Hal Qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 4 kalane wey ku dhaawacmeen Shilgaari oo Xalay ka dhacay Deegaan 7 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.
Dhimashada iyo Dhaawaca Rakaabka ayaa yimid kadib markii uu qalibmay gaari Rakaab ah oo ay dadkaasi la socdeen kaas oo kayimid Gobolada Dhexe kuna Wajahnaa Dhanka Magaalada Jowhar.
Dadkii ku dhaawacmay Shilkaas ayaa waxa gurmad u fidiyey Maamulka iyo Shacabka ku nool Magaalada Jowhar waxaana loo soo daabulay Isbitaalka Magaalada Jowhar halkaas oo dhaawacooda lagu dabiibayo.
Lama oga sababaha rasmiga ah ee keenay inuu qalibmo gaarigaas.
Shilalka Gaariga ayaa ku soo badanayey Bilihii ugu dambeeyey Gobolka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaana loo aaneynayaa Wadooyinka oo aad u bubursan iyo wadayaasha qaar oo aan xirfad wanaagsan laheyn.

Related posts: