Gudoomiyihii Gobolka Sool u qaabilsanaa Maamulka Somaliland Faarax Askar ayaa ku dhaawacmay qarax barqanimadii maanta lala beegsaday ,wuxuuna qaraxaasi ahaa mid lagu qariyay meel u dhow guriisa oo ku yaala Magaalada Laascaanood.
Khasaaraha ka dhashay qaraxaa ah dhimashada hal Askari oo ka mid ahaa ilaalada Gudoomiyaha wuxuuna sidoo kale qaraxaasi meelo badan ka haleelay gudoomiyaha .
Dhaawaca gudoomiyaha ayay wararka qaarkood sheegayaan in loo sii qaaday dhanka Magaalada Burco , waxayna wararka lagu kalsoonaan karo sheegayaan in Gudoomiyaha lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada ku dhex yaala .
Lama oga ilaa iyo hadda cida ka dambeysa qaraxa maanta lala eegtay Gudoomiyaha Gobolka Sool u qaabilsan Maamulka Somaliland , wuxuuna qaraxani ku soo beegmayaa 4 maalmood kadib qarax isla magaalada ka dhacay kaas oo ay ku dhinteen sida la xaqiijiyay afar Askari sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee Magaalada Laacaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhaca mudo 4 maalmood gudahooda ah , waxayna qaraxyadu u muuqdeen kuwo ku soo kordhayay Magaalada mudooyinkii ugu dambeeyay.
Qaraxayada ayaa u muuqda kuwo si gaar ah looga eeganayo xubaha Maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka Somaliland ee sugan Laascaanood , ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Somaliland oo ay uga hadleen qaraxyada ku soo kordhaya Laascaanood

Related posts:
walaal waxaan ugu nasteexaynayaa cida qaraxyadan ka danbeey inay ka waantoobaan sidaa laascaanood ku xoroobimayso ee dadka masaakiinta ah ayaa amniga ka qaadaysaan ogaadana qofkii qof muslin ah oo an waxba galabsan dila waciid shadiid ah ayaa ku soo arooray ee ilaahayka baqa
scw.
Meeyey culimada woqooyiga. Meey ka hadlaan arrimahan oo kale mase Udub (habar awal iyo habar yoonis) ayay ka baqayaan.
Shabaab iyaga uguma jirto khariidada wax la yiraahdo Soomaliya. Laakiin Xisbiga waxaa uu ku fashilmey inuu u ummadda u caddeeyo in dhulka Somaliya uu yahay mid qura aanan lana kala jari karin. SSC waxay ku doodayaan warkii ay ku doodi jireen SNM.
Ilaahow dadkan soo hanuuni.
asc all saomaliland yaa ka danbayse wxa ka dhacyaa sool manta lkn wxan idin oran lah sikasta yeshan am wxa walbo aad sameysaan ma ka talin dontaan sool saa ku seexda