Qasaaraha Duqeymihii Muqdisho oo sii kordhay & Barakac ka bilowday Degmooyinka qaar.

XasuuqWaxaa saaka Dagan Xaalada Degmooyinkii Muqdisha ee ay shalay Duqeymaha Culus u geysteen Ciidamada AMISOM, waxaana sii kordhay Qasaaraha ka dhashay Duqeyntaas, Dadka Deegaanadaasna waxay bilaabeen inay ka cararaan Guryahooda.

 

Ugu yaraan 15 Qof oo Rayid ah ayaa ku dhimatay in kabadan 30 meeyo kalana wey ku dhaawacmeen Duqeymo Duhurnimadii Shalay Ilaa Gabaldhicii xalay ku socday Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan Shibis iyo Boondheere, waxayna Dhibaatada ugu weyne ka dhalatay ku dhawaad 30 Madfac oo si saf mar ah ugu Dul habsaday Xaafadaha ku dhaw Saldhiga Degmada Yaaqshiid iyo Suuq Bacaad.

 

Dadka Deegaanka ayaa saaka Bilaabay inay guryahooda ka cararaan isla markaana u Barakacaan Deegaanadii ay oonka iyo Baahida kaga soo Carareen ee Duleedka Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen Duqeymaha Joogtada ah ee lagu Gumaadayo Shacabka Guryahooda kusugan.

 

Dadkan bilaabay Barakaca ayaa horey uga soo noqday Barakac kadib markii ay u adkeysan waayeen Nolosha Qalafsan ee Barakacayaasha Xamar ku heysata Duleedada Magaalada.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa wax laga Xumaado ku tilmaaay Duqeymaha lala daba joogo shacabka Masaakiinta wuxuuna ku baaqay in laga joojiyo Rayidka Duqeynta, Baabi’inta iyo Barakicinta.

 

Axmed Diiriyey oo Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho lahadlayeyna waxuu yiri:“Dad Shacab ah oo Madaafiic lagu soo ridayo oo wax badan Barakacay oo qaxay oo ka maqnaan waayey oo gurigoodii ku soo noqday inta haleeli waayeen oo meel ay ku hakadaan waayey oo Madaafiic lala beegsanayo oo waxay galabsadeen la arag waa wax laga Xumaado waa wax laga Murugooda, anagu waan ka xunahay Qofkii Damiir bani aadan leh oo islaam Alle iyo Rasuulka yaqaanana waa ka xumaanayaa…waxaan leenahay oo aan marar badan ku celcelineynaa Dadka aan waxba galabsan halaga daayo Madaafiicda halaga daayo barakicinta halaga daayo naxariis la’aanta dadkaas aan waxba galabsan sidaas baan ku baaqeynaa”.

 

Ciidamada AMISOM ayaa Caado ka dhigtay Duqrymo aan loo meeldayin oo ay la dhacaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho taas oo marwalba sababta Dhimasho iyo dhaawac Farabadan oo ay dheer tahay burbur hantiyeed, waxayna si toos ah uga Tuuraan Madaafiicdaas inteeda badan Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya oo ay ku sugan yihiin Xubnaha Sarsare ee Dowlada sida Sheekh Shariif.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

11 Comment(s)

  1. hadal maran waligaa wada soomaaliyey , inta ay waddanka joogta xaaraanta gafuurka soo duubatay waa la dhimanayaa , haddaad nolol iyo nabad rabtaan iska celiya kuwa gafuurka soo duubtay . cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib haddii kale iska bannaaxiya sida lo;da oo kale

    shaandheeye | Jan 8, 2010 | Reply

  2. as/cl
    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waa wax laga naxo in ay duqeeyaan cadawga AMISOM dadka islaamka ee soomaaliyeed inshaa alaah dadka meeshaas ku dhintana waa shuhado inshaa alaah alle waxaan ka baryayaa inta ku dhaawacantay in uu caafiyo aamiin inshaa alaah goor dhow ayaa looga aargudaa oo ficil istish-haad ayaa looga aargudaa inshaa alaah waxaa gacantooda ku cadaabi doonaan mujaahidiinta cadawgaan dalkeena ku soo duulay

    Abuu mujaahid | Jan 8, 2010 | Reply

  3. ILAAHAYAW ADAA SHACABKA SOO MAALI YEED UMAQAN EE KA DULQAAD DHIBAA TADA AAAAAAAAMMMMMMMMIIIIIIINNNNNNNN

    soomaaliwayn | Jan 8, 2010 | Reply

  4. asc walaalayaaal.
    Waa arin naxdin leh in dadkeena loo gumaada sidatan, iyadoon loo kale aabe yeelin, haddana lagu gumaado magac dowladeed. Soo dawladu dadka ma mataleyso, haddan maxaa magaceeda loogu xasuuqi shcabka. Walee waa xisaab taali doona. ilaahay ha u naxariisto inta ku waxyeelootay, ehelkooda samir iyo imaan ha ka siiyo. amiin

    abshir | Jan 8, 2010 | Reply

  5. waa wax aan loo adkaysan karin laynta shacabka soomaaliyeed .waxaan kaloo loo adkaysan karin axmed diiriye iyo dadka uu madaxda u yahay meesha ay dadka ku wadaan iyo dawlad diinimada,waa dad u bartay inay nooladaan dawlad laan kuna noolaadaan hanti umadeed,hadduu run sheegayo isaga iyo odayaasha kaleba ha ku dhaqaaqeen ficildawladnimo raadis iyo nabad soo celin ah

    kafiirso | Jan 8, 2010 | Reply

  6. ASC BABBI umadda muslimka faraj ha u keeno, gaar ahaan wadankeena soomaaliya , ragga maanta horboodayo siyaasada soomaaliya waa rag badankooda wata baasabooro ajaanib oo caruurtooda si nabad ah ay ugu nool yihiin dibada sida shariif waxa ay ku nool yihiin Yemen halka xasan daahir ay iyaguna ku nool yihiin Masar, waxa meesha waxa ku baa’baaya waa masaakiin aan haysan meel ay u baxsadaan, ee waxaa dhihi lahaa in labadaas nin ay caruurtooda ku soo celiyaan Muqdisho ka dibna madfaca indho la’aanta magaalada ku garaacayo, hadaad run sheegeysaan meel banaan ah iskula baxa oo soo kal badiya umadda masaakiinta ka dhax baxa.

    ma gabade | Jan 9, 2010 | Reply

  7. Asc

    Ilaah ha u naxariisto dadka shacab ah ee xaq darrada lagu xasuuqayo, beddel khayr lehna Allah ha ugu bedelo Xasuuqa ku meel gaadhka ah, xasuuqsom, xisbul jinn, iyo Alhabaab.(DKM, AMiSOM, Xisbul Islaam iyo ALshabaab)

    Dadka tacliiqa dhiibtaa waxan u malaynayaa in badankoodu ay wax ku xukumaan hadba warka ay Mareegaha wararka ka akhriyaan iyo siduu u dhadhamayo, taas waxa aan u leeyahay inta meeshan tacliiqa ka dhiibatay ma jiro qof keli ah oo ka hadlay ama ugu yaraan tawdiixiyay sababta sidan u dhacday, cidda mas’uuliyada iska leh, wiqaayadeeda iyo sida lagu xallin karo toona, bal se waxa uun indhaheenu ay ku dhacaan waxa markaas aan bil cayaan u aragno ee inoo muuqda.

    waxa aan aad ula yaabaa marka aan arko khabar ku saabsan Dagaal, bara kac iyo xasuuq ka hadlaya,oo walibana intuba ay saamayn xun ku leeyihiin Soomaalida, (cidda la dilay waa soomaali, cidda la xasuuqay waa soomaali, cidda la qarxiyay waa soomaali, cidda labara kiciyay waa soomaali, cidda gaajoonaysaa waa soomaali, cidda nafaqo darro u dhimanaysaa waa soomaali, cidda…cidda….cidda….) hadana ay qaar leeyihin Allahu akbar ilaahay aya cadawgii Ilaahay halaajiyay oo jabiyay wallaah waa wax aad looga murugoodo, goorma ayay dadkii soomaaliyeed inta aan kula fikirka ahayn noqdeen cadawgii ilahay, mise waxyi iyo aayaad Nabi Muxammed (scw) ka dambeeyay ayaa idinku soo dagay oo idiin sheegay in ciddii ra’yigiina khilaaftaa ay tahay cadaw ilaahay.

    mar-marka qaar waxa aan is idhaahdaa soomaalida iyo Xarakooyinkan Islaamiga ah miyaanay ahayn wada Ahlu sunne (sunni), waayo waxaan la soconaa in dhaqanka Shiicada ay tahay in Sunniga ay ka neceb yihiin Gaalka caadiga ah, sifadaas haddii aad ku sifawdona waxa halis ku jirta Ehlu sunninimadaada.

    Ugu dambeyn waxa aan Ilaahayka baryayaa in uu Soomaalida xaqa fahansiiyo, ciqaabkiisana intaas noogu joojiyo kollay arrintu waa “fa bimaa kasabat eydiikum”.

    ws wr wb

    By Xog-ogaal

    xog-ogaal | Jan 9, 2010 | Reply

  8. Asc

    Somalimirror fadlan sii daaya tacliiqayga

    Ilaahay ha u naxariisto dadka shacab ah ee xaq darrada lagu xasuuqayo, beddel khayr lehna Allah ha ugu bedelo Xasuuqa ku meel gaadhka ah, xasuuqsom, xisbul jinn, iyo Alhabaab.(DKM, AMiSOM, Xisbul Islaam iyo ALshabaab)

    Dadka tacliiqa dhiibtaa waxan u malaynayaa in badankoodu ay wax ku xukumaan hadba warka ay Mareegaha wararka ka akhriyaan iyo siduu u dhadhamayo, taas waxa aan u leeyahay inta meeshan tacliiqa ka dhiibatay ma jiro qof keli ah oo ka hadlay ama ugu yaraan tawdiixiyay sababta sidan u dhacday, cidda mas’uuliyada iska leh, wiqaayadeeda iyo sida lagu xallin karo toona, bal se waxa uun indhaheenu ay ku dhacaan waxa markaas aan bil cayaan u aragno ee inoo muuqda.

    waxa aan aad ula yaabaa marka aan arko khabar ku saabsan Dagaal, bara kac iyo xasuuq ka hadlaya,oo walibana intuba ay saamayn xun ku leeyihiin Soomaalida, (cidda la dilay waa soomaali, cidda la xasuuqay waa soomaali, cidda la qarxiyay waa soomaali, cidda labara kiciyay waa soomaali, cidda gaajoonaysaa waa soomaali, cidda nafaqo darro u dhimanaysaa waa soomaali, cidda…cidda….cidda….) hadana ay qaar leeyihin Allahu akbar ilaahay aya cadawgii Ilaahay halaajiyay oo jabiyay wallaah waa wax aad looga murugoodo, goorma ayay dadkii soomaaliyeed inta aan kula fikirka ahayn noqdeen cadawgii ilahay, mise waxyi iyo aayaad Nabi Muxammed (scw) ka dambeeyay ayaa idinku soo dagay oo idiin sheegay in ciddii ra’yigiina khilaaftaa ay tahay cadaw ilaahay.

    mar-marka qaar waxa aan is idhaahdaa soomaalida iyo Xarakooyinkan Islaamiga ah miyaanay ahayn wada Ahlu sunne (sunni), waayo waxaan la soconaa in dhaqanka Shiicada ay tahay in Sunniga ay ka neceb yihiin Gaalka caadiga ah, sifadaas haddii aad ku sifawdona waxa halis ku jirta Ehlu sunninimadaada.

    Ugu dambeyn waxa aan Ilaahayka baryayaa in uu Soomaalida xaqa fahansiiyo, ciqaabkiisana intaas noogu joojiyo kollay arrintu waa “fa bimaa kasabat eydiikum”.

    ws wr wb

    By Xog-ogaal

    xog-ogaal | Jan 9, 2010 | Reply

  9. salaan kadib WALAALAYAAL DADKANI MIYUU CAQLI BEELAY WAA MAXAY CALAACALKAN KA SOO YEERAYA ODOYAASHA HAWIYE IYO SHACABKA HAWIYE YAABA IS GAARAY WALI MA QAXBAA WAXAANI MA DHIMASHAA WAXAN HADA DHACAYAA WAA BILOW ILAA AY MAALINTII DHINTAAN BOQOL ILAA LABA BOQOL OO HAWIYE AH DADKII XAARAANTA KU KORAY KU NOOLAA WALIGOOD GURYIHII AAD DADKII LAHAA DISHEEN HADAN KU AASTEEN HOOSTOODA MA WAXAAD U MALAYNAYSEEN INAAD NABAD UGU NOOLAANAYSAAN AMA AMXAARO AMA MARAYKAN HA NOQOTO MARBA KUWAA ILAAHAY IDINKU ASIIBAYAA HADANA UGANDA IYO BRUNDI BERINA GAALO KALE AYAA IDIN BAABINEYSA ILAA AAD XAARAANTA JIRKIINA LAGA GOOYO ILAA ILMIHII XAARANTA KU DHASHAY DHINTO OO DAD NADIIF AH OO SOOMAALI AH KU SOO HARAAN WAA LA IDIN DILAYAA WAAYO WAX KALE MA FAHANTAAN ODAY MA LIHIDIN NABAD DOON MA LIHIDIN KAN HADA IDIIN HADLAY EE NABADOO AHAAN U HADLAY IMISA QOF OO SOOMAALI AH MASAAKIIN AH BUU DILAY OO WALIBA GURYAHOODII KU JIRAA HADA MIYAAND WAX ISKU SHEEGIN WADAADO XATAA MA LIHIDIN MOORYAAN ISWADADA DHSHAY BAAD TIHIIN NAAGUHUBA HA UGU DARNAADEEN AAKHIRKANA WAAD DHAMAANAYSAAN

    runsheeg | Jan 9, 2010 | Reply

  10. asc. umada soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kastooy joogaan inay gacmaha is qabsadaan
    wixii cadw ku ahna ay mid u arkaan kala qaybsanaanta dhaxdooda ha is ka dhaafaan cadawga shacab kooda gumaadayana ay is ka qabtaan……………..

    maafiyo | Jan 10, 2010 | Reply

  11. a/s walalayaa waan idin salaamay waxaan halkaan ka dheebanyaa fikradayda marka hore waxaan dhahay qof qofkale yuu ii deenin soomaali hadaan nahay wax walbo anagaa gacmahayna ku kaynsanay ilahaay haloo noqdo gacmah hala taago soomaali wax haysto waa imtixaan lakin waa lagabixi doon aniga waligay waan ku hamin jiray wadankayga in aan waxa walboo ay noqoto aan u horayo naftayda lakin waxaan kaniyad jabay markii la baabieyay walaalahayga dakaatiirta ahaa walaah waan ka xumaaday lakin qof walbo waxii ilaahay uqoro ayaa ku dhacayo aniga baranayo diktoornimo wan qoostay lakin hadan waxaan go aan ku gaaray walalahas geeriyoodiin in an booskood booxiyo lakin soomaaliya marbay noqon doontaa meel wanaagsan sabarka aan badino wax walbo way imaanayan in sha alaahh waxaan idin leeyahay walaalaha fikradah dheebanayoo yaa lagu dinbaabin dadka sabtoo ah waxii qaldan ilaah baa ig anaga ka shacb ahaan waxaa naga rabaa ucad yaa la dhihin qofkaas waa gaal waa murtad aan dhahno oo kilya alah soo hanuuniyo ok waxaan ku qldamay naftayd iyo shydaan waxaan asiibay alaynaya ka ahaatay macsalaao

    malyuun | Jan 20, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo