Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta saxaafada u soo bandhigay Nin Dhaawaca oo ay sheegeen inay ku qabteen isagoo ka barbar Dagaalamaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin 18 Bishii October ee Sanadii hore.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bahuko oo saxaafada u soo bandhigay Wiilkan oo ay ka go’neyd mid kamid laguhiisa ayaa sheegay inay ku soo qabteen Dagaal ay ku soo qaadeen Xoogaga ka horjeeda isagoo dhaawaca.
Waxa uu sheegay inay daweeyeen oo ay Xanaaneynayeen mudo 3 Bilood uuna kamid ahaa Dadka Dhawaacyada Qaba ee ku sugan Isbitaalka AMISOM ku leedahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Qeybta Xalane.
Sidoo kale Bahuko ayaa sheegay inay Wiilkan ku wareeji doonaan DKMG ah Maalmaha soo socda, isagoona carabaabay inay si wanaagsan ula dhaqameen intii ay hayeen.
Wiilka la soo bandhigay oo barbar Fadhiyey Bahuko ayaa diiday inuu wax wara siiyo saxaafada kamana hadlin Goobta.
Majiro war ka soo baxay dhanka Xarakada shabaabul Mujaahidiin oo ay kaga haldayaan sheegashada AMISOM ay sheegtay inay iyaga kaqabatay Wiilkaas.

Related posts:
ala been badanaa gaaladani dalka fadhidaa ma calooshood ushaqaystayaasha la jooga marka ay iyagu dileen ayey hadana leeyihiin waxaan qabanay wiil markaa waa wax lala yaabo ee soomaliyeey iska ilaaliya beentaas
Assalamu Calaykum jamiican.
Waa wax dhici karaa inuu jiro wiilkaan weyna dhacdaa in dagaalada mararka qaar dad nolol lagu kala qabsado in kastoo wax xaqiiq ah loo hayn sheegashadooda laakiin ujeedkoodu waa inay iska dhigaan dad wanaag u haya shacabka soomaaliyeed ee ay madaaficda ku garaacaan hameyn iyo maalin walba Gafuura weynayaa wallee waxaan xabad ahayn namagama dhexeyso ilaa aad dhulkayaga nooga baxdaan ama aad ku dhamaataan gacanta mujaahidiinta insha Allaah.
Somalimirror
Sh. Umal khudbadiisi uu Shabaabka ku tilmaamey Khawaarij oo bogagga dhan qoreen maxaad u qariseen?
Wararka ka daaya xulashada noqda adeegayaal bulsho oo daacad ah. Ogaadana Shabaab iney jiri doonto waqti ay taariikh noqdaan oo laga sheekeyn doono inuu imaan doono. Anigu sidii inaan dhimanayo ayaan u hubaa taas, weliba waqti aan fogeyn ayeyna taasi imaan doontaa inshaa Allaah.
Nimankaan dadkii waqti hore fahmey ayaan ku jirey welillaahil xamd, waxaanan halkaan ka sheegi jirey iyadoo umada inteeda badan la dhacsanyihiin. Maantana culimadii way u cadaatey waxey yihiin. Mid culimada waaweyn ka mid ah ayaa wuxuu yiri hadeysan Shabaab khawaarij aheyn yaaba khawaarij ah markaas!
Ilaahey xaqa hana tuso hana nagu sugo, waqtiga fitnaduna waa waqtigaan oo kale oo umadu ku kala qaybsanto wax aysan aheyn in lagu qeybsamo. Waqtiga ay jirto hubaal la,aan iyo halbeeg isku si loo fahamsanyahey. Waqtiga ay lunto marjaciyad leysku waafaqsanyahey.
Shabaab ka hor marjaciyad diiniya ayaa jirtey oo fatwoota ee ma Shabaabaa xaq cusub lasoo daahirtey, mise baadil cusub ayey umada u keeneen oo ku fitneeyeen?
Inaad soo qori doontaan ma hubo qoraalkaan, laakiin calal aqalli adinkaan xujada idinku oogayaa.
WAXAY ILTAHAY IN ARRINTA AMISOM AY TAHAY BEEN IYO DAJAALNIMO
as/wr/wb
salaan gaar ah bah weynta somalimirror marka xigta AMISOM waxay ogyihiin ninkaa inuu u tagaalamayo diintiisa iyo dhulkiisa ayaguna ay weerar ku yihiin dhulka somlaiya sidaa awgeey afrikanta waxay ogaatay in aan la jecleen in ay sii joogaan somaliya hadey dilaan ninkaa ay sheegayaan haduuba jiro waxay ogyihiin in laga aar gudayo rag ay ka danbeeyaan soo ma jeesta yaal ah marka dhibta danbe bay ka fikirayaa sidaa awgeed bey rabaan in ay dawlada u dhiibayaan mahadsanidiin somali weyn noolaada
BAHUKO BEENLOW,NIN GOD HOOSTII KU JIRA GOORMUU WAX QABAN KARAA.WAA CAJIIB.BAL MARKA HORE GODKA HOOSTII KASOO BAX.ISKANA DAA RAYDKA AAD GUMAADAYSID MARKII XABAD YARA LAGUGU SOO TOORO.
War kan Shayddaan yare la yiraahdo Sh. Umal weligaa cadow baad la ahayde maxaa hadda Sheekh Shekha meesha ugu haysaa, war adaa khaariji ah oo gaalo u adeego aan oggolayn in Muslimiinta walaalo wada yihiin, adigaa oggolayn in la yiraahdo Dalibaan iyo Alqaacidda iyo mujaahidiinta caalamka dhan wa walaalaheena, adigaa oggolayn in xuduuddo Illaahay la oogo, weligaa waxaa la fadhiyi la’dahay waa Islaamka oo Soomaaliya ku faafayo weligaa ha ku dhibto arintaas una dhimo cuqddada aad ku dhaqanka shareecada Islaamka u qabto.
wadaad yare waxaan kuu sheegi lahaa sheekh umal qudbada aad sheegayso waa lagu been abuurtay isaguna wuu iska fogeeyay marka maaha in aad wax aan jirin tiraahdo maxaa loo soo qori waayay warka in la hubsado mooyee ma wanaagsana in lasoo bandhigo sheekhuna wuu iska fogeeyay beenta ay warbaahinta qaar ka faafisay sheekhuna sida saxda ah ma xukumi karo koox wayo asigu kuma dhex jiro mida kale balaayo faafiska waa laga wanaagsan yahay adigana in aad ku taliso kuuma roona waayo hadii aad qolo mu caaradaysid waa in aad shay diini ah ku mucaarado hadii aad koox xulufo ka dhiganaysana waa in aad diin ku salaysaan marka maaha wax walboo xun in aad raadraadiso waayo qofka xumaan raadsada ma moogaato
Qaar ka mid ah Webabka Soomaalida oo si khaldan u tarjumay khudbad uu Sheikh Umal jimcihii ka jeediyey Masaajidka abuu Bakar Sidiiq…….www.halgan.com
Posted to the Web Feb 01, 10:05
alwala walbaraa walalkeeygiyoow run ayaat sheektay xafiduhulah ninkaan waligiisba wuu ladagaalsan yahay islaamka islaanka dhan ma alshabaabaa koli ayuu ladagaalsan yahay ilaaheey ayaana kufilan sheeq umulna dadka uu necebyahay ayaau kujray ma aqaano manta waxa uu sheeq nimo ugu aqoonsaday sheq umaluna maka filaayo inuu saas dhahaayo ayadoo suufiyo joogaan malas wato shariif joogo amisoon wadato inuu shabab wax kashegaayo
Shabaab ma aha markii ugu horreeysay oo ay nin mujaahid saaxada kaga tagaan. Mujaahidka dhabta ah waa kan askartiisa kaga tegin dhaawac iyo dhimasho toona. Xitaa gaaladii ayaa ku darsatey buugga dagaalka.
Dhuusamareeb waa kuwii kaga tagay in ka badany 50 mujaahid oo suufiyadu ku gumaadday halkaasi.
Markaan sawirkooda arkaba wadnaha aya i dilaaca. Reerahooda xataa looma sheego
Waxaan ayaan darro ah inuusan jirin wax la xisaabtama Godane iyo kooxdiisa dhuumaalaysiga ku jirta.
Tan Umal, mowqifkiisa waa cad yahay. Isaga iyo sheekh Cabdiraxmaan Cumar ee Amriika waa isku mid.
Maantana warkii waa uu sii caddaanayaa
waa run shaydaan yare waa gaal u adeeg wayn oo “mustashriq ” !! ah halaiska ilaaliyo.