Maamulitaanka Wakhtiga‏

 

Abdiqani Haji Ali (Albanna).

abdilqani@hotmail.com

 

Waxaa mahad iska leh Ilaaha uumay ee unkay khalqiga kiisa xun iyo kiisa wanaagsan, Ilaaha ay nimcadiisa ku dhamaadaan wanaagyadu waxaa kaloo ammaan iyo sharaf u sugnaatay macallinkayagii, hogaamiyahayagii, tusaalahayagii, xabiibkayagii, Nebi Muxamad Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee iyo intii ku raacday wanaaga.

 

Axmaqnino wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegaynee (Afqalooc) Noloshu way is daba socotaa, maalinba waa waji cusub, sannad walba qolo joogtay baa tagta, kuwo aan jirin baa yimaada, midho cusub baa soo baxa, arday jaamacada dhiganayaa professor noqda, mid dugsi sare ku jiray ayaa jaamacad gala, sannadwaliba waxa uu wataa waayihiisa, marka horase aan is xisaabino sannadkii tagay maxaa inoo qabsoomay maxaase inaga qabyo noqday si aan sannadka cusub inagoo qorshe cusub haysanna aan ula kulanno haddii Ilaahay yidhaah.

    
Waxaan doonayaa inaan maqaalkana kaga hadlo qiimaha uu leeyahay wakhtigu iyo sidaynaan uga faa,iidaysan xaga adduun iyo xag aakhiraba, waxaana iswaydiin leh, Waa maxay wakhtigu? Maxay ku kala duwan yihiin shaqsiyadaada (qofnimadaada) iyo wakhtigu? Ma ilbidhiqsiyaa, miridhaa, saacadaa mise waa sannaddo? Su’aalahan jawaabahooda waa lagu wareeraa oo dadka intooda badani way ku adagtahay inay kala saaraan, inta kala saartaana waa in yar.
 
Qeexidda Wakhtiga:- Wakhtigu waa adiga (qofka ) noloshaada. Adiga iyo wakhtiguna waxba kuma kala duwanidin, miridhada, ilbidhiqsiyada, saacadaha, iyo sannadaduba waa miisaan lagu qiyaasayo wakhtigii, wakhtigiise maaha ((Waxaan ka yeelnay habeenka iyo maalinta laba aayadood(calaamadood) waxaan qarinay aayada habeenkii, waxaanan ka yeelnay aayada maalintii mid wax tusisa(Arag) si aad u doontaan fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan tirada sannooyinka iyo xisaabta, wax kastana waxaan u caddaynay caddayn(aada) )(Al-Isra:12) (( Eebe waa kan ka yeelay Qorraxda iftiin, Dayaxana nuur una qaddaray meelo ay socdaan, si aad u ogaataan tirada Sanooyinka iyo xisaabta wuxuu u abuuray Eebe arrintaas xaq wuxuuna u caddayn Aayaadka ciddii wax og)) (Yuunus: 5) Sifooyinka ama waxyaabaha uu Wakhtiga leeyahay Wakhtiga qolaba waxbay ku miisaantaa, Japan wakhtigu waa Lacag, Ingiriiska wakhtigu waa Dahab, wakhtiguse sida dhabta ah waxa uu leeyahay sifooyinkan:
 

·        Wakhtigu waa ka ugu dheer hadana ugu gaaban.

·        Wakhtigu waa ka ugu dhakhsaha badan uguna qunyar socod badan.

·        Wakhti la,aantii waxba lama qaban karo.

·        Wakhtiga lama soo celin karo lamana mag dhabi karo.

·        Wakhtigu waxa uu liqaa waxa yaryar oo idil, waxaanu dhisaa waxa waawayn oo dhan.

·        Wakhtigu cidna uma joojiyo mana sugo.

·        Wakhtigu waa raasamaalka qofku uu haysto ka ugu mudan.

 

Ilaahay maalinta qiyaame marka ay gaaladu ka dhex cabaadaan naarta dhexdeeda waxa uu ku odhanayaa ((Miyaanan idin siin Cumri(muddo) uu wax ku xasuusto ruuxii wax xasuusan oo aanu idiin imaga dige)) (Faadir: 37).


Waxaa is waydiin leh sidee buu wakhtigu u yeelan karaa sifooyinka iska soo horjeeda ee ah inuu gaabnaado hadana dheeraado, inuu yaryahay hadana farabadan yahay,? Waxaynu kaga jawaabaynaa sidan soo socota: Wuu dheeryahay maxaa yeelay waa jiritaanka kownka
Ø
 Wuu gaabanyahay waayo ma jiro qof nolosha wakhtigiisa ku dhamayn kara
Ø Wuu u degdeg badan yahay marka loo eego dadka farxadda ku nool, wuuna luudayaa marka loo eego dadka ku khamaaraØ
 Wakhti la,aan waxba lama qaban karo waayo waa masraxa kaliya ee nolosha kala wada
Ø Sida uu Quraanku uga warramay Ahmiyadda wakhtigu.
 
Ilaahay sarreeye xumaani ha ka dheeraatee waxa uu si faahfaahsan inoogu sheegay muhiimada uu leeyahay wakhtigu, ku abuuray todobada samo iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, maalinta qiyaamaha xaddiday ((Maalinta kala buxuna waxay leedahay wakhti go,an)) (An-Naba:14) isagoo ina baraya wakhtiga kuna soo arooriyay kitaabkiisa sharafta leh faa,iidooyinka iyo ujeedooyinka uu leeyahay wakhtigu, waxaana ka mid ah:

 
1. Wakhtigu waa nimcooyinka Ilaahay: ((Haddii aad tirisaan nimcooyinka Ilaahay tirin kari maysaan)) nimcooyinka ugu waawaynna waxaa ka mid ah wakhtiga, waayo waa noloshaadii iyo jiritaankaagii dhabta ahaa, wuxuu yidhi Ilaahay isagoo ku sii adkaynaya mannadiisa uu inagu mannaystay wakhtiga waxa uu yidhi:(( waxaanu idiin sakhiray cadceeda iyo dayaxa si joogto ah waxaanu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta * waxaanu idin siiyay wax kastood waydiisateen, haddaad nimcada Ilaahay tirisaanma tirin kartaan, Iinsaankuna waa dulmi badane, gaalnimo badan )) (Ibraahim: 33-34)waxa uu inoogu manno sheegtay nimcada habeenka iyo maalinta waana wakhtiga madaxooda, waxa kaloo uu yidhi: (( Eebe waa kan ka yeelay Habeenka iyo Maalinta isbaddal ciddii doonta inuu wax ku xasuusto ama doono inuu mahadiyo))(Al-Furqaan: 62).

 
2. Wuu ku dhaartay: waxa uu ku dhaartay Ilaahay wakhtiga meelo farabadan oo Quraankiisa ka mid ah (Casarkaan ku dhaartay# dadku waxay ku suganyihiin khasaare) (Waabarigaan ku dhaartay) (Duxadaan ku dhaartay) Culimaduna waxay yidhaahdaan in haddii Ilaahay ku dhaarto shay ka mid ah Makhluuqaadkiisa ka mid ah waxa uu uga jeedaa inuu inagu baraarujiyo faa,iidada iyo fadliga uu leeyahay.
 
3. Cibaadooyinkii oo lagu asteeyay wakhti: tusaale ahaan salaadaha oo ka mid ah shanta tiir ee islaamka ta labaad waxaa la ina faray xilliyo mudaysan ((salaadu waxay u ahaatay muslimiinta xukun gooraysan(mudaysan))(An-Nisaa:103) salaadaas oo wakhtiga inoo shegaysa, halkaasi oo aynu shan goor maqalno eedanka,sakada sidoo kale waxa uu yidhi Ilaahay (( ka Cuna Midhihiisa (sakada) maalinta la goyn)) (Al-ancaam:141) soonkii sidoo kale waxaa loo yeelay wakhti oo ah bisha sagaalaad (( kiina arka bishu ha soomo)) si loogu furo addoonka albaabada jannada, danbiyadiisiina looga dhaafo marka uu la yimaado camalkii suubanaa, waxaa ku sii xiga Xajkii oo isna ah shir sannadeed ay iskugu yimaadaan muslimiintu ((Xajku waa bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, iskutagid, fisqi iyo muran ma jiro xajka dhexdiisa, waxaa fashaan ee khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaata, sahayda ugu khayrbadana waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow)) (Al-Baqrah:197).

 
Sida ay sunnaddu uga Warrantay Ahmiyadda Wakhtiga:

 
Sunnaha Nebiga(Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) waxaad ku arki in si wacan looga hadlay waxaa uu Mucaad Binu Jabal ka soo weriyay inuu Nebigu(SCW) yidhi: ((“ka suuli maayo qofku maalinta qiyaame inuu ka dhaqaaqo meesha uu taagan yahay ilaa afar su,aalood la waydiiyo, Cimrigiisii waxa uu ku dhameeyay, Shabaabnimadiisii(dhalinyaronimadiisii) waxa uu ku qaatay, Maalkiisii halka uu ka keenay iyo waxa uu ku bixiyay, Cilmigiisii waxa uu ku camalfalay”)).

 

 
Sidaasaa loo waydiinay wakhtigiisa iyadoo mar la waydiinayo cimrigiisii oo dhan marna si gooniya ayaa loo waydiinayaa dhallinyaranimadiisii( rag iyo Dumarba) waayo waa xilliga(dhalinyaranimada) loogu awood waynyahay, loogu firfircoonyahay, waxayna u dhaxaysaa laba marxaladood oo uu qofku galo daciif, daciifnimada carruurnimeed iyo daciifnimada gabawga (( Eebe waa kan idinka abuuray tabaryari dabadeedna idinka yeelay tabaryari ka dib xoog, hadana xoog dabadii idinka yeelay tabaryari iyo gabow wuxuu doono ayuu abuuraa, waana waxwalba oge, wax walban kare)) (Ruum: 45).

 
Waxa uu Nebigu (Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ) ku dardaarmay nin waxaanu ku yidhi:((intaanay shani ku haleelin shan ka faa,iidayso: Noloshaada Geerida Horteed, Caafimaadkaaga Xanuun Hortii, Firaaqadaada Intaanad Mashquulin Horteed, Shabaabnimadaada(Dhalinyaranimadaada) Intaanad Gaboobin Horteed, Taajirnimadaada(Maalqabeenimadaada) Intaanad Faqiir Noqonin)).
 
Waxa kaloo Ibncabbaas laga soo weriyay (Ilaahay raali ha ka ahaadee) inuu Rasuulku(SCW) yidhi: (( Laba nimco oo ay dadku ka dhoohan yihiin baa jira waa caafimaadka iyo firaaqada)).

 
Dadkii wakhtiga Fahmay Maxay ka yidhaahdeen?!

 
Ibn Mascuud: Waligay kamaan murugoon intaan ka murugooday cadceeda oo dhacday, oo cimrigaygii gaabtay, camalkaygiina kobci waayay!.


Xasanal Basri: Ina aadanoow waxaa tahay maalmo kooban hadday maalin kaa tagto badh naftaada ka mid ah ayaa tagay.


Cumar Binu C/casiis: Habeenka iyo maalintu way kaa shaqaysanayaan ee adna ka shaqayso.


Ibnul Qayim: Wakhtiga oo la dayacaa way ka xuntahay dhimashada, waayo wakhti dayicidu/lumintu waxay kaa gooyaan Ilaahay iyo maalinta aakhiro, halka ay dhimashadu kaa goyso adduunka iyo ehelkeeda.
 
Dadkii wanaagsanaana waxay shanta salaadood odhan jireen miisaanka maalinta, maalinta jimcana miisaanka todobaadka, Ramadaantana miisaanka sannadka, Xajkana waxay odhan jireen miisaanka cimriga.

Sidaa daraadeed wakhtiga oo la dilaa maaha danbi aad ka gashay naftaada ee waa gacan ku dhiignimo, haddii aad wakhtigaaga dilayso maxaad u dooran wayday inaad dhimato, markasta oo aad tidhaahdid wakhti ma haysto waxaad u jeedaa waxa jira shay kale oo aan ku mashquulsanahay kana muhiimsan waxaas, ma jiro wax la yidhaahdo wakhti kalaan la sugayaa wakhti kaloo imanayaa ma jiro
 
Bal is xisaabi walaal waxa uu odhan jiray Khaliifkiii labaad ee Muslimiinta, Amiirkii Muuminiinta, Caadilkii Ummadda Cumar Binu Khaddaab ((is xisaabiya intaan laydin xisaabin, ismiisaamana intaan laydin miisaamin)).

 
Tusaale aan soo qaadano qof 60 jir ah dabadeedna aan eegno qofkaasi imisuu qaatay noloshiisa imisuuse qasaaray
Maalintii iyo habeenkii waa 24 saacadood, Bishii waa 30 maalmood, sannadkii waa 365maalmood.

 

 Wakhtiga

8 saac

8 saac

8 saac

Waxaad ku bixisay.

Hawsha

Hurdo

Shaqo


 
Sidaan u samaynay waa inagoo 24kii saacadood u qaybinay 60 sano waayo haddii ay maalintii iyo habeenkii yihiin 24 saac.

 

8  +   8  +  8

=

24

20  +   20  +   20

  =        

60

 

                                                                                               


60kii sano haddaan dul dhigno shaxdan imisa sanno ayuu qofkaasi hurday? Waa 20 sanno, imisa sanno ayuuse shaqaynayay? waa 20 sanno, halkaa waxa uu ku qaatay afartan sanno oo iskugu jira Hurdo Iyo Hawl. Waxaa inoo hadhay 20 kaa sanno waxa uu qabanayay, markaa aan ka goyno 10 sanno oo ah carruurnimadiisa iyo sidii loo lahaa waa carruur waxa soo hadhay 10 sanno, 10kaa sanno sidee ayuu u qaatay ila eeg walaal shaxdan kale:
 

 

Hawsha la qabanayo Wakhtiga ay qaadanayso:

1.

Kabo xidhashada

8 maalmood.

2.

Baska sugidiisa

2 Bil.

3.

Telefoon ku hadalka

2 Bil.

 

4.

Cunida iyo cabitaanka

4 sano.

 

5.

Maydhasada

6 bilood.

 

6.

Wax-Akhrisasho

2 sano.

 

7.  

Tv-ga

3 sano.

 

                       
Ma ogtahay in 15 daqiiqo oo is biirsaday ay soo baxayso sannadkii 11 maalmood! 22 cisho oo ku dhaw bil ay tahay 30 daqiiqo oo maalintii ah!
 
Wakhtigan laguu sheegayaa ma waxaan ahayn baa ilbidhiqsiyo is biirsaday oo noqday miridho oo noqday saacado oo sii noqday sanado.

 

1.   

Miridh

=

60 ilbidhiqsi.

 

2.   

Saac

=

60 miridh.

 

3.   

Sanno

=

365 maalmood ama 52 todobaad.


Adigoon is ogayn baad ku khasaarinaysaa filim daawasho 7 sano oo aad ku dhamayn lahayd dhakhtarnimo, ismase ogid, markaasaad hadhaw odhanaysaa haddii aan sidaa samayn lahaa sidaasaan noqon lahaa! .
 

 

Qiimaha Wakhtiga:

 
Si aad u ogaato qiimaha uu leeyahay wakhtigu, u fiirso oo la falgal weedhahan:
 
• Si aad u ogaato qiimaha uu sannadku leeyahay waydii arday ku guul darraystay sannad dugsiyeedkiisii waxbarasho.

• Si aad u ogaato qiimaha ay Billi leedahay waydii hooyo ku umushay sideed bilood, iyadoon dhamaysan sagaalkeedii Bilood.

• Si aad u ogaato qiimaha uu leeyahay todobaadku waydii tifatiraha wargays toddobaadle ah.

• Si aad u ogaato qiimaha ay leedahay maalintu waydii kuuli ama shaqaale qaata mushahar maalinle ah oo ay sugayaan 10 carruur ah oo uu quudiyo.

• Si aad u ogaato qiimaha ay 1 saac leedahay waydii laba is jecel oo ballamay oo isa sugaya.

• Si aad u ogaato Qiimaha ay hal daqiiqo leedahay waydii qof uu seegay tareen, bas ama diyaarad, tusaalana waxaa inoo filan basaskaynu raacno, marka kursigii u danbeeyaa hadhsanyahay, mac-hadkii, iskuulkii, jaamacaddiina kaa habsan yahay ee uu qof kaa hor fadhiistay adigoo inyar u jiray isna lahaa aad ku fadhiisatid.
• Si aad u ogaato qiimaha uu hal ilbidhiqsi leeyahay waydii qof ka badbaaday shil.

• Si aad u ogaato qiimaha uu leeyahay ilbidhiqsi badhkii, waydii qof ku guulaystay biladda dahabka ah ee ciyaaraha olambikada.


 Ogaada wakhtigu cidna masugo, wuu socdaa cidii ka faa,iidaysanaysa iyo cidii dayacaysaaba waa naftiisa, ((Qofkii Camalfiican sameeyaa waxa uu u sameeyay naftiisa, qofkii xumaan sameeyaana wuxuu dhibay naftiisa, Eebahaana ma dulmiyo addoomaha)) (Fussilat:46) imitixaan waad khiyaami kartaa, laakiin wakhtiga ma khiyaamayn kartid.
 
Xikmad ka hadlaysa dadka iyo wakhtiga:

 
Dadku waxay u qaybsamaan shan kooxood marka laga hadlayo wakhtiga iyo sida looga faa,iidaysto:

 
• Dadka maskaxda wanaagsani waxay ka hadlaan fikradaha,waxay hadiyo goor ka sheekeeyaan fikradaha wanaagsan iyo siday dadku ugu hormareen.
• Dadka maskaxdoodu iska caadiga tahayna waxay ka hadlaan dhacdooyinka, dadkaasi waxaa mashquuliyay wax laga yimid, wax tagay oo aan soo noqonayn bay wakhtigooda oo dhan ku lumiyaan inay ka sheekeeyaan, sida berigii dhulku barwaaqada ahaa, imika ma meelbaa berigii horay dhaantaye! Iyo hadalo kale. Lama diidana inuu qofka ka sheekeeyo dhacdooyinkii hore isagoo cibro iyo waano ka qaadanaya, balse waxaa la diidanyahay inay hadal ka noqoto.
• Dadka maskaxda yarna waxay ka hadlaan dadka,waxay hadiyo jeer ka hadlaan qof ay caayaan ama ay amaan aan u qalmin ku dultaagaan.
• Dadka maskaxdoodu sii yartahayna waxay ka hadlaan naftooda, kuwaasina waa Ri, is nuugtay oo kale, waxay noloshooda dhan ku lumiyaan inay iska sheekeeyaan, aniga yaa igaadhay ! anigaa ugu gobsan.
• Dadka maskaxdoodu eberka(waxbayahay) tahayna waxay ka hadlaan ashyaada, kuwaasina Ilaahay ha soo hadeeyee, waxay ka hadlaan waa ashyaada(manoolayaasha) sida mobileda, gawaadhida, dharka, oo waxaad arki qof wayn oo ka sheekaynaya gaadhigaasaa khatarsan iyo noocaasaa ugu danbeeyay, mobileka hebel ama heblaayo newyork baa laga keenay, Nokia nooceedu u danbeeyay baan sitaa ! dadkana waxay ku qiimeeyaan shayga uu haysto, kumase qiimeeyaan akhlaaqdooda iyo aqoontooda.

 
Sidaa daraadeed is qiimee oo kooxda aad ku jirto haddii ay wacantahay isku day inaad ka sii wanaagsanaatid, haddii ay xuntahayna is qabo imikaad wakhti haysataaye.

 
Waxyaabaha wakhtiga dila/lumiya:

 
Haddaynu ka soo hadalnay qayaxaada iyo qiimaha uu leeyahay wakhtigu, waxaynu imika dul istaagi waxyaabaha wakhtiga dila, ee qofka ka dhiga inuu wakhtigiisa ku khamaaro waxaa ugu horreeya waa jahliga aanu fahansanayn inuu wakhtigu yahay noloshiisa, waxaad arki dadka qaar odhanaya “wakhtigaan dilayaa” haddii uu si fiican u dhuuxo hadalkiisaas waxa uu ogaan lahaa inuu jariimo galayo oo uu dilayo naftiisa.

 
Waxyaabaha kalee wakhtiga dila waxaa ka mid ah:

 
• Kulamada aan faa’iidada ku fadhiyin sida maqaaxiyaha oo la iskugu yimaado ama majaaliista iyadoon wax qorshe ah oo aan ahayn sheeko mooyee.


• Telefoonada uu qofku iskaga hadlayo.

• Hurdada faraha badan.

• Wahsiga iyo caajiska.

• Dibu –dhigashada siiba hawl aad qaban lahayd.

• Saaxiibada xun-xun.

• Internetka siiba chattingka.

• Dalxiiska faraha badan.

• Isku qasida arrimaha muhiimka ah iyo kuwa kale.


Intaas oo dhan waxaad iskaga ilaalin kartaa adigoo samaysta jadwal iyo qorshe kuu qoran oo aad ku xisaabtantid.

 
Wax kaloo cusub lamaynu iman waxaynuse dul istaagnay suurad ka mid ah suuradaha quraanka oo aynu inbadan xafidsanahay, suuradaasi waa suurad kooban balse kulansatay macno iyo mug wayn ilaa uu imaamu shaafici yidhi “haddii suuradani oo kaliya la soo dejin lahaa iyadaaba ku filnaan lahayd”. Waa suuratul Al-Casr, iyadaa si qoto dheer uga sheekaysay wakhtiga iyo qiimihiisa.

 
Walaal waxaan hubaa in markaad akhrido maqaalkan ee aad naftaadana xisaabisid in suuratul Al-Casr ay kuugu dhadhami doonto macnaheedu si aanay waligaa kuugu dhadhamin, waayo Ilaahay baa leh “Insaanku Khasaare ayuu ku suganyahay” khasaaraha uu ku suganyahay sow maaha inta uu jiro ee uu hawl iyo hurdo ku qaatay badankeedii, haddana uu isku haysto inuu ugu sarreeyo.
 
Khasaarahaa la sheegayo si i tus iyo i taabsiiy ah ayaan kuugu sheegay shax ahaan waxa hadhay uun in aan ka hadalno afarta laga soo reebay khasaaraha:
 
1. Ku iimaanka laga helay.

2. Camal suuban la yimid.

3. Isku dardaarmay xaqa.

4. Isku dardaarmay samirka.

 
Afartaasina waxay noqonayaan mawduuc ballaadhan, oo baaxaddiisa leh, haddii Ilaahay wakhtiga inoo daayo waynu ka hadli doonaa.
 
Wixii qalad iyo qallooc ah ee aan galay waa naftayda iyo shaydaanka, wixii aan asiibayna waxay u sugnaadeen Ilaahay iyo Rasuulkiisa, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inaanu iga dhigin kuwa uu ku yidhi ((Ma dadkaad wanaaga faraysaan, oo naftiinaad ilaabaysaan (hilmaamaysaan ), idinkoo kitaabka akhrinaya, miyaydaan caqli lahayn)) (Al-Baqrah:44)

 

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan


www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. waan kusalaamay

    hindi | Jan 9, 2010 | Reply

  2. asc wr wb. Walaalkan maqaalkan qiimaha badan soo qorey oo uga faa,ideen doono walaalo badan insha Allaahu, waxaan Allaah swt kaga baryaraa inuu akhlaas kaga dhigo anakana nagu anfaco aduunyo iyo aakhiro,waxaan kaloo ku dhahayaa jazakallaahu khayran jazaa.

    umshuhadaa | Jan 11, 2010 | Reply

  3. asc wr wb,
    Walaal aad ayaad ugu mahad santahay maqaalkan, Waxa aan isleeyahay waxa uu Cinwaanku ku quruxbadnaan lahaa haddii aad ka dhigno\

    “MAAREEYNTA WAQTIGA”

    Bashir | Jan 13, 2010 | Reply

  4. sww waa maqaal aad uqiimo badan allaha ka abaal mariyo qoraaga waana kafaaidaystay xaqiiqatan,maxaayeelay wuxuu naxusuusiyay qiimaha waqtiga oo ah nolosheena ,hadaan beeldarayno waqtigeena ay kadhigan tahay anagoo beel daraynay nolosheenii ,
    allaha nawaafajiyo inaan kafaa idaysano waqtigeena

    umucamaar | Jan 19, 2010 | Reply

  5. manshaa allaah walaahi waan raadiyay warqad tilmaamaysa qiimaha waqtiga uu sidaan uu kale ah waana tii aan naftayda daba dhigi lahaa yacni ku dhaqmi lahaa waxaan aqriyay warqad ay gabar walaasheena qortay uu ay ugu magac dartay QIIMAHA WAQTIGAAGA WAA QIIMAHA WAQTIGAAGA sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan waqtigeena ka faa iid aysano

    axyaawadani | Jan 22, 2010 | Reply

  6. A/C.
    Waxaan si aada ugu riyaaqayaa walaalkayga noo soo bandhigay maqaalkaan aadka inoo anfacaya khaasatan soomaali hadaynu nahay, maadaama aynu lahayn dowlad taag leh dadkuna ubadanyahay dad aqoontoodu yartahay waqtigoodana ku beeldareeya fadhikudirir iyo siyaasad aan la fahansanayn.
    waxaan kaloo ka codsan walaalkeena c/qani xaaji iyo walaalaha kale ee kara inay soo jeediyaan tacliin anfaac leh sida maqaalkaanoo kale iwm. waxaan kaloo ka codsan akhristayaasha qiimaha leh inay ayagana naftooda oo kaliya uga faaiadaysane usii faaideeyaan dadkooda kale sida sxb ehel iwm.
    waad mahadsantihiin dhammaantiin.

    Abduljibbar Saed Omar | Jan 22, 2010 | Reply

  7. Salaan qaaliya kaddib.

    Waxaan u mahadaniqi qoraaga, maqaalka qiimaha badan uu inoo soo bandhigay. Illaaheey kheyr badan hakaa siiyo.

    Sidoo kale waxaan jeclahay inaan ku celiyo hadalkaan qiimaha badan ee uu yiri, Abduljibbar Saed Omar (Fikir ka dhiibo| Jan 22, 2010)

    ‘waxaan kaloo ka codsan walaalkeena c/qani xaaji iyo walaalaha kale ee kara inay soo jeediyaan tacliin anfaac leh sida maqaalkaanoo kale iwm. waxaan kaloo ka codsan akhristayaasha qiimaha leh inay ayagana naftooda oo kaliya uga faaiadaysane usii faaideeyaan dadkooda kale sida sxb ehel iwm.
    ‘.

    ps: bahda Somalimirror guuleysta!!!!!11

    Miskiin | Jan 22, 2010 | Reply

  8. Albanna waa qoraa caan ah oo runtii fikir fayaw sida waxaanan jeclaan lahaa in shabakada somalimirror.com ay u samayso bog dhan, waayo wuxuu leeyahay maqaalo fara badan oo iskugu jira Diini, Bulsho iyo Aqoonta kalaba.
    Albanna walaal dedaalkaaga halkaa ka sii wad

    Yuusuf | Mar 4, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo