Wahsiga Ducaadda(Q.2aad)
By Somalimirror on 4 Jan, 2010 12:07 PM in Maqaallo
Ma ka bixi karnaa wahsiga inagaga yimi dhinaca dacwada?
Jaamac C/llaahi Caydiid
Qormadii hore waxaynu si kooban ugu soo sheegnay in uu jiro wahsi baahsan oo dhinacyo badan taabanaya, waxaan kaloo sheegnay guud ahaan in la isku waafaqsanyahay jiritaanka wahsiga laguse kala duwanaan karo aragtida sida looga baxayo, waxaynu isku soo afgarannay in haddii aan la isla fahmin qiimaynta hore ee wahsiga in ay ka dhalanayso in lagu kala duwanaado xalintiisana.
Shirkii dardar-gelinta dacwada ee aynu soo xusnay oo runtii tusaale guud u ah dhamaan isku dayada aan hubo inay magaalo walba iyo xilli kasta ay dhacaan hase ahaatee aan sida loo abaabulo u hanaqaadin waxaan ka dheegan karnaa dhowr arimood oo muhiim ah:
a. In dhamaanteen aynaan raali ka ahayn hoos u dhaca iyo wahsiga ducaada ku yimi.
b. In kulligeen aynu doonayno inaynu ka qayb qaadano ka shaqaynta khayrka iyo dardar-gelinta dacwada, boodhkana ka jafno si ay ugu soo laabato sidii ay ahaan jirtey.
c. In dhibaatada dhinacyo badan laga eegay oo qofba u arko in docdaas keliya looga soo dhacay, ayna muhiim tahay in arintaas aynu u aragno in aynu isku meel wax u wada wadno ee aysan ahayn is khilaaf iyo inaynu dad kala “manhaj” ah aynu nahay.
d. Laakiin iyadoo intaasoo dhami jiraan in aynaan weli ku baraarugin sababta dhabta ah ee shirarkan oo kale looga midho dhalin waayey?
Hadaba, inta aanan jawaabta u gudbin ama si guud aynaan u guda gelin dooda ku saabsan sidee looga baxayaa wahsiga aynu dhinacyo kale ka tilmaano wahsiga si aynu ugu yaraan isugu soo dhowaanno xalintiisa.
Sh. Maxamed Ibnu Cabdilaahi al-duwiish oo ah daaci caana wuxuu ku sheegay kitaabkiisa التربية الجادة ضرورة inay jiraan cilado qofka ama kooxda (jamaacada) ka muuqda xilliga uu hayo wahsigu, waxaana ka mid ah kuwan oo si aan toos ahayn aan u soo turjumay:
1. In lagu talaxtago naqdiga afraadda, kooxaha (jamaacaadka), culimada, kitaabada iyo mashaariicda dacwada oo dhan; dad badani waxay caado ka dhigteen inaysan wax kale qaban ee ay u taaganyihiin kala xukumidda waxa markaa socda oo keliya iyaga oo weliba ku eegaya il qaloocan.
2. Cabasho xad dhaaf ah oo ku aadan dhibaatooyinka umadda haysta; waa jirtaa mushkiladi hase ahaatee dadka qaarkood waxay ka dhigteen shaqo joogto ah oo ay wax walba ku gudbaan, taasoo keenaysa in qofku marka dambe niyad jab ku dhaco kana quusto in wax la qabto.
3. In qofku ku kaaftoomo inuu ducaadda ka mid yahay magac ahaan iyo inuu saaxiib la yahay ragga khayrka wada isaga oo aan wax waxtar ah kaga qayb qaadan dacwada iyo khayrka socda.
4. In la isku mashquuliyo ka sheekaynta dhagarta cadawga taasoo marka dambe gaadhsiin karta qofka inuu iska dhaadhiciyo in aanba laga hortegi karin dhagarta cadawga.
5. Masuuliyadda oo laga cararo, iyo in wixii khaldamaba dad gaar ah dusha laga saaro, qof walibana isagu iska fogeeyo masuuliyadda wahsiga.
6. Waqtiga oo aan laga faa’iidaysan; muhiimadda waqtigu leeyahay iyo in looga faa’iidaysto sida ugu fiican waa arin qof walba ogyahay laakiin sideebaynu u dabaqnaa arintaas markay joogto qof qof.
Inta aanan qormada qaybtan soo af-jarin aan idin xusuusiyo gabay uu inooga tegey darwiishkii caanka ahaa ee Ismaaciil Mire:
Nin wahsaday wacaysow ma helo war iyo liibaane
Nimankaa wadada joogsadee laga wayiigaayo
Wallaahaan ku dhaartaye naagahaa igala waawayne
La soco qormada saddexaad…
Daabaco

jazaka laahu khayr
dabcan waa waa wax muqda calaamadahaas
allana waxaan ka tuugayaa inuu naga saaro wahsiga na dulaystay, noona bariisiiyo waa san oo wacan, oo wadnuhu noo qaboobo, wadaadadu midoobaan, oo walaalo la wada noqdo ,
??????? ??????? ????????
muscab | Jan 6, 2010 | Reply
asc ma odhankarnaa dacwadu way soosaartay rag
balse waxaa kala batay masaajidadii iyo ducaaddii waxaana loo baahanyahay miidaankale oo doorkiisa qaata,ducaadduna ku mashquulaan.
oday | Jan 12, 2010 | Reply