Warbixin:-Xaaladaha Nololeed, Waxbarasho, & Dhaqaale ee Soomaalida ku dhaqan Yemen.

Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo aanu ka diyaarinay Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Yaman gaar ahaan arimaha Qaxootiga,Waxbarashada,Ganacsiga iyo Xaaladaha nololeed ee guud ahaan dadkaasi iyadoo aan wax tilmaami doono dhibaatooyinka baaxada leh ee ka haysta dhinac walba.

 

Dalka Yemen waxuu ka mid yahay Dalalka deriska ah oo Soomaalidu sida weyn  ugu qaxdey wixii ka danbeeyay 1991 oo Dowladii dhexe ee Dalku burburtay.

 

Waxaa laga wada dharagsan yahay in qaxootinimada Yemen Soomalidu ku tegaysaa aay noqotay wado-cadaabeed oo dad badan noloshooda aay galaafatay Badda u dhexeysa labada dal oo aay Soomalidu uga gudbaan qaabab khatar badani ku jirto.

 

Sababaha ugu waawayn ee qaxootiga Soomaaliyeed aay ugu qulqulayaan Yemen laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta waxaa ugu muhiimsan damac aay ka qabaan inay dadkaasi uga sii gudbaan wadamo kale oo nolol dhaama siiba wadamada Khaliijka ama kuwa Reer Galbeedka qofkii hela fursadaas. Qaar kamida qaxootigu waxay ku qanceen inay nafta ku mashquuliyaan shaqooyin hooseeya oo u badan shaqaale nadaafadeed , halka aay jiraan kuwo badan oo Dumar iyo Ciyaal u badan oo u bareeeray ka dawarsiga suuqyada.!!!.

 

Waxaay noo sheegeen dad kamid ah dadkii horaantii sagaashamaadkii qaxootiga ku noqday xeryahii ugu horeeyay ee laga furey nawaaxiga Cadan in xiligaas aay heli jireen mucaawinooyin isagu jira Degaan,Cunto,Daawooyin,Waxbarasho iyo Kaararka aqoonsiga qaxootinimo oo marar badan u sahli jirey inay ku helaan deganaansho dalalka dibada ah. Waxaayse sheegeen in wax badan oo mucaawanooyinkaasi ka mid ahi aay go’een kadib dagaalkii cuslaa ee dhex maray labada Yemenood ee Waqooyiga iyo Koonfurta.

 

 

Masiibada qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen waxay dhibic madow ku tahay dowlada Yemen waayo dadkaasi waxay ku jiraan duruufo nololeed oo aad u qalafsan iyagoo la sheegayo in deeqihii Hey’adaha dowliga ahi ugu deeqeena si isdaba-maris badani ku jiro loo maamulo.

 

Waxaay kale oo dhibic madow  ku tahay safaarada Soomaaliyeed ee Sanca oo iyadu inaba aaysan liiska wax qabadkeeda ugu jirin in waxuun gacan ah ama ergeyn ah loo sameeyo qaxootigaas faraha badan ee ku rafaadsan xeryahaas qaxooti ee aadka u liita.

 

Waxuu noo sheegay Mas’uul sare oo ka tirsan safaarada Soomaalida ee Sanca in aay jireen balan-qaadyo farabadan oo aay ka heleen dowlado Khaliij ah inay gacan u fidiyaan qaxootiga Soomaaliyeed hase-yeeshee aan ku fashilanay inaan qaxootiga ka samayno maamul mideysan oo matala taasoo eedeeda uu dusha uga tuurey qaxootiga oo uu ku eedeeyay inaysan diyaar u ahayn nidaam iyo in xaquuqdooda qaxootinimo aay helaan. “Nidaam diidku waxuu noqday sifo Soomaaliga aan ka harayn meel kasta oo uu tago” ayuu ku calaacalay Diblomaasigaasi.!!!.

 

Waxaa iyaguna eed iyo canaanba mudan madax badan oo Soomaaliyeed oo booqda Yemen oo aan wax dan iyo xaajo ah ka lahayn dhibaatooyinka haysta jaaliyada Soomaaliyeed ee Yemen. Iyadoo Masuuliyiintaas  qaarkood xitaa ka xishoodaan inay soo hadal qaadaan dhibatooyinka dadkaas!!!.

 

Dhinaca Waxbarashada hadeynu jaleecno, Dalka Yemen waxaa ku dhaqan Arday Soomaaliyeed oo aad u farabadan oo sanadahan danbe si weyn u kordhey kadib deeqo waxbarasho oo lacag la,aan ah oo aay ka heleen jaamacadaha kala duwan ee dalka Yemen oo runtii ku amaanan inay ka mid yihiin Dowladaha faraku tiriska ah ee Soomaaliya weli niyada ku haya jecelna inay la wadaagaan waxii aay awoodaan oo waxtar ah.

 

Ardaydaasi waxay dhigtaan dhamaan qaybaha kala duwan ee cilmiyada iyagoo aad ku arki kartid inta badan gobolada waawayn ee dalka Yemen jaamacadaha ku yaala Arday Soomaaliyeed oo ka baranaya culuumta oo dhan sida; Medicine,Engineering,Beeraha,Farmasiga,Shareecada,Tarbiyada,Dhaqaalaha,Maamulka iwm.

 

Arday badan ayaa iyaguna waxay wax ka bartaan Macaahidda Diiniga ah ee ku faafsan wadanka Yemen kuwaas oo lagu barto Caluumta Sharciga ah iyo Luqada Carabiga,ardaydaas oo aakhirka ku biira Jaamacadaha marka aay mudo  isku soo diyaariyaan machadyadaas.

 

Waxaa jira dad  soomaaliyeed oo xirfadley ah oo ka shaqaysta dalka Yemen sida Dhakhaatiir,Sheybaareystayaal,Macalimiin iyo Farsamayaqaano kala duwan kuwaas oo aad ku arki karto Magaalooyinka waawayn ilaa tuulooyinka buuraha dushooda ah.

 

Waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo kasoo guurey dalalka Reer Galbeedka oo usoo hayaamay Yemen kuwaas oo caruurtooda wax ku bartaan Iskuulada iyo Jaamacadaha dalkan,iyadoo qaar aad arkaysid degay Maraakizta Culuumta Islaamka lagu barto sida Damaaj waloow dagaalada kasocda Gobolka Sacda ee Xuuthiyiintu huriyeen aay ku khasbeen dad badan oo dacalada Aduunka ka yimid inay kasoo guuraan xaruntaas kuna soo noqdaan caasimada Sanca.

 

Dhibaatada dagaalka Xuuthiyintu Soomalida si gaar ah ayuu u saameeyay waayo waxaa dhacday in aay faaftay sheeko oranaysa Soomalidu waxay si calooshood u shaqaystinimo ah uga barbar dagaalamaan Xuuthitiyiinta arintaas oo safaarada Soomaalidu aay marar beenisay hadana waxay keentay in dadka Yamaneed qaarkood iyo Hey’adaha nabad-galyaduba aay si gaar ah Soomaalida ugu guur-galaan iyadoo dhawaan Soomaalidu ku jirtay ajaanibta lagu soo rogey inaysan dalka gudihiisa ku safri karin hadaysan haysan waxaan ogolaansho ah.

 

Waxaa jira dhaq-dhaqaaq ganacsi oo u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya kaasoo inta badan aay xarumo u yihiin magaalooyinka Mukulla iyo Makha halka Soomaaliyana aay hormuud u yihiin magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

 

Ganacsigaasi waxaa la isku dhaafsadaa Xoolaha,Xabkaha iyo Kaluunka oo dhinaca Soomaaliya laga dhoofiyo iyo badeecooyin kala duwan oo dhanka Yemen  laga keeno waxuuna saamayn fiican ku leeyahay nolosha labada dhinac wallow aay iska jiraa dhaliilo badan oo la xiriira.

 

Qaadka oo maanta Yemen loo aqoonsan yahay inuu yahay hooyada mushkiladaha  saamayn xuna ku leh nolosha dadka dhaqaale ahaan waxay muujinayaan daraasado badan in celcelis qoysaska Yamaneed uu qaadku ka sahayday dakhligooda bishiiba 30%, halka shakhsiyaadka qaarna uu ka badan yahay intaas oo laga yaabo inuu gaaro 50%.

Biyaha oo ah kheyraad ciriira ku ah Yemen waxa 70% biyaha Yemeneed aay ku baxaan waraabinta qaadka taasoo sicir barar iyo gurin ku haysa beeraha gaar ahaan khudaarta waayo sanad walba beeriha qaadku waxay suuqa ka saarayaan beeraha khudaarta. Iyadoo sanad walba dhulka laga beerayo qaadku uu kordhayo 13%.

 

Waxaa kale oo sugan in dhibaatooyin badan oo nabad-galyo xumo ah oo ka taagan Yemen  uu asal u yahay qaadku iyadoo suuqyada qaadka lagu iibiyaa aay yihiin meelaha ugu badan oo aay ka dhacaan falalka danbiyeedyadu.

 

Guud ahaan khalkhalka amni iyo kacdoonada siyaasadeed ee Yemen kasocda waayadaan  inkastoo sida warbaahintu u buunbuuniso uusan gaarsiineyn hadana waa arin welwel badan ku haysa dadka Soomaaliyeed oo iyagu markii horeba halkaas qaxa ku tegay kuwaas oo wadnaha farta kaga haya in aay mar kale qax galaan hadii arimahu ay sii cakirmaan iyadoo dad badan aay dib u xusuusanayaan dhibaatooyinkii baaxada lahaa ee qaxootiga Soomaaliyeed kasoo gaaray dagaalkii nawaaxiga Cadmeed ku dhex maray labadii Yemenood 1994 xiligaas oo  bartilmaameed aay noqdeen xeryihii qaxootiga ee Soomalidu.

 

Qiimeyn guud markaan ku samayno Soomaalida joogta Yemen waxaan ku tilmaami karnaa inay dhinaca nolosha aad uga liitaan kuwa ku nool dalalka kale sida Kenya iyo Ethiopia, islamarkaana aaysan samayn wax  horumar lataaban karo mudadaas dheer ee aay qaxootiga ku ahaayeen dalalkaas balse aay hoos u dhac badani ku yimid iyadoo sanadba kan kadanbeeya aay ciriiri sii galayso noloshoodu.

 

Gabagabadii waxaan oran karnaa dadkaasi waxay ku sifeysan yihiin ceelna uma qodna cidna uma maqna.!!!!

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

3 Comment(s)

  1. allaha caawiyo walaaha soomaaliyeed ee nolol xumadu soo food saartay dhulkeenna nabad allaha nooga dhigo si, aan ugu wada laabanno waliba allaah waxaan ka baryeynaa iyadoo shaerrcada lagu xukumayo inuu nagu celiyo aamiin,dhulalaka kale ee walaaleheen dhibaatadu ka heysatana allaha sidaas ka dhigo aamiin

    idil | Jan 4, 2010 | Reply

  2. wa wada salamantihin walayal.oki qofka maqlaka qoray wa runtis lakin waxuu hilmamay inay tahay yemen mel an aba l u heno dhaman ardayda somaliyed oo jooga yemen .waxan ka codsana ragan sheegta maga shababaka inay ka labtan waxay ku hadleen wayo dalki an uga soo cararnay way naga dab keeneen dhibkoda .oki haday diidan anagana dhibka nalagu sii wado waxay noqon in dalka la isku gu soo labto oo ayaga iyo ajanibtoda an mesha ka sarno ilen nolo diid an u argna ragas

    qurbawi | Jan 4, 2010 | Reply

  3. allaah umaq walal soomaalida iyo muslimiinta kalaba

    abusalmaan alsoomaali | Jan 5, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo