Al-Shabaab oo Maamul Cusub u dhisay Deg/Garbahaarey.

Al-ShabaabMaamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Gedo ayaa Shalay Galinkii Dambe Goob Fagaare ah kaga dhawaaqay Maamul Cusub oo ay u dhiseen Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaas waxayna Xilkii ka qaadeen Maamulkii horey halkaa uga jiray ee Al-Shabaab.

 

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Goboka Gedo oo Shalay meel Fagaare ah kala hadlayey Boqolaal kamid ah Dadka ku nool Degmada Garbahaaray ayaa Sheegay inay Maamul Cusub u Magaacaabeen Degmadaasi isla markaana ay badaleen Maamulkii hore.

 

Maamulka Cusub ee Garbahaaray loo dhisay ayaa waxay kala ahaayeen Dadka loomagacaabay sidan:

1.      Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey Sheekh Max’ed Cismaan Axmed.

2.      Madaxa Xifiiska Amniga Degmada Garbahaarey Sheekh Muscab Faarax.

3.      Madaxa Xafiiska Dacwada Degmadaas Sheekh C/laahi Max’ed Weyrax.

4.      Madaxa Xafiiska Garsoorka iyo Xukunka Sheekh Yuusuf Xasan Isxaaq.

 

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee ku dhawaaqay Maamulkaan Cusub ayaa Dadka Degmada Garbahaarey ugu baaqay inay la shaqeeyaan Maamulka loo dhisay oo ay garab istaagaan.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Maamulkii hore Degmada  Garbahaarey oo isna goobta Maamulka looga dhawaaqay ka hadlayey ayaa soo dhaweeyey Maamulka Cusub wuxuuna Dadka ugu baaqay inay Wanaaga kala shaqeeyaan. 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

15 Comment(s)

  1. maa shaa alaah oo maamulka wax midga ahba kuma jiraane waa maxay.alshabaab waa cadaalad maxaa loo lahaa!! messe beesha boon-mariixaan waxaa loo daayay dg\b\xaawa!!.
    yaa zamanal cajaaaaaaaib

    qaasin | Jan 6, 2010 | Reply

  2. Maamulkii hore ILAAHAY kheyr farabadan hasiiyo.
    Maamulka Cusubna ILAAHAY wanaag ha waafajiyo.
    Reer Garbahaareey ILAAHAY nimcadooda ha u kordhiyo.

    Faysal | Jan 6, 2010 | Reply

  3. Calanka madoow ee Al-shabaab dusha kaga qoreen Tawxiidka wuxuu i soo xasuusiyey qiso cajiib ah oo ku dhacday nin khamriga gada .

    Qisadu waxay ahayd , nin ayaa wuxuu ka ganacsan jirey Qamriga ; wuxuu dhib weyn kala kulmi jirey sidii uu khamriga u marsiin lahaa koontaroollada , oo ah meelo lagu qabto qamriga iyo qofka sita .

    Ninkii wuxuu helay feker uu is yiri waxaad kaga bad baadi kartaan halista soo food saarty ganacsigiisa kootarabbaarka ah . dabcan nin-kani ma ogayn cawaaqibta iyo ay danbiga uu kororsanayo , laakiin marxaladdaas ayuu rabay in uu uga gudbo si uu xeeladaysto xaraantiisa.

    Maxay noqotay xeeladdii ? wuxuu u tegey nin dharka tola, wuxuuna ka samaystay gal-ka lagu rido ama lagu qaato kitaabada , ka dibna wuxuu maradii galka ahayd dusha kaga qoray aayaadda 79-aad ee suuradda Al waaqicah , ee ah :{ ?? ???? ??? ???????? }

    ” Kitaabka Quraanka ma taabto qof aan daahir ahayn”.

    Ninkaan sida beenta ah ugu qaraabanaya Kitaabka Alle wuxuu ka ganacsadaa khamriga xaaraamta ah , wuxuu galay fal danbiyeed ka weyn iibintii xaaraamta , oo khamri ayuu ku sheegay ama ku shabbahay Kitaab Quraan ah , oo aanu taaban Karin qof aan daahir ahayn!.

    Taas waxaa la mid ah oo weliba ka sii daran Calanka madoow ee shabaabku dusha uga qoreen Tawxiidka!!!

    Sidee Tawxiidka Fadliga badan loogu dul qori karaa maradan madoow ee ajaanibtu keentay , maradaan loo soo dhiibay khawaarij ka maran diinta iyo garashada , oo ah koox laynaysa dadkii noolaa , soona qufaysa dadkii dhintay , koox diinta ku ganbata oo aanu ka bad baadeyn qof dhaintay iyo qof nool .

    Sidee tawxiid loogu qorayaa maro hoosteeda lagu gawracayo muslimiinta , lagu xasuuqao shacabka . saw taasi la mid ma aha maradii khamriga ee dusha looga qoray ?? ???? ??? ????????

    La yaab ku noqon mayso dadka aqoonta u leh diinta Islaamka , In khawaarijta Al-shabaab ay Tawxiid dusha kaga qoraan calankooda madow , laakiin waxay isku sii caddaynayaan khawarijnimada.

    Taariikhda Khawaarijtii hore ayey ku caddahay in ay xaqa ku qasi jireen wax baadil ah . sida ku qoran Kitaabka Saxiixu Muslimka , Sayid cali Ibnu Abii Daalib RC. ayey khawaarijtii waqtigaas joogtay ku dheheen ” ma jiro Xukun aan ahayn kan Alle ” markaas ayuu sayid cali ugu jawaabay “ waa kalmia xaq ah oo baadil looga Jeedo”

    hadda jawaabta khawaarijta casrigu waxay tahay Calanka madoow waa baadil . kalimada tawxiidkuna waa xaq .

    kalimada tawxiidkuna waa midda aad diideen in aad dhowrtaan xuquuqdeeda , oo waxaad laynaysaan , gaalana ku sheegeysaan dadkii aamminsanaa , kuna dhawaaqaey ???? ?? ????? ??? ???? ????? ?? ????? ???? ???? . Laa ilaaha Ilallaahu Muxammadu Rasuulullaah.

    Sidaas darteed , Tawxiidkaan aad ku xad gudubteen ha nooga qorinninna , noogana tira Calalkiinna Madoow ee mugdiga ah.Soomaaliya waxaa u calaamada calaankooda Buluugga ah ,

    Waxayna ku nool yihiin tawxiidka iyo Islaamnimada oo ay aamin sanaayeen qarniyo aad u fara badan.

    Soomaaliya , Tawxiid iyo calan ugama baahna ajaanibtan qaatiliinta ah iyo ilmaha ay dooriyeen maankooda ee khawaarijta ah.Calanka soomaaliya waa calanka Soomaaliya.

    Waa laga celinayaa ajaanibta iyo gumaysiga cusub ee doonaya inay tir tiraan muuqaalka ummadda soomaaliyeed, isla markaana raba in ay beddelaan diintooda muqaddaska ah.

    Shacabka soomaaliyeed in kastoo tala badan ka maqantahay Allaha tusee , ma aqbalayaan siibidda calankooda iyo saaridda clanka baadsheed ,

    Ma aqbalayaan calanka soomaaliya siib, calanka ajaanibtana saar . Insha’allah , kan ayaa soomaaliya ka dul babbanaya .

    Waxaana khawaarijta lagu oranayaa waad dhoohantihiine 1960-kii aayey dhacday munaasabaddii kanna saar kaana siib. markaasna waxaa la siibay calankii gumaysiga .

    Abwaan suldaan Tima cadde oo habeenkii la dejinayey calanka gumaysatada lana saarayey cakankan buluugga ah , fagaaraha calan saarka ka qaadayey ” Sarreeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee kanna saar kaana siib “.

    Waxaa wax laga xumaado ah in maamulladii dalka soo maray iyo hoggaamiyaal-kii ka danbeeyey ay sabab u noqdeen in konton sano ka dib maalintii calan saarka ay xorriyaddii mugdi gasho .

    In cadow kastaa ka fa’aa’iidaysto caddaalad darradii , qabyaaladdii iyo kala qoqobkii ay dhex dhigeen ummadda Soomaaliyeed.

    waxay sababeen in 50 sano ka dib ay calankeennii soo haweystaan gaaladii gumaysatada ahayd iyo ajaanib gafuur duuban.

    Aasif , Magaalooyin bandan ay ka dhacday calanka ajaanibta saar , kan soomaalidana siib.

    Subxaanallaah!!! Dalka mee dadkiisii ? .

    Intaas oo dhan waxaa ka daran dalka waxaa dawlad u sheeganaya oo laga sugayaa in ay difaacaan diinta dalka , dadka iyo calanka soomaaliyeed kuwii shalay u soo dagaallamay in calanka madoow ee Khawaarijta laga taago geyiga Soomaaliya.lan gubo calanka soomaalieed.

    Kuwani waa madaxdii maxaa kimta oo ay ka mid yihiin Rooboow , Shariif sheekh axmad iyo wasiirkiisa Arimaha gudaha C/Qaadir cali cumar .

    Waxay si kalsooniyi ka muuqato u hoos harsanayaan Calanka madoow ee shabaabku doonayo in ay ku beddelaan calanka Soomaaliyeed .

    waxay ahaayeen difaacayaal , tuutaha, salabka iyo saanadda u qaatay in ay dalka ku xoogaystaan kooxaha calanka Madoow , oo safka hore ka askartii Maxaakimta.

    si ay u sii xoogaystaan kooxa sheegta Islaamiyiinta ,meeshana laga saarin kuwa dalka bur burinaya ayaa magacii dawladda dalka lagu taageeray loona dhiibayqaar ka mid ah madaxdii maxaakimta

    hawshaas waxaa maleegay reer galbeedka dan kasta ha ka lahaadeene

    waan aragnaa sida ay kala yihiin shalay iyo maanta kooxihii sheeganayey in ay dalka ka dhalinayaan dawlad Islaami ah!!.

    Allaa garan wax ay ku ballameen , in kastoo la garan karaa , haddase waxaan aragnaa in qosol culus ka dhex dhacay shariifka iyo islaantan wasiirka ka ah dalka Mareykanka ,

    Waqti shacabka Soomaaliyeed uu ku jirey xaalad muruga le uuna socdo xasuuq dhan walba ah.

    Dawladaha maraykanka , Reer Yurb , Itoobiya iyo kuwa la midka ah waxay shacabkii soo maaliyeed u dhoo dhoobeen dawlad aan jirin , si aan dawlada loo helin .Waxay soo maleegeen dawlad magac uun ah , hal xaafadna ka talin , isla markaana ay hoggaamiyaan haraadiga maxaakimtii wahaabiyada ee shalay xasuuuqayey shacabka soomaaliyeed.

    waxaa mucaarad loo aqoonsaday isla haraadigii Maxaakimta ee shabaabka la baxay. mushaakilladaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin in la iska xoreeyo cadowgan xasuuqaya bul

    macalin cabdi xaaji yuusuf | Jan 6, 2010 | Reply

  4. salaamu alaikum
    waan soo dhaweyneynee maamulka cusub

    hhjhj | Jan 6, 2010 | Reply

  5. maamulka cusub waan soo dhawaynaynaa hadaan nahay shacabka deg g/harey waxaa ka rajayaynaa in ay dadka ay xilka u qaadee cadaalada ku dhaqaan

    c/wali | Jan 6, 2010 | Reply

  6. Waa wax loo baahnaa

    Ayanle | Jan 6, 2010 | Reply

  7. asalamu calaykum

    To: Qofka Lamagac Baxay Macalin Cabdi Xaji ..

    Marka Hore waxaan kuu sheegayaa inay qabaliyad kaa buuxdo si kasta aad uqarisana waxaa laga dareemayaa qoraalkaga. waxan kaloo kuleeyahay armay fiicnaan lahayd intaadan qoraalkan aadka udheer aadan soo qorin in aad diinta barato caqiidadana iska dhisto sababtuna waxaa weeyaan calanka madoow aad aflagaadeynaysid oo aad tusaalaha usoo qaadatay khamriga kii gadaayay waxaan kuu sheegayaa in ay suno tahay oo ay nebiga scw kasugan tahay inuu calan cad iyo mid madow oo ay kuhoos taalo laa illaaha ilallaah ay u ahayd calan taasi waa taa waana diin xumadaada iyo jahligaaga.
    Waxaad kaloo tiri kuwaan waxay leeynaayaan dadka nool kuwa dhintayna waysoo fagayaan, waxaan kuu sheegayaa in meesha laga saaro sanamyada ay caabudayaan suufiyada adiga oo kale ah oo ay ku sheegayaan awliyada waa loo baahan yahay diinta ayayna ka mid tahay, odayada ay suufiyada adiga oo kale ahi sheegayanaan inay ku aasan yihiin meesha ay ku duugan yihiin soo ma ogid qaybtoo inay iska dhahaan iyagoo raba inay dadka masaakiinta ah lacagta kaga qaataan ”waxaan ku aragnay nuurkii shiikh hebel or odaygii qabiil hebel” kadibna ay qabri wayn meeshaas kadhisan kadibna ay caabudaan oo way wax uqalan. hadaba kuwaas ma waxaad leedahay hadii lajajebiyo oo dadka caqiidadaas shirkiga ah laga baabi’iyo oo layiraahdo alle kaliya caabuda maxaad oranaysaa waa khawarij iyo dad dhintay bay soo fagaan.cajiib caajib!

    Tan kale waxba maraykanka iyo reer yurub toona ha oran doowlad bay noo dhoobdhobeen runta maaad iska sheegtid oo tiraahdid qoomkaasi si fiican bay noola shaqaynayaan. sababtuna waxaa weeyaan caqiidadaada baa ah suufiya, suufiyana waa layaqaan ilaa xiligay soo baxeen dadka salafka ah way necbanaayeen waxayna jeclaayeen oo soo dhawaysan jireen gaalada taariikhda dib u akhri.

    Khawaarijta:
    Waxaan layaabanahay intuu jaahil walba iska soo ordo oranaya khawaarij weeye mujaahidiinta.
    waxaa wanaagsanaan lahayd inad barato maabaadi’da khawaarijta iyo caqiidadooda, aan anigu wax kaaga taa taabto.

    1. khawaarijtu dadka oo dhan gaalo ayay u aamin san yihiin wixii iyaga laga reebo. shabaabku taasi ma qabaan?

    2.khawaarijtu xoolaha ay dadka kale qowracaan ma cunaan. shababku ma qabaaan taas?

    3.khawaarijtu islaamka ayay ku ad adag yihiin gaaladana way ujilicsan yihiin bal iska dhaafe lamaba dagaalamaan. shababku ma sidaasaa?

    inta kale adigu culumadada waydii oo ku dheh iisheega khawaarijta waxay aamin san yihiin. su’aalahaasna adigaan kaa rabaa jawaabtooda. teeda kale waxaad iisheegtaaa meelaha ay shababku hayaan iyo meelaha suufiyadadu hayaan iyo xitaa ku dar ku isku sheegaya dowlad goboleedyada xitaa ku dar gaalada aad qalbiga ka jeceshahay wadamadooda iyo kuwa ay shabaabku maamulaan yaa amni badan? waxaan kuu sheegayaa inaan anigu ku noolahay wadamada reer galbeedka isku sheega inay xaga amniga horumar ka gaareen, hadana waxaan kuu sheegayaa wadanka aan joogo inay habeen kasta iyo saacad kasta ay ka dhacdo intaad oo jariimo oo isugu jira dil, dhac, kufsi iyo wixii lamida, hadaba ka waran meelaha ay mujaahidiinta maamulaan maku haysaa intaas?????

    Ugu dambeyntii waxaan kuu sheegayaa adiga iyo kuwa kasoo horjeeda mujaahidiinta alle ka baqa oo joojiya aflagaadada iyo dacniga aad ku haysaan mujaahidiin alle sw dhiigooda u huray. waxaana idiinka digayaa hadii aad saan kusii socotaan oo aan idiinka baqayaa inuu hart attack idinku dhaco, sababtuna waxaa weeyaan hawshaan waa kudaysay ama habaartama amase calaacala iyaagana soomaliya katalin doona insha’allah….allow ugargaar mujahidinta jebi ku wa qalbiga ka neceb iyo cadowgooda allow kuwa neceb ku dil caradooda sidaad quranka ku tiri ” ku dhinta caradiina”..

    abu abdirahman | Jan 6, 2010 | Reply

  8. Macalim ma tihide masiiba yahay ka dul tag amada ha waswaasininee waxaad la caqli tahay nasaarada oo dad lumay quraanku ku sheegay waayo calankii maxamed cawaale alifayna waad noogu yeeraysaa calankii tawxiidku ku xardhanaa ee suubanaha scw. Uu wadan jirayna waad xaqiraysaa

    Muxamed | Jan 6, 2010 | Reply

  9. macallin cabdi xaaji yuusuf,keligaa baa qabri gelaya,xaqiiqadana waad ka fog tahay taariikhsda calanka madow ma taqaanid,meel aan tawxiid lagu dhaqinna waad joogtaa baan u malaynayaa ee wax soo baro.

    ru sheeg | Jan 6, 2010 | Reply

  10. ACWB: TO QAASIM
    Maamulka cusub waa maamul islaam ah islaamkuna ma kala sareeyo.
    Haddii aad tahay Cali wanaag,Afgaduud,Gacanweyen(intaasiwaa absame)ama aad tahay Gaalgale,Zinjibaari-jareer,ama ma dhibaan iyo aabbe laaye(intaasina waa Harti)maamul waa lagu siinayaa insha allah marka qoladda aad tahay soo sheego boon iyo bilis iyo isqarin danbe waa dhamaatay kolay intaas un baad tahay ankee haddii aadan aabbe lahayn
    boos waa laguu hayaa kkkkk
    Soo qadim araajidda hana la daahin haddaan u soo soconaa waqooyin bari halkaas iska xaadiri cadaalad maantay kuugu dhawdahaye

    Alfurqaan | Jan 6, 2010 | Reply

  11. Maamul cusub kulahaa. Allah ayaan darro weynaa.

    Fahamkooda maamul ma dhaafsiisno:

    -Guddoomiye
    -Madaxa amniga
    -Madaxa garsoorka
    -Madaxa dacwada

    Hadaa mablaqahum minal al idaararah al sharaciyah wal rasmiyah or casriyah.

    Haddii Gedo gobol tahay afartaas ruux oo dhumanaya maxay ka qaban karaan.

    Imasa maamul iyo maareyn ayey u baahan tahay magaalo kasta oo shabaab u sameyeen waxay ku magacaaben maamul? Ninkii habka idaarada noocay rabta wax ka yaqaanno waa garan karaa in meesha jirin idaaro xitaa iyaga u siman yihiin iska daa in ay tahay idaara ama maamul dhaqaajin karta baahida magaalo madax gobol.

    Koronto
    Biyo
    waxbarasho
    shaqooyin
    Hawlaha guud
    waddooyin
    Laysan bixin
    nadafad
    Tijaaro
    iwm

    halkan iyo meelaha ay joogaan midna kama jirto.

    Marka ha iska weeraga caddaysato.

    Faysal:

    Miskiin.

    Maxaa raggii hore looga qaadey haddii sidaa loo amaaney? Maxay ku kala geddisan yihiin iyaga iyo Afgaan oo ku doodaya waxaan ahay amiir gobol oo aan la beddeli karin ilaa aan ka dhinto.

    Malaha iskaga waxa uu haystaa kitaab almaawirdi halka reer gedo ka haystaan kitaabka ikhwaanka ee demoqraadiga!!!.

    Macallin Cabdi

    Warkaada waa qubane in kasta walxa sax ku jiraan.

    Waxaan kuu sheegayaa wax la yiraahdo wahaabiya ma jiro ee waxban ha is xiijin.

    Shabaab iyaga wata wixii ay isku gebo gabayn lahaayeen haddii aysan isa sixin

    Cali Guure | Jan 6, 2010 | Reply

  12. Fadlan somali miror qoraalkan sii daaya!!

    Maamulka la badalay iyo ka lagu badalay sababtu maxay tahay mase shabaab uun baa og? Shacabka degaanka iyo waxgaradkooda goormay magacaabista iyo doorashada madaxdooda xaqii ahaa loo soo celin doonaa oo uu islaamku siiyey? mase nin xoog ku qabsaday iyo dhiig ayaa usoo magacaabaya ciddii doono?

    Aaway mas’uuliyintii u adeega bulshada sida waxbarashada io caafimaadka mase shabaab amniga, garsoorka iyo dcawada ayey uun diin u fahmeen oo iskool iyo isbitaal ma furaan inay kuwa iskoolka joogay dagaal u wadaan maahane isbitaalkana dhaawaca geeyaane?!1!

    cajiib | Jan 7, 2010 | Reply

  13. TO CAJIIB:Bro waxaan ku weydiinayaa goormaad aragtay shacab la weydiiyo maamulkooda?ka bilow maamulada somaliland puntalnd iyo kan shariif midna kuma iman rabitaanka shacabka balse musuqmaasuq bay ku yimaadeen.Ta kale nidaamyada aannu ku hoos nool nahay ka bilow kenya itobiya illaa yurub iyo north america waannu ogolnahay maxaan ku diidnay kan shabaab?ma inagoo islaam ah baannu nacnaa islaamka. sabab la aan meeqa ayaa ku dhiman jirtay k/furta somaliya before shabaab?qabaa,ilku dhibaatooyinkii ay isku hayeen dib ma u fiirisay?waxaa loo baahan yahay in si caqliyaysan loo fakaro, shacabkanu wuu bahaloobay shabaab cid aan ahayn oo hayn kartaana maba jirto waxaan ku qanacsanayn in yar oo uu qabiil dilooday misana aan garaadkoodu wali gaarin saxxa iyo khaladka in ay kala saraan.Bal fiiri kuwa dawladda sheegtaa ciidankoodu waa wada sarqaan san yahay, Alhusunna-Wal malez waa wadda sarqaan qaadna ruugayaa qabiil iyo qabqable dagaalna waan naqaan halka ay reerka ku furi doonaan waa reer hebel jifo heleb iyo balaayo iyo in amxaaro la adeegsadaa soomaalidu sida ay rabto cid taqaan ma leh.Ta kale ee aan aadka ugu qoslay waxaa ay tahay waxgaradkii mee ayaad tiri war waxgaradka sow maahan kii 20 sanno jifo jifo qabiil qabiil dadka u kala guraayay ee qabqablayaasha u shaqaynayay ma kuwaasaad rabtaa wax danbe in la weydiiyo.Public service aad sheegtay hadduuba sidii hore ka fiican yahay oo waxaa jiray dad shaqaale ahaan u qornaa waligoodna aan soo shaqo tagi ta kale gedo oo kale waxayba ay ku xiran tahay Kenya inta ay somaliya ku xiran tahay waxaa ka badan inta ay kenya ku xiran yihiin sida waxbashada oo kale saxaaib dadkani qabqable qabiilayste mid tuug ah iyo mid balwadi dilootay oo jecel umaddu in ay u le,ato qamri iyo qaad waa in laga qabtaa shacabka konfurta maanta nabadda ay heleen waa mid muddo la sugaayay

    Alfurqaan | Jan 7, 2010 | Reply

  14. Kan cali guure la baxay waa id gumuc ku dhacay oo buka calaacal badanaa ma suufi bakhti cunay baa

    cali | Jan 7, 2010 | Reply

  15. Cali ruwaybidah

    Cali Guure waxa uu yahay bilaa tazkiya saaxada jihaadka ayaad ka helaysaa. ma’ahan mooryaan cimaamad xirtay oo gaaaleysiiyay mujaahidiintii kale ama kala dhantaalay midnamadii mujahiidiinta.

    Cali Guure mahana nin aqabalaya diktaatooriyadda Godane iyo fulaynamadiisa. Cali Guure waa waalaal muslim ah oo doonaya dawalad islaam ah oo hadiyiga rasuulka loo maro.

    Waa nin u naxayaa dadkiisa daadsan meel walba ee aan ku qaraaban beenta shabaabka

    Waa nin aamisan in jihaadkan la socdo mashruuc siyaasi oo lagu badbaadinayo guusha dhabta ah ee shabaab rabaan inay luuq la galaan ama dhumiyaan.

    Waa nin aanan marnaba aqbalayn inay shababaab ka tarjumaan shareecada islaam iyaga oo tuuraya ama duraya culimadii islaamka.

    Waa qoys reer guure wa bilaa tazkiya u huray diinta naf iyo maal jihaadka.

    \maxaad tahay adiga waxba, qalin ku dhiigle, jaahil murakkab ah oo weliba af xun la soo taagan.

    haddii aad diintan wax ka taqaan waxaan ku dhihi lahaa\; Wax ma tacliiqin kartid miyaa adiga oon caaytamin ama aflagaadoonin. Mise luuqaddii shaarica ee shabaab ku caan baxeen baad moodday in aad gadi karto.

    Calaacal iyo suufi kulahaa. ninkii shabaabkaad caabudayso ama taqdiisinayo khilaafa waa suufi, jaajuus, camiil, jaahil iyo qabali. War orodo akhlaaqda islaamka iyo adabka niqaashka soo baro.

    haddii kale sug inta lagaa karbaashayo. jaahil miskiin oo weliba jald ruwaybidah ah.

    Weel maran weligiis ma daato. Bal maamul baa laga hadlayey markaasi wuxuu ka hadlayaa calaacal.

    mujaahidiinta dhabta ah waxay karbaashi doonaan kuwan banneystay dhiigga mujaahidiinta doonayana dhuminta miraha jihaadka.

    Cali Guure | Jan 8, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo