Dhinacyadii ku dagaaley Gal-gaduud oo Hadley.

Labadii dhinac ee dhawaan ku dagaalamey Gobolka Gal-gaduud ayaa ka Hadley dagaaladii dhacey oo qolo walba guulo ka sheegatey iyo Ujeedka rasmiga ah ee dagaalka ka leeyihiin.

 

Afhayeenka Xarakada Shababul Mujaahidiin Sh Cali Dheere oo dagaaladii dhinacooda ka warbixiyay waxa uu cadeeyay Ujeedka asmiga ee dagaalka u qaadeen waxa uuna ka yiri: “Qorshaha Mujaahidiinta Hadafka u ahaa waxa weeye in horta cadowga Ilaahey la naafeeyo oo dhibaato la gaarsiiyo oo la burburiyo gaadiidkiisa iyo calooshood u shaqeystayaasha u shaqeeyaba taas oo ilaahey fadligiisa u suura gashey in Hub badan iyo gaadiid badan gacanta Mujaahidiinta soo geliyo kuwo badan oo Diinta ilaahey hor taagnaana laga wareejiyay, hadafka labaad ee ay leeyihiin waxa weeye in Caqiidada Islaamka ee saxda ah la gaarsiiyo Umada Muslimka ah, dadka hor taagan ee Shirkiyaadka ku hagaayana in laga wareejiyo ee Gaalada cadowga ah daba dhilifka u ah, waxa sidoo kale hadafkeena ka mida in la fashiliyo qorshayaasha cadowgu ka maleegayay Gobolada Dhexe”.

 

Waxa uu intaa raaciyay inay ka gun gaadheen Ujeedkii rasmiga ee dagaalka u qadeen, gaar ahaan hakinta shirka Caabuq-waaq ka socdey oo sida uu sheegay qorshayaal Diinta, Dalka iyo Dadkaba ka dhana lagu soo maleegayay.

 

Sababta keentay inay dib uga gurtaan Magaalada Dhuusa-mareeb oo ay la wareegeen waxa uu ku sheegay qorshe dagaal oo ay ku fashilinayaan qorshe cadowgu ugu talo galey inuu Mujaahidiinta ku daaliyo oo xoogaga kale ee la shaqeynaya marka hore ka hor keeno ka dibna uu si fudud fursada uga faa’iideysto, iyaga oo arintaa ka duulayana si hadafkooda fog u gaaraan dib uga baxeen oo duleedka ka dageen, sida uu hadalka u dhigay .

 

Ujeedka dagaalada ay ka leeyihiin ayuu ku sheegay Sh Cali Dheere mid ka fog la wareegida Magaalo amaba tuulo yar, waxa uuna ku tilmaamey mid lagu xaqiijinayo dhaqan gelinta Shareecada Islaamka iyo ka hor tagida cid walba oo ka dhan ah.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Kooxda sheegata Ahlu Sunnah Waljameca Sh Cumar Maxamed Faarax oo dhinaciisa ka Hadley dagaaladii ugu danbeeyay ee Gobolka Gal-gaduud ka dhacey waxa uu sheegay inay ku gud ajiraan diyaarinta qorshe ka dhan ah dhinacayada ay is hayaan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay qaadayaan talaabo walba oo ay uga hortagi karaan dhinacyada kale ee dagaalka kula jiraan.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. Talaabada walaalaha mujaahidinta ay qaaden waa talaab muhim u ah walaalaha sababto ah waxay ahaayen rag tiro yar isla markana dhan walba u cadawgu ka jiray waana ugu hambalyaynaya inay mar walba taktik caskari aya samaynayan

    Bucul | Jan 4, 2010 | Reply

  2. waa allaah mahaddii haddii ay walaaleheen ka hortageen magrigoodii maashaa allaah allaha guuleeyo xaq u dirirka kuwa gaala soo bahaystay jab baa u dambeeya guushana intii allaah dartii u dagaallameysa baa heleysa walillaahil xamdu

    idil | Jan 4, 2010 | Reply

  3. WALAALAYAAL WAXAAN AHAY NIN REER DHUUSAMAREEB AH, SIDA XAQIIQDA AH WARKA UU SHEEGAY SH CALI DHEERE WAA SAX, WAX DAGAL AH KAMA DHICIN GALINKI DANBE SHABAAB IYAGA AYAA ISAGA BAXAY SAWIRADA LA SOO GALIYAY WAA GURICEEL SAWIRO HORE OO KAYD U AHAA, NIMANKA SOO GALIYAY

    WARDHIGLEEY | Jan 4, 2010 | Reply

  4. ASC, Waxaa aad iiga yaabiyay sida uu wararka u qoro Somalimirror oo ah in uusan xaqqa ku taagnayn, xaqqana waa in aad sheegtaa xitaa haduu kharaar yahay aakhirana waxaa lagu soo saarayaa adiga sidan oo kale been u qoraya, waayo, waxaad qarinaysaa dhiigii walaalihii ku halaasamay Dh/mareeb.
    Sidaas daraadeed waxaan bahda Somalimirror kula talin lahaa: 1)in ay wararka ay qorayaan ay runta ka sheegaan 2) in ay iska ilaaliyaan inay dhinac u iishaan 3) ama in aad caddaysataan oo dhinac iska taageertaan sida ina cabdulle Calasow warkiisa caddaystay, laakiin xaga jecli xaggana jecli waa calaamatul-munaafiqiin.
    Wixii aan khalday waa naftayda iyo shaydaan wixii aan saxayna xagga alle ayay ka ahaadeen ee wabillaahi Towfiiq

    Barakatulaahi | Jan 4, 2010 | Reply

  5. as/wr/wb
    salaanta islaamka ka dib sida uu sheegay cali dheere hadii ay arintu tahay waa sidii la rabay laakiin aniga waxay ila tahay in sida uu hadalka u dhigayo aysan ahayn dhinaca kale cali dheere waa isaga dhahaya waxaan iska diidnay in nalagu daaliyo kuwan soomaalida ah dabadeedna ay cadowga si fudud ku soo galaan muxuu ugu diyaargaroobi waayey dagaal dheer oo dhinac walba uga imaanay koley waxaan u malaynayaa in hadalkiisu yahay nin daad qaaday xunbo cuskay.
    dhanka kale ninmaka sheegta inay yihiin ahlu sunah wal jameeca waxaan lee yahay waxaad haysaan waa been iyo qurune intaad allaah ka baqdaan ka daaya dadka iyo dalka waxa aad ku haysaan oo ah inaad cadowga u soo hogaamisaan

    haji | Jan 4, 2010 | Reply

  6. aya Mahad leh na xariis Iyo nabad galyo nabigeena korkiisa ha ahaato intaa kadib shayadhiintii shisheeyaba u deegi jiray hadji dharbaaxo ku dhacday mel kastana way kaga dhici insha alaah shayadhiinul mufsidiin idinkun Somali mirror waliginba taagera kuwa dhibta iyo Hagar daamada ku haya umada soomaaliyeec ee ka daashay dhibta iyo xabada iyagaba kadaran warlordadii walahi

    Leeb | Jan 4, 2010 | Reply

  7. alaaaaaaaaahu akbar walalahay walaaahay ilaahay dartii ayaan idiin jecelahay waana wax laagu farxo in suufiyo iyo cubaadul qubuur la eryo alaahu akbar

    abu sayaaaaf | Jan 4, 2010 | Reply

  8. KKK Alla wuxu been badanaa! War sida isku dhaama!

    Muumin | Jan 5, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo