2 Qof ayaa ku dhimatay in kabadan 10 kalana wey ku dhaawacmeen gaari Mini bas ah oo Barqanimadii Saaka ku rogmaday Afaafka Hore ee Demada Afgooye wadada ka timaadada Garoonka Diyaaradaha No.50 ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Gaariga Qalibmay oo kamid ahaa Gawaarida Qaadka ka qaada Garoonka labmar 50 ee geysa Magaalada Muqdisho ayaa Rogmaday kadib Markii uu Fariinka goostay isagoo Xawaare aad u sareeya ku socda, Wadihii gaariguna wuu xakameyn waayey gaariga wuxuuna ka booday wadada Laamiga ah dhowr mar ayuuna daba gadoomay.
Dhamaan Dadkii saarnaa gaariga oo u badnaan Haweenka Qaadka iibiya ayaa ku waxyeeloobay halkaas waxaana ku dhintay 2 Qof oo midi Dumar aheyd halka kan kalama Rag ahaa.
Dadkii Dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxeyna isugu jiraan dhaawacyada soo gaaray kuwa Culus iyo kuwa fudfudud.
Gaarigan ayaa Xiliga uu rogmanayey ka yimid garoonka Diyaaradaha Lambar 50 wuxuuna Qaad u waday Dhanka Magaalada Muqdisho.
Wadayaasha Gawaarida Qaadka ayaa Caado ka dhigtay inay Xawaare aad u sareeya ku wadaan Gaadiidka ay wadaan Xitaa hadii ay Wadada Bubursantahay ama Ciriiritahay.

Related posts: