Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon oo Sabtidii shalay ka hadlayey Arimo ku aadan Shirka Midowga Afrika Maanta Addis Ababa uga furmaya ayaa soo hadal qaaday arimaha Soomaaliya wuxuuna Sheegay inaysan Xiligan Q.M Soomaaliya u direyn wax Ciidana.
Ban Ki-moon oo ka jawaabayey Su’aal Somaaliya ku saabsan oo la weydiiyey ayaa shardi uga dhigay Ciidamo ay Q.M u soo dirto Soomaaliya in marka hore Nabadgalyo leysku haleyn karo laga helo Soomaaliya.
Ban Ki-moon oo Su’aasha laweydiiyey Saxaafada uga jawaabayey ayaa yir:“Dhab’ahaantii waqtigaan suurtagal maahan in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalineed, anagu waxaan u baahanahay Nabad aanu ilaalino wax nabadgalyo layiraahdana haatan kama jiraan Soomaaliya waqtigan la joogo”.
Midowga Africa ayaa horay Q.M uga codsaday inay Soomaaliya u soo dirto Ciidamado Caalami ah oo badala kuwa AMISOM ee haatan ku sugan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Hadalka ka soo yeeray Xoghaya Guud ee Q.M ayaa Dhabar Jab ku noqonaya Midowga Africa iyo DKMG oo u ololeynayey sidii Dalka loo keeni lahaa Ciidamo aad u Xoogan oo ay Leedahay Q.M.

Related posts: