Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Galgaduud ayaa Shalay galinkii Dambe Maamul iyaga hoostaga kaga dhawaaqday degmada Ceelgaras ee gobolkaas kadib munaasabad ay ka soo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka socotay Xarakada iyo Cuqaasha Deegaanka oo halkaa ka dhacday.
Madaxa Siyaasadda iyo Xiriirka Gobolada ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow iyo Waaliga Gobolka Galgaduud Shabaabka u Qaabilsan Sheekh Yuusuf Cismaan Axmed “Kabakutukade” oo Munaasibadaas ka hadlay ayaa Dadka Deegaanka Ceelgaras ugu baaqay inay garab istaagaan Shareecada Islaamka, lana shaqeeyaan maamulka Cusub.
Sh Xuseen Cali Fiidow ayaa sheegay in Ninka ay Degmada Ceelgaras Gudmooyiha uga dhigeen uu yahay Ninkii ugu Da’ada weynaa ee ay Waali ka dhigaan Xarakad Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna da’diisa ku sheegay 70 jir.
Maamulka Degmada Ceel-garas iyo Xafiisyadiisa lamagacaabay ayaa kala ahaa:-
1. Gudoomiyaha Degmada Ceel-garas Sheekh Cali Faarax Kheyre.
2. Gudoomiye ku Xigeynka Degmada Xaaji Bashiir Axmed Xayle.
3. Madaxa Xafiiska Dacwada Degmada Macallin Mahad Daa’ud Cali.
4. Madaxa Xafiiska Maaliyadda Max’ed Cabdulle Wehliye.
5. Madaxa Xisbada Degmada Sheekh Khaliif Gaandhi Jaamac.
6. Kuxgeynka Madaxa Xisbadada C/Shakuur Dahir Cabdi.
7. Madaxa Xafiiska Garsoorka Degmada Xasan Mukhtaar Macallin Axmed.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhawaan Gobolka Galgaduud u sameysay Maamul hoostaga Xarakada, mana ahan markii ugu horeysay oo ay Maamulo ceynkan oo kala ah ka dhisaan Gobolada Dalka.

Related posts:
CISHO DHOWBA WAA TAANAN TIRIN CAYNADII GABAYE .
WAX IGA CAAJEY MOOGIYE MAR DHOW WAANIGAAN CURINE.
KU CAWEEYA CAAWOO KALUU CAYNAD LEEYAHAYE .
CIRKII BAA GODLADEY ROOBKIBAA LAGA CABAAYAAYE .
RAHIIBAA CABAADAAYA OO CAYNWALBA U HEESAY .
CADCEEDII AYAA SOO BAXDOO CAABUQII DHIMAYE .
CIIRTAA JUGLOO XOOLIHII CAAFIMAAD HELE E.
GARCASAAWAHAA WADAKULMIYO IYO CAAQILADI DIINTA .
CAMAL SAALAXIYO KHAYRKA WAA LAGU CAWEEYAAYE.
CALI FAARAX KHAYR WAA KUWAA CAAWA SOO XULAYE .
CAZZIIZOOW QUWEE JEYSH KAYAGA CAADILBAAD TAHAYE .
CASHO NOOLBA WAA TU HOR LEH IYO CAYNAD GOONIYA E.
CAZZIIZOOW QUWEE JEYSH KAYAGA CAADILBAAD TAHAYE.
FIRCOON BAA KU CAAN BAXAY INUU XAQA CILLAALAAYE.
ISAGANA BADDII INAY CUNTUU XAQU CADDEEYAAYE.
CAYNKAANA WAXA LOOGU FALAY CAMAL XUMAANTIISA .
OO CIRIBTIISU WAA JAHANNAMIYO COLAC CADDAABEEDE.
COLKAYSOO DUMEEN GAALADII CIIDA NAGU HAYSTEY.
MELES CIIDANKIISII MARKAAN CAMAR KU CIIDAYNEY .
CABAADKII KA BAXAY IYO JABKII CAALAMKAA QIRAYE .
CAZZIZ MAHADDII WEEYOO RIJAAL CAABIYAA HELAYE .
CARIGOO DHAN CEEL-GARAS SIDEED WAW CAMIMAYAANE .
CAZZIIZOOW QUWEE JEYSH KAYAGA CAADILBAAD TAHAYE.
CAZZIIZOOW QUWEE JEYSH KAYAGA CAADIL BAAD TAHAYE .