Dufcadii ugu horeysay oo ka Qalin jabisay Jaamacada Nugaal ee Laascaanood

Published on January 25, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

Xarunta Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood gaar ahaan Hoteel Xamdi waxaa maanta ka dhacdey xaflad si weyn loo soo qaban-qaabiyey,waxaana xafladaasi ahayd mid ay ku qalin jabeniyeen ducfadii ugu horeysey ee ka qalin jebisa Jaamacada Nugaal ee magaalada Laascaanood.

Munaasabadan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimey isla markaasna ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan oo ay weheliyeen Masuuliyiinta Gobolka sool. Sidoo kale waxaa xafladaas lagu martiqaadey marti sharaf ka kala timi gobollada Burco Iyo Waqooyi beri hargeysa.

Xafladan waxaa ugu horeyn furay Shiikh Maxamed Xaliike oo halkaas ka soo jeediyey Aayadaha quraanka kariimka ah & waxaana uu halkaas kula dardaarmay Ardeydii ka qalin jebineyso Jaamacada Nugaal,waxaana uu ugu baaqey inay cilmi ay barteen u adeegsadaan wanaaga una gudbiyaan walalahooda u baahan cilmigaas,waxaana uu kula dardaarmey inay ka faa’iideystaan aqoontii ay barteen dadkana uga faa’iideeyaan.

Sidoo kale gudoomiyaha Gudida Jaamacada nugaal C/rashiid Jaamac Biixi oo halkaasi ka jeediyey qudbad aad u soo jiidatey dhamaan dadkii ka soo qayb galay xafladaasi waxaana uu ka war bixiyey marxaladihi ay soo martey jaamacada Nugaal isagoo sheegey inay inuu aad ugu faraxsan yahay qalin jebinta ardeydan maanta ka qalin jebineysa,waxaana uu sheegey inay tirada Ardaydaasi tahay 21 Arday oo ka qalin jebisey kulliyadda maamulka & maareynta,xisaabaadka.

Waxaa kale uu Biixi sheegey inay hadda ku talo jiraan inay Jaamacada ku kordhiyaan kuliyado cusub oo ay ka mid tahay Kuliyadaha beeraha,Xoolaha,Shareecada,waxaana uu baaq u jeediyey Qurbo joogta reer Sool ee ku dhaqan Dibeda inay dalkooda Maalgashi ku sameyaan si ay horumar la taaban karo u garaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool Keyse Awil Ladane oo ka warbixiyey xaalada waxbarasho ee Gobolka Sool Waxaana uu sheegey inay baahida waxbarasho ee gobolka Sool tahay mid taagan isla markaasna u baahan in gacmaha lays qabsado oo loo tafo xayto in la kordhiyo tayada waxbarashada gobolka sool,Waxaana uu sheegey inay kala badan yihiin iskoolada & dadka waxbarashada u baahan,loona baahan yahay in la kordhiyo iskoollada hoose/dhexe & sare.

Cali Maxamed Saalax oo ku hadlayey afka ganacstada isla markaasna ka socday shirkada isgaarsiinta Telesom ayaa isna sheegey in aad loogu baahan yahay in la helo arday cusub uu la jaan qaada Technologyada casriga ah ee hadda caalamka ku soo buurtey,waxaana uu ka hadlay wax tarka ay waxbarashadu u leedahay ummada,waxaana uu sheegey in wax barasho tahay shayga hagga qofka bini aadam-ka ah.

Dhanka kale Madaxa Bisha Cas Ee gobolka Sool Daakir Mohamed Warsame oo isna Khudbad aad u xiiso badan ka jeediyey halkasi ayaa u mahadnaqey dhamaan Maamulka Jaamacada Nugaal isagoo ku amaanay sida ay ugu dhabar adeygeen sidii ay wax u bari lahayeen dadkooda,waxaana uu kula dardaarmey inaysan intaas ku ekeyn waxbarashada ay barteen Ardayda maanta ka qalin jebisey Jaamacada Nugaal balse ay sii wataan waxbarashadooda.

Dhanka kale waxaa maanta xafladaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Masuuliyiin ka tirsan jaamacada magaalada Burco oo ay ka mid ahayeen Gudoomiyaha Jaamacada Magaalada Burco C/rahmaan Jaamac Ducaale oo u mahadnaqey dhamaan dadkii isugu yimi xaflada waxaana uu ku booriyey Masuuliyinta Jaamacada Nugaal & dadkii kale ee xaflada ka soo qayb galay inay si wanaagsan uga qayb qataan horumarinta Waxbarashada gobolka isagoo sheegey inay waxbarashadu tahay furaha nololsha caalamka.

Sidoo kale waxa khudbad dadka soo jiidatey xaflada ka jeediyey Col: Axmed Caato oo ka mid ah qurbo joogta,waxaana uu ka hadlay shirar kala duwan oo ay ku qabteen wadamada dibeda isagoo sheegey inuu dhawr jeer qurbo joogta ku dhiiri galiyey inay dalkooda maal gashadaan isla markaasna wax muuqda ka qabsadaan wadana gudihiisa.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal C/risaaq lafoole oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shaaciyey inay maanta Jaamacada Nugaal ka qalin jebinayaan Arday tiradooda gaareysey 21 ardey kuwaasi oo mudo 4 sano ah wax soo baranayey,waxaana uu mahadnaqy dhamaan masuuliyiintii & marti sharaftii ka kale timi goboladda dalka ee waqtigooda u hurey inay ka soo qayb galaan xaflada qalin jebinta dufcadii ugu horeysey ee ka qalin jebisa jaamacada nugaal.

Si kastey ahaataba waxaa xaflada soo xirey Gudoomiyaha Degmadda Laascaanood cambaashe Aw-dahir oo isna halkaa ka jeediyey khudbad aad dheer kana codsadey ardeyda maanta qalin jebineysey inay wax u qabtaan dalkooda isla markaasna ay niyadda ka saraan inay wadamo kale aadaan,waxaana uu sheegey in waxbarashada ay barteen ay u baahaan yihiin dadkoodu,loogana baahan yahay in looga faa’iideyo dadka u baahan waxbarashada.

Abdirhmaan Ahmed



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (1)

  1. Abdinasir Sulieman sancad says:

    S/c
    Waxaa mahad leh Eebe Cassa wajalla,,,

    Waxan u rajaynayaa Ardayda qalan jabisay in alle mid Adduun iyo Aakhiro ku aanfaco cilmigay barteen…

    Sanad ka sanka xigana waxaan rajaynayaa Boqolaal arday ah inay ka qalan jabiyaan Jaamacadda Nugaal iyo jaamacadaha kale Ee dalka Si loo helo ummad Aqoon leh Dadka iyo dalkana Aqoontooda wax ugu Qabta

    Shabakada somali mirror waan salaamayaa
    Abdinasir Kualumpur malaysia..
    S/c




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines