Xubno kamida Baarlamaanka KMG:“ Sh Shariif waxaan leenahay Diyaarad la raaco oo isbuuciiba labajeer labaxo maahan Dowladnimo”.

Published on January 30, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Xubno ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah oo Maanta Muqdisho ku shiray ayaa Sheegay inaysan Dowlad Sh Shariif haba yaraatee wax horumar ah sameyn halkii sano ee ay Jirtay balse ayba sii lumisay Goobihii ay ku wareejisay Dowladii ka horeysay ee C/laahi Yuusuf waxayna ku baaqeen in Cumar C/rashiid sida ugu dhaqsaha badan Baarlamaanka u horyimaado isla markaana weydiisto Kalsooni.

Xubnahan oo gaarayey ilaa 20 Xildhibaan ayaa Macalin Jiis oo kamid ah waxa uu tilmaamay inuusan waligiis arag Xukuumad ka nasiib Xun tan Sh Shariif marka loo eego Fursadaha ay heshay, wuxuuna sheegay inay shaqadeedii ku soo aruurtay Xilkaqaadis, isagoona sidoo kale Carabaabay in Goobo badan oo ay Muqdisho ka Joogtay Dowladii hore Maanta gacantooda kamaqanyihiin oo ay isugu soo aruureen Wadada Maka Al-Mukarama oo uu tilmaamay in lafteeda leysku heysto.

Macalin Jiis oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“Xukumad Xukuumadaan ka nasiibadan oo hadana ka waxqabad yar Cimrigey ima soo marin Tii C/qaasim Tii C/laahi Yuusuf tan Maanta la joogo markii laga hadlo, waxaa meesha ku jira Xukuumada Dadaal Badan beysameysay oo Ragbadan beys Xilalka ka qaaday Ragbadana inay ka qaadey rabtaa Xilkaqaadid kaliya oo iska socota Guul Manoqonee waaye, waa maya, Maalinii Jabuutii lagu soo dhisayey DKMG ee Saaxiibkeen Shariif Madaxweynaha ka yahay Xamar Meelo badan ayaan tageynay maantana waxay ku soo aruurtay Maka Al-mukarama oo Nafteedaba leysku heysto oo marmar leysku farasaaraayo”.

Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Dhaqane oo kamid ahaa Xubnahaas ayaa isna si Xoogan u dhaliilay Madaxda sarsare ee DKMG ah wuxuuna ku eedeeyey inay Dusha ka saran yihiin Dabaabaadka AMISOM oo aysan Dadkale war u heyn isagoo leh:“Madaxda sare Nimanka ah ee Taangiyada yugandheyskaa saaran ayaa maanta wax nabad ah wadanka ka heysto, mawaxaan fiirsaneynaa in sidaas Dowladaan nahay aan ku niraaho managa maqna miyaa dalkii soomaaliyeed, Raas Caseyr iyo Raaskaambooni Dhibaatooyinkaka socdaa naloo dhaariyey hadaanan Mas’uuliyadeeda ka fakarin hadaan iska fadhinoon iska jiifno hadii sanad Nagu Dul dhamaaday hadaan Fakarnay masuuroobeyso saas inaan ku sii jirno, waxaa lagama maarmaan ah inaan Xisaabtano”.

Dhaqane ayaa sidoo kale Cumar C/rashiid ugu baaqay inuu horyimaado Baarlamaanka wuxuuna yiri:“Cumar C/rashiid waxaan u sheegayaa Ra’iisul wasaaraha 22 ka bishay kalsooni kaaga egtahay soo doono hadaad soo doonaweyso Ra’iisul wasaare maahid”.

Sidoo kale Dhaqane ayaa Sh Shariif cod dheer ugu sheegay:“Madaxweyne Sheekh Shariif waxaan leeyahay Diyaarad la raaco oo samada lagalo oo isbuuciiba labajeer labaxo maahan Dowladnimo, Dowladnimo waa Goboladii Dalkoo Dowlada Gacanteeda ku soo noqoto hadey ku soo noqonweyso Madaxweyne Maahida Iscasilaan leeyahay, Sharaf kuuma aha Sedex Xaafadood oo taad daganeyd oo Ilmahaadu Daganaayeena xataa aysan ku jirin inaad dhex taagnaato maahan Madaxweyne nimo”.

Xalay ayey aheyd markii Sheekh Shariif oo xusayey Sanadguuradii koowaad ee Dowladiisa wuxuuna ka dhawaajiyey inay waxbadan soo qabteen haatana u diyaargaroobeen ka miradhalinta wixii dhiman.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xubno Baarlamaanka KMG ah oo Lunsasho Hanti & Khilaaf abuurid ku eedeeyay Shariif Xasan Sh Aadan.
  2. Sh. Shariif “Hadii aysan ku qanacsanayn waxa aan wadno waxaan ka codsanaynaa in ay fursad na siiyaan”
  3. C/laahi Dheere “Caalamka waxaan leenahay Gaar ahaan Dowlada Uganda ha ogaato waxa ay leynayso waa Qabaa’ilada Soomaaliya Qabiil ka mid ah”.
  4. Xubno kamida Baarlamanka Mareykanka oo dalbaday in Ciidankooda laga ceyriyo Xubnaha Muslimiinta ah.
  5. Sh. Shariif oo la kulmay Amiirka Qadar & Xubno kale

Readers Comments (8)

  1. Geedi says:

    kkkkkkkkkkkkkk yaa iska qosla been bey isku qancinayaan mooryaantii

  2. amina says:

    ilaaheey ayaa cizileh CZWiyo rasuulka NNKH iyo mumininta lakiin munafiqiinta ma oga waahadalki alaah ilaaheey ceeb waa idin fariisiyay meeshaat u ordeeysen naagihii aat salaanta kuboobeeyseen sharaf magac maku hesheen wax ma idiinka hirgaleen xisaabtii aaqirana weey dhimantahay faa iidadiina waa kis lacak iyo safarada dibada laakin

  3. caabi runta sheege says:

    maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa.

  4. caabi runta sheege says:

    WAA DHURWAA HILBO KU RARO.
    DOWLAD DADKA YAQAAN SIDA LOO MAAMULO MAA LOO DAAYO.
    JILIB CULUSTII DAAROOD MA LA SOO CELIYO.
    MAREEXAANKANA MA LA RAALI GELIYO AYAGAAS WAX DHAAMO IN LA WAAYEY WAAD OGTIHIINE. LABAATAN SANO AYEY YAAHIDAAS HORJOOGEEN OO YUREENAYEEN . BALFIIRIYA. SANAD DHAN AYUU MAKA ALMUKARAMA GOON LA DAHAY DOOWLAD KU SHEEGTA. MAREEXAANKANA RAAS CASEER IYO KAAMBOONIBA LABAATANSANO AYUU HORTAAGNAA OO WIILASHOODII KU LEDEEN.
    BAL DEYAAY SHARIIF WAASAGAAS SII HAMEENSADAYE.
    DOQONKA CABDIRISHIID WAXAAN DHIHI LAHAA MAGACII AABAHAA KOLEY HALAYSEYE WAX SOO MUUQDAANA MA JIRAANE MEELKALE DANAHAAGA KA RAADSO KOLAY AAD BUNTLAND KA HESHID XUBIN IYADAA KUU DHAANTA WAXA AAN KU JIRTO OO HUYUUMALEESHANKA AH.
    MAREEXAAN GOB DHEH WAA KAAS IDIN DAAWANAYAA SOOMAALEEY HADAAD DAD TIHIIN DIB ISUGU NOQDAA OO KA DUCEYSTAA. XILKA AAD KA BOOBTEENA U SOO CELIYAA AYAGAA IDIN DHAQI KARAYEE/ HAHA.

  5. abuu asmaa says:

    ascwrwb,waa guul inay sidasa u calaacalaan kooxdaan gaalo raacyada ah,insha alaah meelaha ada jogtaana gacantiina way ka baxayaan ,waana lawada qaban dalka oo dhan ,insha allaah ,xageed aadysaan,isa soo dhiiba oo maamulka islamka isu soo dhiiba,hadaad nabad rabtaan,inta aad ag fadhidaan dastuurka gaalada ee jabuuti lagu soo dhoodhoobay ,nabad ma helaysan, sidaas oola socda.aswcwrb

  6. Allemagan says:

    Dadka xildhibaanimada halka wax ku dhaliilaya way muuqataa inayan xilkas ahayn. Dad dana gaar ah iyo dan goboleed wada ayaa maalin walba sida weer dawaca geesta ka ciyaya. Dad ayaad mooda inay xildhibaanimada u haystaan in wax la dhaliilo ama cidii hogaan qabataba inay ugu caga jugleeyaan waqtigii mas’uuliyada ayaa kaa dhacay.

    Macalin Jiis iyo Max’ed Dhaqane bal ha noo sheegeen dawlad amaan mudan oo Soomaaliya soo martay 20kii sano oo ina soo dhaaftay. Hadalka ah waligay ma arag dawlad tan wax ka qabad yar dadka leh, waxay u baahan yihiin in madaxood la baaro oo dhakhtar loo geeyo. Guri lagu hoogay oo dad qalato iyo argagaxisa shisheeye ugxanta dhigtay ayaad hogaan ku loolamaysaan.

    Waxaan ku oran lahaa labadan nin iyo kuwa la humbaalaynaya hadii cid is casilayso, adinkaa ku haboon ee iska bilaaba. Intaad cid kale cambaaraynaysaan, meeyay adinka wax qabadkiinii? Balaayo ama il la’aatay ama lug la’aatay ama dhaqnaan iyo hufnaan aan jirin ku andacootay!.

  7. maxamed cj says:

    KKKKKK

    DIYAARAD LA RAACO OO ISBUUXII LABO JEER LA RAACO MADEXWEYNANIMO MA AHA.

    BAARLAMAAN HOTELADA JIIFA BAARLAMAAN MA AHA..
    KKKKKKKKKKK
    AYAGII AYAA IS KU MAQAARTI FURAY . SANADKA SOO SOCDANA WAX KALE AYAAN IDIN KA SUGAYNAAA.

  8. Ali Baashi says:

    CAABI BEEN SHEEGE

    Weli waxaad ku dhex jirtaa wax dad badan ay ka xuroobeen oo ah qabyaalada ALLAAH ku soo hanuuniyo,wax badan baa kuu dhimanee,weli waxaad ku jirtaa jaahilayadii




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xubno Baarlamaanka KMG ah oo Lunsasho Hanti & Khilaaf abuurid ku eedeeyay Shariif Xasan Sh Aadan.
  2. Sh. Shariif “Hadii aysan ku qanacsanayn waxa aan wadno waxaan ka codsanaynaa in ay fursad na siiyaan”
  3. C/laahi Dheere “Caalamka waxaan leenahay Gaar ahaan Dowlada Uganda ha ogaato waxa ay leynayso waa Qabaa’ilada Soomaaliya Qabiil ka mid ah”.
  4. Xubno kamida Baarlamanka Mareykanka oo dalbaday in Ciidankooda laga ceyriyo Xubnaha Muslimiinta ah.
  5. Sh. Shariif oo la kulmay Amiirka Qadar & Xubno kale

Latest Headlines