Hotel Ramadan ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Siminaar Diiniya oo Xarakada Shababul Mujaahidiin isugu keentay Odayaal ka kala socda deegaanada kale duwan ee Dalka( Sawiro ).
Siminaarkan oo soconaya muddo isbuuca, duruusta Odayaasha loo qabtey ku qaadanayaan waxaa ka mida, barashada isku xukunka Shareecada Islaamka iyo dhaqan gelinteeda.
Furitaanka Siminaarka waxaa ka Hadley Mas’uuliyiin sar sare oo ka mida Al-shabab, sida Sh Mukhtar Robow Abu-mansur, Sh Fu’aad Khalaf iyo Sh Cali Dheere, Afhayeenka Xarakada.
Sh Abu-mansur oo ugu horeyn goobta ka Hadley waxa uu sheegay inaaney marnaba aqbaleynin kala qoqobida Dalka, kana hortegayaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay waxaan Calanka Towxiidka aheyd inaaney mudneyn Umada in la isugu keeno.
Sh Fu’aad oo isna goobta ka Hadley waxa uu weerarey Qaramada Midoobay oo uu sheegay inay gudhin u tahey dhibaatooyinka baahsan ee Umada Islaamka heysta, waxa uuna ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed inay qaadacaan Q.M.
Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Dheere oo ugu danbeyn isna Hadley waxa uu Odayaasha Siminaarka u fureen kula dardaarmey inay ka faa’iideystaan, Duruuska Diiniga ah ee ku bartaan dib Shacabka Odayaasha u yihiin ugu gudbiyaan oo uga faa’iideeyaan.
Odayaasha ayaa dhankooda arintan soo dhaweeyay, sheegeyna inay Bulshada uga faa’iideynayaan.

Related posts:
takbiir…
waakaas raggii ilaahay urunsheegay saddexdan wiil iyo saaxiibbadood ilaahoow uhiili …
wadaad xumayaaloow iska aamusa hadday dan idiin tahayna xaqa ha qarinnina oo usheega ummadda cadawgoda haku mashquulinnina khalad baa jira iyo waakan iyo saas toona…
geeddigan la raray meel fogbaa loo gol leeyahay…giiryaale fulihii xumaa waa gabaabsiyi …waxay godobi jiiftiyo ninkii gaabisaa hadhi….salaama
waa sax abu mansuur calanka towxiidka ayay raban uma islamka lkn anaga qaranimadeena miyan kla gorgortana calankena bluga ah aya towxiidka ku qoranayna kamana lalaban doono adiga kaga meshaad jogto ka taago towxiidkaga kayga ma dhaamo fartaad rabto ka dhigo maradana kalarkaad rabto ka dhig
ilaahoow khayr nooga yeel aamiin, aamiin.
waxaan kula talinayaa alshabaab inay aduunka dagaal ugu baaqine waxay cadow u arkaan iska celiyaan aduunka nabad ugu baaqaan xataa haday colaad riman yihiin, waayo soomalidu waxay tiraahdaa, MARBA SAR BAA LA GOOYAA, hadaad rabto inaad buur ciida dhamayso mar lama wada rujin karro ee marba sar baa la gooyaa.
ilaahow xaqa nagu sug,muslimiinta u denbi dhaaf meel ay joogaanba. aamiin.
ALLAAAAHU AKBAR,
ALLAAAH WAXAAN KU MAHADINAYNAA DAA’IMAN INUU UMADEENII KASOO SAARAY QOOM U TAAGAN TADBIIQINTA KITAABKA ALLAAH SWT, UMADANA WXAAN LEEYAHAY{Wa Tacawanuu Calal Biri Wa Taqwaa} WAX KALE KU GAADHI MAYSAAN KA RAALI AHAANSHAHA ALLAAAAAH SUBXAANAH.
Aad baan usoo dhaweynaynaa howshaas ay Mujaahidiinta Sharafta leh ku dhaqaaqeen…Waana astaan Muujinaysa in Maalmaha ama Bilaha soo socda ay howlo waaweyn soo socdaan DOWLADA ISLAAMKA in lagu dhawaaqi doono ILAAHAY baa garanaaya balse wax weyn baa jira oo ALSHABAAB ay dhabaha u xaarayaan.( waa sida ay ila tahay ).
waa fiican yihiin laakiin wiilsha yaryar ha wax bareen shabaab wixii saxa anig waa ku taageera laakiinse wixii qalada kuma taageraayo shabaabku ha ogaadeen ineey ciidan ka dhigteen ragii isbaarooyinku u aali jiren iyo kuwii weligood dadka dhrka ka fura jiray gabdhahan kufsa jiray hadii eysan wax barin dadkaas aan soo shegay weligood wanaag ma gaari doonaan wabilaahi towfiiq
Horta waa arin wanaagsan mid baanse ku oran lahaa walaalaha alshabaab iyo inta sida daacada ah u taabacsan:
Wadaada ducaada ah ee u badan ictisaamka radintooda iska daaya oo hadeey adinka idin dureen adinka ha durinee u cudur daara sida sheekh xasaan xafiduhullaah uu yeelay oo uu yiri culimadu waxaa dhici kadha in xoogaa fulay nimo ah jidho marka inay dano kale leeyihiin ku tuhmi mayno nifaaqna ku tuhmi maynee waxaan kula talineynaa inay dacaayada naga yareeyaan ama iska aamusaan
Salmaan haddii khalad caamadu macaa aragto ay culimadu tiraah sidaa ha laga daayo ma wadaad xumaa la noqonayaa, mise shabaab in aan waxba loo sheegi karin baad aaminsan tahay.
Mindhaa ghuluwwi iyo cujbi idin hayo weynaa, waxaadse ogaataan isha aad la’idihiin aysan bulshadu la’ayn ee ay u fiyowdahay, culimaduna ugu sii arag dheer tahay, sidaa darteed qasab maahan in sida cawaran ee aad wax u aragtaan la idiinla arko, in aad cawaran tihiin marka la idiin sheegana qasab maahan in wadaadxumenimo ay jirto ee waxaa jirta ceeb idinku sugan oo aad u baahan tihiin in aad iska huftaan.
Waxba culimadii Towxiidka dalka ku faafisay ee aad sababtooda ku hanuunteen ha xagxaganina ee iska dhiciya adduunka aad dagaalka u iclaamsateen waliba sankadhuudhiga magaalada aad joogtaan nabadda ku heysta ee shacabkaad dabka ku shiddeen garaacaya idinkoo isla meesha lafteeda jooga.
QM ku lahaa, waxaan maqli jiray aabow kan yar iga celi aan kan weyn iska celiyee. Sheeko ciyaaleedkaas iyo xamaaskaas meel laguma gaaro ee ama waxa aad u bareerteen ku adkeysta oo ka meel keena ama talada dadka idin aqoonta, aqliga iyo fiyoobida dhaama u dheg raariciya, catowga iyo culimo xagxagashadana iska daaya duf iyo dooriso ku baxee.
Ascwwb. Arintan maadaamo oo qorshahan loo baahnaa in mar hore la hirgaliyo waa wax loo baahanyahay.
ninkii alla rumaysan afkiisa waxaad kubadan sharciga islaamka halugu dhaqo.
laakiin beenlow waxaa afkiisa ku badan maraykan iyo demoqraadiyad iyo international cummunity:
Fiidhoone
Ninyohow bal wax yar dib Taariikhda ugu laabo(waaba hadaad wax ka taqaan)..Hadalkaaga ah(QM ku lahaa, waxaan maqli jiray aabow kan yar iga celi aan kan weyn iska celiyee. Sheeko ciyaaleedkaas iyo xamaaskaas meel laguma gaaro) iyo Hadalkii Munaafiqiintii DUULAANKII AXZAAB ku jeesjeestay Hadalkii Nabiga SCW ee ahaa inay Muslimiintu RUUM iyo FURUS furan doonaan ..Ninyohow sow aad iskuguma eka !!.
Waxaan ula jeedaa ALSHABAAB waxay leeyihiin HAMIGII SAREEYAY EE NABI MAXAMED SCW iyo SAXAABADIISA ..adiguna ninyohow waxaad leedahay Astaamihii iyo hadaladii Munaafiqiintii DUULAANKA AXZAAB…Bal arintaas Taariikhda ka baar.
war ilahaya ka baqa kuwaan kuwo la taageerikaro maha ilahaya naxariistisna wey ka dheertayahay wana khawaariij. ilahay ha hanuuniyo sxbyaal fii amaanilaah
ALSHABAAB IDINKA MOOYEE IN DADKALE OO SAXI JIRAAN MA OGTIHIIN?
ILAMA AHA CULIMADA SOMALIYED EE DAL IYO DEBEDBA JOOGTA EE WAX IDIIN SOO BAREY AYAA KHALDAN, SIDAAS MIYAA?
ILAAHAY XAQAA WAAD GARANAYSAA OO WAAD DHINAC MAREYSAANE HA IDIIN GARAN SIIYO>>>
UMMADDA IYO CULIMADANA TALA ULA SOO NOQDA.
haye hada alshabaab ma waxa ay odayashii ku leedhay is qarxinta way fiicnatahay ee bulshada uuga fiideyaa
alshababa wax aaan uuga baqayaa inuu midh midh u ugaadhsado mareykanku
Al shabaab waxey wadan wan socon waynay an oradne waxa ay manta shegen o ah calanka madow aya la istic malaa wa wax lugu qoslo kkk
allahu akbar allahu akbar maansha allah wax badan ayaa laga shayga al shababu mujaahidin dadka wax ma uqabtaan? maanta wa tan ay odayaashii ay diinta ay baryaan kadna waxaan iinsheegayaa in aad walalihiina tageerteen habeen iyo maalin u tagan naftiina iyo dalkiina iyo caruurtiina in ay difaacaan umada somaliyed waxaan u dardaarmayaa in adan fiirinin qaladka ay galayaan ee fiiriya qaladka cadowga alle galaayaan fiirya
fidhoone mashaa allaah warkaaga waa war macquul ah lakiin kuwan aaad wax u shegyso kuwo waxaas u jeeda , waloow ay soomalidu tiraahdo madax madoow iyo mindi sawir ahba lagama quusto marka wax u sheega waa in la badiyaa waxaadna modaa ineey hada xogaa soo dabceen oo ayba leeyihiin waan qaldami karnayee wax hanaloo sheego markaan qaldano laakiin arintaas waxaa fiican ineeysan iska hadal noqon ee ay qataan talada iyo waanada culimada mar walba shegayaan
Somalimirror
Ii gudbiya tacliiqayga
Akhrin kooban aniga oo ku soo noqon doono insha Allah haddii ay daruuri noqoto.
Akh fidhoone iyo samatar
ACW
Masha Allah tacliiqiinna khayr doonka. Duf ku baxe ka reeb akh Fidhoone.
U fiirada shirkan waxaa uu daba socdaa arrimo xasaasi oo soo muuqan doono bilaha soo socdo haddii uusan miisan caskriyeed isbeddelin.
Shabaab waxaa ka dhex jira khilaaf xoogan oo soo xoogeysanaya haba inkiraane.
Waxaa soo muuqana laba kooxood oo kala ah;
1) Koox saddex nin ay hoggaaminayaan.
Robow, Shonqolow iyo cali dheere. Waxay rabaan laba arrin:
1) Ku dhegidda magaca shabaab
2) muujinta inay saaxada joogaan.
Qodobka labaad waxay ilaa hadda ku muujiyeen laba arrin:
a) dhuullo tuskii oo badi ay u jeedeen Kooxda Godane. Macnaha waxaa uu ahaa saaxiib cudud baan leennahay ee la soco.
b) shirkii maanta oo leh qaab siyaasadeed iyaga oo aan ukala harin raggan xagga xaadirinta naftooda
Kooxdii Weerartay Dhusamareeb waxay ahayd kooxda Godane. Risaladii ay dirayeenna waxay ahayd Robow iyo ragga la socda ogaada in Godana Leeyahay awood xoog badan oo gaari karta dh/mareeb.
Waxaa uu Godane ku qamaarey 45 dhallinyaro ah oo reer bay iyo bakool ah.
Rasuulka scw weligiisa ma gelin dagaalkan oo kale oo lagu maja xaabinayo masaakin xaq doon ah laakin lahayn awood ay ku maquuniyaan kooxda suufiyadda.
Waxaa naxdin leh in raggii Godane dhammaan ka soo tageen 45 meyd oo suufiyada ku dul xiratay gowlo iyo ciyaar. Waa xasrataa fii fashali qiyadat Godane wa qamaarihi calaa arwaaxal shabaabil muslimiin.
Inta kale ka aamusay….ama mar kale
war maxaad un shabaab u saarantihiin culumada lafteeda waa bini aadam waana qaldami karaan. mida kale culumadu waa shacab say ubadan yihiin. nimanyahaw ilaahay caqli buu nasiiyay miyaysan aheen culumada qaar kuwa yiri c/yuusuf dawladiisa yaan lala dagaalin. oo markay nimankaa shabaab murtadiinta ku hayeen qaar kama aamusin oo green light masiinin. hada markuu shariif koofi qabsaday oo dhalintii uu beenta u sheegay ka goostay. baa hadana dhalintii lagu leeyahay waa qaldantihiin shariif iyo kooxdiisa murtadiin maahan. runtii waxaan cadaalad daro u arkaa dhalinta qalbiga wanaagsan in wax laga sheego. sababtoo ah iyaga waa daacad, daacadnimadaas bayna wax ku gaari ilaahay idinkii. runtii annaka somali ahaan in uu ilaahay u naxariistay maahee shiikh iyo caamo qabiilbaa lafaha kagalay waxaan ilaahay ka baryayaa dhalintaa in wixii qalad ah ooy galaan ilaahay toosiyo daacadnimadooda awgeed. waa kii alle yiri waladiina jaahaduu fiinaa lanahdiyanahum subulanaa. marka ilaahay jidkiisa haku toosiyo. culumadeedana allaha toosiyo wixii qalad ay galaana allaha u danbi dhaafo. kuwa magaca culumo ku qaraabanayana allaha naga qabto
assalamu calaykum walaalayaal
samatar iyo fiidhoone cuqdad aaa idinka buxda ee aduunka waa laba dhinac ee dhinac raaca (aniga ma oran oraahdaa ee bush baa yiri) mesha hadal hala fadhine ee mujaahidiinta aad ayaga daraadood sharafka uleedahayna afkaaga xun ka daa war see wax idinka noqden nimannyahoow?
ma waxa kala saari la dihin xaqa iyo baadilka?
Midda diidada Robow calanka Soomaliya
Waa istihlaak Shabaabi ah oo aan qiimo badan lahayn.
Marka u horreeysa falalka uu muujiyey Robow iyo lammaanaha kale ee la socdo waxay ku tusinayaan inay la hadlayaan qaacidada shabaabka.
Si uu muujiyo inuu weli khadka shabaab ku sugan yahay waa inuu dillaaciyaa khadad culus oo keeni kara
- kow in loo arko niman shabaab ah
- laba in uu isu muujiyo isku qoridda qaacida
- saddex in uu iska fogeynaya ama qiiq ku qariyo shakiga iyo jahawererka khilaafiga ee dhexdooda ka jira
Xagga diidada calanka Soomaliya waa uu og yahay xikmad darrideeda.
Tusaale ahaan haddii Soomalida kale aqbasho calanka Soomaliya iyo shareecada Islaamka, shabaab way og yihiin inaysan ku dagaallami karin calan qura.
Ogow calanka Soomaliya jiritaankiisa wa min baabil masaalix almursala . Waxaa uu la mid yahay magaca Soomaliya. Ku farad yeelka dadka calanka marxaladdan waxay ku tusinaysaa bisayl laaan diini ah.
Haddii ay shabaab ay rumaysan yihiin calankooda oo ka taagan dhowr gobol maxay ugu dhawaaqi waayeen dawlad Islaami ah. Mise iyadana ma rumaysna? Jawaabtu akhristaha basiirada leh ayaan u deynaa
Allhu Akbar Allahu Akbar
halkaan waxaan ugajeedaa muuqaalo u eg in lasoo qasbay oo aysan raali ka eheen uruurita lasooo sameeyey , waad ujeedaan in Ragga ugu horeeya ay sawirka kaxunyihiin oo aysan ku faraxsaneen waxaaloogu yeeray Saminaar , laheestayaasha wejigooduna waxa uu u muuqdaa in meesha qasab lagu keenay oo ay kaxunyihiin waxa meesha ka socda iyo weliba labada Calan oo mad madow oo kataala labada dhenac Maleeshiyada ama Burcad Diimeedka ah waxaan u maleynayaa in Gabalkoodii uu dhacay
?????? ????? ????? ????
shabaab ilahay ha oga baqaan dhiiga gacmahooda ka daadanaya iyo gaalaysiinta cidii iyaga khilaaftaa sidaana sax ma ahan
Cali-Guure
ku mahadsanid taxliilinta iyo qiimeynta waxa ay xambaarsanaayeen falal dhowr ah oo Shabaab ku kaceen usbuucan gudihiisa iyo farriimaha qarsoon ee la isaga dhex tabinayay, arrinkaasna waa mid u baahan in lagu nasto, si la isula arko waxa dhabta ah ee ka hooseeya shaatiga shabaabku xidhan yihiin.
Waxaan u arkaa in Shabaab ay qabtaan dowro diini ah oo dadka lagu hanuuninayo sida muuqata waa arrin wanaagsan, waxaase mushkiladu tahay haddii qasadku yahay oo kaliya i arkooy iyo ifraadul-wujuud oo waliba iyaga dhexdooda ah. Waxaa kasii daran oo la yaab ila leh cidda laga cad goosanayo iyo cidda muruqyada la tusayaba inaysan aheyn cadowga la is hayo ee ay yihiin shacabkan masaakiinta ah ee guryahooda lagu gabbanayo.
Ugaandheeska iyo Burundigu ciidamadooda waxay dhex deggan yihiin Xamar, Xabashiduna waxay har iyo habeen joogtaa magaalooyin dalka ah oo tuuryada lala gaadhow, in wax ay u dhimaanna daaye meeshey ku maqlaan xabashi baa joogta waa ka insixaabayaan, dadkii muslinka ahaa ee mashaayikhdoodu u horreysayna waxay ka dhigeen mid ay caayaan iyo mid ay dhiiggiisa banneystaan.
Waa la yaab ninka Xabashi dalkiisa ku jirta iyo Burundi caasimaddiisa dhex deggan wax u dhimi kari waayay in uu adduun weynahaas meel uu ka jiro iyo waxa kaga iman kara uusan aqoon in uu farta u gilgilo.
Waxaan is weydiiyaa ma garan waayeen inta ay xeynta gaalada ah ee dalkooda edebdarrada ku joogta inta ay kasoo faaruqayaan in aysan durbaanka u tuman adduunka iyo wacdaraha ay la maaggan yihiin.
Mase la suureysan karaa ninka Suufiyo la dawakhsan oo qaati-billaahiga ka taagan in uu qolo ka xoog badan iska dhicin karo?
Waxaa kasii wareer badan in ay aaminsan yihiin khuraafaad suufiyadu aaminsanaan jireen, taas oo ah in ay isu arkaan sidii dad cismo leh oo in wax la tusaaleeyo diin xumo iyo munaafaqnimo laga dhaxlayo oo kale. Haddii aad wax u sheegto waxaa markiiba lagaala hor imaanayaa hadalkaas waa kii munaafaqiintu nabiga ku dhihi jirtay, yacnii isagana wuxuu is joojinayaa booskii nabiga s.c.w. dadka kalena wuxuu u arkayaa raggii C/Laahi ibnu Ubay ee dhagarta badnaa.
Culimada ay waanadooda maqli la’ yihiine kii u naseexeeyaba ay farriinta cabsigelinta ah usoo dirayaan waxay kasoo qaadayaan sidii dad hortaagan xaq soo daalacay oo aanay cidina khilaafi karin.
Waxaa dhibaato ah in Mareykan iyo colkiisa ay muslinka u yaqaannaan in ay yihiin xag jurayaal argagixiso ah oo amniga caalamka khaatar ku ah, idinna isla muslimiintaas magaca aysan u qalmin lagu koolleeyay aad dad xaq la dirir duullaan ku ah diintii Alle iyo dadkii waday oo aad idinka isu aragtaan.
ma is weydiiseen in aysan gar aheyn in muslinku idinka iyo gaalada aad is heysaan ay isku si idiinka baqayaan oo aysan ogeyn goor iyo si aad u dulmin kartaan dhiiggoodana ku banneysan kartaan.
Ma is weydiisaan dagaalkiinnu waxa uu yahay haddii kii aad la dirirsaneydeen uu idinka helay ammaan ka badan kii aad difaaceyseen ammaanka aad u heysaan, mise dadku waa wada munaafaqiin iyo jawaasiis ay ku soo duuleen kuwii ay wax u tajassusayeen, labadooda kii la hor dilana Islaamka daawaa ugu jirta!!!!
Shabaab iyo dowlatul-muwaxxidiin waxa isu galay ha lasoo ogaado, maxaa yeelay iyagaa aaminsanaa in Maxamed ibnu Tuumir oo macsuum yahay ciddii ka hor timaadana ay ciqaab iyo dilba mudaneyso, culimaba ha ahaadeene.
Taana waxaa ka dhashay in ay dowladdii muraabidiinta gaalnimo ku xukumeen dabadeedna duullaan ku qaadeen sidaana ku daadiyeen dhiigga 80 kun oo muslimiin ah calaashaan si ay xukunka u qabsadaan.
Ikhwaanii waxba shacabka rucbi iyo wadna kurkur ha ku ridina ragannimada iyo diinta aad ku faaneysaan haddii ay idinka dhab yihiin, ha idinka celiyaan dhiigga maatada daafaciinna sugayay ee aad har iyo habeen daadineysaan, haddii kale sheegashadu haddeysan shaqo la socon waa is faanin, faankana ina rag looga fiican Allena wuxuu yiri “Ha is ammaanina, Alle isaga ayaa og cidda ka cabsaneysa” Xadiiskina waa tuu ahaa “Allaa og cidda jidkiisa ku dirireysa”
Asc,
TO fidhoone iyo samatar, marka hore fidhoone waxaad tahay qof xiqdi ka buuxo sida hadal kaaga ka muuqdo maxayelay salmaan cid waxba kama shegin e waxu yiri wadaad xume. Wadaad xumana wuu jiraa waana buux maanta,waxaad isku ogtahay adaa garanaya,mida kale waxaad tiri waa il la yihiin.waxaan ku leyahay adiga ayuu cujbi ku hayaa iyo nifaaq. Maxaa yelay waxaad tiri aduunka aad dagaalka u iclaamsaten iska dhiciya, RASUULKA NNKH waxuu yiri qofki aan ku fikirin ama aan naftiisa ugu shegeen in uu mar la dagaali doono gaalo waxaa qalbigiisa ku jiro Nifaaq’walaal hadaladaada waa istihzaa iyo jeys jeys aad ku jeys jeyseyso MUJAAHIDIINTA naftooda ka gatay ALLAAH una dagalamaya ku dhaqanka dintiisa ilaa aduunka oo dhan loga dhaqmo,aduunka aad shegeysid gaalo ayaa xukunta maanta waana in la xureyo, ee ma waxaa shaki kaga jiraa in aduunka islaamka intuu qabsado uuna ku xukumi doona shareecada islaamka? {WAL CAAQIBATU LILMUTAQIIN WALAA CUDWAANA ILAA CALADDALIMIIN} mida kale waxaa ugu yaabka badan.
waxaa labaneysanayaa dad MUSLIMIINA oo hadana MUJAHIDIINA cirdigodi iyo DIINTODA ayadoo la sheganayo DIIN iyo in wax la saxayo SUBXAANA LAAH, war hadi wax lasaxayo sidee wax lo saxayaa? Ma sidi RASUULKA NNKH ayaa wax lo saxayaa mise sida munaafiqiinta? SAXAABIGII khaalid marki u layay si kama ah dad islaamay. RASUULKU NNKH ma wuxuu yiri khaalid waa khawaarij mise canbareyay mise cirdigiisa bu waxka shegay mise JIHAADKII bu wax kama jiraan ku tilmaamay,?
MAYA MAYA RASUULKA NNKH intaas oo dhan ma u suubin ee waxuu yiri, ALLOW WAXAAN BARI KA AHAY FALKA U KHAALID SAMEYAY, ogow xilkana kama uusan qaadin JIHAADKINA sidiisa bu usocday’ WALAALAYAAL IN LAGA HADLO WARBAAHINTA OO LA SHEEGO WAXYAALO EY U BADANTAHAY IN EY TAHAY BEEN ABUUR, WAXEY U NASTEXEN OY FARXAD GALIN GAALADA IYO MUNAFIQIINTA IYO INTA XAQA NECEB EE OGOOW, DHANKA KALE WAXEY NIYAD JAB KU TAHAY MUJAAHIDIINTA DAGAALKA ADAG KULA JIRA INTAAS, MARKA ALLE HALOGA CABSADO ARINTAAS.
MUJAAHIDIINTA GUUL ALLAHA SIIYO INTA KA XUNNA
HA U DHINTAAN CARADOODA
alshabaab diin mahayaan iyaga ayaa ubaahan in diinta labaro ee mexee dad wax baraan, war nimanyahaw alle barya in aale naga dulqaado dadkaan dhiiga muslimiinta banestay
ILAAHAY wuxuu marqaati iiga yahay in Cali Guure iyo waxa la midka ah aysan ALSHABAAB iyo RAGA lamidka ah agtooda Mukulaal qoyan kala qiima badnayn.
Doqomayohow qoraal Somalimirror baa cidiyaha idinka madoobeeyaye ficiin duniday la xisaabtamayaan walwal iyo hurdo la,aan bayna cadawga Islaamka ku rideen waxaana gacantooda ku maqan boqolaal ka tirsan ciidanka Kirishtanka ah ee Ethiopia,America,Uganda iyo Burundi…Adinkuna meeshan baad doc-kayeernimo ku haysaan ALLA MAXAAD NASIIB DARANTIHIIN !!!.
asc waad salaamantihiin marka hore marka xigta alshabaab dhalinyaradii ayeey maskaxda kadhaqeen oo afkaar qaldan kabuuxiyeen hadane ma odayaashii ayeey kuawadaan
Akh Fiidhoon
Masha Allah tacliqaada. Waxaa loo baahan yahay raggiinnan oo kale inay dadka tusaalayeeyaan gaar ahaan shabaabka oo u muuqda kuwa karkaarka looga waydaaranayo.
Sidaan wax u ogahay uma qori karo in khudhuudhta macaalimteeda maalinba Alla muujiya mooyee.
Abuu Cabdiraxmaan
Tacqiibka aad la sameysay walaallada waxay ila muuqataa laa maxalla lahaa minal icraab.
Ararta naqdintaadi waxaad tiri, ” waxaad tahay qof xiqdi ka buuxo sida hadal kaaga ka muuqdo”
Ogow weligaa haddii ararta kaa hallowdo gunaanadkaagu weligaa ma hagaagayo.
Midna qabso shabaab maaha diin ee waa xarako jihaadi oo sax iyo khalad leh kuna wareersan sidii ay ugu dabaqi lahayd diinta Islaamka waaqica gobolloyinka ay hadda ka taliso. Laba daraadle waxay ku fashilantahay sida ay ula dhaqmi lahayd mujaahdiinta kale oo dhiiggooda qaarkood ay banneysteen iyo la dhaqanka bulshada masaakiinta ee Soomaaliya.
Waxaan dhamaanteen ku jirnaa dagaalkan maanta socda laakiin sida ay shabaab wax u waddo sax maahan. Nusuusta aad bar jafayso daa. Ma dhicin rasuulka inuu dilo munaafiqiinta macrufka ahaa sida ibnu Ubaya ….halkanna shabaab waxay jarrimiyeen mujaahdiinta Kambooni iyo raggii u taagna diintan 19kii sano ee la soo dhaafey.
Aniga ayaa diin ah ayay la soo taagan yihiin. Kaaga darane falalkooda waxaa uu qarka u saaran yahay inuu dhumo miraha jihaadka.
Bitafsiil akhirinta qoraalladaydii hore.
Waa inaan dhahnaa maxaa khaldan ama khaldamay?
Su’aasha maanta ma jirto ee waxaa socdaa guulwadayn ku dhow tii suufiyada ama Siyaad Barre ama kuwa uu ka sheekeeyey akh Fiidhoone ee dowlatul muwaxidiin.
Hogganka dhuumaalaysiga ah, hab dhiska, fiiro gaabnida, kibirka, islwaynida, manhajka oo qabash kaga jira, fiqi xumida, bisayl la’aanta, xikmad darrada iyo mashruuc siyaasi la’aanta iwm dhamman shabaab waan ku haynaa. Mana oggola in lagala hadlo. Haddii laga hadlana waxay la soo taagan yihiin jihaad ba la neceb yahay iyo gaala ku farxaya. Labadaas dacwi waa bidco ogow marka nusuusta la fiiriyo.
Tusaale ahaan qodobada iyaga iyo sheekh Xasan Dahir isku mari waayeen waxaa ka mid ahayd waxay ka codsadeen sheekha inuu qoro warqad uu ku gaalaysiinayo sh. Axmed Madooobe. Markii uu yiri keena daliilkiinna waxay ku meermeeresteen sheeko shacbi ah oo ka fog daliilka salafiga ee ku fadhiya quranka iyo sunnada saxda. Raggii ka qayb galey oo nala joogo xamartan waxay noo sheegeen yaabkii ay jalsadii ku soo arkeen.
Marka aayadaha aad daliilsanayo waa cummuumiyaad ee aynu ka hadalno dhacdooyin dhab ah oo dhacay oo ku tusinaya khilaafkooda hadyiga salafka fii baabul jihaad iyo la tacaamulka shacabka Islaamka.
Inta kale mar kale
Allow xaqa nagu sug
Faysal miskiin
Shabaab agtiisa waxba kama tihid kulahaa. Bal diintiisa intay la eg tahay eega.
Dhageyso ayuhal faqiir ilaa cilma sharci alxaqiiqi: Aniga Ilaah agtiisa ayaan rabaa inaan wax ka noqdo calaa dhariiqat macdirah ilaa rabina. Shabaab agtooda inaan wax noqdo miisaanka iiguma jiro. Waayo iyaga diin mahan janna iyo naarna iima hayaan.
Reer guure walaa fakhr waa u dhinteen diintan weli waa u dagaallamayaan insha Allah.
Cali Guurena lagama yaabo inuu aqbalo arrimahan oo kala ah oo qaar shabaab ku kaceen
ama ku socdaan:
1) dhuminta miraha jihaadka
2) banneeysiga dhiiga mujaahidiinta iyo muslimiinta kale
3) Kala dhantaalidda midnamada mujaahidiinta
4) Madax iyo qudaat majhuul ah waayo riwaayadda majhuul haddaad cilmiga xadiithka taqaan la aqbali maayo.
5)xikmad darrida
6)Idaarat altawaxush
7) Diktaatooriyadda iyo taqdiisidda Godane iyo dhuumaleysi shaki keen karta
8)Guulwadayntiinna oo la mid ah agteenna tii suufiyadda iyo siyaad Barre
9)Afgaani hadalkii uu Xasan Turki ku yiri marka la yiri wareeji maamulka “Amir baan ahay, amir muslim ahna lama casali karo inuu dhinto mooye ama xubin beelo mooye”
Hadal qosol badan oo raqiis ah. Yuu Amiir u yahay? Cajiib
Marka saaxiib ha is daalin weliba adiga oo aan shaqo ku lahayn shabaab ama dalka joogin.
Haddii aad noqotana kama duwanida kuwa aan la baran diintan anaashiid mooye.
Bilaha soo socdo waa xublaa
Fasatadkuruuna maa aquulu lakum
Waxaa iga hoos baxay hadalkan
“ILAAHAY wuxuu marqaati iiga yahay in Cali Guure..:
Hadaa taqawul calalllahi. Bal dajalkan iyo kathibkiisa arka intuu la eg yahay.
Miskiin ….dhufayli ah. War orodoo caqiidada sax ah soo baro.
Rag bay la xisaabtameenna waxaan ka iri war la’aan baa ku haysaa, Armey noqdeen qaar ka mid ah halaq mareen. Ma sheegi karee intaa ha joogto ee baro diinta iyo caqiidadeeda. Ilaah baa markhaati iiga ah kulahaa. Miskiin
asalmu aleykm yaa muslim dadka wax ma uqabtaan maanta wa tan ay odayaashii ay diinta ay baryaan kadna waxaan iinsheegayaa in aad walalihiina tageerteen habeen iyo maalin u tagan naftiina iyo dalkiina iyo caruurtiina in ay difaacaan umada somaliyed waxaan u dardaarmayaa in adan fiirinin qaladka ay galayaan ee fiiriya qaladka cadowga alle galaayaan fiiryau aniga waxn rabi lahaa dad wax qaban karo in an nahay walaali yaal bal isku iamda an tashano
Haddii Calanka madowoo qura ay wadaan oo ku doodayaan waa kii rasuulka scw, maxaa xaraam ka dhigay in calan kale la samayso? muslimiintii caasimad kale o tii rasulka ahayn scw samaysatay ma khaldanaayeen? inteesa ka keeneen loogada shabaab o samaysan maxayse calanka madwo uun loogo uga dhigan waayeen halka ay quraanka iyo qoryo isa saareen?? illayn rasuulka scw taa ma ogayne?
Maaaaaaaasha allaah Waxas raag laga dhahaaa ama waa layska amusaaaa, Ragggedi walee alshabab waaa raggg soo baxay alooow cadowgiina jabi iyo wixii idin neceeb Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin
asalaamu calay kum ikhwaanii duul aan culimo lahayn ayaa waxaa laga dhigayaa in ay mujaahidiin yihiin, waxaa jira dadbadan oo ciada u shaqeeya oo iska dhigaaya mujaahidiin marka ka fiirsasho badan