Al-Shabaab & Mucaskarka Raaskaambooni oo Shaaciyey inay Midoobeen.

Published on February 1, 2010 by   ·   60 Comments   ·   print

Shirjaraa’id oo Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Mucaskarka Raaskaamboni si wada jira ugu qabteen Magaalada Baydhabo ee Xaruna Gobolka Bay ayey ka shaaciyeen inay si rasmi ah u midoobeen Al-Shabaab iyo Kaambooni isla markaana ku midoobeen Magaca Shabaabul Mujaahidiin.

Shirka Jaraa’id oo ay Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac qabteen ayey ku shaaciyeen in ka dib Kulomo dhowr Maalmood u socday oo ay labad a dhinac yeesheen isku waafaqay in lagu midoobo Magaca Al-Shabaab.

Xubnaha Arinkan Shaaciyey ee sida wada jirka ah Baydhabo shirka Jaraa’id ugu qabtay waxaa kamida Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf iyo Sheekh Max’ed Dulyadeyn.

Sheekh Fu’aad oo Saxaafada u aqriyey dhowr qodob oo ay labda dhinac ku heshiiyeen ayaa yiri:“halkaan waxaanu ku cadeyneynaa labadaa Mujaahidiin oo walaalaha ahaa inay ku hashiiyeen:

1. in la mideeyo dhamaan Mujaahidiinta labada dhinac ayaa lagu heshiiyey.

2. Raadinta Midnimada Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta inta dhiman ee Mujaahidiinta ah waxaanu raadineynaa inay soo galaan Midnimada ilaaheyna wuu rumeyn doonaa.

3. in loo howlgalo dhismaha Dowlad Islaama oo hirgaliso shareecada Alle.

4. in loo hiiliyo Umada Muslimka ah siiba Shucuubta Muslimiinta ah ee ku nool bariga iyo geeska Africa kuwaas oo ku hoosnool Cadawga Kiristaanka ah lagana tira badanyahay.

5. si loo soo celiyo sharafta Muslimiinta ee dhaawacantay quwadooda siyaasadeed, awoodooda dhaqaale, Cududooda Milatari waa in lamideeyaa Muslimiinta kunool geeska Africa iyo barigiisaba lana tirtiraa Colaada Gumeystuhu dhexdhigey, Colaada Musliniintana Gayigaan oo dhan inay ka dhamaato.

6. in laga hortago Duulaanka Saliibiyiinta Caalamiga ah ee ay ku soo qaadeen Muslimiita isla markaana Jihaadka ka socda geeska Africa lagu xiro Jihaadka Caalamiga ah”.

Sheekh Max’ed Dulyadeyn ayaa isna Goobta ka aqriyey Xubnaha labada dhinac uga qeybgalay wadahadalada islamarkaana Heshiiskan saxiixay wuuxuuna sheegay in dhanka Raaskaambooni ay u mataleen Heshiiska:-

1. Sheekh Xasan C/laahi Xirsi oo looyaqaano Sh Xasan Turki.

2. Sheekh Max’ed Max’ed Cali oo looyaqaano Dulyadeyn.

3. Sheekh Max’ed Axmed Guhaad abu Sacad.

4. Sheekh C/qaadir C/laahi Max’ed.

5. Sheekh Ibraahim Aadan Ibraahim.

Dhanka Xarakada Shabaab waxa Heshiiska u saxiixay:-

1. Sheekh Maxukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr Amiirka Al-shaab.

2. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu mansuur.

3. Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf.

4. Sheekh C/raxmaan Axmed Aadan (C/raxmaan Siiro).

5. Sheekh Abu Bakar Zeylici.

Dulyadeyn ayaa ugu dambeyn Dadka ugu baaqay in lagu taageero laguna Farxo Howsha ay qabteen.

Waxaa la ogsoonyahay in Mucaskarka Raaskaambooni uu kamid ahaa Garabyadii ku Midoobay Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Turkina wuxuu ahaa gudoomiye kuxigeynka koowaad ee Xibiga, haseeyeeshee Mas’uulka Maanta u hadlay Mucaskarka sooma hadal qaadin inay ka baxeen Xisbul Islaam iyo inkale.

Sidoo kale Majiro war ka soo baxay Mas’uuliyiinta Sarsare ee Xisbul Islaam oo ku aadan kubiirida ay Shabaabka ku biireen Xoogaga Mucaskarka Raaskaambooni, mar aanu la xiriirnay qaar kamida Madaxda Xisbul Islaam waxay sheegeen inay arintan dib war uga soosaari doonaan. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Abu Mansuur oo Shaaciyey inay AMISOM isku dabariday Qorshe Dagaal oo Cusub.
  2. Sheekh Shariif oo Sanadguuradiisii Koowaad ka shaaciyey inay Dagaal u diyaar garoobeen.
  3. Mucaskarka Raaskaanbooni”waan la dagaalami doonaa AMISOM inta ay ku jiraan Gudaha Dalkeena Soomaaliya.”
  4. Maamulkii Kismaayo oo ku biiray Al-Shabaab
  5. Xubnaha Baaralaamka KMG ah ee ka soo jeeda Punt Land oo Shaaciyey inay ka Xunyihiin Dadka Itoobiyaanka loo gacangalinayo.

Readers Comments (60)

  1. yamyam says:

    Sh. Ummal toos al-shabaab carrabka uguma dhufan laakiin sheikh kawaarijta uu ka hadlayey in ayanka loogu duur xulayo waa iska caddeed. Maanta sabab kale oo khawaarij looga hadlo oon ka aheyn arrinta shabaab iyo alqaacida ma jirto. shabaab ereygaas khawaarij waa ka xanaaqaan. sababtoo ah farta iyo meesha bugta ayaa is og. waxay og yihiin cid kale oo khawaarij loo isticmaalo oon ayanka ka aheyn ineysan jirin.

  2. Geedi says:

    @ibn mubarak.

    Sheekh umal ashahaado la diriryada waagacusub iyo dalkanews baa awalba been ka sheegay isaguna nairobi buu ka radiyay!!!1
    khawarij waa la yaqaan adigana wax baro aad baratid waxa khawaarij la yiraahdee!!!

    suufiada sida dawlada ridada ayaa gaaloo dhan taagereysaa saasoo ay tahay hada waxay ku uruursan yihiin dhuusomareeb oo dhowr jiho laga joogo iyo guriceel oo ay dhufayso waaweyn ka qoteen lagamana cabsi qabi inay mar danbe wax weeraraan in la weeraro mooyee.

    intaas waa iga akhbaar.

  3. caalam says:

    wadaad yare
    awalan saaxiibkaa war laguma celinee naxdin ayuu la maqnaa inkastoo uu uja waabay rag maqnaashahiisa ka yaabanaa
    mida kale baqtiga ma cuno fuudkiisana waan cabaa masoconeeso sxb al qaacidda waa midda hogaanka u heesa jihaadka caalamiga ah amiirkooduna waa sheekh usaama allaha xafidee shabaabna waa qeyb ka mid ah jihaadka lagu doonayo in lagu soo dabaalo caalamka diinta allaah waxaana u mahadcelinayaa akhyaarta somalimirror waad mahadsantihiin

  4. Cali Guure says:

    Somalimirror fadlan baandowga iga qaada. 2 maalmood waa maalmo badan.

    Faysal iyo kooxdiisa

    Tacliiqayga waa tirtireen Somalimirror oo weliba cunaha igu dhegeen. Laakiin Axlamdu lilaah sheekh Xasan Dahir iyo Axmed Islaam ayaa xaqii caddeeyey.

    Waxaan shaki ku jirin inay Somalimirror aragtay khatarka khalifiyaadka aan ka hadlay. Marka wax baro oo war hubso. xukumka aad ridayso left and right with ignorance waxay ku tusinaysaa sida diinta kuugu yar tahay oo aan maanta lahayn xalaqa ay shabaab kuu diraan aanan ka ahayn tan culimada ay ku lacnadaan.

    Tacliiqan waa mid aan u qorey maqaal kale oo la hadaf ah midkan. Waxaan arkay inaan ugu soo celiyo ciddii ay dhaaftay li ahmiyatihi.
    ________________________________

    Akh Xog ogaal iyo Dr Yaabane iyo akhyaarta kale ee xaqa siduu yahay ugu hiilisay calaa ikhtilaafin fi darjaat ishaad ka rideen.

    Cali Guure hore ayuu idinku warramey, maantana warka waa uu cad yahay. Dulyadayn masrixiyadiisa saacado yar ayay jirtay. Dib u akhriyay tacliiqaadkayga aniga oo sheeganayn inaan wada saxnaan karey hadda ka hor.

    Sida wax u dhaceen waa la sheegay, haddii Somaali mirror cunaha i siidayso insha Allah waan soo qori doonaa khalfiyaadka ama backgroundka hoose ee arrintan. Am insider walaa tazkiya.

    Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in Godane doonay inuu ku seeto dheeraysto magaca sheekh X Turki oo xanuunsan kaddib markii:

    - ay fashilantay midowgii beenta ahaa ee uu ku doonayey in lagu waafaqo manhajkiisa takfiiriga ah

    - Ay Mucaskarka kambooni oo garab xisbiga ay si toos u billaabeen jabhayn diini ah

    -Markii ummaddii aragtay dhiigga muslimiinta iyo mujaahidiinta baneeysteen fii ash-hurul xurum

    -ay soo afjari waayeen dagaalladii dulmiga ahaa ee jubbooyinka

    -dadkii ku fahmay sida ay beela ugu adeegsadeen jebinta mujaahidiinta jubbooyinka iwm.

    - Xisbiga si cad ugu diiday midnimo aanan ku dhisnayn manhaj salafka fii baabil iimaan

    -Xisbiga u caddaatey in shabaab doonayn dowlad Islaami ah oo Soomaaliyeed

    -Xisbiga ugu caddaatey in shabaab isku qoriddooda alqaacida dan ugu jirin shacbiga Soomaliyeed iyada oo walaaga diiniga la dhuminayn.

    -Xisbiga u caddaatey in Godane lahayn hoggaamin laakiin uu leeyahay cabsis, khaarijin diinta Alla beri ka tahay taasi oo wiiqday sumcadii jihaadka

    - Xisbiga u caddaatey shabaabka khilaafkooda keeni karo burbur aanan la mahadin karin haba qarsadaane

    -Xisbiga u caddatey in miraha jihaadka dhumi karaan haddii aanan loo rogin barnaamij siyaasi oo diiinta iyo danta ummadda ku jirto

    -Xisbiga ka dhex furmay niqaash diini oo dabayl caafimaad iyo guul dhab ah horseedi karana haddii si fiican loo daadihiyo

    -Xisbiga bilaabay inuu ururiyo culimadii salafka ee dhabta ahayd gudaha iyo dibadda, guda galayna calool baadh daliil sharci ku dhisan

    -Shabaab doonayaan inay ilqeeyaan oo tirtiraan wax magac culimo wato oo dhan

    -Shacabkii arkay in shabaab yihiin kuwo bililiqaysanaya macnaha dhabta ee diinta sida ay u bililiqeeysteen rag xisbiga ka mid ahaa calaa xasb sheekh xasan Dahiir fii niqiishi alakhiir

    Arrimahaasi iyo kuwo kale oo markeeda iman doono waxay xisbiga madaxdiisa ku khasabtey in drawing board ku noqdaan iyaga oo ka tanaasulid shacriga iyo himilada dawladda Islaamka.

    Waxaan shaki ku jirin haddii xisbiga soo celiyo dowrkii culimada Soomaaliyeed lana yimaado barnaamij siyaasi in shacbiga miskiinka ah loo turi doono oo shareecada hirgelkeeda haaka ku oron doono.

    Sidoo kale waxaan shaki ku jirin in shabab u furnayn wadda aanan ahayn inay xisbiga ku daba faylaan. Haddii kale they are comitting suicide for ay ku heli doonaan lacnada inta xaq doonka.

    Abu Xamza

  5. muslim says:

    ASC waa idiin soo goobayaa walaalayaal
    Diinta sidii la idiin amray u raaca, waxii la idin faray sameeya, waxii la idinka reebay ka hara.

    tan kale Dadka Muslimka ah , midka Gaaladdu ugu necebtahay Jeclaada, illeen Gaalada qilaafa ayaa nala amray.(xikmad ayaana ku jirta eraygaa}

  6. muse says:

    Alshabaab umada sharkeeda iyo kala gayntooda umbay ka sheqeeyaan.

    midana midnimo laguma tilmaami karo ilaa dhiigay xaalashadeen meel lagu ogaado oo xaloo helo.

  7. khaadimul-ISLAAM says:

    to: somalimirror : ii sheega naseexadaas meesha aad ka saluugteen , si aan u ogaado haddaan qaldamay dhankasta oo ku saabsan ra’yigaan aan soo jeediyay. haddii kale qaladku waa xaggiinee akhristayaasha u cudurdaarta amaana ahaan haddii kale meeshiina ammaano waa ma lahan oo la iskuma aamini karo maadaama cilmiga iyo naseexadu boggaan ku nabad gali waayeen.

    Your comment is awaiting moderation.
    BISMILLAAH.
    WALXAMDU LILLAAH.
    WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.

    ammaa bacdu : raggu waa is dagaali karaa waana heshiin karaa ee haddii bah duur joog ee dugaaga oo uu ugu xoog badan yahay[libaaxu ] haddii ay is dagaalaan waxa ay isku dagaalaan oo ugu wayn waa maxay ??? waa hunguri waana wax cad oo la yaqaan !!! haddaba waxaan aad isu waydiin jiray marwalba maxay isku hayaan wadaadan walaalaha ah ee soomaaliya ee cadawga shalay la wada dagaalamayay , ma wax cad oo sidaa dugaaga dagaalkooda loo yaqaan bay ayana ku dagaalamayaan mase wax kalaa jira ??

    marka in yar aan gadaal u eegno taariikhdii dhawayd ee raggaan markii laga soo bilaabo waqtigii axmaarada laga saaray soomaaliya oo ay la soo baxeen magacyo cusub iyo kuwo kaloo horay u jiray laakiin magac cusub la baxay , tusaale ahaan : waxaa la wada watay magac duuduuban [ maxaakim ISLAAMIYA ], markaas baa axmaaro iyo basaasiintoodii soo weerareen soomaaliya markaas baa lakala baxay ayadoo la wada joogo laakiin aan gacan la isu qaadin , markaas baa durbadii waxaa kala jabay magacii duuduubka loo watay oo kala noqday [ garabka maxaakimta ee asmara] iyo [ garabka maxaakimta ee jabuuti], waxaa haddana si aan aad muuqan soo if baxay magaca [ jabhal-ISLAAMIYA ama jabiso ], ayadoo saas loo wada halgamayo baa waxaa burburay garabkii maxaakimta ee garabka asmara markaas buu garabkaasi asmara u xuub siibtay afar urur oo isu tagay lana magac baxay [ xizbul-ISLAAM ], intaas [ alshabaab] ALLAAH baa u cid ah cid kale oo soomaaliya soo dhawaysaa waa kaaf iyo kale dheer , waxaa lagu xantaa shabaabka alqaacida iyo muslimiinta carabta dhalintooda baa taageero siiya, markaas baa waxaa isla markiiba kala burburay [xizbul-ISLAAM ]oo indha caddaa ka baxay , dr.cumar imaam baa iska casilay , sh.turki baa asna carigiisii isaga noqday, markaas baa waxaa la maqlaa in alshabaab ALLAAH u fududeeyay inay nasiib u helaan inay meeshay qabtaan ammaan ka dhigaan macruufkana faraan munkarkana ka reebaan dadka beelahana heshiisiiyaan , zakadana qaadaan xuduudana oogaan , ayadoo intaas la joogo baa in badan oo firfircoon oo ka mida xizbul-ISLAAM la heshiiyeen walaalahooda alshaabaab oo wax ku darsadeen , haddaba waxaa is waydiin leh maxaa raggu isku hayaa ?? sow isku caqiido ma ahan?
    markaas baan soo xasuustay in kulli aan la qadanayn ee qolo qaldan tahay xaqquna uu mid yahay ee waxa kaliya ii ragga isku diraya uu yahay oo qura { x a s a d ] ku jira ragga qaarkiis oo aan la is ogayn ama la og yahay ee dib ugu noqda goorma ahlu kitaabku xaqqa diideen ?? waa markii uu cilmugu u yimid ee ay arkeen xaqqii , haddaba waa farxad aad iyo aad u wayn haddii dadkaas walaalaha ah uun ay heshiiyaan waxaana ka naxa waa uun xaasid iyo shaydaan , ALLAAH waxaan ka baryay inta kale in uu xaqqa u bayaaniyo oo quluubtooda ku sharaxo sidii ay hal saf u wada noqon lahaayeen aamiin.

    haddaba walaalaha mujaahidiintooy iska ilaasha todobo fayruus oo cudur ah oo aad u xun oo dilaa ah loo aan laga caafimaadi karin ALLAAH oo kaa caafiya mooyee haddaan nahay soomaali :

    1]- xasad, 2]- isla wayni, 3]-jahal
    4]- aarsi 5]- hiilo-doqon 6]- been
    7]- qabyaalad.

    xaqqa ku mdooba , xaasidnimada tuura , walaalo noqda, isu calool xaara , xasuusta RABBIGIIN, xasuusta aakhiro ,xasuusta inta idin taageersan ee u riyaaqsan in aad ku xukumi doontaan ISLAAMKA baladkaan muslimiinta la rabo in laga af maroojiyo, xasuusta sida ALLAAH idiinku gargaaray, xasuusta sida aad aydeen iyo sida aad noqoteen, ku noqda xisaabta oo isu naxariista.

    ALLAAH UGU SHUKRIYA SIDA UU IDIINKUGU NICMEEYAY GUULAHA FARAHA BADAN EE AAD LA’AANTIIS AYSAN idiin suura gasheen.

    ALLAAHUMMA LAKAL XAMDU .

    WALLAAHU ACLAM WA AXSAN WA AKBAR.

    binfaqiih@hotmail.com

    khaadimul-ISLAAM | Feb 2, 2010 | Reply

  8. liibaan says:

    alshabaab qabiil ma raali galinayaaan allah ayay raali galinayaan hawiye haduu ka maqanyahey iyo hadii kaleba hawiye asagaa u badan alshabaab sida dowlada kumeelgaarka ah ma aha oo qabiilka xoog badan wasiir siisa qabiilka tabarta yarna aan waxba siin alshabaab allah ayay raali galinaayaan waxna kama galin cida meesha ka maqan iyo cida kale qabiil wayka gudbeen alshabaab nimanka dhahaaya hawiye loo midoobey caradiina ku dhinta anaga hawiye hadii 1 hawiye ahna alshbabaab laga waayo taageeradeena makala laabaneyno waan jecelnahey mujahidinta munaafiqiintow caradiina ku dhinta

  9. Cali Guure says:

    khadimka ninka isku tazkiyeey

    Akhii wax hubso. War la’aan ayaa ku haysaa. Markaad wax hubsato la soo shir tag wax aad hubto. Haddii kale ogow inuusan laaablakac waxba tarayn.

    Dadkeenna saaxada jihaadka jooga ayaad noo icraabeysa waxa dhacay iyo waxa la isku hayo.

  10. mahamed shiine says:

    ASC all somali pple
    al shabab ma muslimba
    al shabab ma wadaniu baa
    al shabab maxaqa dadtusan
    al shabab ma wakiil ilaah baa
    al shabab <——–hadaba hadaad is waydiso
    al shabab waa cudurka hiv cudurka dabar gonta
    islamka diinta inla qarabto waa iska cudur al shabab somjaliyey tosa kaca waad qaliban teene




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Abu Mansuur oo Shaaciyey inay AMISOM isku dabariday Qorshe Dagaal oo Cusub.
  2. Sheekh Shariif oo Sanadguuradiisii Koowaad ka shaaciyey inay Dagaal u diyaar garoobeen.
  3. Mucaskarka Raaskaanbooni”waan la dagaalami doonaa AMISOM inta ay ku jiraan Gudaha Dalkeena Soomaaliya.”
  4. Maamulkii Kismaayo oo ku biiray Al-Shabaab
  5. Xubnaha Baaralaamka KMG ah ee ka soo jeeda Punt Land oo Shaaciyey inay ka Xunyihiin Dadka Itoobiyaanka loo gacangalinayo.

Latest Headlines