillah.
Magacii Mujaahid waxuu noqday Shaar Hawiye loo soo gashtay, hadda nimanka heshiiska kala saxiixday waa 5 nin Ogadeen, 2 nin Isaaq, 1 majeerteen, 1 nin Awrtable iyo Hal nin raxanweyn, aawey Hawiye weyne hadde Dhulkooda ayuu ka socday waxaan Jihaadka lagu sheegaye Aaway
Niman badan oo wararka AL-SHABAAB ALMUJAAHIDIIN marka lasoo qoro halkan ku qori jiray Comments(Tacliiq) aad moodo inuu Maqaal dhan yahay, oo ummada been abuur iyo afmiishaarnimo kula dhexjiray, iyagoo isku tilmaamaya niman Xog ogaal ah ayaa maanta anfariir la maqan( Munaafaqnimadu xumaa).
Toloow ma fiyowyihiin mase waa Suuxsanyihiin?!! Ma noolyihiin mase wadnahaa istaagay?!!..Salaamaat.
war ragge mesha ku qorane hwiye kuma jire maxa dhacay? hawiye ma mucaarad ba?
a/c dhamaan waxaa yaab leh fuaad inuusan marnaba hadalkiisa kusoo qaadis soomaaliya wax la yidhaahdo!!! aduunka intaan ku noolaa nimankaa yaryar dad ka doqonsan alle ima tusin, intaad soomaaliya ka joogaysaana waa inta ay dadka idinkasoo horjeedaa shariif doqon iyo wax la mid ah yihiin, giimkan sidaad u wadaan waa sida ay gaaladu rabto, waxa dhimanayaaba inay noqdaan soomali suufi somlai salafi somali hawiye iwm, intaa markaad sidii la rabay u gashaana ilaahaybaan ku dhaartayee inaydaan soomaaliya intaad dawlad islaam ah u dhistaan aan la hoos hadhsanaynin!!!! mar haday idinku filaatay afarta taangi ee afrikaanku wato, wax ka waynba uma baahnidin, ilaa fiinalka mooyee.
Ku:ninka wata Duhur
Duhurow walaal meeshu maaha sidaa mooday 4.5 wixii lagu sheegi jiray miisaanku qabiil maaha mujaahidiintuna wey ka gudbeen cudurka qabiilka ee aad ka hadlaysid ee dacarta dadka kala aamus ayaan ku dhihi lahaa.
Midnimadu waa Guul ka naxow nafta waa sida midka la baxay wadaad Yare ma aha wadaad yare ee waa WADAAN YARE ninka wadaanta yarna asaga ayaa ciil & calool xumo dishaa.
Kuwa ku faraxsan waxyaabaha lagu qoray websidyada qaarkood waad ogaan doontaan waxa ka dambeeyn doona. ma’diidani in la’midoobo laakiinse waxaan idin xusuusinayaa in Dowladdii hore ee Siyaad Barre lagu riday kali talisnimo, inkasta oo ay Al-shabaab tahay Urur Islaamiya ah. laakiinse ha’ogaato in Siyaad Barre ku dhacay sidii kaligii loogu heesayey. Allaha na abuuray ayaa ugu talo galay in dadku noqdaan kala jaad-jaad. kala jaadkaas ha noqdo xaga fikirka, luqada, Diinta, Midabka iyo wixii la’mid ah. ugu dambeynta ugu nasteexeeynayaa ururka Al-Shabaab in ay dib u eegaan fikirkooda ku aadan Ururada kale iyo weliba ummadda soomaaliyeed, dibna u akhriya Taaariikhda Adduunka.
Wassalaamu calaa manitacal huddaa.
Haddi laga soo qaado in shabaab iyo xisbul islaam kailya islaamkii soomaliya yihiin oo markaa afartii ku midawday xisbul islaam mid ka mid ah la midoobay shabaab maxaa is bedelay?
Shabaab markuu hadlayo waa mujaahidiinti oo midoobay aama qaybo ka mid ah midoobeen waxayse arkaynin in mujaahidintii haddii tooda loo eego ay qayb ka mid ah kala jabtay oo bar kasoo sheukaansadeen balse la dhihi karo weli waa laba kooxood oo dawladda kasoo horjeeda mar haddii aysan wada midoobin.
Waase goni hadii la leeyahay tan waxay daciifinaysaa xisbul islaam oo ku qasbaysaa inay ugu danbayn shabaab kuwada biiraan ama u hogaansamaan ama ukala jabaan wax shabaab raaca iyo wax dawladda raaca ama duurka iska gala?
Markaa taasi waxay ka dhigi doontaa waxa is haya shabaab oo dhan ah iyo suugfiya iyo dawladda oo dhan ah.
Ugu danbayn waxaan oo dhan waa garad xumo iyo waallo u baahan in la garawsado in dalka iyo diinta aan la kala xigin wixi talo ahna ay soomalai oo idil isqancin iyo cod ku kala baxdo ee la joojiyo dhiig iyo isku xoog sheegashada fgaceen naga reebtay dhiigeenana ka dhigtay mid jogta u daata.
duhurow ilaah haku duleeyo sidaad u jeceshahay tafaraaruqa mujaahidiinta ilaah haku duleey
WAA TILAABO HURUMAR LEH OO XAGGA ISLAANIMADA LOO QAADAY.
FATSAN WAXAA TIRI IYO MEEL AY U SOCOTABA LAMA YAQAAN WAXAASE KU IRI. XUUMBO IYO XAABABA WAY HARAANE . WAXA BAAQIAH OO YAAL OOBIYO KUMA DHIBCAAN AH . IN DIINTA ISLAAMKU XAQ TAHAY . QOF WALBAA OO MUSLINAHNA UU KU QASBANYAHAY IN WAXA AY AMREYSO UU QAATO INTA KARAANKIISA AH WAXA AY REEBEESANA UU KA HARO SI DHAMEESTIRAN OO KAAMIL AH. DAMACIISA IYO SIDA AY ILA TAHAY NA DIIN NOQON MEYSO. WAXAA MEESHA IIGA MUUQDAANA DIIN MA AHAN EE IS BAHAYSII IYO XOOG AAN DIIN WAAFAQSANEEN OO MUSLIMIINTA SOOMAALIYEED LAGU ARGAGIXINAYO .HADABA WAXAA IGA NASEEXAA . MEESHA KOOXDAAS DIIN KUMA HAYAANE HA KU HODMIN. ILLAAH KA BAQ OO U TOOBAD KEENA ADIGA IYO KOOXDAAD U XAMAASADEYSAN TAHAYBA . ILLAAH AAYAAD KIISA WAXAA KA MID AH INAMAL MUMINUUNA IKHWAH . WAASLIXUU BEYNA AKHAWEYKUM. MARKA HADALKA AWRKA LAGU KACSANAAYO OO NOQDAY ISLAANKA FICILKIISA MEESHA KAMA MUUQATO DAD AY XATAA MASAAKIINTA KA CABSANAYAAN BAA II MUUQDA . . CALAAKULI XAAL WALAAKEYGOW CABSO OO NAFTAADA IYO AAKHIRO U CABSO OO FIDNADAAN KA DIGTOONOW.
Waa KHIYAAMADII alshabab caanka ku ahaayeen.
Heshiiskan waxaa keenay iyada oo alshabab ay filayaan dagaal weyn oo ku qabsan doona Muqdisho, markaas waxay rabaan ciidanka ka jooga jubbooyinka in ay u soo wareejiyaan Muqdisho iyo gobolada dhexe. Haddaba si aal looga qabsan jubbooyinka, ayey heshiis khiyaamo ah la galeen odayga Turki oo aan siyaasi ahayn.
somalimirror qodobka ugu muhiimsan oo ah al-shabaab inay la midoobaan al-qaacida sida ay u qoreen arka.
Waxaa meeshaas ka muuqda in Somalimirror arrintaas u aragto arrin ceeb ah oo mudan in la qariyo ama sida shabaab u sheegeen aan loo sheegin. Waa arrin la yaableh sida ay somalimirror u dhaqanto.
waa dhibka somali kajiro oo laba jibarmay mana aha wax lagu farxo ee waa wax laga qoomameeyo, ee walaalayaal sidaas holoo arko.
Meesha midow kama uu dhicin ee waxaa ka dhacay jajuub,dirqin lagu sameeyay dad lahaystayaal ahaa oo hore looga adkaaday.
Waa sheeko xariir, nin laga adkaaday oo la faray in uu yiraahdo ama meersho wixii la faray miyaa heshiis ah. Waxaa shardi ah marka heshiis & midow uu dhacayo in dhinacyada heshiinaya aysan midina mida kale xoog ku haysan, sidaan ogsoonahayna raaskambooni & xasan turkiba waxaa ay ahaayeen maxaabiis shabaab marka sheekadaasi naga gedmi maysee inoo kaadsha somalimirroray….
Somalidu waxay ku maahmaahdaa beeneey maxaad orod leedahay? Intaysan run iga daba imaanin, beentii cali guure buufin jiray oo ay ka daba timid runtii raaskiyaanbooni. Aryaa cali guure maqaalkan maanta hadaad akhrisay ma nixi? Oo maxaan ka naxaa? Beentaad afuufi jirtay? Oo maxay ahayd beentaasi? Shabaab ayaa banaystay dhiiga kiyanbooniyiinta! Ar laa! Ar waa ka naxaa! Ar sh. Xasan turki waa i fashiliyey, dulyadayna waa i ceebeeyey! Somali mirror intaan ii daaya ha iga tirtirina.
In ummad muslimiin ahi midowdo waa arin wanaagsan oo bogaadin mudan, ummmadda soomaliyeed iyo dhammaan muslimiintana waxaan u rajaynayaa inay ku midobaan XAQA.
Magaca lagu hawlgelayo macno ma sameeyo haddii mabaadiida la isku raacsan yahay waxaanse faaladan ku darsanayaa saddex arimood oo u baahan in maanka lagu hayo si looga badbaado halaagii ummadahii hore ku dhacay.
1. Waqtigii Barashada towxiidka maadda ahaan loo bilaabay arimihii ugu badnaa oo culumadda iyagoo naska quraanka iyo sunnada raacaya dadka ku adkayn jireyn waxay ahayd inaan sheyna heerkiisa la dhaafsiin (kor-u-dhig iyo Hoos-u dhig midna). sidaas darteed haddii magac gaar ah ( Alshabaab ama Ras kambooni)loo qaato waxaan wax laga bedeli karin waxay arintaasu noqoneysaa mid dad badan dhiigooda raacda ka dibna magacaasu ka xoog bado arinkasta oo xaq ah dabadeedna dad badani ku fidnoobaan sidii qoladii Nebi nuux oo shanta nin oo wanaagsaa waqtigay noolaayeen caabudey markay dhinteen ka dib. Waxaay kaloo noqoneysaa Anaaniya: oo ah aniga, aniga, aniga maahee cid kale ma jirto taasina waa jidkii fircoon oo ah dambiiliha aadanaha ugu denbiga badan.
2. Xilka ugu weyn oo eebe inta rumaysay oo rusuhu ugu horayso koonka ka saarani waa in caalamka loogu yeero towxiidka eebe gaal iyo muslinba maadaama Nebigeena Maxamedna NNKH loo soo diray koonkan isagoo naxariis u ah dhammaatiis. Sunnada Nebigeena ku dayasho wanaagsan ayey inoo tahay haddaan ka leexanona waan jabaynaa. Tusaale, Mucaad bin Jabal Yemen oo Diin kale haysatey ayaa loo diray si uu xaqa u gaarsiiyo Eebe waa u fududeeyey markuu raacay dariiqii Nebigi NNKH u jeexay inuu raaco.
3. Inta aan ummad dulman loo hiilin waxaa muhiim inay dadka hiilinayaa naftooda u hiiliyaan marka hore sameeyaan meel tusaale fiican oo lagu dayn karo ah islaanimaduna si wanaagsan uga muuqato. Nebigeena NNKH isagoo Maka jooga ayaa dhib aad arxan daran muslimiintii raacsanayd lagu hayey dabadeedna Madiina ayuu ka sameeyey tusaale wanaagsan oo Muslim iyo gaalba u bogey. Sidaas darteed maadaama in muddo ah aan ummadda muslimiinta ahi arag meel tusaale wanaagsan u ah hirgelinta shareecada Islaamka waxaa fiican in xooga la saaro arintaas gaalo iyo muslimiina xaqa loogu wada yeero.
Salaama calaykum
Alaahu Akbar Alaahu Akbar
Waa wax aad iyo aad loogu farxo runtii dhamaan mujaahidiinta saxda ah ee somalia joogta oo aan dhex joogo galabta ilmo farxad ah ayaa ka dali Alle ayey ku shukrinayaa farxad aan la qiyaasi karin baa Somalia gaar ahaa Mogadishu ka jirto Ilaah baan ugu mahadceliney waxaana wey diisaneynaa in inta dhiman ee Jihaadku saxda ka yahay in ay ku soo biiraan midowgas
Runtii horay baan u sheegay munaafiqiintii jihaadka beenta ah meeshan ka sheegan jirtay ee u maro dhigatay in mujahidiinta la kala furfuro loona kala furfuro qabiil, goboleysi iwm ninkii daacad Alle u noqdo isaga ayaa soo hari
Suntii wey baxday raaskaanbooni baa la laayay shiikh xassan Turki baa lagu duulay, Ogaadeen baa lagu duulay, Shabaab oo madaxdooda lagu diro si ay ugu kacaan ,suntii Alle baa saaray siyaasad been ah iyo qabiil hoosta laga wato diin been laga sheego fiqi siyaasi been ah ee la sheegto waxaas oo dhan Alle baa ka shifi.
Waxaan isku baraarujini dhamaanteen in aan ka qeyb qaadano u duceyno garab istaagno isku soo jiidjiidno
Islamka aan rabno waa kaas aan qabiil laheyn gobol laheyn midab aan laheyn cidii dooni xukunka ha qabato xitaa madow jarer ah waan adeeci inta uu Alle adeecayo.nafteen iyo maalkeenana Alle waxaan uga gadaneynaa raadinta raali ahaantiisa inshaa Allah
Ilaahow islaamka u gargaar midey koryeel
Raaxeeye
Mogadisho
to Duhur
Ninka dhahaya waxaa loomidoobay Hawiye waxaan leeyahay aritaas waa mid meesh ku jirto marki loo eego artagtidaada. Laakin waxaad meesha ka saartay in cid aan hawiye ahayn oo Xabbad ridi taqaana Somaliya ay ku yartahay.
waxaa jirta maah maah somaliyeed oo dhahaysa ” Dagaal waa fara ku hayn” sidaa darteed Hawiye cidi dagaal ugu midowda iyaada meel cad ku hareysa.
war mee xagguu ka dhacay wadaadkii cali Guure ee afhayeenka xisbul islaam ahaa kkkk waa kaftan ee ha iga xanaaqin, sowtan meeshii la idinku cidleeyay adiga iyo xasan daahir, see wax u jiraan miyaa la idinkala hoos baxay ciyaalkii aad soo carbiseen.
ASC. Farascade ninka la baxay , ninyahow waad hurudaa oo qabiil laga tagay ayaa sheegeysaa
Shabab waa ka gudbeen waxaas ,haddii aad aragtag ama aad aqoonsatay rag ka mid ah shababka qabiilkooda , sida sh.fu’ad , sh.Mansur & Raaskaboni taas ma aha macnaha qabiilkaas aa u badan , Hawiye ciidanka ugu badan Shabab waa iyaga 75% muhimna ma aha in la sheego ,maxaa yeelay hadii aan waxkasta qabiil u fiirinayno waa wixii halkaas na dhigay .
It’s a blessing from Allah that today the brothers are uniting while the clans and warlords are falling apart.
bismilaah
ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha ahaato rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba
waxaa wanaagsan in horta ciwaan ay ka dhigaan somalimirror mucaskarka raaskamboni oo ku biiray shabaabul mujaahidiin ,,, heshiiskan oo kale lama yidhaahdo midow ee waxaa loo yaqaan ku biirid ,, maxaa yeelay dhamaan qodobada heshiska ku qoran waxaanu ku naqaanay inay hadaf ma guuraan ah u ahaayeen xarakada ALSHABAAB sidaasna ay kula qaateen hassan turki iyo sxbadiisa kale,,, waxaa hubaal ah in aanu meesha jirin wax la yidhaa midow laakiin ku biirid iyo ka mid noqosho weeyaan tani ,,,,,,]
1- waxaa isweydiin mudan maxaa heshiiskan loogaga dhawaaqi waayay caasimada muqdisho
2- maxaa keenay heshiiskan wakhtigan xaaliga ah iyada oo xisbul islaam dagaalo adag kula galay dariiqa suufiyada beledweyn ….
3- wakhtigan oo la filo duufaan dagaal oo sheekh shariif soo wado xisbul islaamna dhinaciisa uga diyaar garoobay hassan turkina dhinaciisa looga fadhiyay inuu diyaariyo ragiisa
4- ahmed madoobe waa la dagay waayo dagaal culus ayuuna la galay alshabaab wuxuuna ma mid yahay raaskambooni ka dib markii la cunay isaga iyo ragiisii meeshana laga saaray maxaa keenay inay heshiiskan isweydiina idinku oo bal ka faalooda ,,,,,
************************************
inta dhiman ee aad og tihiina iigu dara idinku taariikhdana sida ay tahay u sheega
Akh Muxumad….. kkkkk
warkaadu waa sharul baliyati maa yudhxikuga.
Raaskambooni shanta qof ee Raaska laga saaray mahan. Xalay waad dhageystay ayaan filayaa jawaabtii uu jeediyey mujaahid Axmed madoobe xaley oo uu siiyey bbc da. Xaqiiqdu waa taasi oo aan hore u qorey.
Akhri faalladayda adiga oo cambuuladaada ku cunayo dibadda….
Akh Xog ogaal
Xaqiqda sh. Mujaahid Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xalay…aniga faalladeeyda ayaa tafsiilisay background sheekadan. Marka nothing new here ee yaan karkaarka la isaga weeydaaran
Tii Xisbiga oo rasmigana waa markeeda.
Shan nin mahaan raaska…..Xisbigana u dhutin maayo koox goosatay……jihaadkana mirahiisa in la dhumiyo xisbiga ma yeelaayo insha Allah.
Fasadkuruuna maa aquulu lakum.
Aniga waxan layaabanahay dadka aanan meel fog wax ka.arag ee maan gaabka ah runti walaalkey geedi wuuxuu ahaa shaqsiga ugu qorida badan uguna afkaarta xun dadka meeshaan wax ku qora geedi waxad lamid tahay dad badan oo hore anan wax u fahansanen lkn hada wax fahmay sodhawow walal hadi ad hada nafahantay runti awal ma ogen waxa lesku haysto iney aheyn bay iyo bakool puntland somaliland lkn ey tahay muqdisho shabelooyinka hiiraan iyo galgaduud kulina waa dhul hawiye hawiyow wax fahma hore waxaa daaqada uga baxay sheekh shariif iyo tageerayaashisa hadane waxaa daaqada ka baxay xasan daahi aweys iyo taageerayaashiisa alow hawiye wax fahansi waa maan gaabye
Baafin
Cali Guure
Saaxiib ku mee mise waa lagu xayirey oo macluumaad aan Somalimirror u bogin ayaad goobta keentey?
Aniga xataa maqaalkeygi way tuureen, sidaas darteed baan qiyaasayaa in waxa leygu sameeyey oo kale lagugu sameeyey, hadaad “mujaahidiinta” sidey wax u arkaan si gedisan sheegtey.
Anigu shakhsiyan midowgaas la sheegey waan ku faraxsanahey, alxaraka lahaa baraka. Meel fadhiga unbaa xune dhaq dhaqaaqa siyaado ama nuqsaan unbaa laga helaa.
Anigu dadka sida manhajiyantaa oo qotada dheer Shabaab iyo kafiilkooda caalamigaa ee Alqacida uga soo horjeeda ayaan ahey. Hadey wax u kordhaana nuqsaantooda iney u deg degayaan unbey ila tahey, hadey wax ka nuqsaamaana shartoodoo caqabo la kulantey iyo cimri gaabnidooda unbey ila tahey.
Soomaalidu waa ha yaacdo iyo dad aan xisaabtamin. Markii halgankii Itoobiya lagu jirey oo aan ku mideysneyn, ayaan hadana ishaari jirey mar kastaa in Shabaab Alqacida ka tirsanyihiin ahdaaf soomaaliyeedna aysan wadine ahdaaf shisheeye ay meeshaan ka fulinayaan. Dadkii igu inkiri jirey hada markii wax kastaa cadaadeen dib iiguma soo war celin, ee hore ayey ugu sii ordeen qaladkoodi!
Ninka la baxay duhur, ee dhahay Hawiye ayaa loo tashaday , waan ka xumahay in dacayadii xiligeedii la soo dhaafay, HAWIYE aniga ayaa ah waliba curadka hawiye, waana ka baxay soow raggii amxaaro dalka ku soo hogaamiyay sida CALI M GEEDI , CABDI QAYBDIID IYO SALAAD CALI JEELLE kuma jiraan hawiye , mujaahidiinta dhinac ka raac.
Horta arinta ilaa shalay la waday ee ahayd waxa shabaabka khawaarij ku sheegay sh umal oo yidhi kii ay dilaan waa ehlo janno kii iyaga dilana waa ehlu janno xagee ku dambaysay,
arintaasi hadii culumo kale oo fara badnai ku raacdo ka warama sow xiligii taariikhda shabaab la qori lahaa ma soo dhawa.
waxyaalaha ugu khatar san ee heshiiskaas ku jiray waxaa weeye sida qar iska tuurnimada ah ee loogu goodiyayo africa iyadoo ehlu sunne far lagala bixi waayay .
soomaalidaa hore u tidho aabo kan yar iga qabo oo kan wayn igu sii daa !!!!!!!!!
WAN WEYN ILLAA LA QOWRACO CIRKA MA ARKO. HADABA DHAMAANTIIN WAXAAD MEESHA ISUGU JIIBINAYSAAN WAA DULMI DULMI DHALAY OO . AY IDIIN FIICAN TAHAY IN AAD KA HARTAAN WAA SHEEKADII SHALAYUU IMAAANKA AY UGA DHIGTEEN SHEEKH TIRKI IYO SHEEKH AWEES NINTA AAD KU SHEEGTAAN JAALE SHARIIF . WAA TUU KA GOOSTEY SAA XAQ LAGUMA HESHIINE . WAA TII OO UU JAALE MADOOBE LAGU BAACSADAY SAA HADAFKIISA AYAA KA HORYIMID SIYAASADA QARSOON EE LA DADAYEY. SAA WAATAAD OGEEDEEN WIXII KISMAANYO KA DACAAY . OO DHIIGAGOODU XALAAL ISAGA DHIGAY . SAA WAATAA WELI SOCOTA OO MARBA QORSHE LA ISUGU MALEEGAYO CALAA KULI XAAL FIDNADAAN KA DIGTOONAADA YEYSAN SAAMEEN NAFTIINA DIINTIINA CAQIIDADIINA DHAQAALAHIINA . DOQONBAAN WAX GARANE MAXAA WAX LA IDIIN SHEEGAY.
kuwa ku fasiray arinkaas qabiil waxaan idin leeyahay allaha idin soo hanuuniyo qalbigiina ayaa jirane , maxaad afraaada timid meesha daliil aad uga dhigaysaa in arinkaasu qabiil yahay fiira gaabnimadiina , miyaysan dhici karin in qadarta alaah in arinkaasu ku dhacay? oo miyaadan ogayn labada qabiilba in ay ku kala jiraan labada urur , iyo walibo muslimiinta caalamkoo idil,
midda ku saabsan midnimADANA WAA GUUL USOO HOYATAY MUSLIMIINTA inta hartayna allaha noo siyaadiyo, wixii munaafiq ah way ka naxi wayna ka murgi sida wadaad yare oo kale oo muslimiinta ku caayay in ay yihiin shayaadiin asagaana shaydaan waynaaday ah gaala kalkaalna ah, wixiii muslin quman ah oo dhana dabcan way ku farxi
walxamdulilah
Adoon Eebe, fikir aad u wac iyo talooyin maangal ah ayuu soo jeediyey. Waana ku mahadsanyahay.
MAXAAD NOO SOO KORDHISEEN XIMAARADA QYLO DHAANTA AY KA DHAMAATAAY.
MASHXARADII SHALAY . SHEEKADII SHALAY MA DHURWAA BAA CUNAY . DIINTII SHALAY DAGAALKII SHALAY MA BEENBEENTA QABIILKAA LIQAY. DURBAAN TUMKII SHALAY ALALAASKII SHALAY MA SHARAFTAA LIQDAY. DAMEEREYDII SHALAY DAAROODSIGII DORAAN MAXAA DUURKA GELIYEY.
DIINTII SHALAY LA SHEEGANAYO XAQII LA DHICINAYEY MA WAXAY DHASHEY WAA DIRTII WAQOOYIYO DAAROODKUU OGAADEENNIMIYO. SHALAANKOOYEY RAXANWEYN BAA DOOLAD DHALIN KARA MAANTA . MAREEXAAN XAGUU DEGEY DUQOOGII MEEYEY DOOWLAD BAANU NAHAYDII LABAATAN GU IYO JIILAAL SOOMAALI BAAN HAGEYNEY MEEYEY MAGACAY KU FAANEEN . MAJEERTEEN MAANDHE ANAGAA BOQORIYO ISMO IYO ISLAAMO ANAGAA ILBIX NIMIYO GOBANIMU NA LOO XIREY ISBAARO NOO TAHAY MEESHAY BAY MAREEN . DHULBAANTIHII CAMELOOS IYO SEYIDKAAN U HAGEYNEY DUUB LAY CAANIYO DARAAWIISH LA ORAN JIREY SIYAASADII SOOMAALIYA DHABAR BAANU U NAHAY MA HUNGURAA DILOODAY MA DUURKAY DHEX JOOGAAN MA MACALUUL IYO GAAJIYO GAROOBAY TUBAN YIHII,
OGAADEEEN SHEEGIS MALEH
HAWIYEY KA LIITAAN ISKU SOO DUUB INTAAS WAAQURUNKII QABIILKA IYO WIXII LAGA DHAX LEY . DIINA NOQON MEYSO CABSI EEBE KEENI MEESO. WADAADADAAN IS HEYSTANA AYAGAA IS CAJABIYEY FIDNADANA QEYB KA AH EE KA DIGTOONAADFA DAD YAHOW ILAAH KA BAQA AFKIINA KA DHOWRSADA MASLAXADIINA AQOODA WAA TAAS LIIBAANTA