Xubno ka mida Golaha Baarlamaanka KMG oo maanta Muqdisho kulan ku yeesheen waxay ka dhawaajiyeen inuu xilkii gudoonka ka dhacey hogaanka Baarlamaanka ugana eekeen Bishii August ee sanadkii tegay .
Xildhibaanadan oo gaarayay 50 meeyo ayaa si cad u sheegay inuu xilkii ka dhacey Gudoonka Baarlamaanka, waxayna sheegeen in looga fadhiyo Xubnaha Baarlamaanka muddo 15 cisho ah inay hogaan cusub ku soo doortaan oo loo dhan yahey.
Xubnahan oo uu Hadley Cumar Islow, kana tirsan Xogheynta Baarlamaanka waxa uu sheegay inuu xilligii ka dhacey Goodanka hada jira, sidaa daraadeed xubnaha looga baahan yahey inay gudoonka cusub doortaan.
Beesha Caalamka ayuu sidoo kale sheegay inay arintan ogeysiinayaan oo ku tilmaamey mid sharciya isaga oo soo xiganaya qodobka 13-aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Xubnaha Baarlamaanka ee ka maqan Dalka ayuu ugu baaqey iney dib dalka u soo galaan si shir gudoon cusub loo doorto howshii Baarlamaankuna halkeedii uga sii socoto.
Xukuumada ayay sidoo kale ugu baaqeen inay isku howsho qabsoomida fadhi Goluhu isugu yimaado si uu hogaan cusb u doorto hadii ayna arintaasi dhicin waxay sheegeen inuu dalku halis ku jiro siday hadalka u dhigeen.
Horey xubno badan oo Baarlamaanka ayaa shir Gudoonkooda u soo jeediyay eedeymo dhowra ooy qeyb ka tahey qabsoomid la’aanka shirarka Baarlamaanka iyo kala maqnaanshaha xubnaha Baarlamaanka.
Ma jiro hadal ka soo baxey Hogaanka Baarlamaanka KMG oo ku aadan arinta maanta xubnahan soo jeediyeen.

Related posts:
Alla doqonsanaa wuxu, waxay ka hadlayaan xilligii baa ka dhamaaday.. koleey waa kuwo xogaagii laalushka ahaa la siin waayay. maxaad ka hadashaa xilli baa ka dhamaaday. horta xalaal ma tihiin?!!!!.. awalba gaalaa idin keentay, waxaana la idiin keenay in mashrucii maxaakimta iyo diinta la idinku burburiyo, hadana hogaan aad ka hadlaysaane, idinkoo dhan aa la idin xaaqaa, waliba katarabiil aa la idin marinaa oo gaalo ujeedadii way idinka dhamysatay,kuwo kalaa la idinku bedelaa.. ee hadaad jaanis haysataane toobad keena oo safka jihaadka ku biira
walaalayaal ragaa yaa garanaya horta? walaalayaal ayay madax u yihiin? walaalayal ma og tahay in nalagu dirqinaayo madaxtinamdooda? walalayaal inay asaasaqeen oo aay yhiin kuwii weligood na soo xukumi jiray sidaa ma u ogthay? hadaba waxaad ogaataa inaanu ku hashiinayn baadilkooda waxayna meesha u fhadhiyaan la dirirka kitaabka alle iyo sunada n. maxamed[n.n.k] ilayn waa sharci jeddin.