Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa gaashaanka u daruuray hadalada Sheegaya in Puntland ay ka go’day soomaaliya kadib markii ay ku dhawaaqday in ay sameysatay Calan,Astaan iyo Hees u gooni ah ,wuxuuna Wasiirku sheegay isagoo waraysi siiyay Boga Tv-ga Al-jazeera qeybtiisa Afka carabiga ayaa sheegay in aysan arintaas jirin wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dastuurka DKMG ah uu qorayo in Puntland ay xaq u leedahay in ay arintaa sameysato.
Wuxuuna yidhi C/xakiim oo arintaa ka hadlaya “Puntland waa mid horseed ka ahayd wada jirka soomaaliya Taariikhduna arintaa way ka marag ka caysaa “ wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay qeyb gashay dhamaan shirarka dib u heshiisiinta ee loo qabtay soomaaliya iyadoo arintaa ugua gol leh sidii loo dhowri lahaa midnimada Dalka.
Waxa uu sidoo kale xusay in Puntland ay arinta ay sameysay ay xaq u leedahay wuxuuna yidhi “Puntland xaqeeda ayay ka mid tahay in ay ka faa’iidaysato khibrahadeeda dabiiciga ay iyada oo aan u laabaneyn dhinac kale ,waxaana saaran in ay la dagaasho faqriga iyo jahliga waxayna qaadaneysa waxyaabaha arintaa u xaqiijinaya “wuxuuna intaa ku daray in ay soo dhaweynayaan dowladaha arintaa xaqiijinteeda kala shaqeynaya .
Waxa uu C/xakiin soo hadal qaaday xidhiidhka Puntland kala dhaxeeya DKMG ah wuxuuna qiray in ay jiraan khilaafyo iyo in nadqdin iyo kala aragti duwanaansho taasina ay saameyn ku yeelatay mutaqbalka gobolka. Wuxuuna intaa raaciyay “dhaqaaqa dhameytiran ee ay Puntland qaadatay waxaa ka mid ah howmarinta iyo kobcinta gobolka iyadoon meel kale loo abaneyn ,sidoo kale waxa uu niyad wanaag ka muujiyay in xal laga qaadho khilaafka labada dhinac hadii buu yidhi ay duruufto arintaa saamaxdo loona helo wakhti munaasib ah wuxuuna bidhaamiyay in DKMG ah ay ku fashilantay inay dalka u dajiyo dastuur rigli ah.
Waxa uu C/xakiim ka hadlay xaalada Amni ee Puntland mudooyinkii dambe wuxuuna yidhi “Xukuumda Puntland waa midsugan mana saameynayaan dhacdooyinka amniga ah sida qaraxyada dilalka qorsheysan ee ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka mudooyin kala fog fog” wuxuuna intaa raaciyay ‘” waa falal argagixiso oo looga gol leeyahay carqaladeynta dadaaalada nabadga iyo hormarinta ee gobolka ka hirgali lahaa gobolka” , waxa uu dhanka kale ka gaabsaday in uu sheego bal cid la is dhihi karo way ka dambeysaa qaraxyada wuxuuna yidhi “baadhitaanada amniga waa ay socdaan mana doonayo inaan ka hor dhoco iyo inaan jiho eedeyo ama dhinac kale ka hor inta aysan dhamaan baadhitaanadu”,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay kala shaqeeyeen sidii loo soo qab qaban lahaa dadka amniga wax u dhimaya ,wuxuuna qiray in Maamulku uu awood u leeyahay soo qab qababashada kuwa amniga khalkhalka galinaya ayna cadaalada hor geyn doonaan.
Dhinaca kale waxa uu Wasiirku ka hadlay xidhiidha ay la leeyihiin wadamada dariska ah iyo dowladaha waa weyn sida Maraykanka, Midowga Yurub iyo wadamada Carbeed wuxuuna sheegay in xidhiidhka ay caalamka la leeyihiin uu yahay mid wanaagsan.
Waxa uu xusay in xidhiidhka Puntland kala dhaxeeya wadamada Carbeed uu yahay mid Taariikheed iyo mid dhaqan iyo isku xidhnaan xaga jiritaanka ah uu ka dhaxeeyo soomaliya Soomaaliya iyo wadamada Carbeed ,wuxuuna tilmaamay in uu aad ugu xun yahay in ay wadamada Carbeedi ka maqan yihiin xal u helida mushkiladda Soomaaliya .
Waxa uu sheegay in xidhiidh ganacsi oo fir fircoon oo Puntland kala dhaxeeyo Wadamada Imaaraadka Carrabta iyo Yemen wuxuuna sidoo kale amaanay Sucuudiga oo xayiraadii ka qaaday in dalkeeda loo suuq geeyo Xoolaha nool ee Soomaalida ,wuxuna tilmamaay in Xoolaha nool ay yihiin kaalin muhiim ah oo ka tirsan wuxuuna amaantaa midaa la mid ah u jeediyay Imaaraadka wuxuuna yidhi “ Haduusan alle jirin kadibna Dowladda Imaaraadka wuxuu ka baabi’i lahaa shacabka Soomaaliyeed khariiradda gobolka”wuxuuna sheegay in xidhiidha ganacsi ee ka dhaceeya Gobolkada Soomaaliya iyo Imaaraadku uu yahay mid aan laheyn wax carqalado ah wuxuuna tilmaamay in Dalka Suudaan uu deeqo waxbarasho siiyay Ardayda gobolka.
Intaa kadib waxa uu ka hadlay xidhiidha kala dhaxeeya Maraykanka wuxuuna sheegay in uu yahay mid wanaagsan wuxuuna yidhi “xiligii dhex dhexaadnimadu wuxuu ku dhamaaday xiligii uu dhamaaday midowgii Soofiyadtii ,xidhiidhka Puntland kala dhaxeeya Maraykanka waa mid wanaagsan”wuxuuna xusay in ay jiraan Hey’aad iyo Ururo Maraykan ah in ay jogaan gobolka ,waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan is kaalmeysi xaga Amniga ah wuxuuna yidhi “wada shaqeyn xagga amniga ah iyo mid aan amni ahayn ayaan la leenahay Maraykanka .
Waxa uu ugu dambeyntii sheegay in xidhiidh wanagsan ay la leeyihiin wadamada dariska la ah wuxuuna yidhi “Itoobiya waa dowlad daris ah oo saaxiib ah waxaana maslaxalada labada dalka is kaalmeysi taas oo xaqiijinaysa danaha wadaaga ah ee labada dal” wuxuunta intaa ku daray in ay jiraan xidhiidh ganacsi oo kala dhaxeeya Itoobiya balse uusan ahayn mid isku dheeli tiran waa sida u hadalka u dhigaye .
Waxa uu wax ka tilmaamay xidhiidha guran ee Puntland kala dhaxeeya Maamulka Somaliland ee la xidhiidha gobolada Sool,Sanaag.iyo Cayn waxa uu tilmamaay in uu ku rajo weyn yahay in ay dhamaadaan caqabada ka jira xaga Xuduudana lagu xaliyo qaab wada hadal ah ,wuxuuna fogeystay in arintaa lagu xaliyo qaab ciidan.
Waraysiga uu Wasiirka Warfaafinta Putland C/xakiin Axmed Guuleed siiyay boga Tv-ga Al-jazeera ayaa ku soo beegmaya xili ay xaalado kala duwan ka jiraan Deegaanada Puntland kuwaas oo laga xusi karo xaalada Amni Xumo iyo sameysashada ay Putland sameysatay Calan iyo Astaan u gooni ah ,waxayna hadalada Wasiirkaasi ku soo beegmayaan xili ay Xubo sar sare oo Mmaulka Puntland ah ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xaaladaha ku soo kordhay .

Related posts:
gabahi aqalgashay waxay tiri isku nax-naxna wuu i hayaa isku bag-bagna wuu ihayaa.
waxaan arinkaas ula jeedaa maamulka Puntland wuxuu aad uga wal-wal sanyahay dhaqangalida federalizamka hadda wuxuu iska dhigayaa mid u ololeeya arinkaas.
marka uu u ololeynayo wuxuu ula jeedaa in uu budget kaga sii aruursado UNka inta dhibaatada ka taagantahay somalia iyo in ay shirkada kaluumeysiga caalmaka ka sii gataan kaluunka badda cas.
marka uu kanaxsanyahay federalizamka wuxuu isleeyahay armay dhaqangashaa arintaa oo aad dhibaato iyo rafaad aanan reer puntland kaharin kudhacdaa sabab too ah gobol waliba dhaqaalihiisa isaga ayaa maamulanaya hadaba Puntland kuma taala dhul dhaqaalo leh iskaba daa dhaqaalee kuleyl ayaa ayaa looga kala cararaa xaayadi marki la gaaro oo waxaaba ka caan ah halkaas eryga ah “Xagaay Bax” oo micneheedu yahay cidii lacag heysato haka cararto kuleylka cidaan lacag heysanna haku dhimato meesheeda.
gaba gabadii waziirkaanu wuxuu baaq u dirayaa kuwa doonayo in ay ku dhawaaqaan Koor Land stat dhaqangalka arinkaasna puntland wuxuu u yahay dhibaato iyo wadna go
Puntland waxaan leeyahay meel raaca iska dhaafa “SUURO GABADANAHA”
Puntland iyo XXXLAnd intaba xal Sooomaali uma ahan arinkan waa arin aanan Soomaali Ka soo goin balse waa mid eey wataan dad neceb jiritaanka Umada Somaliyeed isku xirnaanteeda iyo midnimadooda.
Aniga hada waxaan ka soo jeeydaa Gobolada Waqooyi Bari ee Somalia mana ugoli mana ogaalaan doono wax la yiraah Land inta aan noolahayna waan ka shaqeeyn sidii loo heli lahaa Qaran xoogan oo Somaliyeed oo aan ku saleeysneeyn Qabiil iyo Heeyb soo.
sxbayaal waa ku amaananyihiin dadka daga pnld iyo smld nabda iyo daganaanshaha ay gaaren anigu shaqsi ahaan mataageersani in soom,aliya gobolgobol looqaybiyo oo midkasta la iska maamusho midnimo ayaa cadow kaaga baqaa waxaan leeyahy dadka reer koonfureedka ah idinkaa fahmi waayey qiimaha ay leedahay nabadu waxaad habeen iyo maalin gowracdaan aqoonyahayno dhakhaatir culomo iyo qof allaale qofkii wanaag sheegi lahaa goormaad fahmidoontaan inaad ismaqashaan war hal nin ah oo rashiid ah oodhinbtaan idinka saara maweydeen ILLAAH AYAA idin ka saari kara hormuud ayaa loobaahanyahay qoriga gadaal udhiga ooqalinka horey uqaata
sc wr wb warka wasiirka faroole waa war lagu qoslo wuxu yiri pland iyo ameerika waxa ka dhaxeyey xiriir waqtigii dhexdhexaadka kkkkkkkkkkkkkkkkkk maskiin taariiq aqoon waqtigas siyaad bare allaha u naxariiste ayaa wadanka xukumayey yaa PLAND yaqaney waaba mid taariiqda soomalida aqoon maamulka FAROOLE wuu fashilmey waa maamul DABODHILIF AH ITOOBIYANKA U DHIIBA MUWADININTA SOOMAALI GALBEED WAA NIDAAM DOONAYA IN SOOMAALIYA UU KALA GOOGOYO.
DAYIB QALIB noolooooooooooooooooooow wadaniga daacada ah viva soomaaliweyn 4 ever.
wasiirkaan waa raga loo bahan yahay xiligan adag ,cidkastoo wax garad ah wey ku farxaysaa,aan aheyn dayib qaalib oo kale ,waayo ninku waa aqoon yahan ,dhanka saxaafada aqoon dheer u leh ,waa aasaasihii idaacadtul qur,aan kariim,kamana sameyn punland,waxa uu ka sameeyay muqdisho,arin kaas oo ku tusaysa sida uu qabiil ooga fog yahay ,waa raga uu dalka u baahan yahay,
somali miror hadii wadaad xume lasheego dhib baad qabtaa
Somaliland iyo Puntland midkoodna dan uma aha Somaliya ee hanaga tageen. Labaduba Somalinimada culeys dheeraad ah ayey ku yihiin. Labaduba waxaa lagu yaqaanaa shisheeye jaceyl iyo Somali naceyb. Labaduba waxey kaba-qaad u yihiin una haan jireen waxii Somali neceb iyo gumeysiga. Puntland waxey intey hal talaabo hore u soo qaado hadana isla talaabadii dib ugu qaadeyso waxey ogtahay dhabta ah in aynan kaligood noolaan karin. Waxey kaloo ogyihiin sad-bursigii iyo naasnujintii ay kusoo hodmeen tan 1960 in aynan dib danbe Somaliyaa oga heli doonin.
Waxii hadda ka danbeeya ciddii Somaliya iney ka mid noqoto dooneysa ha ogaato oo haku soo talogasho in gobol walba hantidiisa haysan doono oo dowladda dhexe dhaqaale isla eg gobol walba ku soo daro doono, inta badanna gobol walba isku maamuli doono oo gobolna gobol kale uusan dib danbe ugu kor noolaan doonin.
Reer Hargeysa iyo Garoowe iyagoo taa ku talagalaya ama hana dhaafeen ama sidaa haku yimaadeen.
xakiim is good man an acivit is good to be the gavment of somaili
an bossa his thinking good an onst to be gavment to woker harder he has expens this job and yonuer man his help yonuer.
that why i accept he.