Jabuuti oo sheegtay in 450 Askari ay Soomaaliya u soo dirayso

Published on January 28, 2010 by   ·   17 Comments   ·   print

Jamhuuriyada Jabuuti ayaa sheegtay maanta oo khasmiis ah in ay ciidamo tiradoodu tahay 450 Askari ay u dirayso Soomaaliya  bisha  soo socota sida loo badinayo si ay ugu biiraan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (Amisom).

Wasiirka Arimaha Dibada ee Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa Wakaalada wararka ee Reuters uga warbixiyay ajandaha guud ee shirka ay yeesheen Wasiiro arimo dibadeedyada Midowga Afrika tibaaxay in ay ku howlan yihiin  taba baridda iyo diyaar gareynta ciidankii ay diri lahaayeen  ka Jabuuti ahaan Soomaaliya wuxuna yidhi “waxaana diyaarinaynaa ciidankayaga waana taba bareynaa ilaa iyo inta ay ka wadoodayaan in ay u istaagaan howshaasi si karti weyn leh” wuxuuna intaa ku daray in uu ku rajo weyn yahay in isku daygooda ay ciidamada ugu dirayaan Dalka Soomaaliya ay ku dayan doonaan wadamo kale si ay ciidamo ugu diraan Soomaaliya.

Maxamad Cali Yuusuf waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay Wadan la daris ah uuna kala dhaxeeyo xidhiidh aad u weyn ayna isku howlayaan saacididda Soomaaliya wuxuuna yidhi isagoo arintaa ku hadlaya “Soomaaliya waa Dowlad daris ah , waxaana la leenahay xidhiidh wanaagsan  waaxaa noo suura gal ah inaan aragno waxa halkaa ka dhacaya waxaana dushayada ah inaan u caawino si Afrikanimo ah”.

Sidoo kale waxa uu Wasiirkaasi ka dhawaajiyay in Gobolka Geeska Afrka uu  gabaad am ahoy u noqday xoogag xag jiriin ah wuxuuna yidhi isagoo arintaa ka hadlaya “waxaa waajib nagu ah inaan noqono ku si aad ah u digteen waayo Al Qaacida Shabakad ayay  ku leedahay Jasiirada Carabta  iyo sidookale Geeska Afrika “.

Hadalka ka soo baxay Wasiirka Arimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku soo beegmaya mudo yar kadib hadal uu warfidiyeenada siiyay kadib kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Masar oo uu xiligaa ku sheegay in ay u midoobeen Masar iyo Jabuuti wax ka qabashada xaalada cakiran ee Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kenya oo Sheegtay in ay Ciidamo u soo dirayso Soomaaliya
  2. Sierra Leone oo sheegtay in ay Guuto ciidama ah u soo dirayso Soomaaliya
  3. Dowlada Shiinaha oo sheegtay in ay Maraakiib dagaal u soo dirayso Soomaaliya
  4. Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Arrimaha Soomaaliya
  5. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia

Readers Comments (17)

  1. Abu sumaya says:

    Jabuuti waan kaxumahay in ay maanta ciidan usoodiraan soodiraan soomaaliya ayagoo noogacma qabtay cadow sabab ayaga ay leyihiina uusharif umad badan kuxasuuqay habeen iyo maalina ay ciidan sotaba baraan waxaan leyahay mareykan kuuma furidoonee yuusan kuu rarin intaas kadib hadíi ay dhacda waxaa xalaal ah dhiiga ciidanka jabuuti

  2. AYAAN says:

    yaa jooga idin dhaho meshaan bariis idiinkama soohoreeysee walee haduu alaah itmo inmeetkiina muqdisho lagu jiitjiidi doono imaada insha alaah hooyo badan jabuti weey ka ooyni doontaa sida kuwa kalawa u ooyaan

  3. muslima says:

    xoolahaan gaalo raacaa yaa la taliya, caani idkama soo horeeyeen, reer jaaqii.

  4. wadani says:

    allaahu akbar

    jibouti waxay ku biirtay cadawga islaamka,

  5. Allemagan says:

    Gacal iyo nin gob ah ayaa kuu jiir naxa. Jabouti way ku mahadsan tahay isgarab taaga walaalahood ay colaado daashatay. Ha yeeshe, shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ayaa laga rabaa is xilqaan iyo inay u istaagaan jiritaanka ummadooda kana baxaan kala qaybsanaanta.

    Cid kasta oo loo yeero waxba kama qaban karto argagaxisada dhulkeena ku xididaystay oo xasuuqa joogtada ah ku wada shacabka Soomaaliya. Awal ayay Soomaali ku maahmaaday “gacantaada ayaad biyo uga harraad baxdaa”.

  6. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH,WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu :

    [ ma ha la ordaa run mooday ?? mase arinku waa " miskiin baa misko la fuulo leh " ]!!!!!

    Ninkii noolaadoow wax kaa yaabiya waad arki doontaa haddii ALLAAH kuu idmo !!!

    bal ha la is waydiiyee LILLAAHI iyo laqdabad meel ma isla gali karaan ??

    meel ciidankii reer abraha ku soo khasaareen oo ayagoo oynaya oo caga cad ka baxay baa jabuuti soomaaliya askar u diraysa !! sow wax lala yaabo ma ahan !! haddana reer jabuuti oo ah dad soomaali ka soo jeeda baa xasuuqid soomaali ka qayb galaya sow wax lala yaaba ma ahan ?? jabuuti oo baa soo maaliya weerar ugu socota sow wax lala yaaba ma ahan ?!!!

    daris baan nahay soomaaliya haddana qaacida baan ka soo xasuuqaynaa sow wax kala fog ma ahan ??

    soomaaliya xaalad cakiran baa ka taagan haddna cakiraad hor leh baan ku soo kordhinaynaa sow gardarro aan geed loogu gaban ma ahan ??

    masar iyo jabuuti baa u midoobay in ay weerar ku qaadaan soomaaliya ama ay soo xasuuqaan rayidka ama ay gabdhaha xijaabka ka soo qaadaan ama xufaada quraanka gacanta ay u galiyaan gaalada saaxiibada la ah oo ay u shaqeeyaan sow wax lala fajaco ma ahan ??????

    jabuutiyay maad 450 askari u dirtid xuduuda aad la leedahay eretariya si aad uga soo dhacsato dhulkii lagaa xoogay ? mase dameer la diray baad tahay oo yahuudda baa ku tiri soomaaliya wax ka soo boob oo dhulkeeda baa damac kaa galay ??

    jabuutiyay fasaadka iyo kaniisadaha iyo guryaha u kiraysan dhilaysiga oo aad fasaxday maad ciidan 450 u dirtid oo maad iridaha u soo laabtid ?? maadse shacabka jabuuti u diidid barjaynta ama qaadka ?? maadse xabishida gardarrada ku soo qaaday soomaaliya uga soo aartid haddaad run sheegaysid ???

    isku soo xooriyoo jabuutiyay waxaad u socotaa waa gardarro iyo kibir iyo doqonnimo iyo caqli xumo ku haysa ee waxaad xasuusataa waagii aad gacanta faransiiska gaalada ah ku hoos jirtay oo dad ka tirsan shacabka soomaaliyeed ay kuu hiiliyeen oo xorayntaada darteed u geeriyoodeen adna maanta waxaad u socotaa in aad afrikaanimo darteed u soo xasuuqdo dadka ku nool meela ka mida soomaaliya kolay waa xamar illayn dariskaa waa [soomaali laand iyo puntlaand ] adna waxaad tahay [soomaali jabuuti ] ,jabuutiyay inaad ka soo tallaabsato dariskaa oo aad daandaansi u aado koonfurta soomaaliya oo ay ka soo socoto iftiinkii caddaalada iyo NUURKII ISLAAMKA sow gardarro ma ahan ?? koonfurtuna waa meesha kaliya oo ugu firfircoon oo la dhihi karo walaalaha mujaahidiinta baa ka wada inay shacabkooda ku soo dabaalaan inay isku xukumaan SHAREECADA ALLAAH SUBXAANAH , waana u hirgashay dhammaan inteedii badnayd kaliya waxaa haray halka gaalada iyo munaafiqiintu isku urursadeen ee xeryaha dooligu dago ee magaalada xamar ka mida oo kaliya waana laga soo matajin doonaa xaaraanta ay cunayaan haddii ALLAAH SUBXAANAH OGOLAADO,

    isku soo duuduube jabuutiyay ma ha la ordaa run mooday ?? waxa kaa soo raaca la arki doonee inshaa ALLAAH waad ku soo khasaari doontaa gardarradaas waana hadda iyo barasho hor leh !!!

    sow lama ogaan in ina geele uu yahay nin u shaqeeya yahuudda kana tirsan uruka [ maansuuniya alcaalamiyyah ] !! hadda ka horna waan idinku baraarujiyay ee dib u akhriya waxa laga qoray maansuuniyadda si aad uga digtoonaataan sharkooda iyo khiyaanadooda , waxayna aakhirka salka la galayaan yahuudda xaasidadda ah .

    jabuuti haddaad ka noqon waydo dulmigaas waad ka sheekayn doontaa waxa kaa soo raaca ee ogow waxa kaa horreeya waa mujaahidiin aan libiqsan oo aan aqoon khiyaano iyo nifaaq , ee madaxiina yaan la idinka jarine iska noqda !!! waa iga naseexo haddaad muslimiin tihiin dhiiggiina naga ceshada oo ha nooga hiilina gaalada aan dagaalka isku hayno haddaad gaalada la soo safataana ogaada gaaladaas oo kalaa tihiine dhiigiinuna adinkaa meel xun ku daadiseen ee la socda .

    WALLAAHU ACLAM WALLAAHU AXSAN.

  7. Abu sumaya says:

    To fariin kusocoto reer jabuuti walaalayaaloow cadowga ummada soomaliyeed halasafanina hana naga galina godob nagana daaya gardarada idinkama mudnine waan iska kiin ehbineeynaa naga badbaadiyo dhiigiina falaahi hadii ay dhacdo in aad soodirtaan ciidan canfar iyo cisagala badan ayaa oon wadankiinana waa yar yahay qarax iyo qax iyo qalalaasa iyo qaxooti iyo qurba iyo qaran jab iyo qalalaasa kama bixikartaane jooga jooga jooga amxaaro ayaa harcad kabaqooshay muqdisho to mujaahidiinta jabuuti gaala ayaa gadaal karixeeysa hadii ay dhacda in ciidan ay keento waa in jabuuti ladhaha meeshan ayaa jabuti ladhijiray gardarada mafiicnee geele yaa usheegaa gaalnimada mafiicnee geele yaa usheegaa godobta mafiicnee geele yaa usheegaa gummaadka mafiicnee geele yaa usheegaa jabuuti nadaa waxaad kashalaan insha alahu tacaalaa

  8. Faysal says:

    Somalimirror.com:

    Hadii aad Gaalada Amisom ugu yeereysaan NABAD ILAALIN waad halawdeen.

    Maalin walba waxaad soo tabisaan gaboodfallada ay dadka Masaakiinta u geysanayaan iyo gumaadkooda aan kala joogsiga lahay..Hadana waxaad ugu yeereysaan NABAD ILAALIN….taasina waa kala hadal aan cudur daar lahayn.

    Jabuuti waxaan leeyahay danihiina ilaashada iyo walaaltinimada idin kala dhaxaysa Soomaalida hadii kale waxaad geleysaan baal madoow oo taariikhda ah.

    Waxaa intaas sii dheer adinkoo dib u ceshan doona maydadka dhalinyarada aad soo dirtaan kadibna waxaan BBC ka dhagaysan doonaa Baroorta hablaha walaaleheen ah weliba hadaladooda waan fahmi karnaa oo sida kuwii Burundi ma noqonaysaan ee ku Barooranayay ASAYAAMA WEEEEEEE….YOO MANAWEEEE oo wax ay ula jeedaan aanan koleey anigu garan balse murugi ka muuqatay.

  9. ibnu yusuf says:

    afqurmuune jabuuti
    walee waan ku ataagin
    waadna ooyin sidii
    adeerkaa kaba waniyo
    iyo eeyadaas ku adoonshay

  10. mujahidah says:

    soo dira waala,daldalayaa.
    noocaad rabtaan iska soo dhiga cilaani iyo murtad waqtigiisii waa dhamaday.
    allahumansuril mujaahidiini fii sabiilika fii kuli makaan.

  11. ABDALLA says:

    JABUUTI MARKA HORABA WAA WADAN ISAGA JIRAY GUMEYSI WAXABA UMA ARKAAN MUJAAHIDINTA JABUUTIYANGA KOLEY BAQTIGOODA WAA LAGEYN DOONAA WADANKA JABUUTI.
    MARKA HORA AYAANBA OGA JABUUTI INEY TAHAY MEEL GAALO AY KATALIYAAN WAXAAD KADAREMEYSAA MARKA UU WASIIR AMA MADAXWEYNE AY SHIRKA FADHIYAAN AAN LOO OGOLEYN INEY LUQADOODA HOOYO KU HADLAAN WAXAA JABUUTI LAGU QASBAY INEY KUHADLAAN LUQADA FARANSIISKA WAA GUMEYSI AAD UXUN WAAN SOO MARAY JABUUTI MEEL MAHAN ILAAHOW NIN MUSLIM AH MEESHA HAGEYN FUSUQA YAALO WAAD YABEYSAA MAREYKANKA AYAA WATA QURUNKAAN JABUTIYANKA AH OO GAALADA UDABADHLIFEYNAAYO WAXAA MEESHA U JOOGA GEESIYADA.
    MUJAHIDINTA MEELKASTA AY JOOGAN ILLAAHEY HADHOWRO AAMIN AAMIN……….

  12. abu Cabdullah lusaka says:

    ADEER SIYAASADAA WAA LAYAQAAN,DARIS BAA NAHAY,AFRICAN AYAAN ISLA NAHAY.WAA LAGA DHARAGSANYAHAY WARKAA.WAXAANA U SHAQAYSAAN FRANICIS IYO AMERICAN.HADAY RUN KAA TAHAY USOO DIR SOMALAIA DAAWO,CUNTO IYO DHAQAATIIR.LAAKIIN NIN HUB WATA OO LEH NABAD AYAAN KEENAYA WAA KAAF IYO KALA DHEERI.WAXAAD TIRAAHDAA WAAN SOO XASUUQAYAA SIDA AMISOM. UGANDHAYSKA IYO BURUNDAYSKUBA WAXAY KU YIMAADEEN NABAD ILAALIN,WAANAKAA RAYDKII XASUUQAYA.

  13. mujaahid wadani says:

    WAXAA FIICNAAN LAHAYD INAANAY JABUUTI FARAGELIN KUSAMAYN WALAALAHOODA SOOMAALIYA
    SIDA GUMAYSTAYAASHA ITOOBIYA IYO KEENIYA EE USHAQEEYA MARAYKANKA
    WAXAAN KULA TALINAYAA DOWLADA JABUUTI INAY FARAHA KALA BAXDO SOOMAALIYA XAL KA GAARI MAYSO LAAKIIN WAXAY NOQONAYSAA MID USHAQAYSA MARAYKANKA WAXAYNA KALA KULMAYSAA CADAAWAD LOO QAADO SIDA GUMAYS-TAHA ITOOBIYA ASKARTEEDANA WAXAA LAGU LAYNAYAA MUQDISHO

  14. maryma aabeheed says:

    anigu waxay ila tahay qoladan jabuti ah waxaa qalbiga ka gashay bal wax kasoo helay lacagta ay gaalada reer yurub u balan qaaday gaalada amison balse waxaan leeyahay wax jiro moog ayad tihiin walee kama fiicnidiin wiilashi puntland isku haleyn iyo somalinimo in naliigu dhaafin waxa jidadka yaalo waa wiilasheeni oo gaala raacyo iyo nuugo noqday maxay idinla tahay adinkoo uba soo hijrooday ladagaalanka islaamka inaan caano noogu imaaneysaan.

  15. umu anisaa says:

    maasha allaah madaxweyne cusmaaciil cumar geelle xafidullaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah sida uu uga taagan yahey soo celinta qarinmadii soomaaliyeed waanu ku faraxsanahey waanu soo dhoweyneyna ciidamada sooma jeestayashii jabuiuti libaaxyadii afrika muqdisho waxey idiinku soo dhoweyneysaa caleemo qoyan wlc yaa jabuuti wlcccc ina cumar geelle libaaxii afrika.

  16. samater says:

    RUUN AHAANTII WAXAA LAYAAB LEH NIN LA SAACIDAYO OO ISNA DIIDANE DAWADII LAGU DABIIBI LAHA. INTA KA SOO HORJEEDA AMA DIIDANE IMAATIN KA CIDAMADA KA IMAANAYA WADANKA JABOUTI WAA INTA INTA KA XUN JIRITAANKA IYO BADBAADINTA WALAALAHA SOMALIYEED EE GODKA U JIRA MUDO HAATAN KU DHOW LABAATAN SANO. JABOUTI WAA WALAAL MUDANE IN LOO MAHAD NAQO HAD IYO JEERNA LA GARAB JOOGA WALAALAHA SOMALIYEED HIIL IYO HOOBA. HADABA WAXAAN U SHEEGI LAHAA SOMALIYA IN AY IMATAY WAKHTIGI IN AY IS RAACDO LAGAADHI LAHA. HA NOOLAATO SOMALIYA HA JIRTA JABOUTINA.

  17. Dalxa says:

    Allow nabad umadda dhex dhig! kee Gaala, Kee Muslin ah?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kenya oo Sheegtay in ay Ciidamo u soo dirayso Soomaaliya
  2. Sierra Leone oo sheegtay in ay Guuto ciidama ah u soo dirayso Soomaaliya
  3. Dowlada Shiinaha oo sheegtay in ay Maraakiib dagaal u soo dirayso Soomaaliya
  4. Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Arrimaha Soomaaliya
  5. Spain oo sheegtay in Ciidamo u Dirayso Xeebaha Somalia

Latest Headlines