Waa wada jaajuus!
By Somalimirror on 29 Jan, 2010 8:46 PM in Maqaallo
Axmed C/samad
Dunidaan waxyaabaha ay ku socoto waxaa ka mid ah loolanka u dhexeeya ilma Aadan oo inta badan dhex mara kuwo xaq xambaarsan iyo kuwo baadil hirgalinaya. Wuxuu kaloo dhexmaraa kuwo labo baadil kala wata ama kuwo xaqii midka ahaa labo daraf ka kala haysta oo mid walba dhinaca uu hasyto mooyee kan kale shubho kaga jirto ama hawadoodu u diiday wuxu waa isku hal xaq ee isla wada qaata.
Waxaa kale oo jira kuwo la loolamaya col aan dhab ahaan jirin ee iyaga kaliya ka dhex guuxaya ama ku mashquulsan ka gaashaamashada col jira oo laga badbadiyey ilaa loo muujiyey awoodda kaliyee kownkaan ka arrimisa!. Haddaba waxaynu qormadaan ku eegaynaa dad dhulku ciriiri ku noqday oo lagu salladay cadaw is moodsiis ah ama cadaw jira oo laga badbadiyey, kaas oo jiif iyo joogba u diiday.
Waa wada jawaasiis
Anigaa ku iri waa jaajuus. Aduunku sidii hore maaha. Ninna ha isku aaminin. Ninka dad kuugu xiga ayaa ku iibsanaya. Waxa maqaaxiyaha shaaha ka cabbaya waa wada iyaga. Dhabarka ayay kuu wada duwayaan, dhegtana way kaa maalayaan. Ciyaalka iskoolka way wada qorteen. Qalab casri ah baa loo keenay. Adiga oo aan dareemin bay ku masawirayaan. Hadalkaaga meel fog baa laga duubayaa. Meelna looga fakan maayo. Xataa dumarkii ayay qorteen. Safka hore ayay kaaga hormarayaan. Dadka ay qorteen wadaadadaa ugu badan. Telefoonada waa la dhagaystaa. E-mailkaaga way furanayaan.
Waa lagu ogyahay, mana fakan kartid
Meelna lagu badbaadi maayo. Ninka dhoofaya xogtiisa oo dhan waa laga sii hormarinayaa. Baasaboorka federalka isaga markaad u dhiibtid xogtaadoo dhan baa shaashada ka soo baxaysa. Meel walba camero ayaa ku rakiban. Meelo fogfog baa lagaa daawanayaa. Hawada sare dayax gacmeedyo ayaa heehaabaya. Badankoodu dhulka muslimiinta ayay ku soo jeedaan. Gurigaaga, xafiiskaaga, gaarigaaga ama meelaha aad inta badan fariisatid ayaa qalab wax kasta kaa duuba laguugu rakibayaa. Nin walba fayl baa loo sameeyay. Xogtaadoo dhan halkaasaa laga la soconayaa.
Markii la doono ayaa lagu qabanayaa. Adduunka meel aad kaga dhuuman kartid ma jirto. Airport-kii aad ka dagtid indhaha ayuu kaa sawirayaa, farahana waa lagaa qaadayaa. Xarumaha sirdoonka adduunka oo dhan baana la dhigayaa. Hadda waxay keeneen qalab casri ah oo airportyada la dhigay oo qofkii oo qaawan lagu wada daawanayo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Saacad Alle saacaday doonaan bay ku dhoofinayaan. Inaad xortahay baad isu qabtaa. Rag baad meesha u joogtaa oo kor kaa waardiyaysanaya. Waxaa dhici karta in intaasoo qof adiga kaliya mushaar kugu qaadato.
Inaad iyaga u shaqaysid iyo inaad xaaladda ka baxdid waxba kama dhexeeyaan. Meel dhexe oo lagu maadan karo ma jirto. Dadka xorriyadda isaga duulaya ee kuu muuqda ama iyagay u shaqeeyaan ama waa dad lala socdo oo ula kac loo qaban la’yahay. Markii loo baahdo ayaana jeegada la soo qaban doonaa.
Wixii la rabo ha lagugu dilo ee hadafku waa mid uun
Arrintu jaajuusid iyo qabasho kaliya maaha ee haddii loo baahdo waa lagu khaarajinayaa. Xabbad ha lagugu dhufto ama gaari ha lagu jiirsiiyo. Irbad sun ah ha lagugu mudo ama hawada ha laguu sumeeyo ama xaaskaaga ha laguu adeegsadoo cuntada ha kuu sumayso. Muhimmaddu waa in nafta yartaa laguu qoonsado.
Caalamkoo dhan baa la wada shaqaynaya xataa wadaadada!
Waxaani maaha wax laga gaashaaman karo. Waxaa u shaqaynahaya adduunkoo dhan. Dawladaha islaamka kulay ku tahay gaar ahaan kuwa carabta. Intay muslinimo kugu dagaan bay cadaw gacanta kuu galinayaan. Soomaalida iyada iskaba daa. Waxaan dawladaha sheeganaya waa wada shaqaale. Madaxdii dawladdii hore, askarteedii, jabhadihii mucaaradka ahaa ee Itoobiya taageeri jirtay iyo kuwii ka dambeeyayba hadda shaqo kale ma hayaan. Inta kaligood la aamini waayay baa la sameeyay kuwo ashahaado la dirir la dhoho oo iyaga toos u hoostaga oo aan maamulada loo soo marayn.
Kuwaan aad wadaadada u qabtaana shaqada ayay dhinacooda uga jiraan. Maxaad iga eegaysaa?. Ma wax aan jirin baan sheegay?. Waligaa ma is weydiisay yaa aasaasay waxaan ururo ah oo Al Al-ta miiran ah?. Ragga hoggaamiyase miyaad ninna taariikhdiisa haysaa?. Anigaa kuu sheegayee cid kale kama dambayso!. Hadday run tahay oo ay ka soo horjeedaan maa la laayo waa iyaga maalin walba gawaarida ku wada socdee ama guryaha lagu duqeeyo?. Ma inaan lala socon baad u malaynaysaa?. Si aad hadalkayga u rumaysato bal eeg yaa sameeyay ururka Ehlu suno waljameeco?. Haddii kuwii masaakiinta ahaa oo aan af iyo ilbaxnimo kale midna lahayn qandaraas qaateen kuwaan wada jaamiciyiintaa ee reer magaalkaa maxaad ka filaysaa?. Waligaa ha ka yeelin dacwo nala wad iyo jihaad baan galaynaa; waayo waaba meelaha balaayoo dhan kuugu soo dhex dhuumanayso.
Waan tashaday
Anigu markaan arkay sida xaal yahay waxaan falankeeda qabtay sidaan ku badbaadi lahaa. Horta dhulkii la iga yaqaanay waan ka guuray, magicii iyo qabiilkiina waa iska badalay. Bakhaaradaydii iyo wixii aan hanti lahaa waan xaraashay, haddana ma ganacsado ee waan xammaashaa; waayo haddaad xoolo badan iyo muuqaal dheer yeelato ma qarsoomi kartid. Habkii iyo muuqaalkii la igu yaqaanayna waan dooriyay, sida: Khamiiska, cimaamadda, koofiyadda, garka, shaarib xiirka iyo hoosguntiga la gaabsado. Waxaan kaloo ka takhalusay salaamu calaykum iyo mucaanaqo. Kutubtaydii qaar baan gubay, qaarna intaan magacii ka gooyay baan si qarsoodi ah masjid u geeyay.
Xataa naagtii waan furay!, ilmihiina waxaan u gaystay hooyaday oo miyi fog jirta, mana doonayo inta aan noolahay inaan arko hooyo iyo ilmaha midna; waayo ma qarsoomi kartid haddaadan ka takhalusin cid kasta oo taariikhdaadii hore wax ka ogayd iyo wax walboo lagu raadraaci karo afkaartaadii iyo dhaqankaagii hore. Walaalkay oo dibadda lacag iiga soo diri jiray faraha ayaan ka qaaday; si aan loo ogaan magacayga dhabta ah iyo meesha aan adduunka kaga sugnahay. Marka aan doonayo in aan hooyaday lacag u diro waxaan ka diraa magaalo aan ahayn taan joogo, telefoonkaygana kuma qoro; si aan cidiba ii dabagalin. Inta noloshayda ka dhiman inaan sidaas ku maato ayaan goostay. Markii aan ilaa shan sano qarsoonaado ayaan habar qudbo sireed ah meelaha ka raadsanayaa illaa haddaad gabar guursatid waa la iskaa waydiinayaaye.
Taladayda qaado
Horta dhaqanka iyo muuqaalkaba iska badal. Dacwada iyo kitaabo akhrintana jooji; waayo kaad naarta ka badbaadi is lahayd baa ku shirqoolaya, dadkaana xaqa way arkaan ee waysan Ilaahay iyo aakhiro midna dan ka lahayn. Jamaacadu waa waxa ugu daran ee la isku dabagalo. Jawaasiista ugu badana masaajidday joogaan. Anigu jimcaha kaliyaan masjidka ku tukadaa, waliba marka salaadda la gali rabo ayaan imaadaa, gudahana ma galee bannaanka ayaan kaga xirtaa, inta aan jawaasiistu gudaha ka soo bixina horaan ka dhaqaaqaa. Ma masaajid oo dhan inaan ku tukadaad moodaysaa?. Waxaan tagaa kuwa xaafadaha ku yaal oo waliba suufiyadu tujiso.
Tan kale dhulka lagaa yaqaan isaga tag. Dibadna ha u dhoofin ee magaalooyinka leexsan ee Soomaalida mid iska deg. Haddaad qabiil iyo magac aan kaaga ahayn sheegan kartidna kaba sii fiican. Si arrintaas kuugu hirgasho muddo dhuumo oo meel aad jaan iyo cirib dhigtay ha la waayo. Adiga waan ku aqaan oo hadalkaaga af carabigaa ku badan ee arrintaas jooji oo Ingiriis ku badal. Taladaas iyo xogtaas aan ku siiyay waxaa iga keenaya abaalka aad igu leedahay iyo sida aan u jeclahay in aad badbaadid ee ninyohow dhaga-adaygii aan kugu aqaanay maanta ka soo noqo oo i yeel. Waxaan rajeynayaa in farriintaydu si wacan kuu gashay, waxaana kaa codsanayaa in aadan xogtaan ku siiyay iga faafin; maxaa yeelay waxay la mid tahay qoorgooyo!.
Xaaladdu waa xuntahaye bal hadda deg deg inoo kala kexee!
Hadda wixii aan kuu sheegayey bal indhahaaga ku arag: ninkaasi intaan meesha fadhiney labo jeer buu meesha soo maray, ishana wuu ina ku xaday. Gabar xijaaban baa iyaduna aad inoo ku soo dhawaatay, markay libirtayna wiil yar baa soo daba maray. Adigu waad iska maahsantahay, dhaqdhaqaaqa socda iyo shirqoolka kugu socda oo dhan ma dareemaysid!. Bal hadda waynu isku daahnay, waana la ina ku maqanyahaye week-ga dambe aynu isu nimaadno; si aynu aakhirka wax isu la meeldhigno. Waliba saacad iyo goob aan kuwaanoo kale ahayn inoo ka dhig.
Haddii aynu aragnay hab fakarka iyo hab nololeedka ninkaan u doortay inta noloshiisa ka hartay, taas oo rag badan la qabaan waxaynu qormada qaybteeda labaad ku eegaynaa dareenkaan iyo waxa jira, ka dibna waxaynu darsaynaa sida loo daaweyn karo
Daabaco

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Jazaakallaahu Khayran Sh Axmed, waxad si farshaxanimo heer sare ah u cabirtay una soo gudbisay dareen jira oo la oran karo waa buufis & khaakhaayir wadaado badan xaga dacwada iyo fidinta diinta alle kaga dhacay heer uu geyeysiiyey cabsidaa aad ka sheekaysay Iwm, hase yeeshee ma laga yaabaa qormadaadani haday inshaa’allaahu dhinac dawayn ka tahay in ay darafka kalena wax tar u noqoto walaalaha aafadaasi asiibtay allaah ha inaga najeeyo iyagana haka bogsiiyee, wax tarkaas oo tusaale ahaan noqon kara hadii uu xanuunka asiibay la yaabanaa oo la khajilsanaa in shaydaan u qurxiyo oo u tusiyo mushkilad caam ah oo aan isaga keli ku ahayn sidaas awgeedna uu naftiisa ku qanciyo “Wixii qayrkaa qabo qosolkaa ku dhan” sidoo kale waxa waxtarka ka mid noqon karta in qormadaadani u sahasho ka dhaadhicinta uu dadka kale ee aan ibtilaysnayn ka dhaadhicinayey in waxani wax jira oo waaqiciya yahay isagoo ku ducaysanaya allahayow cid wax nala fahamta hanoo waayin, Calaa kuli xaal walaal waa aragti shakhsi ah oo sax iyo qaladba ka suurtoobaan, waxanse aan aad kuugu bogaadinayaa kaagana hambalyaynayaa adiga iyo walaalaha kale ee bahda somali mirror toosh ku ifinta aad tooshka ku baadi goobaysaan caqabadaha, kurtumada & god- daloolooyinka looga soo dhacay dacwadan barakaysan iyo geedi socodkeediiba, waxana idiinka digayaa in aanay marna idin qalin daarin idina niyad jebin yoolka aad higsanaysaana idinka madal hufin aniga iyo qayrkay oo fadhi ku dirir ah kobtan oo kalena hadal badni wax ugu soo qora.
Wajazaakumullaahu khayran, Wabaaraka Fiikum Wafii Sacyikum aamiin, aamiin,aaaaaamiin.
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Akhuukum Fillaahi Samadoon
Samadoon | Jan 29, 2010 | Reply
Ala maxaad runta sheegtay Sheekh Axmadoow…Si fiican baad u taabatay waaqica maanta, waxaa la yaab leh laakiin dadka sidaas camero iyo qalab kale sidaas uga baqayaa , haday allah sidaas uga cabsan lahaayeen, wax badan baa hagaagi lahaa.
Qaybta labaadna ku soo dar
Allah xaqa ha na waafajiyo.
Maxamed | Jan 30, 2010 | Reply
A.C/W.sheikh Ahmed xikmad badan ayaad leedahay ee qaybta labaad ayaan kaa sugaynaa wajasakalaahi khayran.
Aar Cabdullahi lusaka | Jan 31, 2010 | Reply
salaan ka dib waxaa codsan lahyaa inuu sheekhu cadeeyo ula jeedada maqaalka qormada soo socota sh axmed waa naqaana lakiin waxani waa siree iyo sarbeebe sheekh bal noo cadee ilaahy khayr ha kusiiyo ha ku fahan siiyo
dhamac | Feb 1, 2010 | Reply
asc wr wb.Bismillaah Walxamdulilaah walaa ilaaha ilalaah waxda la sharikalah waana Maxamed rasuulalaah scw. ama bacdi.. Walaalayal Allaah swt waxaan u weydiinaynaa walaalka inuu Caafimaad deg deg ah siiyo diintana ka fitneen. Walaalaha sharafta leh ee muslimiinta ah waxaan lee yahay Sugnaada diintaan dhib ayaa lagu soo faafiyeey iyo yaraan sidii ayeeyna u noqoneysaa, marka walaalku wuxuu sheegaya waxna waa ka sex wax kalana wallaahu aclam balse anaga hooyo somaliyeed ahaan waxaan idin kula talin lahaa siiba raga muslimiinta ah in ay baqdin walba jirta in ay iloobin baqdinta mowlaha samaawaadka iyo arladha inta u dhaxeeysa iska leh wax uu Allaah swt ku qadarey mooye in ayna waxba kugu dhici karin, hadey doowladaha caalamka ay isku yimaadaan ey rabaan in ay ku dilaan kuma dili karaan ilaa Allaah ku qadaro mooye.Mideeda kala mu,miniinta dhabta ah waxaa lagu yaqaana marka lagu imtaxaano diinta in ay iimaanka u sii siyaado in ay kufaar iyo munaafaqiin kabaqaan iska daaye weyba ku sii adkaadaan, ha baqina waligiin arladha muslimiinta ayaa loo soo direy in ay hogaamiyaan idinkuna dabo gurasho ama caraar ama garka xiir ayaa ku fakareysaan qaarkiin subxaanallaah waxaana idinkula talin lahaa in aad siirada dib u akhrisaan asaxaabada sidey uga adkaadeen kufaar oo dhan islaamkana kor ay uqaadeen.Allaah swt waxaan weydiisaneynaa inuu diinta naga fitneenin iimaankana nagu sugo khatumadana khayr nagu khatimo aamiin.
aniiso | Feb 2, 2010 | Reply
Asc shiiku wuxuu si faacan u cabiray waaqica maanta ay Muslimiintu ku noolyihiin meeshay joogaanba ha noqotee in badan diintoodii uga tageen waxa gaaladu ula baxday argagixiso,ashahaado la dirir,mukhaabaraad,sirdoon,dabagal w.i.m.
Waxaa kaloo moodaa in sheekhu si gaar ah tooshka ugu ifiyay xaalada dhabta ah ee ka jirta qaybo ka mid ah gobolada somaliya oo hada ay dardar uga socdaan arimahan shiikhu sheegay nin walbana uu gaarey inuu maryihiisa aamini waayo su’aashuse waxay tahay yaa Ragaan umada ku fasaxay?? hadaad markii hore ragaan iska qaban lahaydeen maanta Cobra & jabiso dadka nolosha ku liqaysa ma noqdeen amaa daadku dhiniciina nooga soo galay.
Khayr sheeg | Feb 7, 2010 | Reply
A/C
Sh.Axmed waa walal aad u cabir fiican allaha xifdiyo waxaan la yabay sida uu tabanayo waxa jira oo anaga na haysta oo aan hooskeena ka cararnay been waxaan jirina iyo wax jira oo naftu noo buunbuuninayso samankaan waa saman diintu ay dhinbil oo kale ay tahay oo aan gacanta lagu hayn karin ilaa qof allaah uu iimaan ugu diiqay mahane allena waxaan ka baryaynaa inuu iimaan wanagsan ina siiyo dhamanteen qofkaan alle ka cabsana wax kasta ayuu ka baqaa oo alle qayrkiis ah…
Nusaymo | Feb 21, 2010 | Reply
asc kkkkkk
waan qoslay masha alah shiiqu naftiisuu u baqay waana sida maanta haysata dad badan oo xaqii aay uga carareen.
naftu orod bay kugu aamintaa kkk fakataa kama fatuura
ilaahow na xifdi
walee wuu cabiray xaqiiqda jirta maanta
qaayr alaha ku siiyo
kkk asc wr
ammaano | Mar 18, 2010 | Reply