3 Nin oo Soomaaliya oo lagu dilay Gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Published on January 7, 2010 by   ·   12 Comments   ·   print

Minnesota3 Nin oo Soomaaliya oo 2 walaalo tahey ayaa lagu dilay Habeenkii Arbacada Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka, ka dib markii rag hubeysan goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ku  weerareen.

 

Dilka 3 Nin ayaa ka dhacey gudaha goob Ganacsi oo ay Gobolka Minnesota ku lahaayeen halkaas oo rag hubeysan oo ilaa iyo hadda heybtooda la aqoonsan ku dileen.

 

Warar rasmiya lagama hayo sababta dhabta ah ee ka danbeysa dilka ragan iyo cidda geysatey midna, balse warar dhanka Bileyska ka soo baxey waxay tibaaxayaan raga dilka geystay inay ahaayen Burcad rabtey inay goobta Ganacsi ee Raga la diley ku sugnaayeen dhac u geystaan.

 

Ma jirto cid ilaa iyo hadda falkan Bileyska Gobolka Minnesota u soo qabtey waxaase jira baaritaan arintan ku aadan oo socda.

 

Falkan ayaa fajaciso iyo argagax ku ridey Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota oo u arka mid si gaara loola beegsadey dhibaato xooganna u geystay.

 

Raga la diley oo ahaa Ganacsato ka baayac mushtara Hilibka Xalaasha ee Muslimiinka Gobolka Minnesota ku dhaqan Isticmaalaan ayaa dilkoodu saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Muslimiinta.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyihii Gobolka Kar Kaar oo la dilay
  2. 2 Askarta Mareykanka oo Ciraaq lagu Dilay.
  3. Ciidamada Mareykanka oo sii dayay 6 Nin oo Burcad Badeed u qaateen
  4. Haweynay goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  5. 7 Ciidanka Mareykanka ah oo lagu Dilay Afganistan.

Readers Comments (12)

  1. Bashiir says:

    asc wr wb.

    Allaha u naxariisto nimankaan dhintay oo aan runtii wax yar aan isku jirno,oo aan daris la ahay goobtooda ganacsi oo dilku ka dhacay, ragga shaqeysanaya oo noolal maalmoodkooda soo saarta bay ahaayeen, Allaha u naxariisto. waxaan rajeynayaa in calaaladda la hor keeni doono kuwa dilkaan wuxuushnimada ah geestay.

    Bashir Mohamed

  2. m.b.dayib says:

    muslimiinta somalaay walaalayaal waxaan ku baxsan waynay wadankeena hooyo oo weliba la doonayaa in nalagu xukumo oo la leeyahay waxba ma noqon kartaan oo ma tasha kartaan oo diintiina kuma dhaqmi kartaan sidee ayaad ugu badbadaysaa sidee baad xur ugu noqon kartaa wadan noocaas oo kale ah walalayaal isaga carara wadanka noocaas oo kala ah, walalayaal isaga soo taga inta ku hadhay haddii kale waxaad mari doontaan halkii aay mareen walaaladii inaga dhintay dariiqooda midna culumada weydiiya muxuu xukunkiisa noqonayaa qofka ku dhex dhinta ee muslimka ah dhulalka galada iyo wuxuu ka yiri n.maxamed [n.n.k].

  3. Ahmed Ali says:

    Ilahay ha u naxariisto , waxaa loo malaynayaa in ay dilkooda uu ka dambeeyo arimo la xidhiidha dhulka somali galbeed, oo ONLF ayaa reer ahaan u dishay. Maxaa yeelay waxaay ka waayeen in ay tageeran ONLF. Ilahay ha ka qabto bulshada ONLF. Amiin

  4. Nabad says:

    To Ahmed Cali

    Sababta aad usoo hadal qaaday ONLF oo aad hadana kula xiriirineeyso arintan fosha xun ee marxuumiinta wexeey ka turjumeeysaa xumaanta iyo dhib u soojiidasho mujaahidiinta xaqa u dirireeysa saa xabadoodu waxaa loogu talagalay gaal un,Walaal qalbigaada waxa ku jira ayaad ka turjuntay oo intaad is qaban weeysay baad websaadyada la’soo gali neceyb iyo fitna iyo been abuur, Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu adoo kale naga qabto saa Allah baa og qofka calooshiisa iyo qalbigiisa

  5. m.b.dayib says:

    walaal kan ka hadlayoow ONLF waxay doonto ha ahaato laakiin meesha waxaa ku dhintay amaba lagu dilay dad soomaali ah dhulka lagu dilayna waa dhul gaalo ah haddaba waa kugu ceeb in tiraahdo gaaladii oo yiri waanu baaraynaa inaad adiga maanta aad tiraahdo naman soomaaliyeed baa dilay [ONLF]LA YIRAHDO ‘walaal meeshu waa maraykan oo aay ku badan tahay cunsuriyiinta’waxaa kaloo ku leeyahay malaha ka joog malaha qaarkii waa dambi.

  6. abshir says:

    ina ilahi wa ina ilaahi rajicuun.
    Ilaahay ha u naxariisto walaalaheen, waxaana ooga baryeyna in uu oogu badalo janatul fardowz iyo anbiya agtooda inshallah. Ehelkod iyo inta ay ka hoydeen in uu ilaahay samir iyo imaan ka siiyo. waxaan rajeyn in ay soomaalida degan minnesota la garab istaag ehelada walaalaheen kal iyo laab inshallah.
    walaalaheena kalena waxaan ka codsan in ay isku xishoodan, muhiimada meesha taala aysan ka hoos bixin. wcws walaalayaal.

  7. ABDULLAHI says:

    Inna lillah wa innaa ilayhi rjicun. Ilahay janadisa firdows hakadajiyo boos raga muslimiinta ah ee geeriyooday. Ninika Dusha usaaray ONLF Ilaah qalibigaaga hadaweeyo.oo wanaaga ha ufuro isagaa quluubta maamulkee.

  8. sauda says:

    as wr wb walaalka onlf dusha kasaarayoow maalinta qiyaame baad kajawaabi ama katoobad keen walaalaha geeriyoodayna ilaahay waxaan ooga baryeynaa inuu naxariistii jano siiyo
    walaalaha ilaaahay eynu kabaqno hadalkana halaga fiirsado

  9. Abdulkaadir Nogobi says:

    CADAYMO CAD CAD Ayaa Loo hayaa Inay ONLF Ka Danbaysay Dilakn Foosha Xun Sida Lasheegayo ee YAAN LABACIIDASNIN – Xaqiiqduna Way Soo Bixi doontaa Mar Dhaw….. Waayo Wiilashani waxay Diideen Inay Bixiyaan ,- Qaaraanka Xaaraanta aha ee Ay Onlf Uruursato,Kuna Layso Shacabwaynaha Reer Ogaadenya,Gaar ahaan Intii aan Iyaga Usacabtumin- Waxaadna Ogtihiin ONLF Lama Dagaalanto Xabashi ee Marna Wadaadada Gobalka udhasahay ayay Ladagaalaaan marna Shacabka-Xaqiiqdu Sidaas Weeye-

    Runsheeg

  10. Muhsin says:

    Ahmed Ali,

    Waa nasiib daro in musiibo ku habsatay muwaadiniintan soomaaliyeed intii aad tacsi iyo tiiraanyo ka muujinlahayd inaad sidaa u hadasho…

    Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu ilaahay janadii ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siiyo…amiin

    PS: Somalimirror fadlan waxaan idinka codsanayaa commentiga aan musaasibka ahayn inaad ka tirtirnaan meeshan.

    Mahadsanidin

  11. Cali Guure says:

    Ilaah ha u naxariisto masaakiinta la laayey.

    Cidda dilkan geysastey way soo bixi doonta haddii Soomalida deggan gobolkan ka run sheegaan in iska dhex qabanayaan mujrimiinta dilka geysatey.

    Kuwa ku doodaya in jabhada ONLF ka dambaysay waxay i soo xusuusisay sida Soomalidu u lahayn fikir dheer.

    Xamartan waxaa nala jooga kuwa looga saarey Mareykanka Arrimo Qabiil. Hargeysana iyo Bosaasana waxaa jooga qaar kale oo iyagana qabiil isku ceersadey dhulka gaalada.

    Sidaa oo kale waxaa jooga kuwo badan oo Soomali ah oo Somali kale ku dacwaysay inay yihiin Itixaad ama mutadarifiin oo laga soo saarey dhulka gaalada,

    Marka Soomalida waa hal qalan oo cid walba ka hormanayso. Marka ay iyaga is cunaanna waa ka qaniinyo daran yihiin marka gaalada qaniinto

  12. abuu muslim says:

    ALLAAH ha u naxariiisto walaalaha la dilay ehelkooda iyo muslimiintana samir eebe ha ka siiyo aamiin
    walaalayaal meesha tacsi baa lgu dirayaa mise danbigii baa lagu baarayaa sheekada yaa laga hor boodin wixii jiro waa soo bixi doonaan insha ALLAH




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyihii Gobolka Kar Kaar oo la dilay
  2. 2 Askarta Mareykanka oo Ciraaq lagu Dilay.
  3. Ciidamada Mareykanka oo sii dayay 6 Nin oo Burcad Badeed u qaateen
  4. Haweynay goor dhow lagu dilay Baydhabo.
  5. 7 Ciidanka Mareykanka ah oo lagu Dilay Afganistan.

Latest Headlines