Dagaalo kookooban oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Baladxaawo iyo Afmadow.

Published on January 31, 2010 by   ·   15 Comments   ·   print

Dagaalo kookooban ayaa Xalay Saqdii dhaxe iyo saaka aroortii hore ka kala dhacay Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose gaar ahaan Magaalooyinka Baladxaawo iyo Afmadow, waxayna u dhexeeyeen Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Kooxo soo weeraray.

Dagaalka koowaad oo ay sheegteen inay soo qaadeen Xubno ka tirsan Kooxda sheegata Ahlu Sunah ayaa waxa abaare 02:00AM xalay saqdii dhexe uu ka dhacay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gado halkaas oo uu ka jiro Maamul hoostaga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay in mudo ah Maqlayeen Rasaaas Xoogan oo ay isweydaarsanayeen Ciidamada Maamulka Baladxaawo iyo Kooxdii Weerarka ku soo qaaday.

Lama hayo khasaaraha Rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii ku Dagaalamay Baladxaawo baladse waxaa la sheegayaa in uu Dagaalka ku dhintay Qof rayida.

Mudo kadib ayey Xaaladu caadi ku soo noqotay waxaana Saaka Dagan Xaaladaha Guud ee Degmada Baladxaawo iyadoona la arkayey Ciidamada Maamulka Xarakada Al-Shabaab oo Magaalada gaafwareegaya.

Dhanka kale Saaka waabarigii hore ayuu Dagaal ka dhacay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose wuxuuna u dhexeeyey Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Magaaladaas Gacanta ku haya iyo Rag Hubeysan oo Weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada ONLF ay soo weerareen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose waxayna intaa ku dareen inay iska Caabiyeen.

Majirto cid sheegatay weerarkaas Marka laga soo tago eedeeynta Al-shabaab ay ku eedeeyeen ONLF, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay Maadaama uu aad u koobnaa.

Xaaladaha Amaan ee Gobolada Jubooyinka iyo Gado ayaa deganaaMaalmihii ugu dambeeyey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  2. Xaalada Deegaanka Goobo oo Saaka Degan kadib Dagaal Shalay ka dhacay.
  3. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.
  4. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer
  5. Dagaal ka Bilowday inta u dhexeysa Afmadow & Bu’aale

Readers Comments (15)

  1. faiza cali says:

    allah ayaa mahad leh hadiiba umadii allah uu kukacay, oo deegaankii allah kukiciyay maad artaan meel cisbiga uujogo oo shabacka ayay werarayaan.maan shaa allah ayaan leeyahay kuwa khawaarijta ah ee allah caasiyay. wayna dhamanayaane alooooow, islaanimo dhab ah nagu dil.

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.
    WALXAMDU LILLAAH.
    WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.

    ammaa bacdu : shabaabal mujaahidiin wax wayn bay u qabteen ummadda muslimka ah ee soomaaliya waxaana markhaati ka qofkastoo muslima oo aad ula socda xaaladda maanta iyo tii shalay, waana wax laga yaxyaxo haddii canaasir xaasidiina ay wali xabbadda ummadda ku wadaan kuwaas ay ku miiraysatay aafadii ka daranayd kansarka [qabyaalad] waxayna u soo huwiyen magac aad u qurux badan [ahlu sunnah waljamaacah], waxaana ka sii yaab badan in dadkii halgamayaasha ahaa ee aan ka sugaynay inay ciidamada abraha ka xoreeyaan dhulka ay dagan yihiin ayaga iyo ummadda kale ee muslimiinta ah inay soo hunguriyeeyaan dhulalka ay shareecada ALLAAH lagu maamulo ,!!!!! waxaana habayn dhexdaasa[bbc]da landan qaybteeda afka soomaaliga la soo xiriiray amxad madoobe asagoo ku hanjabaya in uu dagaalka wadayo oo uusan marnaba ka tanaazulayn hadafkiisa uu wato , taasna waxay kuu caddaynaysaa in dad badan oo jirran ay wali dagaal ku hayaan shabaabka wanaagga iyo ammaanka ka wada dhammaan meelaha ay gacanta ku hayaan , waxaase is waydiin leh maxaa dadka ka leexinaya wanaagga oo u leexinaya xumaanta ??

    jawaabtu waa caddahay waa ibliis iyo ciidamadiisa insi iyo jinniba .

    meelaha shabaabka ay gacanta ku hayaan waxaa looga markhaati kacay arimahan soo socda :

    1- fulinta shareecada ALLAAH.
    2- sugidda ammaanka .
    3- ciribtirka qabyaaladda iyo afxumida.
    4- la dagaalanka maandooriyayaasha si tartiiba
    5- u xijaabidda dumarka iyo ragga oo lagu
    amray inay la yimaadaan waxii sunnada
    ay fartay sida shaaribadda oo la jaro iyo
    garka oo la daayo , marada oo la gaabsho.
    6- qaadidda isbaarooyinkii oo dhan.
    7- macruuf farid iyo munkar iska reebid.
    8- waqtiga salaadda oo la xiro goobaha shaqada
    9- walaalaysiin ummadda iyo aslixin dhexdooda
    10- zakada oo si caddalada loo qaybiyo.
    11- waxbarasho fiican iyo tababaro qaaya leh oo
    aan horay loo heli jirin .

    Intaas waa inta aan looga markhaatiga kacay oo dadku intiisa badani wada arkeen lagana wada dharagsan yahay laakiin haddaad qof ka soo horjeeda khayrka aad wax ka waydiiso guulahaas waxuu kuugu jawaabi waa waxba kama jiraan maxaa yeelay waa cadaw aan war iska hayn oo aanba rabin wax khayra .

    iyo in badan oo aan halkaan ku soo sheegi karin , waxaanse habboonaan lahayd in shabaabka iyo xizbul-ISLAAM ay ku dhawaaqaan imaaraddii waynayd ee soomaaliya oo hal meel ay isugu yimaadaan haddaan wax cudur daara la hayn,waana dad walaala ah oo isku caqiida ah, waxaa kaliya oo u haray waa inay u midoobaan inay hal ul iyo diirkeed noqdaan , ka dibna dhammaan walaalaha soomaaliyeed oo dhan ka qayb qaataan imaaradaas islaamiga ah .

    WALLAAHU ACLAM.

    binfaqiih@hotmail.com

  3. cali awaare says:

    qoraaladiina waxaa ku badan in aad tiraahdaan kooxda sheegata ahlu sunnah, hase yeeshee weli lama arag idinka oo qoraya kooxda sheegata shabaab mujaahidiin inkastoo labaduba aysan ahayn waxa ay sheeganayaan. muslim dilkiis mujaahid laguma noqon karo. sidaas darteed waxaa fiican in la yiraahdo sodoo kale kooxda sheegata mujaahidiin, hadii kale akhristayaashiinu waxay u malaynayaan in aad shabab taageertaan. mahadsanid

  4. abu maxamed says:

    bismilaah alxamdulilaah wasalaatu wasalaamu calaa rasuu lilaah amaa bacdu
    walaalayaa waxaan hadalkeeyga ku bilaabaayaa ilaah hadalkiisa subxaanah watacaalaa uu yiri -asigoo kawaramaaya ugana diga rasuulka suuban csw iyo muslimiinta in ay tafaraaruqaa waxa uu yiri:-WALAATAKUUNUU MINA AL MUSHRIKII.MINA ALLADIINA FARAQUU DIINAHUM WAKAANUU SHIYCAN KULU XIZBIN BIMAA LADAYHIM FARIXUUNA
    rabi subxaanahu watacaalaa waxa uu yiri war hanoqonina kuwa kamid ah mushrikiin kuwa diintooda katagay ee noqday kooxo ALSHABAAB,XISBUL ISLAAM ,AHLUSUNA IWM
    rabi subxaanahu watacaalaa waxa uu aayat kale kuleeyahay WALAAYAZAALUUNA MUKHTALIFIINA ILAA MAN RAXIMA RABUKA
    walaalayaa aan rabi kacabsano oo yaynaan kamid noqonin qolooyinka diinta ilaah kaleexday
    maanta xarakaatkaan aad ujeedaan ee xalaaleestay maalkii sharafkii iyo diigii muslimiinta ha oranina waa mujaahid
    haadaa wabilaahi towfiiq
    wasalaamu calaykum waraxmatu alaahi wabarakaatuhu

  5. xasan aadan says:

    war midkaan tirinaayo waxa aan waxba ka jirin ee uu leeyahay gobolda ayay ka jiran waa layaabay.

    oo sheegtay khaadimul islaam

    waa miskiin ama waxba ma oga ama waa dhagar qabe

    maxaa yeelay waxaa ka jira gobolada uu tirinaayo balayo tii u wayneed ee ebed soomaali soo marto
    waxaa ka mid ah

    dacwo faafin la,aan iyo culimo la,aan
    gaajo
    dil qorsheesan oo la dilayo dadka wax galka ah
    dadka oo la gaalaysiinaayo
    dadka oo diinta ku dhaqankiisa bahal looga dhigay
    ku takrifal awood oo diin loo huwiyay
    hijro iyo ka tagid dadkii wax galka u ahaa ummada
    jahli iyo dadka oo loogu baaqo jaahilnimo iyo in cilmiga barashadiisa in an loo bahneen oo dadka loo sheego

    xuduudii oo laga dhigay wax lagu faano oo dadka lagu laayo

    ayadoo ujeedadu ay tahay xuduud ayaan fulinay oo aan la fiirin war waxan ma sax baa mise un laga rabo xuduudaan fulinaa

    aydoo la ogyahay in fulinta xuduuda in wax sax ah aysan ahayn sida loo fuliyo

  6. Cali Guure says:

    Acw.

    Tan Degmooyinka Dhoobley iyo Afmadowna mid baan ka irhi.

    Markii mujaahidiinta Kambooniyiinta dhiiggooda la xalaalsadey iyada oo lagu jiro ash-hurul xurum , caddeeyeenna inay la dagaallamayaan shabaab oo iska celinayaan marka in lagu calaacalo maxaa naloo weeraray waa fiqi darro iyo aragti gaabnimo.

    Kan u guulwadaynaya shabaabka, iskana indha tirayaa wixii naseexo iyo tusaaleyn ama naqdin aan qoreynay dhowrkii bilood ee la soo dhaafey, waxaan leeyahay oohinta dhaaf ama adkeeyso ama sax khalad diiniga ah shabaabka ka dhacay.

    Inta qodob ee aad sheegtay dhamaan xisbiga Islamaiga ayaa hore uga hir geliyay gobollada jubbooyinka, Maxawaad aragtay keliya markii ay shabaab ilqeeyeen wax alle wixii ay sameeyeen xisbiga dib u sheegteen inay sameeyeen iyaga.

    Mase sheekadu waa cimaamaddayda ka wayn cimaamaddaada.

    Adeer bannaanka ayaad ka soo qaylinaysaa ayaan filayaa.

    Sh. Axmed Madoobe

    -waa mujaahid u soo dagaallamay diintan, mareykanka u dhaawaacay,
    -loona xiray,
    -shabaab qadri iyo dagaal ku qaadeen isaga oo nabad iyo walaalnimo u fadhiya,
    -la gaalaysiiyey dadkiisa la colaadiyey dabadeedna u soo baxday
    in shabaab yihiin kuwo ka leexday wadadii xaqa ahayd mudanna in madaxa la jabiyo ilaa ay xaqa uga soo noqonayaan.

    Maanta degaanka Absame oo dhan waxaa ka socda guluf lagu qaadayo shabaabka. Waxaana ilaa iyo hadda dagaalkaasi hoggaaminya Ciidamada Sh. Xasan Turki oo uu horjoogo u yahay mujaahid Axmed Madoobe.

    Ciidamo aan la garanayn kulahaa.

    Taladeenna iyo tii sheekh xasan Daahir ama xisbiga Islaamigia diidee ha ka xaabxaabsadeen. Waxay ka helaanna yeesan waxba naga siin.

    Manhajka inxiraafiga shabaabka inuusan meelna gaarayn waynu ognahay ee cabaadka ha la joojiyo.

    Haddii kale halka wax laga saxayo waa la yaqaan.

    Wa’tul buyuuta min abwaabihaa.

    Tan Gedo mar kale……iyo taxliilkeeda

  7. QABYAALAD DIID says:

    Somali Daawadeeda ma dhawa Wali qabyaaladdi baa laga dheehanayaa hadaladooda waxaa intaas
    udheer mucaarad ay mucaaradaan wixii dhaqaaqaba kuwa Absame ka dhawaajinaya waxaan
    oran lahaa Qolada aad sheegeyso barbaa la socda alshabaabka aad ka cabaneyso guulna laga gaari maayo dagaal hab qabiil lagu abaabulay

    Nimankaan shabaabka ah kuma raacsani dagaalka ay ku qaadeen Axmed Madoobe laakiin qaabka wax

    loo xalinayo uma maleyn maayo Absame Guluf ah inay noqoneyso ee maskaxda halaga shaqeysiiyo

  8. Raage Ugaas says:

    Ciidanka soo weerary Afmadow waa mujaahidiinta Raaskambooni. Markaa waxaa is weydiin mudan: maxaa keenay dadka qora “Somalimirror” in ay ku tilmaamaan “kooxo hubaysan”.????????????????

    Qofkii caqli leh waa garan karaa dulucda sheekada.

  9. Alfurqaan says:

    ACWB:Illahay ha inoo naxariisto hana inoo dambi dhaafo inaga iyo inta muslimiinta oo dhan arrimahan marka aan ka hadlo rag waa ay iska hadleen ragana qabiil baa ka dhex qayl-yaya.Ragga iska hadlay Mr Ali Awaare ayaa ka mid ah ismuusan weydiin qofka la dilaayo maxaa lagu dilay?dunida oo dhan meeshuu maamul ka jiro amaawiirtiisa waa la raacaa ha xumaadeen ama ha fiicnaadeene kuma salayn diin arrintaasi.Cali wuxuu jecel yahay xumaantii ka jirtay koonfurta sanad iyo bar ka hor kufsi dil dhac isbaaro waa qof garaadku ka jiran yahay qof qiimayn ku samayn kari wayay waxii jiray.wuxuuna la mid yahay kii isagoo khamri cabaaya loo yimid ee la yiri ka waran shabaab.wuxuu yiri haddii aysan khamriga soo faragalinayn waa fiicnaan lahaayeen.Ta kale Cali guure wali shabaab waxaa ay taagan yihiin shacabka yaan la qaxin halkee xisbigu nabad ka dhigeen?deganka juboyinka yaa kuu wakiishay?deganka waan naqaane xagee joogaa xisbiga?ma waxaad rabtay dhibkii qabiilka iyo wixii la soo maray in dib loogu noqdo sababtoo ah xisbiga qabiil buu noqday.ma qabiil baad ku qabatay kismaayo?qabiilse maxaa ku socon kara?intee in la eg buu qabiil socon karaa waan soo aragnay qabiil. xisbiga rag wanaagsan waa ku jiran haddana shabaab bay la fakir noqdeen qaarna ku biireen khiyaaliga qabaailka somalida isu akhriyaan 20 sanno ka dib in dad lagu dagaal galyo wuu shaqayn la yahay sida aan la socod tan ONLF anigu ma ahin safaradda USA ee nairobi ee wixii la doono loo sheego somali islam isku dad ama beel kaliya ama wada dhashay weeye dadka oo dhan wax kaliga aad og tahay ee inta kale aanay ogayn maxay tahay?ONLF in ay joogaan miyaa qarsoon maxayse meesha u jogan? qabil bay u joogan wana ciidan ee dadka iyo duunyada kuwo daweeya ma ahan quraanna caruurta nooma baraan dagaalka ayayna ku jiraan walaahi nin kastaa oo u qayliyaa qabiil maalin buu dhihi doonaa waan khaldanaa dadka aad u doodayso oo aan si fiican u aqaan armay dan u tahay nabada oo iyaga la kala badbaadiyaa cid kale intan la gaarin haddii ay baxaana afmadow nabad kama dhigi kartid oo isbaaradii baa soo laabanaysa maxaad haysaa oo xal ah?
    Wabilahi tawfiiq

  10. c/laahi axmed aaden says:

    alle ayaa mahad iska leh anugu waxaan leeyahay inla yiraahdo ehelu suna waa danbi nimankaas waa daba qoodhi itoobiya marka walaal lama simikaro cidisin taana waa dan baabtay nimankaan waxay raadinayaan in am xaaro wadanka qabsado daba deed na ay kadaba qayilaan

  11. Muslim says:

    Waa in lala dagaalamaa ALSHABAAB.
    waxey baneysteen dhiiga muslimiinta, waxey ku caasiyeen culimadii islaamka iyo kuwii sooomaaliyeedba.

  12. Cali Guure says:

    Alfurqaan:

    ONLF baa joogta jubbooyinka daliil uma haysid ee akhiiyow la kaalay warka shabaab oo kale oo ku tilmaamay ciidanka xasan turki “ONLF”.

    Jubbooyinka fiqiqooda waan ka hadlay hal nin oo si cilmi u jawaabayna weli mahaayo, marka waxaa haboon inaad wax soo baartaan oo xaqa barataan.

    Cid ii wakiilatey jubooyinka ma jirto laakiin jihaadka halka lagu jebiyey inay jubooyinka ka bilaaabatey ayaan arkaa. Waa xasrataa

    Xagga Qabiilka, shabaab uga badan tan xisbiga. Askarta shabaab maanta waa kuwo qoys u badan, tan Godane ilaalisa qoys u badan. Kuwa ka horjeedana oo uu hoggaaminayo Sh. Axmad Madoobe u badan qoys ama Kambooniyiinta.

    Haddii aysan gacan bir ah siininna 10ka wiil ee Barre Hiiraale xabadda ku billaabay Kismaayo meelna ma gaareen. Go’aankii wadajirka loo qabtay iyo tadaaciyaadkiisa markeeda ayaan ka hadli doonaa ama ku celin doonaa liyaxya man xaya can bayinah wayahlika man halaka can bayinah.

    Ballantiina ka baxe, midnamdiina kala daadiye, dhiiggii mujaahidiintana banneyste fii ash-xurul xurum, beentii xasan yacquubna noqotay beentii shabaab. Ma caruur bay la hadlayaan.

    Xataa haddii ONLf joogto ama ku soo cararto jubbooyinka maxaa diidaya islamiiyan?

    Ibnu Baaz waxaa uu fatwooyin jirey in xarkaatka wadaniga la taageero haddii ay gaalo ka horjeedaan oo muslimiina dhulkaasi ku dulman yihiin. Fiqiqaasi yaa maanta iska leh.

    Midda kale maanta shabaab waxay dhigteen isbaarooyin adiga kuu ah mid nabad ah laakiin culimada islaamka soomalida ula sii muuqanaysa maalin kasta wax kale.

    Shabaab waa xarako ku ciyaaraysa miraha jihaadka walaa abaa bakr lahaa.

    Godanana laga yaabo inuu xariif ku yahay khaarijin iyo dil aan diin ku fadhiyin laakiin u malayn inuu leeyahay geesinnimo iyo daacad uu kaga jawaabo su’aalaha maanta taagan iyo dhisid dawlad islaami ah.

    Markii uu ahaa xoghayaha shariifka villa jooga maanta raadi sidii uu u dhaqmi jirey. Ama markii uu nagula jiri jirey guddiigii fulinta ee golaha shuurada tilmaamahiisa.

    Xasan Adan

    Masha Allah tacliiqadaada

  13. hymo says:

    Axmed Madoobe dawlado shisheeyuu u shaqeeya. Yaa qiyaali loo dhigaayaa? Nimankii la safnaaba waa tii dayaaro looga soo qaaday Liboyo/Kenya oo lagu keenay Muqdisho oo lagu wareejiyey AMISOM iyo kooxda Shariif Basaas sida websiteyada Soomaalida lagu soo qoray. Marka kooxda taageertaa haku wardiso waa “mujaahidiintii Kaambooniyiinta”. Waa dhalaanteed waayo ninkii xaqiiqada og waa ogyahay in mujaahidiintii ugu caansanayd Kaambooniyiinta sida Dulyadeyn, Kabo Jecel waxay ku biireen Al-Shabaab, odaygii Xasan Turkina heshiis fiican uu la gaaray Al-Shabaab markaa Soomaaliyeey yaan qiyaali been ah idiin dhigin nimankan dagaalka wada waxaa ka danbeeya Kenya, Ethiopia, iyo gaalada kale ee tunka waaweyn.

  14. Muxamed says:

    Cali guure colaada shabaab ayaa dhuunta ku joogta cid kaa awood badan oo aanad waxba ka qaadi karin colaada aad u qabto adigay caloolyow kugu reebtaa calooshana kaa gubtay cali guurow cadceeedii soo baxdaba maxay caro kugu martaa rajada kaa sii cuntaa caradaada u dhimo

  15. cabdille says:

    asc
    Waxaan jeclahay in aan wax yar ka iftiimiyo halkan.sida aan la wada soconno Shabaab iyo Axmed Madoobe way is-hayaan meel ay iskala soo dhacaanba. In badanna waa leysku dayey in la heshiisiiyo, hasayeeshee labadooda, qolo ayuun baa diidan in lagu kala baxo(Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka).

    Waxba yeynaan ku meereysanin qabyaalad iyo wax kale, meesha sartu ka qudhunsan tahay qof kastaa wuu garanayaa laakiin dadku ma oggola.

    Intaa ka dib arrinta ku saabsan Jabhadda ONLF
    baa soo weerartay Dhoobley oo dagaal ka riday
    waan la yaabanahay.Sababtu waxa weeye (Digesho iyo ku baneysasho dhiigooda dadkaas aan walaalaha soomaaliyeed aan nahay weeye.
    Waxaan la soconaa in dhulka Waamo ay dagaan,dhinaca Keyna xigtaba, waxaa kale oo ay degaan dhulka ogadeeniya.

    Sidaas darteed haddey sheekadu tahay ogaadeen baa dega Jubboyinka dee way degaan. Laakiin dadkaa waxaa dhibaato weyn ku haya Taliska tigreega ee ethopia, ONLFna ma ahan kuwa u hamuum qaba la dagaalanka Mujaaahidinta,waayo iyaga ayaaba dagaal fool ka fool ah kula jiro xabashi iyo canaasiirta ay wataan.

    Waxaan aminsanahay in ay ONLF Hal ku dhageedu yahay sidii ay (Heeryada gumeysiga xabashi) isga dul qaadi lahayd, arrimaha aad ku maleyneysaanna aanay shaqo ku lahayn.Waxaan hubaa in ay ONLF sugeyso hawl balaadhan oo ay higsneyso oo ku aadan xabashi sidaas awgeed sheeko aan dadka u cuntameyn yaan leysugu sheekeyn.

    Wabilaahi Tawfiiq.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo & Duqeymo Xoogan oo Xalay iyo Saaka ka dhacay Muqdisho
  2. Xaalada Deegaanka Goobo oo Saaka Degan kadib Dagaal Shalay ka dhacay.
  3. Dagaalo iyo Duqeymo Xoogan oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho inteeda badan.
  4. Dagaal ka dhacay xalay illaa saaka Degmada Ceel-Dheer
  5. Dagaal ka Bilowday inta u dhexeysa Afmadow & Bu’aale

Latest Headlines