Duqeyn 4 saac oo xariira socotey oo Muqdisho ka dhacdey
By Somalimirror on 7 Jan, 2010 9:39 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatey 30 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey duqeyn xoogan oo Maanta Ciidamada AMISOM & kuwa DKMG ka geysteen Degmooyin dhowra oo Gobolka Banaadir ka tirsan.
Duqeyntan oo socotey ku dhawaad 4 saacadood oo xiriira ayey ciidamadu ka geysteen Degmooyinka Kaaraan, Shibis, Boondheere, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, waxeyna aheyd mid si is dabajooga goobahas ugu dhaceysay oo inta badan daryankeeda Magaalada laga maqlayay.
Inta badan dadka duqeynta ku waxyeeloobay ayey madaafiicdu ugu tagtey Guryahooda oo ku yaala Degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaaraha Suuq Bacaad iyo Hotel Bin Cali.
Dadkii kale duwanaa ee duqeyntan ku waxyeeloobay waxaa loola cararey goobaha Caafimaadka ee Magaalada waxaana la arkayay Gaadiidka Gurmadka Caafimaad oo daabulaya.
Sababta rasmiga ah ee duqeyntan daba socotey lama oga, balse waxaa jirtay rasaas aan badneyn oo laga maqlayay qeybo ka mida Degmooyinka la duqeeyay oo dhinacyada isku hor fadhiyaa is weydaarsanayeen.
Madaafiicda khasaarahan xoogan ka dhalatey waxay ka soo dhaceysan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo fariisin u ah Madaxda sare ee DKMG mana jiro hadal rasmiya oo duqeyntan ku aadan oo ka soo baxey.
Waxay duqeyntan qeyb ka noqoneysaa tan joogtada ah ee Ciidamada AMISOM & kuwa DKMG ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxyeelada ugu badanina ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Daabaco


aaww.salaantaas islaamka kadib waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan inta shuhada ah ee sida gardarada ah ay u laayeen ciidamada Masiixiyiinta ee duulaanka kusooqaaday shacabka muslinka soomaaliyeed ee cidana aan u naxeyinin .waxaan kale oo aan ka ee aan eedeyin dusha ugatuurayaa kuwa ku andacoonaya inay yihiin dowlad ee aan habayaraatee aan shacabka lagumaadayo aan waxba kagalin sida aad moodo in ay iyaguba ka yimaadeen wadamo shisheey oo iyaguba duulaan ku ah shacabka masaakiinta ah waxaan kaloo halkaan eedeyin dusha ugatuurayaa kuwa sheegta in ay yihiin wadaado ee iyaguba u naxayinin shacabka soomaaliyeed ee masaakiinta ah magacaydoonaan hawataan .waxaan isweydiiyaa hadaba yaa u maqan shacabkaan sidaas laisga gumaadayo ee aan laisweydiineyinin cidii dilaysa waxaan hadalkayga ku soogaba gabeynayaa
ms.Mahamed Hussen | Jan 7, 2010 | Reply
ASC
Ku:walaalaha soomalimirror
Fadlan marka aad qoreysaan maqaalkan oo kale oo muslimiinta soomaliyeed lagu xasuuqay, ku bilaaba maqaalkiina: AMISUN iyo Dabadhilifyadii empagati2 oo maanta duqeeyey degmo hebel. Taas waxaan uga golyahay kuwa caqliga ee walaalaheena ah in ay fahmaan xasuuqa waxa wada inay yihiin yuhuuda iyo yahuud kalkaal ee ayan ahayn waxa wax xasuuqa walaalaha dhalinyaha Ilaahey dartiisa dhufeysyada uga jira insha allaah. WSC
Badr | Jan 7, 2010 | Reply
shariif lasoo ganay balaaya kula tagtay midhaa waadan indhaha iskugukay qabqaban, waa dhiigya cab aan naxariis lahayn.
xiin-faniin | Jan 7, 2010 | Reply
waa cadawga ku soo duulay xaalkiisa waaye ma aha ceebtiisa waa sababta u soo duulay ayaa sidaa ahayd la yaab ma leh iin sh a allaah waa laga bixi doonaa wax walbaa waqtiga alle uugu talagalay ayay dhamaanaysaa.
m. m m | Jan 7, 2010 | Reply
INNA LILLAHI WA INNA ILEEHI RAAJICUUN ISBIRUU YAA AALA YAASIR FA INNA MAWCIDUKUM ALJANNAH INSHA’ALLAH. Waxan rabaa inaan culimada weydiiyo kuwan gaalada ah oo dadka saan uxasuuqayo maxad bayankiina ugaga hadli weydeen midda kale qofkii arintan kadhiidhiyo oo ladagaalamo ma fitno ayuu noqon? Arinta kale aan layaabay waxa ay tahay waxad tiraahdeen lacag yaa lagu taageerin waxanu ognahay dadka aad lahadleesaan in ay yihiin soomali soomalidane hadiba ay wax diran waxey udiran mujahidiinta kuwa kale oo milions of dollar lala dul taaganyahay maxad ugaga hadli weyseen hadaad caddalad tihiin? mise waad baqdeen. Hadaad baqeysaan maxad isaga aamusi weyseen. Gabagabadi waddanka waxa kudagaalamaya waa saddex qolo qeyb mujahidiin ooALLAH kuxiran qeya mushrikiin oo amxaro kuxiran qeybta saddexad waa murtaddiin amisom kuxiran. haddii mujahidiinta culayska aad saareysaan saaxada ay kabaxan (Alle maqadaree) yaa boos kooda idiin buuxinayo? Hadii aydnaan haynin maba haysaane labada kale ee Murtaddiinta iyo mushrikiinta in waddanka ay qabsadan raali makitihin? Culimada wanaagsan jawabtooda wey cadda hayo raali kama noqonayan hadii aydnan raali kanoqon oo baddiil neh eedan haynin maad mujahidiinta taageertaan wixii ay ku ammanan yihiin aad ku ammantan waxa ay ku khaldan yihiin sixikmadeysan aad ugu gudbisaan? YAA RABBI CULIMADA WANAGSAN SINBIRII RAXOODA UDHAAF NOÖNA XIFDI YAA ALLAH NAGANA QABO CULAMAUSSUU SHACAB KANEH FAHAMSII YA ALLAH. AAMÍIN YA RABBI. W.W.W.
Alxaaj cabas | Jan 8, 2010 | Reply
walaal umadaa muslimiinta ah maxaa loo laaynayaa’ walaal ogoow waxaa loo laaynayaa muslim bay noqdeen oo alle iyo rasuulkiisii muxamed [n.n.k] ayay rumeyeen walaahi iinshaa’allaah allaa u hiilin doona’kan soo duulay iyo kan hogaaminayaba ayagay ku dambayn ee sabra oo adkaysta oo sugnaada.
m.b.dayib | Jan 8, 2010 | Reply
Salaan ka dib
Walaalha Soomaalimirror, Ilahbaan idinku dhaarshee maqastiinna nooga tura! afkiibaa nala qabtey ee fadlan gacmaha hana qabanina!
———————–
Ilaahay ha lacnado AMISOM iyo intii ugu kaalmaysa dhibaatayda shacabka soomaaliyeed ee shirqoolka ku dhacay.
Wadaaddada soomaalida waxaa lagu ibtileeya been jacayl iyo inay indhaha ka qarsadaan waxa jira.
Yaxaaska ayaa lagu yaqaanna inuu markuu wax dilo ilmada shubo (oohin beenaad). haddaba waxaa habboon walaalha qaarkood inay joojiyaan ilmada yaxxaaska.
Ogaada shacabka soomaaliyeed waa ogaaday meesha laga hayo laakiin waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Waxaan ku siganahay inaan ku qanco inaan Islaamiyiintu nooga dhib yarayn gaalada. Haddii aysan sidaas ahayn bal walaalayaal ila arka qodobbadan:
Gaaladu madfac ayay ku ridaan meesha cadawgoodu joogo iyagoo aan dan ka gelin inuu ciidan ku dhaco inuu masaajid ku dhaco iyo inuu suuq ku dhaco!
Islaamiyiintu iyagoo u jeeddo dad yar oo cadaw ah ayay laayaan kuwo aysan dan ka lahayn oo tiro badan (taas waxaa loo qaadan karaa inaysan muslimiin u haysan soomaalida caam ahaan).
Mooryaantu waxay ka dhacaan dadka moobayllada iyo xoogaaga masaariifta ah, Islaamiyiintuna waxay dhacaan shirkadaha waaweyn iyagoo markiiba la taga kummannaan doolar!! (adigoon i maagin soo xuuraan waxa ka socda suuqa bakaaraha iyo suuq bacaad). kuwa doqmada ihi waxay dhihi doonaan 15 burcad ah ayaa dharaar cad bakaaro ama suuq bacaad tegi karta!
AMISOM waxay doonaysaa inaan Maraykan u hoggaansanno haddaan diidnana way na laynayaan.
Islaamniyiinu waxay naga doonayaan inaan u hoggaansanno Alqaacidda Haddii aan diidnana way na laynayaan!!
Gaaladu waxay naga kaxaystaan kuwa dhaadhaanka ah ee balwadda iyo xoola jacaylku madax maray, si ay noogu qasbaan mabda’ooda.
Islaamiyiintu waxay naga kaxaystaan caruurta yar yar iyo kuwa aqoontu ku bar go’day si ay rabtitaankooda noogu qasbaan!!
!!! Midkoodna ma oggola culimadeenna iyo wax garadkeenna!!!
Gaaladu waxay noo laynayaan Muslmimnimo, Islaamiyiinuna waxay noo laynayaan gaalnimo!!
Duqeynta gaaladu waxay ku dhacdaa dad rayid ah oo muslimiin ah, midda islaamiyiinta badankeedu waxay ku dhacdaa rayid mislimiin ah!
Gaalo awalba rajo kama qabin(kamana qabi doonno), laakiin waxaa sidoo kale guray rajadii aan ka qabnay Islaamiyiinta.
Waxaa noo baaqi ah tii Allaah aan ka qabney, naxariista ALLE kama quusto qof aan gaal ahayn!
falxado | Jan 8, 2010 | Reply
s/c ninkii diinta sheeganayay ee shariif la soo gamay ahaaa bal eega hada waxa uu fadhiyaa villa somalia waa meesha laga duqeynayo dadkii dad uxigay oo walaalihiis ahaa mana ka naxayo waxa ku dhacaya taasi waxay kuu cadeyneysaa qofkii dabadhilif ah in uusan xiata oo hooyadiis iyo aabihiis kanaxeyn walee layaab layaabkiis weeye shalay muxuu lahaa dad baa la xasuuqayaa maantay asagabaa xasuuqaya
meesha dawlad ma joogtaa waxaan oran lahaa dabadhilifkaas sidii la iskaga qaadi lahaa iyo gaalada uu wato ha lagu dadaalo soomaalaay
c/raxmaan wadani | Jan 8, 2010 | Reply
asc salaanka kadib waxaan halkan uga tacsiyadaynayaa umada islaamka ah ee la xasuuqayo waxaan leeyehey sabra insha allaah waxan ilaah baa idinka dul qaadayee oo isgarabsada mujahidiinta waxaan kale oo aan halkan kelmad uga jeedinayaa walaahay umada waxaa halagaya wadaad xume kii lagu bad baadayey ayaa inta uu gaalo soo dhex fadhiisatay odhanayaa mujaahidintu way khaldan yihiin laakiin waxaa khaldan sida ay u abaareen haday haatan kudarilahayeen gaalada iyo galo racyada qaarbadan oo wax magarato ah ayaa odhan lahaa waa runtood laakiin illahay mahadii si aanay taasi udhicin ayeey uqoreen inay aflagadeeyeen mujahidiinta oo qudha taas ayaa noo cadaysay in raaceen hadafka gaalada oo ay ka farxiyeen gaalo iyo gaalo raacyo iin sha alaah ilaahay madayacayo dhiiga mujaahidiinta waayoo umad buu illahay ku risaaqayaa
khalid | Jan 8, 2010 | Reply
Falxadow hadalkaa xikmad badan baa ka muuqda waxaase badan inta caadifad beena isku indha tiraysa. Ninka madfac ku ridaya amisom ee aan jawaabtana wax ka qaban karin balse ku raaxaysanay dhibka shacabka si sharii loo noco waa cadow kale.
Islaamiyiin waxay isku bedelaan qabqable wadaad ah oo tiisa dhigga shacabka u maraya danna aan kalahaynwixii soo gaaray.
cajiib | Jan 8, 2010 | Reply
Falxado,
Warkaagu waa sax.
Ciidamada dowlad isku sheega waxay dhacaan shacabka oo ay ka qaataan cellphonada iyo wixii masaariif ah oo ay sitaan.
Alshababkuna waxay dhacaan ganacsatada oo ay ka qaataan boqolaal kun oo dollars.
Waa inkaar ilaahey in Sheekh iyo Sheydaan ay isku ficil noqdaan! At the end of the day, labaduba waa sheydaamo!
Muumin | Jan 8, 2010 | Reply
ASC WR WB ALAHA IDIIN KU BADALO JANOP DHAWACIINANA ALAHA CAFIYO WALALAYAAL AAAD AYAAN UGU DAN QADAY MALIN WALIBA DILKA LA IDIIN GESTO IN SHA ALLAH ILAAH WAA UU IDINKA DULQADAA GALADA IYO GALA RAACDA ADKEESTA OO SAFAFKA MUJAAHIDIIN BUXIYA KUFAARTA CALAMAKA MAANTA CABSI AYEY LA WAL WALAAYAAN ILAHAY HA KORYEELO KUWA ILAHEY DARTII WAX U WADO
CUMAR BIN QADHAB | Jan 9, 2010 | Reply
Qofka yiri dadku waa muslimeen sababtaas ayaana loo laynayaa waa khaldan yahay. Dadka waxaa loo laynayaa, dantoodii ayay garan la’yihiin. Dadka waxaa loo laynayaa, Alle tabartoodii iyo taagtoodii ayuu ka inhasaabay. Dadka waxaa loo laynayaa waxay kari la’yihiin maamulkooda iyo xasiloonidooda dadka gilgilaya inay iska qabtaan.
Soomaali maskax ay xasuuq, jaahilnimo, gaajo iyo cudur uga baxdo ma leh. Kuwa mujaahidiinta sheeganaya dil iyo dhac iyo muslimka oo la gaalaysiiyo mooyee si kala oo xal lagu raadsho miayayna jirin?. Dadka Soomaalida ahi 15oo oo sano ayay muslim soo ahaayeen. Maanta la muslimin mayo dadka ku nool gayiga Soomaaliya. Nasiib darro dad arrintaas si ka gadisan aaminsan oo diintii umada laalay ayaa maantay soo ifbaxay.
Markeedii horeba diintu Soomaaliya kuma soo gaarin khasab iyo jajuub. Hadana ma yeelayno wax nalagu dirqiyo ee tii Alle aan ku caabudi jiray ayaano haysan. Hubaal waxaa ah hadii diinta Islaamku sida duulkan falaagada ah u adkanayaan u adkaan lahayd, khalgigu waa ka wada carari lahaa wax ashahaatana waa yaraan lahaayeen. Diinta islaamka ee xaniifka ah dunida afarteeda dacal waxa gaarsiiyay dad leh ku dayasho, dulqaad iyo wanaag.
Haday kuwa mujaahidiinta sheeganayaa ay ka duwan yihiin AMISOM (sidii Falxado tidhi), may ayagu u naxaan shacabkooda?. May kuwa mujaahidiinta sheeganayaa daayaan hubka ay maatada ka dhex tuurayaa?. Kuwa mujaahidiinta sheeganayaa haday manhaj sax ah wadaan, may dadka si ladifan wax uga dhaadhiciyaan oo ay joojiyaan duminta qaranka iyo calanka umada?. Haday kuwa mujaahidiinta sheeganayaa wadaan wax lagu raysto, may heshiis ogolaadaan dabadeedna xukunka umada ugu tartamaan si sharci ah iyo ayagoo kasbada thiqada umada?
Gabyaa Soomaali ah ayaa yidhi “wax la waayay geelow, ninkii waalan yaa u duda e”. Laga waa Soomaali dad hawlkarnimo iyo waxgaradnimo leh. Alle haduu khayr ku ogyahay Soomaali nabi ayuu horay ayaga uga soo saari lahaa. Hab dhaqankii aadmiga waad seegteene, sida xuunshada xaarka wada cuna.
Allemagan | Jan 9, 2010 | Reply
waa ayaan daro nasiib xumo damiir la’aan in maanta lagu xasuuqo dadka somalida ah oo ladaalaa dhacayo cono la’aan, daow la’aan, & hoy la’aan waxaana masuul ka ah nimanka mucaaradka ah ee ka soo horjeedda in ay dowlad somaaliyeed ka hanato wadanka somalia, nimantaas oo ah al shabaab $ xisbul islaam waa firqooyin baadi ah ayagaana masuul ka ah in ay soogalaan wadanka dowlado shisheeye.
diina wax kama oga waxa ay ku shaqeynayaan waa qabiil & qabayaalad & jago raadirs ee dadka ilahay haka qabto nimankaas sheganaya dinta diina ma ahan waxa ay raadinayaan waa mansab ama jago doon.
cabdulqadir cadde | Jan 9, 2010 | Reply
waxaa mas’uul ka ah dhibaatada ka dhaceyso somalia nimanka isku shegayo shabaab & xisbul islaam & wixii sooraaco wayo waxay diidan yihiin in wadanka dego oo dadka helaan dowalda iyo nidaam ayagaana keenay wadanka dowlado shisheye sida ethopia iyo ugandha marka ilahay haka qabto dadka kuwas shacabkane haka digtoonaadaan
cabdulqadir cadde | Jan 9, 2010 | Reply
Falxadooy carabtu waxay ku maahmaahdaa dhib ha samaynin yuusan dhib kuu imane taa waxaan oola jeedaa yaan la imaagin ayaad tiri adigoo maagay khalqiga alle uu abuuray kuwii oogu sharafta badnaa zabankan aan ku jirno mush macguul! Falxadooy waad dheereynaysaa dumarnimana waa dhaaftay waxaadna ku dhiiranaysaa mujaahidiin cadow alle hor taagan waxka sheegooda taasoo keeni karta in cadaabka alle afganbooti laguugu rido intaad u hadlayso halagaa sii sheego waxaan kugula dardaarmayaa inaad bariiga yar qabato oo aadan talaabada iska badin .
Muxamed | Jan 9, 2010 | Reply