WFP oo Howlaheedii Koonfurta ka joojisay & Al-shabab oo ka Hadley.
By Somalimirror on 6 Jan, 2010 11:51 AM in Main, Wararka
Shaley Hay’adaha WFP ee barnaamijka Cunada ugu qaabilsan Q.M waxay ku dhaawaqdey inay joojisay barnaamijkii cuno qeybinta ee ay ka wadey inta badan Koonfurta Soomaaliya, waxayna sabab uga dhigtay handadaalo iyo culeyso ka soo wajahan dhinaca Xoogaga Islaamiyiinta ee Gobolada Koonfureed gacanta ku haya.
Afhayeen u hadley WFP oo lagu magacaabo Greg Barrow waxa uu sheegay si dhaba inay u joojijeen cunno qeybintii Hay’adoodu ka wadey Koonfurta Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay inay arintan saameyn ku yeelaneyso ilaa 3 Milyan oo qof dad kor u dhaafaya, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku inta badan Shaqaalihii uga shaqeynayay Koonfurta Soomaaliya inay howlihii u joojiyeen baqdin la soo gudbootaaney, qaarkoonda u weeciyeen Gobolada kale ee Dalka ee howsha ka wadaan.
Afhayeenku waxa uu inaa raaciyay inay u baahan yihiin daryeel nabad gelyo oo howlahooda ku wadan karaan, si ay Cunnooyin u gaarsiiyay dadka Dagaalada ku qaxey.
Hadalka WFP waxa ka jawaabey Xarakada Shababul Mujaahidiin oo ku tilmaamtey midaan wax marmarsiinyo laheyn, haddii ay wax qabad u taagan yihiin Al-baabadu u furan yihiin.
Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Dheere oo Ujeedka Howlaha WFP ka waramayeyna waxa uu yiri:“WFP waxa ay rabtaa in Dalagyada Soomaaliyeedna ay baab’iso Beeraleyda Ameerikana Dhaqaale badan ay soo galiso…. Manta Ilaahey mahadii Gaalana aan wax ka dhihi karno dhaqaalaheenuna ay baareheenii ay noo baxaayaan Ilaahey S W ayaan uga mahadineynaaye Roob uu noo keenay Nabadgakyadeenii ay noo hagaagtay oo aan hagaagsanay Biyo Xireenadiinee inbadan oo kamid ah aanu hagaajisanay… Marka gaalo Maanta nooma Caga jugleyn karto waxaan leenahay WFP iyo kuwa Lamidka ah aan u sheegeynaa Caga Jugleyn waxba Tarimeyso waa isaga baxeynaa iyo midna… waqtigi yuusan idinka dhamaanine… adinkaa dano iyo Masaalix ku qabaye, hadii Dantiinu iyo Masaalxdiinu Dadka Soomaalida inaad wax ka gadataan ay dan idinkugu jirto ku soo laabta oo Beeraleydiisa wax ka iibsada hadii aanay dani idinkugu jirin hade waxaan leenahay Caradiina la dhinta”.
Mar uu shacabka kala Hadley inay wax qabsadaan oo shisheeye ku tashana waxa uu yiri:“Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed waxaan leenahay isku tashta beerihiina Tabcada ganacsigiina Hagaagsada, Gaal uma baahnin hadaan Ilaahey S W T aan ku Xirano, Alle Wuxuu leeyahay Cidii Ilaahey ka Cabsata Alle Faraj ayuu u yeelaa meel aysan ogeyna wuu ka arsaaqaa, marka Ilaahey SW aanu ku Xirnaano Dadaalkeena aan lanimaano aan isku tashano gaalo iyo kuwa lamidka ah ooma baahan doono bi’idnilaahi tacaalaa, Sakawaadkii ayaa la uruurinayaa Xoolihii ayaa la uruurinayaa Raashinkii ayaa la uruurinayaa inta baahane bi’idnilaahi tacaalaa inay Sakadaasi gaartaan rajeyneynaa inta wax heysatana waxaan kula Drdaarmeynaa inta walaalahood ah ee baahan inaysan gaalo u baahine iyagu ay deeqaan oo ay wax siiyaan intii tabartood ah”.
DKMG oo howl joojinta WFP & go’aanka Al-shabab ka gaarey ka hadasheyna waxay ku tilmaamtey cunoqabaneyn lagu soo rogay dadka rayidka ee dhibaatooyinka kale duwan la soo gudboonaadeen, sida uu Saxaafada ka sheegay Prof Dalxa.
Daabaco

MAHA AKLALH MA U BAAHNIN GAAL ILAAH AYAA NA NAGU FILAN ILAHOW DHUL KENA NOO BARWAQEE CIDII GAAL KU TASHA NAYSAY WATAA CIDII ILAAH KU TASHA NAYSAYNA ILAAHOW WAA UU IDINKU FILAN YAHAY WALAALAYAAL WAXAAS WAXAA KA NAXO DADKA DUCAFADA AH IYO DADKA IMAANKA AAN LA HEEN ILAAH AYAAN KA MAGAN GALNAY AYAGANA IL;AAH HASOO HANUUUNIYO OO HAFAHAN SIIYO QEERKA
MUJAAHID | Jan 6, 2010 | Reply
Walaalayaal waa hubaal waa sidaa uu walaalkeen
Acw dhamaantiin
Sh Cali Dheere uu u sheegay hadii dadku ilaahay aaminaan wax tabacna u soo jeestaan ilaahay wuu ka kaafinayaa Raashinka dhacay ee WFP iyo hay’adaha la midkaa ay ku ihaaneystaan Shucuubta muslimiinta waana mida keentay dad badan ineyn kalsoonidii ilaahay ku yaraato oo hay’adahaan aad isugu xiray laakiin ilaahay ayaa ah midka wax arzuqa Gaal & muslimna asaga ayaa quudiya ee dadow ilaahiina ku kalsoonaada wadankiina aamina beerihiina fasha xoolihiina ku intifaaca badda kaluunka ka jilaabta.
Khayr sheeg | Jan 6, 2010 | Reply
Acw dhamaantiin
Walaalayaal waa hubaal waa sidaa uu walaalkeen
Sh Cali Dheere uu u sheegay hadii dadku ilaahay aaminaan wax tabacna u soo jeestaan ilaahay wuu ka kaafinayaa Raashinka dhacay ee WFP iyo hay’adaha la midkaa ay ku ihaaneystaan Shucuubta muslimiinta waana mida keentay dad badan ineyn kalsoonidii ilaahay ku yaraato oo hay’adahaan aad isugu xiray laakiin ilaahay ayaa ah midka wax arzuqa Gaal & muslimna asaga ayaa quudiya ee dadow ilaahiina ku kalsoonaada wadankiina aamina beerihiina fasha xoolihiina ku intifaaca badda kaluunka ka jilaabta.
Khayr sheeg | Jan 6, 2010 | Reply
Asc
Awalbo waxay keeni jireen raashin dhacay oo ku uray STR dooda waxay na ubadan yihiin jawasiis marekan ah waan qabaa in laga ceeriyo wadan ka tankale waxay raashinka keynaan markii dadka beeralayda ay u go aan raashin kooda waana arin la soo ogaaday mana keenan markii baa hida loo qabo wsc
Mohamed | Jan 6, 2010 | Reply
alahu akbar ilahayowdiintaada guuleey cajiib nina waxuu leeyahay gala aanisk dhaafna oon ilaheey tala sarana oon isku tahano nina waxuu leeyahay gala la anteet walahalaksamaya subxaanalaah war hadanahay dad muslin ah oon kudayaneeyno nabigena NNKH iyo asxaabtiisa horay looma sheegin ineey cuneeyn wax gala laga soo aruuriyay gaja ahaana anaga aat iyo aat ayeey nooga darnaayeen marka maxeey tahay kalsooni la aantaa galana ilaaheygii awuuray mayaqaano mise dhalxoow adiga yaqaano waa su aal oo ilaahey weeydiiyay yahuut hada kahor hadey tahay jabaabta inuu ilaaheey yaqano ooy adoomadiis yahiin ilaaheey gaalo wx asxaan ah noogama sheegin ooy anaga noosameeyneeyso dhib mahane iyo ineey dhagar nala raadineyso marwalbo wa calamka in naloo soodawarsado lacak keen soomalia bahane ayeey lacaktii marekanka berleydooda kaga soogadayaan masaga xun oo urtay markaaseey beera leeydena markuu badarka usuu go lagu soo adinaayaa dadkii markaaseey go aan kagareen ineey w tacbadaan madama qarashka uusan iskeeneeynin uu badar raqiis ah lasoogalinaayo wqtiga beraha usoo go aan taas badalkeda eey kadoorbidaan ineey kamit noqdaan kuwa lasiinaayo ama suuqa ooga iibsadaan qrashkeey beerta gelin lahaayen ala galo dhagar badanaa ogada umdan ilaahey ayey ledahay markale waxaan kufarx sanahay inaan ilaaheey leenahay allaahuma yansuril muslimiin fiikuli makaan
amina | Jan 6, 2010 | Reply
Bismillah Allahu Akbar,’shacabka muslimka ah ee somaliyeed waxan leeyahay isku tashta, beerihiina tabcada, ganacsigiina hagaajista gaal uma baahnin’ nin ragay dardaaran utahaye doqon ha moogaado. Ilaahayow guusha idinka sii gaalada iyo gaala raacyada.Wallahi kala fog dabdhilif, suufi daaca qadhmuune oo xoolo islaameed been raba inuu ku cuno diintana barxo oo bidco iyo qurun la wareegaya iyo gaalo unaagays iyo nin leh ‘Waman yataqillaha yajcal lahu makhrajan wayarzuq hu min xaythu laa yaxtasib. Xasbunallahu wanicmal wakiil. Wallahu beeraheena iyo kalluunkeena, arigeena lodeena geeleena iyo dalagyadeena ayaa inaku filan haddaan si fiican u tabcano Allahna aan ka baqano. suaashu waxay tahay ma la inoo ogolyahay, oo gaalo iyo gaalo raac dawlad kusheegtu ku jirto ma rabaan sidaas, maya wallahi inayna rabin gaalo in aan baabano, dawarsano, qaxno oo inaga oo silcayna raashinkooda dhacay ka barino oo umahad naqno ayay rabaan.Ilaahay idin dulee allah idin dullee gaalo waa waxa ay jahanama hoygooda unoqotay.
Walaalada muslimiinta somalida debedaha jooga waxan kula talinayaa qofkastaa ha barto sida wax loo beero iyo cilmiga beeraha. inta aad lacag diri lahayd qofkastaa ha diro jawaano siidh ah siaan u beero dalagyo kala duwan,meel kasta oo dalkeena ah wax waa laga beeri karaa.Allah ayaa inaku filan
Wabillahi tawfiiq.
cali | Jan 6, 2010 | Reply
xaqiiqdu waxaa weeye hadba intii ilaahay lagu xidhnaado ayaa barwaaqo la helaa hadii aad ibna aadam isku xidho kaas ayaa wax laguu galin oo suu doono kaa yeeli faqrina ka bixi maysid hadaba soomaaliya waa wadanada aduunka u barwaaqayasan ee kuwa raba inay reer galbeed inagu xidhaan oo aan qoxooti ku noolaano waligeen diida kuwa raba inaan dad noqono oon qayrkeen ka hoosbaxno aan taageero waa dardaaran dib laga xasuusan doono
muayid | Jan 6, 2010 | Reply
MAashaa allaah .
warku waa war fiican raga commentska dhiibtayna waa rujaal aan khayr badan u rajeynayo waxaa ii muuqata kuwii duliga ahaa ee somalida nala sheeganayay inay sii daciifeen.
guushu wey dhowdahay waase la is imtixaamiye hala sabro dadoow
Geedi | Jan 6, 2010 | Reply
AS WR WB SALAAN KADIB WAA WAX AAD LOOGU FARXO TILAABADA EEY QADEEN URURKA ALSHAAB, UMADA SOMALIYEED INTA EEY TUUGSI KU JIRI LAHAAYEEN WAXAAN FIICAN INEEY BEERAHOODA BEERTAAN OO EEY QUUTKOODA SOO SAARTAAN HADII KALE WAXAA QABANEEYSA QAACIDADII DHAHEEYSAY QARAAR MALAHAN NINKAAN QUUTKIISA AAN AWOODIN OO WALIGII WAA LOO TALINI MIDA KALE WAXAA IISOO BAXDAY FRQIGA U DHAXEEYA ALSHAAB IYO KUWAAN ISKU MAGACAABAY AHLU SUNA
MEESHA EEY ALSHABAAB MASAALIXDA UMADA KA SHAQEYNAYAAN AHLU SUNA KUWA SHEEGANAYO WAXAA EEY BALANSANAYAAN FANAANIINTA WAAYAHA CUSUB SI EEY WAX UU ILAAHAY XARIMAY USAMEEYAAN BALA HA IDINKU DHACDO ILAAHAY IDANKII
xassan | Jan 6, 2010 | Reply
AS/CL walaalayaal sln ka dib waa ilaahee mahaddiis in ay gaalo joojiyaan cuntadii dhacay gaal wuxuu wax bixiyaa labo mar uun ogaada
1-marka ay noo soo goáan dalag beera ah oo waxay rabaan in ay ku jebiyaan waxa noo goáy oo dalag ah.
2-ilaahaa idinku dhaarshee inta ku nool muqdisho ilaa afgoi inta u dhxayso oo ilaah mar uun ka baryaan in uu quudiyo miyuu alaah quudin waayaa gaal wuxuu nacayaa in ay muslimiintaas ilaah baryaan .
waan ku taageersanahay walaalkay al-akh al-mujaaahid sh.cali dheere hadalka ka soo yeeray wana sax haday umada islaamka ee soomaaliyeed ay ku dhqmaan.mahadsanidiin macsalaama
Abuu mujaahid | Jan 6, 2010 | Reply
Shabaab kama run sheegin ka istaagidda haya’dahan mowqif cad oo ku fadhiya islaamka.
Hore ayaan ooga hadlay arrinkan isaga oo tafsiil ah.
Malaha mowqif cad oo qeexaya mowqifkooda. Haddana khilaafkan iyaga iyo WFP waxaa uu ka dhashay bixiya lacag iyo ka gata mesagada beeralayda Soomaaliyeed ama raashin ha keenina marka beeralayda wax beeranayso.
U fiirso sheekadu ma’ahan sheekadan cantariga ee Cali dheere akhrinayo.
Mowqifka saxda waxaa uu ahaan lahaa
-gaaloy la taga xoolahiinna aad ka soo qaaddeen dunida Islaamka.
- Shaqaalihiina ha kaga baxeen Soomaliya muddo kooban oo intaasi ah
Laakiin dhinacna waxaa ka shaqeeynaya hay’adihii kale sida Cobi oo Gedo saldhig ku leh iyo kuwa kale oo UN iska leedahay oo ilaa imminka shabaabka la shaqeeya sida WHO.
Marka yaa la is xiijin iyo takbiir la akhrin iyada oo xaqiiqda laga hadlayn.
Xisbul Islaam
iyaga warkooda waa cad yahay. Waxay dhaheen waan soo dhowaynaynaa wixii dadka wax u qabanaya.
Mowqifkayga ku aadan mowqifka xisbul islaam
Xisbiga waa ku khaladan yahay.
Maxay tahay sida saxda ah:
-In labadan Urur sameeyaan hay’ado samafal ah
-Shaqaalaha iyo madaxda hay’adahan yihiin xubnahooda lagu kalsoon yahay
-Ku qasbaan dhamaan hay’adaha inay u dhiibaan waxay hayaan labadan hay’adood ama kuwa kale ee Soomalida lagu kalsoon yahay qura
-Iyaga gargaar siiyaan ama gaarsiiyaan dadka tabaalaysan.
Yaa ilaa imminka sidaa oo kale sameeyey?
Waxaa sameeyey qolyaha reer waqooyiga oo u ku qasbay dhamaan hay’adaha sheegta waxa lagu magacaabo UN-ta inay shaqaaleeyaan keliya reer woqooyi keliya. Xitaa ma ogola reer koonfurka.
Ilaahow labadan koox ku toosi sida loola dhaqmo dadkan tabaalaysan iyo hay’adaha ka been sheega gargaarka ee haya lacago iyo raashin badan.
Cali Guure | Jan 6, 2010 | Reply
Allahu akbar, wlaalaha al-shabab allaha guul siiyo. Wayo hay’adahan ngo-yada ee wfp ay kamid tahay waa cadowga kowad e somalia leedahay qurunka hala ceyriyo, waxa kujira sirdoon gaalo iyo dhabadhilif, waxayna keenan wadanka raashin dhacay o uray. Allaha qabto cadowga umada islaamka. Guul alshabaab
Gumeysi diid | Jan 7, 2010 | Reply
cali guure maxaad ula jeeddaa reer waqooyiga si fiican looma fahmin taxliilkaas ee fadlan caddee
xog-ogaal | Jan 7, 2010 | Reply
Allaylehe gedoodii la baray gaalo qudhunleey!!
xataa haddii ay Al-Shabaab baad ka qaadaan LNGOs-ka sida WFP waa arrin sax ah … waayo waa JIZYAH waa tii la yiri ka qaada gaalada iyagoo dulaysan!!!
cali | Jan 7, 2010 | Reply
WFP waxaa loo sameeyey awalba inay niyad jab ku rido beerelayda somalida
runtii waxaa hubaal ah in somaali isku filantahay
teedka kale waxay rashinka ku soo beegaan marka beeruhu noosoo go;aan si suuga looga saaro badarka noosoo go ay
MISKIIN | Jan 8, 2010 | Reply
akh Xog ogaal
ACW
Waxaan ula jeeday sida ay reer woqooyiga ula dhaqmeen hay’adaha UN-ta.
Inta aan war hayo waxay ku qasbeen hay’adahaasi jooga \hargeysa ama burco iwm inay shaqaaleeyaan keliya Somalida woqooyiga dega.
Sidoo kale waxay ku qasbeen in hay’adaha samafalka sheegta ee ka jira woqooyiga Soomaaliya badankooda yihiin kuwa keliya ka fulin kara mashaariic ku sheegga gobolladaasi.
Ma\ahan inaan barakaynayo falkaasi laakiin xagga talada ama sax ha ahaato ama wax ha ku jireenne reer hargeysa way ku guulaysteen in hay\adaha \UN-ta laba goor maalaan;
1- xagga shaqaalaynta dadkooda
2- muujinta hayadahooda maxalliga ah.
wixii sir ah ee ay ka dhex heleyaan waaba haddii aysan camiil ahayn dee waa u dheer tahay.
shabaab iyo xisbul islaam sheekadooda waa xees bees. meelaha ay ka taliyaan malaha aragti midaysan oo u gooni gooni ah iska daa inay leeyihiin hay’ado samafal u sameeya.
Tusaale waxaan u soo qaatay sida shabaabka gedo ama bay uala shaqeeyaan unta halka kuwa kismaayana xoogga ku haysta u wadaamaysanayaan.
ninka yiri lacag baad ah waa jizyo wuxuu hadlay diin xumadiisa. axkaamul jizya bal dib ha u eego haddii uu wax akhrin karo.
Allow xaqa nagu sug
Cali Guure | Jan 8, 2010 | Reply