Saaka ciidamada Gumeysiga Itoobiya, Degmada Balan-bale ee Gobolka Gal-gaduud waxay ka qaadeen 50 meeyo dhaawacyada ciidamada kooxda sheegata Ahlu Sunnah Waljameca oo ka dhashey dagaalkii ugu danbeeyay ee Gobolka ka dhacey.
Dhaawacyada oo ah kuwo garaaba ayey Ciidamada Itoobiya ku qaadeen gaari Xamuul oo ay ka qafaasheen dadka deegaanka, waxaana loo qaadey dhanka Shilaabo oo lagu wado in Diyaarad u si gudbisa Magaalada Harar laga saaro.
Isbitaal Milateri oo ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Harar ayaana lagu wadaa in dhaawacyadan la geeyo oo lagu daaweeyo.
Waxaa horey dhaawacada kooxda sheegata Ahlu Sunnah Waljameca u sii gelbiyay qeyb ka mida Ciidamadii Itoobiya ee shaley Balan-bale qabsadey, halka qeybna Magaalada ku hartey.
Dhaawacyadan waxaa laga kala keenay Magaalooyinka Xeraale, Guri-ceel iyo Caabud-waaq oo markii hore la kala geeyay.
Maaha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Itoobiya ugu qaado kooxda sheegata Ahlu Sunnah Waljameca, khasaaraha dhaawac ee ciidamadooda ka soo gaara dagaalada ay galaan.
Inta badan Shacabka ayaa arintan u fasiran kara xiriirka dhow ee kooxda sheegata Ahlu Sunnah Waljameca iyo Dowlada Itoobiya ka dhaxeeya oo u aragta kuwo uga dhega fudud kooxihii hore ee Dalka ku dubatey.

Related posts:
ahlu tikreeee wal jameeeca wa jabeeen waan jabi doonana insha alaash
Ahlu sunna waljamaaca oo ay gaalo la garab taagan tahay hiil iyo hoo dhaawaca u daaweyneyso jihaad ay diinta ku koryeelayaanna ku jira wali ma aragteen mase maqasheen???????????????????
walaahi waxaa dhab ku noqday ”alkufru milla waaxida”.
Soomaaliyi ama ha is dhago tirto ama xaqa ha diidee Waa Waxaas Iyo Wax Kadaran Waxa AY MUJAADIDIINTU Dadka Ka hor taagan yahiin EE Soomaliyeey Mid Sheekha iyo Midaan ahaynba Wax Dhexdhexaad La yiraahdo Diinka ALLAAAH Laguma sheegin oo Maanta waxa Adduunka Isku Hayaa Waa Labo Xisbi Ee Miduun Raaca {XISBULLAAH ama Xisbu Shaydaan}ogaadana Kuwa Liibaanayaa Waa XISBULLAAAH……
asc wr wb soomaali miror warkan ma hubtan mise jabkii shabab ka gaaarey dhuuso mareeb baad ku qarineysaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan???????????????????
SHABAAB si nabad ah ayay uga baxeen dhuusamareeb sida aan ka soo xigtay ruux jooga halkaas, waxayna fadhiyaan mel magaalada u muuqata, sidaas ayan u sheegayaa umada loo sheegayo beenta
Muslimo waa mgac haboon
waadse marin habaabtee
Mamalasbaad wax wadaagtaan
Ma mushaarbaad qaadataa
Ma mila kalaad haysataa
Ma maankaad kacilan tahay
Misaankaadan aqoon
Ma muslim baadanba ahayn
Ooomagacaad nagu sidhaa
Meesheen kuu raacayaa
Namaqshiis hada masaladaas
Mooryaantii shalay madaxa iyo maskaxduba way kala maqan yihiin midii wabxo mid kadaran baana ku dhacday maydkoodaana maalmo badan ayaa hawdka laga uruurindoonaa dhawacoodana waa run in laga qaaday balan bal walaalkood kawayn baana uqaaday miyaad doodka qabtaa muslimo adigu
Warka Mushrikiintan Qabuura caabudka ahi waa iska cadyahay,,,BALSE DADKEENA SOOMAALIYEED AYAAN XAQIIQDA JECLEYN OO INDHABEELKA ISKA JECEL.
Waxaa Laysku Hayay AMISOM Somaliya Ha ka Baxdo , laakiin Al Shabaab waxaay noogu yeereen oo wadanka Iman Doona kuwo Badan , Gaalo sidaa Darteed Ciidanka Shabaabku waa Sahan Gaalo.
AS WR WB SALAAN KADIB ANIGU DHIHI MAAYO CIDBAA GAALOOWDAY IYO CID BAA DIINTII KA BAXDAY LAAKIN WAXAA HUBAAL AH OO MARAG MADONTA AH IN NIMANKA SHEEGANAYO AHLU SUNA WAL JAMAACA HADII WAXA JOORNAALADU KA QORAYAAN EE AH IN EEY CALAAQO LA LEEYIHIIN ETHOPIA EEY SAX TAHAY AAN MARKAA DHIHI KARO AL SHABAAB WAA EEY SAXANYIHIIN IN LA TAAGEERANA WAA WAAJIB ILEEN WAXAAN OGNAHAY CADOWGA UMADAAN MARBA SHAAR AYUU QAADANAYAA MARKA DAD WAXMA GARAD AH AYUU SOO ADEEGSANAYAA INTAA WAXAAN RAACIN LAHAA UMADA SOMALIYEED INTAAD BEENTA ISKA DHAAFTAAN CIDA DANTINA KA SHAQEEYNEEYSA RAACO OO TAAGERA HADII KALE WALIGIIN SIDAAN UNBAAD KU JIRI DOONTAAN
Helu amxaara insha alaha gacmaha mujaahidiinta ayaad ku halaagsamaysaan wadna arki doontan
SXB shabaab cidna si gaar ah uma taageersana, qaladkoodana xisaab ma leh balse waxaan aaminsanahy inaan marna lala mid nigi karan Ethiopia iyo dadka u shaqeeye dhibka eey soomaaliya la damacsanyihii.
Ethiopia waa cadow ninkii maanta hor istaagana waa Somali run ah
Ahlu Xabuush waxaa markeedii horeba aasaasay cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya. Bi idnillaahi Kariim waxayse ku jabi doonaan gacanta Mujaahidiinta. Gaallo raacyada waa in gacan adag lagu qabto si loo xakameeyo fitnada ay dadka ka dhex abuurayaan loona tuso jidka saxda ah ee ay tahay in la maro.
ASC
Amxaaro marku u adkaysan waayey dhagarta mujaahidiinta, wuxuu melez adeegsaday ‘doqmahan’ Ahlu sun wal nifaaq, kuwaas ayaa u dhimanayaa qorshe Amxaaro, qorshahaas oo uu doonayaa inuu ku fuliyo wuxuu weligii ku riyoon jiray “inuu Soomaaliya qabsado”.
TO: SOMALI MIRROR,
WAXA AAD WADAAN WAA AJAANIBTA SHABAAB AY KA KEENSANTAY DIBADAHA WADANKA HA XUKUMEENO. HADAAN SHACABNAHAYNA YEELI MEYNO. AHLU-SUNA WALJAMAACANA WAA DAD SOOMAALIYEED AHNA CULUMADII DADKA SOOMAALIYEED SOO WAX BARTAY. SHABAABNA WAX KALE MA YAQAANAAN INEEY DAD LAAYAAN MA OGIYE ADINKANA WAXBA MA DHAANTAAN OO TAAGEERADIINA WAXBA KUMA KORDHINEYSO SHABAABNA MEEL AYAA LA SAARAA KOLDHAW. INSHA ALLAAH. WAX BADANNA WAA LALA HADLAY WEEYNA FAHMI WAAYEEN DANTA UMADA AAN KU DHAMEYNO WADA HADAL WAXA AAN SUGNAA WAA AYAGOO BARYOOTAMAYA. LAGAMANA YEELI DOONO.
dadka soomaaliyeedow maad alle ka cabsataan oo aad is ka daysaan xumaanta. anigu waan yaabanahay ee ma layaabantihiin inta caqliga lahoow!