Sheekh Shariif oo Sanadguuradiisii Koowaad ka shaaciyey inay Dagaal u diyaar garoobeen.

Published on January 30, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Madax ka ah DKMG ayaa Xalay ka sheegay Xaflad lagu Xusayey Sanad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Xiligii Jabuuti lagu soo dhisay Dowlada uu Hogaamiyo ayaa shaaciyey inay diyaar garow Buuxo u galeen sidii ay dalka uga sifeynlahaayeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Dagaalada kula jiro Doladiisii iyo Ciidamada Shisheeyey.

Sheekh Shariif ayaa Xoogaga ka horjeeda ku eedeeeyey inay wataan wax uu ugu yeeray Afkaar Khariban oo lagakeenay Dibadaha wuxuuna ku goodiyey inay Talaabo Rasmi ah ka qaadayaan una diyaargaroobeen arinkaas.

Sh Shariif oo arimahaas ka hadlaya ayaa yiri:“maadaama aan xaqiijinay Kooxahaas inaysan u shaqeyneyn shacabka Soomaaliyeed inaysan ku shaqeyneyn diinta Islaamka in Afkaar khariban oo lagu burburinaayo Diinta Islaamka ay wataan oo dibada ay ka keeneen ay u adeegaaaan Shisheeye dalka Shisheeyey keeneen waxaa nala gudboon in talaabo rasmi ah laga qaado, arintaa iyada ah Dowladu waxay ugu diyaar garowday si boqolkiiba Boqol ah maahan waqtiga dheer ee la sugaayo kaliya inay tahay Diyaar garow laakin Fursad in la siiyo Wiilasha lamarin Habaabiyey”.

Waxa uu sheegay sidoo kale inay ku tala jiraan inay dhisaan Garsoor Wanaagsan iyo Ciidamao waxtarleh oo shaqadooda ka soo bixi kara wuxuuna carababay in labadaas Qodob ay ka dhigan doonaan Ahdaaftooda Koowaad.

Sh Shariif arimhaas ka hadlayana wuu yiri:“Muhiim waaye Amniga waana guulweyn oo lagaaray waxaana socda Howlo waaweyne oo ku saabsan soo celinta garsoorkii Hufnaantiisii, Amini wuxuu u baahanyahay Ciidan Hufan oo shaqadiisa si hufan u guta iyo garsoor Hufan waxaanan ku dadaaleynaa labadaas inay noqdaan labada ugu horeysa ee lagu dadaalayo Ilaahey Idankiis, waxaa garab socda Maamul wanaag balaayada hadii aan Qofka sameynaa gacanta laga qabanin Caamey noqotaa Qur’aanka Ilaahey beyna ku cadahay”.

Waxa uu sheegay inay dowladiisu Caqabado badan soo wajaheen mudadii Sandka aheyd ee ay jirtay kuwaas oo Cuuryaamiyey Howlo Badan oo ay qaban laheyd DKMG ahi sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan howlo ay qabteen intii ay jirtay DKMG ah.

Tan markii Daka Jabuuti lagu soo dhisay DKMG ah waxaa Dalka ka dhacay Dagaalo Xoogan iyo Duqeymo ay kudhinteen dadbdan isla markaana ay ku barakaceen inta badan Dadkii ku dhaqanaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolo badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa tacadiyo kuwii ugu Xooganaa ka geystay Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay Goonfurta Soomaaliya isaga Huleen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, waxaana wili halkoodii ka sii socda Xasuuqyada Ciidamada AMISOM ugeystaan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Abu Mansuur oo Shaaciyey inay AMISOM isku dabariday Qorshe Dagaal oo Cusub.
  2. Sh Shariif oo Iclaamiyay Kalfadhiga Koowaad ee Baarlamaanka cusub
  3. Sheekh Shariif oo ka hadlay Ujeedada Imaatinkiisa Muqdisho “Dadkii aan iska soo horjeednay inay sidaa noo soo dhaweeyaan waa Guul ayaan isleenahay ciddii wax garad ahna ay ku farxi doonto”.
  4. Sh. shariif oo kulamo ka wada Addis Ababa & Burundi, Siralyoon & Djibout oo Ciidamo la diyaar ah
  5. Indonesia oo la diyaar ah inay Hogaamiso Ciidamo loo diro Somalia

Readers Comments (3)

  1. xalka somali waa maxay says:

    waxaan ah nin somaliyed waxaa donayaa in aan figradayda ka dhiibo waxlka somalia ee sannad cusub ee 2010ka maxaa u xal ah
    waxan waydinayaa qofkasta oo soamli ah

  2. nuuradiin says:

    aww
    aniga waxay ila tahay sanad guur khasaaro ah oo ay waajib tahay in illaahay looga tooba keeno sanad badadhilifnima ah in loo dalbaadago iyada lafteeda ayaaba dhibaato ahmed shariifka waxan odhan lahaa hadda ayaad dhowdahaye illahay u soo noqo oo gaaladda iskaga hadd taariikh madow ayaa kaa qormaysa
    aduunyadun waa laba maalmood dhalanteed gaalada makrigood run ha moodin haddii aa tahay nin u badheedhay oo aan kasoo noqoneyn illaah ummada ha kaa qabto
    asw

  3. mujaahid wadani says:

    WAXAA XAL U AH KITAABKA ALLE
    HADII LADIIDANA XAL LAHELI MAAYO ABID
    SABABTOO AH XALKU WAA SHAREECADA ISLAAMKA
    NINKII MILAS-SANAAWI RAACAANA SHAYDAAN AYUU RAACAY SIDA SHARIIF SUUFIYADA USHAQEEYA GAALADA




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Abu Mansuur oo Shaaciyey inay AMISOM isku dabariday Qorshe Dagaal oo Cusub.
  2. Sh Shariif oo Iclaamiyay Kalfadhiga Koowaad ee Baarlamaanka cusub
  3. Sheekh Shariif oo ka hadlay Ujeedada Imaatinkiisa Muqdisho “Dadkii aan iska soo horjeednay inay sidaa noo soo dhaweeyaan waa Guul ayaan isleenahay ciddii wax garad ahna ay ku farxi doonto”.
  4. Sh. shariif oo kulamo ka wada Addis Ababa & Burundi, Siralyoon & Djibout oo Ciidamo la diyaar ah
  5. Indonesia oo la diyaar ah inay Hogaamiso Ciidamo loo diro Somalia

Latest Headlines