Gudoomiyihii Degmada Hobyo & Nabadoon lagu dilay Degmada Xarar Dheere xalay

Published on January 30, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Dabley hubeysan ayaa gudaha Magaalada Xarar dheere ku dishay Xalay Gudoomiyihii Degmada Hobyo Sheekh Doon Yuusuf Gurey iyo Nabadoon ka tirsan dadka deegaanka ,waxaana meyda Gudoomiyaha iyo Nabadoonka lagu wada aasay isla Xarar dheere maanta.

Lama oga ilaa iyo hadda waxa ka dambeeya dilka gudoomiyaha iyo Nabadoonkaba waxaana mudooyinkii dambe Magaalooyinka Xarar dheere iyo Hobyo ka jiray shaqaaqooyin u dhaxeeyay Kooxaha Budhcad Badeeda ah ee ka qowleysta Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo magalooyinkaasi ay gabaad u yihiin.

Xaalada Magaalada Xarar dheere ayaa saaka caadi ahayd ,waxayna dadka deegaanku Warbaahinta Puntland ka howl gasha qaarkeed u sheegeen in xalay magaalada ay isku dhex rasaaseyeen labo kooxood is rasaaseyntaasina ay keentay dhimashada Gudoomiyaha iyo Nabadoonka iyo sidoo kale dhaawaca labo qof .

Magaalada Xarar dheere waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaa is heysi dhaliyay gacan ka hadlay kaasoo u dhaxeeyay labo garab oo ka wada tirsan kooxaha Budhcad badeeda ah kuwaas oo uu murankoodu ka dhashay lacag madax furasho ahayd oo ay ka qaateen markab ay qafaalasho u heysteen



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xarar dheere oo Dagan & Khasaarihii ka dhashay Dagaalka
  2. Diyaarado Military oo lagu dul arkey Deg. Xarar-dheere.
  3. Dagaal ka dhacay Xarar-dheere
  4. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  5. Gudoomiyihii Degmada Afgoye oo la dilay

Readers Comments (1)

  1. Allemagan says:

    Soomaali xataa qowlaystanimadii iyo burcadayntii way isku afgaran la’yihiin. Soomaalidu waa dad hogaan iyo kala dambayn aan asalba u lahayn dhaqan iyo caado. Sidaa awgeed dhan walba oo noloshooda ah hadii la eego waxaa ka muuqda inay wada yihiin keena diid.

    Dhaqanka kaliya ee Soomaalidu dhab u leeday waa dhac iyo geel qaad. Nasiib darro way garan la’yihiin in xataa cududa maafiyada dunida ayan jirteen hogaan iyo kala dambayn la’aan.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xarar dheere oo Dagan & Khasaarihii ka dhashay Dagaalka
  2. Diyaarado Military oo lagu dul arkey Deg. Xarar-dheere.
  3. Dagaal ka dhacay Xarar-dheere
  4. Gudoomiyihii hore ee Baladweyn oo xalay toogasho lagu dilay
  5. Gudoomiyihii Degmada Afgoye oo la dilay

Latest Headlines