Aadan Madoobe oo Shaaciyey in Baarlamaanka KMG ka dhaqaaqi la’yahay Dhaqaalo Xumo iyo Amaandaro

Published on December 31, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Aadan MadoobeSheekh Aadan Madoobe oo Madax ka ah Baarlamaanka DKMG ah ayaa Maanta shaaciyey in Xubnaha Baarlamaanku lakulmi waayeen Dhaqaalo daro xoogan oo soo wajahday iyo Amaanka oo ku adkaaday dartiis.

 

Aadan Madoobe oo Maanta Saxaafada Magaalada Muqdisho Shir Jaraa’id ugu qabtay ayaa sheegay in kulamadii baarlamaanku ka soconwaayeen Dhaqaale xume soowajahday iyo Amaanka oo sii xumaaday.

 

Aadan Madoobe oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“waxaa leysla gartay inay jiraan waxyaabo badan oo Baarlamaanka ku kalifaayo iyadoo xildhabaanada qaar kood ay joogaan ay imaanwaayaan shirka waxaa la ogaaday tirade Xildhibaanada joogta inay badan tahay sida maalintii kow kooramka la furaayey Xildhibaanadii latiriyey inay wax ku soo kordhaan maahane wax ka dhimanaanin oo ay tiradoodu aad u badan tahay laakin duruufo dhaqaale awgeed… ay Xildhibaanada qaarkood dhib ku noqotay siisocodkii iyo soo socodkii ay baarlamaanka aadaayeen Culeysyo badan bey kala kulmeen, iyo arimo badan oo iska jira oo dhinaca Amaanka ku tacaluqo oo socodka Magaalada sii larabay aan aheyn”.

 

Waxa uu ku baaqay  inay yimaadaan Dalka Xildhibaanada Dalka Dibadiisa ku maqan wuxuuna kuwa joogo kula taliyey Aadan Madoobe inay dhexda xirtaan oo ay yimaadaan kulamada.

 

Waxa uu sheegay inaysan talo fara kuheynin Xubno dhawaan ku shiray doolow oo shaaciyey inay dhisayaan Maamul Goboleed qeyb ka noqonaya kala qoqobinta Dalka isagoo leh:“Masuuto galeyso Dowlad goboleedyo in dibada lagu soo dhiso dowlad goboleed waxaa larabaa deegaanka inay ka soo dhisaan Caruuryta iyo haweenka inay goobjoog ahaadaan baa larabaa meesha laga dhisaayo… Dad hada talo gacantooda ku jirto oo wax dhisid u suurto galeyso mahaan”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Aadan Madoobe oo ka warbixiyey Kulamo ay Yeesheen Gudiyada Baarlamaanka.
  2. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.
  3. Aadan Madoobe oo kulamo gooni gooni ah Baydhabo ku qaatey.
  4. Aadan Madoobe oo sheegay in ay shaqeyneyso DKMG ah kana digay Fowdo ka dhacda Baydhabo.
  5. Xubno Baarlamaanka KMG oo eedeeyay Aadan Madoobe.

Readers Comments (2)

  1. Axmed xasan says:

    Asalaamu calayku:
    Waa yaab! xagee lagu arkay nin xil u qaaday dadkiisa, hadane leh ma soo gari karo meeshii ummada danaheeda looga hadleyay? Tiiyoo guriga uu degen yahay iyo meesha shirka ka dhacyo ay isu jiraan 1km ama in ka yar.

  2. axmed says:

    Adan madoobe! adiga iyo kuwa kula midka ah ee aan aqoonta iyo xirfada toona u lahayn hagaamin iyo maamultoona ayaa madax kaga fadhiya ee waxba ha ka raadinin dhibka meel kale.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Aadan Madoobe oo ka warbixiyey Kulamo ay Yeesheen Gudiyada Baarlamaanka.
  2. Aadan Madoobe oo Magacaabey,Gudiga Doorashada Madaxweynaha.
  3. Aadan Madoobe oo kulamo gooni gooni ah Baydhabo ku qaatey.
  4. Aadan Madoobe oo sheegay in ay shaqeyneyso DKMG ah kana digay Fowdo ka dhacda Baydhabo.
  5. Xubno Baarlamaanka KMG oo eedeeyay Aadan Madoobe.

Latest Headlines