Sh Maxamed Idiris oo Socdaal Dacwadeed ku tegay Koonfur Afrika

Published on January 13, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Waxaa Ilaaheey Mahaddii ah in uu Sh. Maxamed Idiris uu ku yimid Safar Dacwadeed wadanka Koonfur Afrika, Sheekhu wuxuu wadanka soo gaaray 5/1/2010, isagoo ka yimid wadanka Zambia, intiinii la socotay warbixinadii hore ee aanu ka soo gudbinay, maqaalkan gaaban waxaanu ku eegi doonaa nashaadaadka ilaa iyo hadda uu fuliyay  sheekhu.

Ma aha booqashadani tii ugu horeysay ee uu wadanka ku yimaado sheekhu, oo tani waxay noqonaysaa tiisii lixaad ilaa iyo 2006; Sheekhu maalintii uu yimidba wadanka wuxuu bilaabay hawlihiisiii dacwo kuwaasoo run ahaantii ahaa kuwo ay bulshada Soomaaliyeed u oomanayd, isagoo kala hadlayay mar walbaba waxyaabo bulshada dan ugu jirto, isla ahaantaana xusuusinayay Ilaahooda, ka dibna sidii ay u noqon lahaayeen dad isku xidhan oo aan kala daadsanayn.

Sheekhu wuxuu ka hadlayay guud ahaan Khilaafka iyo waxyaabaha Keena, sideese looga hortagaa inta uusan imaanin, hadduu yimaadase sidee lagu xaliyaa.

Sababha kala geeya umadda

Waxyaabaha Fitnada looga Badabaado

Duruus laga qaadanayo Suuratul Xujuraat.

 

Mawduuca (sababaha kala geeya umadda) oo uu ka jeediyay Masaajidka wayn ee Imaamu Shaafici Johannesburg, sadex habeen oo isku xigta Arbaco, Khamiis iyo Jimco. Wuxuu si wayn oogu lafaguray in waxyaabaha kala geeya umadda ay ugu wayn tahay, Alle oo laga fogaado, Jahliga oo umadda ku  bata, Qof Jeclaysiga, Is Maqal la’aanta, Isu garaw la’aanta; isagoo mar walbana saarayay daliilka ku haboon hadba qodobka uu marayo, waxaanan is leeyahay waxay ahayd muxaadaro loo baahnaa timidna wakhtigii ay ku haboonayd bulshadiina ay ka faa’idaysatay ilaa iyo haddana ay bulshadu isa sii waydiinayaan oo meelaha qaarkood markaad tagto aad arkayso in laga wada hadlayo. Wuxuu kaloo isla Masaajidka ka akhriyay khudbadii jimce oo ahayd hagaajinta Quluubta iyo in qofka acmaashiisu ay ka unkanto qalbigiisa, ayna haboontahay in qofku uu ku dadaalo hagaajinta iyo nadiifinta qalbigiisa, sida uu jirkiisaba u nadiifiyo oo uusan u jeclayn in wax wasakh ah lagu arko, wuxuuna qofku ku hagaajin karaa qalbigiisa isagoo Alle isku xidha isla markaana akhriya Quraanka si xiqdiga, xaasidnimada, nifaaqa, kibirka iwm, ay uga baxaan. Khudbadani waxay taabatay quluubta musaliintii ku soo tukatay Masaajidka Maalintaas oo kor u dhaafayay in ka badan 800 oo qof, waxaan Ilaaheey ka baryaynaa inuu miisanka xasnaadka oogu daro sheekha, inagana naga dhigo kuwa hadalka dhagaysta kiisa wanaagsanna qaata. Aamiin.

 

Wuxuu kaloo sheekhu Muxaadarooyin u soo jeediyay Dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Johannesburg oo uu kala hadlay Dawrka Dacwada ay ku leedahay gabadha Muslimadda ah, kaasoo uu tusaalooyin dhawr ah ka tusiyay Saxaabiyaatkii Rasuulka scw iyo siday u gudan jireen dacwada. Waxaa kale oo uu u jeediyay maalintii Labaad Muxaadaro teedoo kalaba ay yar tahay in la jeediyo oo halku dhigeedu ahaa Gabadha Soomaaliyeed iyo Qurbaha, oo uu sheekhu ku nuux nuuxsaday gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo Sharaftooda iyo qaabka ay tahay inay ula dhaqmaan qurbaha, wuxuuna u keenay tusaalooyin muuqda kuwaasoo laga dheehan karayay xaqiiqada ka jirta qurbaha iyo waxyaabaha ay la kulmeen gabdhiihii Soomaaliyyed kolkii Qurabaha la aaday Wanaag iyo Xumaanba.

 

Sheekhu wuxuu safarkan dacwo ku soo mari doonaa wadanka oo dhan, meelaha ilaa hadda uu tagay waxaa ka mid ah, Rustenburg, Polokwane, Tzaniin. Wuxuu kaloo aadi doonaa Nelspruit, Eastern Cape iyo Western Cape inshaa Allaahu.

Mawaadiicda iyo mawcidaduba waxay ahaayeen kuwo booskii loogu talagalay dhacayay, waxaanan rajaynayaa umadda Soomaaliyeed inay ka faa’idaysan doonto. Inshaa Allaahu.

Axmed Maxamuud Cabdi (Axmed Dheere)

wacays99@gmail.com

Koonfur Afrika.

13/01/2010

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (8)

  1. Abdulahi dalamar says:

    Asckum Ilaahey misanka aqiro ha ugt daro shiiqa wanaa mid loo bahanyahay una bahan umada muslimiinta oo caamada aha dadka meshaas kunol ilaahey haku an faaco

  2. ubu muxsin says:

    acww maashaa alaah alle ha ka abaalmariyo shiikha miisaan ka xasanaadkana ha ugu daro shiikha umada alle ha ku anfaco intaa kadib walaalayaal waa in lagu dadaalaa barashada diinta islaamka wabilaahi toowfiiq

  3. mustaciinbillaah@live.co.uk says:

    maasha allaah ilaahay khayr haku abaal mariyo

  4. Khayr sheeg says:

    Assc wr wbr maamulka & inta soo booqata.

    Khayr Allaha siiyo Skeikh Muxmamed Idriis miisaanka xasanaadkana allaha u saaro juhdiga uu dacwada galinayo runtii waxaa la oran karaa waa arin ku dashayo mudan dadka u qumaana ay naadir yihiin shaqooyinka noocaas ah.

  5. caadil says:

    sheekh moxamed khayr Alle hasiiyo waa daaci aan kubaranay camal iyo ALLE kacabsi. juhuudiisana allaha barakeeyo asagoo kalana Allaha noobadiyo

  6. c/lahi sayful islam says:

    asc ayuhal ikhwa walalayal sheikh maxamed idiris wa shiekh dacwo iyo dadal farabadan u haya dhaman umada muslinka iyo somalida gar ahan qurba jogta waxan codsi u diraya culimadaa ssomaaliyed dadalka faraha badan ka sameyay gudaha iyo dibadaba inay markan culayska saran dibada specially south aafrica oo dhalinta aan oran karo adunka ssomali ka xun aysan jogin xalal iyo xaran lagu murmayo walciyadu bilah alle waaxaan uga shekena alle uga baryaya in misankaa xasanadkisa ugu daro dadaalka dherigaa ah uu u haayo umadisaa wsc

  7. macoow says:

    Waxaad idiin waydiinaayaa QAMIISKA labis ISLAAM miyaaaaa?!!

    Ina adeerayaalooow arintaas halayga shaafiyo haddii aad wax igu dhaantaan.. Mhadsanidiin

  8. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH. WALXAMDU LILLAAH, WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu,:

    ku : qofka leh magaca [ macow ] , haddaad ula

    jeedo kalimadda [ ISLAAM ] diinta ISLAAMKA ,

    oo aad ka wado ma dhar islaamku baneeyay

    baa jawaabtu waa haa oo hadduusan wadan

    wax kale oo ISLAAMKU xarimay waa dhar

    astura cawrada oo macruufa oo qurux leh

    laguna xaragoodo , haddaad ula jeedid

    kalimaddaas [ ISLAAM ] , muslimiintana haa

    jawaabtu waa haa oo waa dhar u gaara

    ragga muslimiinta ah oo khaas ahaan

    culimadu ay gashadaan .

    laakiin haddaad ula jeedid

    mawduuca ku saabsan shaykh idriis iyo

    dacwadiisa taas waxaan u arkaa inay

    kugu tahay aflagaado iyo ansha xumid

    waana la yaabanahay sida ay kuu sii daysay

    somaalimirror, waxaadna ogaataa haddii uu

    qasadkaagu yahay wax sheegid waa in aad

    naseexo sheegtaa ama aad naqdin cad u

    soo gudbisa shaykha oo xattaa waa banii

    aadame wuu qaldami karaa si hoose ugu

    dhigtaa naseexada , haddii waxu ku saab

    sanyahay maamulka uu wadona waa kuu furan

    yahay say ila tahay inaad naqdiso

    maadaama laguu fasaxay hadlakaan oo kale

    illayn haddaan been la sheegayn mawduucu

    ma ahayn qamiis ee qamiiska shaykh

    idriis baad nooga dhigaysaa cunwaan,

    adaana lagaa rabaa inaad kala caddayso

    ujeedadaada haddii kale waxaan ku

    leeyahay ALLAAH ka baq oo u cudur

    daaro shiikha kana raali gali hadalkaa

    qoraal ahaan , waxaan kuu sheegayaa inaad

    kaligaa khilaaftay markhaatiga intaas kaa

    horaysay ay u markhaati kaceen ninkaas

    ALLAAH dartiis isku xilqaamay , waxaan

    leeyahay waa sidaas ay sheegeen dadkaasi

    saas baana u malayn [ WALLAAHU XASIIBUH ]

    [ WALAA UZAKKI CALALLAAHI AXADAN ], ee

    macoowow jawaab baan kaa sugayaa haddaad

    daacad u socotay haddii kale oo aad soo

    jawaabi waydid macnaheedu waa inaad fawdo

    iyo buuq aad u jeeday .

    waxaana iga tala ah marka aan

    fiirshay marxalada lagu jiro maanta in

    ay waajib nagu tahay inaynu difaacno cirdi

    kasta oo muslima , oo aynu markasta garab

    istaagno madluumka haddna aynu daalimka aynu

    gacantiisa qabano , ALLAAHNA AYNU KA BAQNO.

    WALLAAHU ACLAM.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines