Midowga Africa ayaa Jumcadii shalay markale Waqtiga u kordhiyey Ciidamada AMISOM ee ka jooga Soomaaliya, waxayna ugu dareen mudo 6 Bilood ah, iyagoona sidoo kale dalbaday in Beesha Caalamku la soo gaarto taageero dheeri ah.
Ergeyga Amaanka iyo Nabadgalyada u qaabilsan Midowga Africa oo lagu Magacaabo Ramadaan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay:“Aragtiyo isweydaarsi kadib waxaa leysku waafaqay in lataageero Mudo kordhinta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo xoojin lahaa”.
Ramadaan ayaa sidoo kale Sheegay in Madaxda Dowladaha Midowga Africa laga yaabo inay Q.M ka Codsadaan inay kala wareegto Mas’uuliyada Howlgalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay doonayaan in Beesha Caalamku la soo gaarto kaalmooyin Ciidan isla markaana ay DKMG ah ka Caawiso sidii ay u qabsan laheyd Dalka oo dhan.
“hadafku waa hagaajinta Amaanka marka lagaaro Bisha October 2011 si ay Soomaalida ugu suuro gasho ka qeybqaadashada doorashooyinka lafilayo isla markaa Bog cusub loo furo Taariikhda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciiyey Ramadaan.
Gudoomiyaha Midowga Africa Jean Peng ayaa ku sheegay Taqriir uu shalay ka diyaariyey Xaaladaha Ciidamada AMISOM inay Soomaaliya geeyeen 5,268 Askari oo Uganda iyo Burundi ka kala socda wuxuuna Carabaabay inaysan wali gaarsiisneyn tiradii la rabay ee 8,000.
Waxa uu sidoo kale Shaagay Jean Peng in Dowlada Jabuuti 450 Askari u Tababartay DKMG ah wuxuuna sidoo kale cadeeyey in Buruundi balan qaday inay tababari doonto 800 oo Askari sidoo kalana Uganda Tababar kale laga filaayo Bisha March 2010.
Mudo kordhinta Ciidamada AMISOM ayaa imaaneysa Xili ay sii kordheyso Duqeymha ay ka geystaan Magaalada Muqdisho oo sababta Qasaarooyin Naf iyo Maalba leh oo soo gaaray Rayidka, manajirto Cid wax iska weydiisay.

Related posts:
Afrika iyo alshabaab wa is ogyihiin eeshacabow yan ladhax geli alshabaab hadey doon yaan iney amisom kasaaran dalaka haiskuwac den hal maalin eehakuqaadan dagal wala iskuraacah
Waan qabaa in labadooda midba kan kale sabab u yahey iyo mubarir oo hadii midkood la waayo kan kale uusan heleyn wax uu ku doodo oo xujo ka dhigto. Afrikaanku inta dad taageersan Alqacida joogaan konturaadooda way ka helayaan cidii markii hore meesha usoo dirsatey. Al shabaabna inta ciidan shisheeye joogo way helayaan mughafaliin indho xiran oo ay ku hawl geliyaan gaalaan la ´dagaalameynaaye jihaadka gala. Xaqiiqduna waxey tahey labadooduba maahan qolada isku jeedee midna lacag inuu ku qaatuu doonayaa waa amisome, shabaabkuna sabab ay caaamada ku qaldaan oo soomaalida ku qahraan oo alqacida ugu gacan geliyaan unbey u isticmaalayaan. Waxa dhibka rasmigaa gaarayaa waa shacabka miskiinkaa oo cawska lagu dul dagaalamayo noqdey. Inta caqligu ka shaqeynayo oo beenta iska qaawan ee Shabaab laga hor imaanayana dhibku wuu soconayaa.
Ciidamada Afrikaanka weeye cida la hubo iney dalka ka baxayaan marka alqacida meesha ka baxdo, laakiin Alqacida iney dalka qabsato oo magac diineed dalka ku gumeysato ayey dooneysaa.