Amaanka Dadka 14 Dowladood Mareykanka uga safraya oo la adkeeyay.
By Somalimirror on 4 Jan, 2010 12:01 PM in Main, Wararka
Dowlada Mareykanka waxay sheegtay inay adkeysay la socodka, dadka uga soo safraya 14 Dowladood oo u badan Dalal Muslim iyo Carab ah, wixii ka danbeeyay weerarkii fashilmay ee lala beegsadey Diyaaradii Rakaabka ee Mareykanka laga lahaa.
Mas’uul u Hadley Dowlada Mareykanka waxa uu sheegay inay baaritaano adag ku sameynayaan Dadka uga soo socdaalaya ama uga safraya Dowladaha, Iran, Suudaan, Suuriya, Afganistan, Jaza’ir, Ciraq, Lubnan, Liibiya, Neyjeyriya, Bakistan, Sacuudiga, Yaman, Soomaaliya iyo Kuuba.
Mas’uulkan oo ka gabsadey magaciisa waxa uu intaa ku daray, dadka Dalalkaas uga soo safraya amaba uga socdaalaya inay la kulmayaan baaritaano mid miba, sidoo kalena baaritaano lagu sameynayo Boorsoonka gacanta.
Waxa kale oo uu intaa raaciyay inay marsiinayaan baaritaano hor dhaca oo lagu baarayo Shucaaca si loo ogaado walxaha qaraha hadii ay wataan.
Maamulka guud ee arimaha amaanka, socdaalka hawada Dowlada Mareykanka ugu qaabilsan waxa uu warbaahinta ka baahiyay in qof walba oo Mareykanka soo gelaya uu la kulmi karo baaritaano aan rasmi aheyn oo kedis ah.
Isha; Aljazeera.net
Daabaco

insha allaahudhagarta gaalaada ilaahey ayaa naga kaafinaa marka waxba yaan la welwelin qof walba oo muslin ahoow caqiidadaada ku dhimo
godane | Jan 4, 2010 | Reply
Sow ma muuqato in Muslimiinta oo kaliya lagu duleynayo qorshahaas….HAA BAY ILA TAHAY OO WAA DOQONI GARATAY.
Faysal | Jan 4, 2010 | Reply
Waxan ku faraxsanahay galki ugu wayna addunku in uu islamka ka cabsado waa alle mahadii
C/qadir | Jan 4, 2010 | Reply
waa kala saarida xaqa iyo xaq diidka waana u jeedaan in la bartilmaameed samday oo keya islaamka
illaad idankii waxaa soo dow waqtigii laga adkaan lahaa
iidaale | Jan 5, 2010 | Reply