Askari Afqaanistaan ah oo LaayayAskar NATO ka tirsan

Published on December 30, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Gaalo Maraykan ahAskari Afqaanistaan ah ayaa Rasaas ku furay Askar ka tirsan Ciidamada NATO ee ku sugan Saldhig ku yaala Waqooyiga Wadankaasi, waxaana ku geeriyooday Askari Maraykan ah, iyada oo uu ku Dhaawacmay 2 Askari oo Talyaani ah, sida ay sheegayaan Ilo wareedyo ku dhadhaw Ciidamada Shisheeye ee xooga ku jooga Afqaanistaan.

Weerarkaasi ayaa Subaxii Talaadada ka dhacay Saldhig ay wada Daganaayeen Ciidamada Afqaanistaan iyo kuwa NATO oo ku yaala Gobolka Badqiis ee Galbeedka Afqaanistaan, warkaasna waxay Wakaaladda Wararka ee Routres ka soo xigatay General Kheyr Maxamed Khawaari oo ah Mas’uulka Ciidamada Afqaanistaan eevGobolkaasi.

General Kheyr Maxamed wuxuu sheegay in Askarigii Afqaanka ahaa ee rasaasta ku furay Askarta Maraykanka iyo Talyaaniga uu dhaawac soo gaaray isla markaana lagu dabiibayo Isbitaalka.

Wariyaha Al-Jazeera ee Kaabuul ayaa sheegay isaga oo soo xiganaya Mas’uul ka tirsan Ciidamada Afqaanistaan in Askariga uu Rasaasta ku furay Ciidamada Ajaanibta ah ka dib markii ay diideen in Baabuur ay leeyihiin Ciidamada Afqaanistaan uu maro Goob Control, iyada oo ay Halkaasina ilaalinayeen Ciidamada NATO.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada NATO ayaa lagu xaqiijiyay Dhimashada Askariga Maraykanka iyo Dhaawaca labada Talyaaniga ah, waxayna NATO sheegtay inay wado Baaritaan la xiriira Dhacdadaasi

Askari Afqaanistaani ah ayaa Bishii la soo dhaafay 5 Askari oo Ingiriis ah ku dilay Xero Milatari oo ku taala Gobolka Helmandi ee Koonfurta Wadankaasi, laakiin Xarakadda Daalibaan ayaa sheegatay in Askari Falkaasi geystay uu iyaga ka mid ahaa oo uu ugu jiray Ciidamada Afqaanistaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqaanistaan
  2. 2 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay & dhimashadooda sanadkan oo kor u dhaaftay 500 oo Askari.
  3. 77 Askari oo Bishii Tagtay NATO looga Dilay Afqanistan.
  4. 2 Askari oo Mareykan ah oo Afqanistan lagu Dilay & Booyado Shidaal oo NATO laga Qarxiyey.
  5. 18 ka tirsan Askarta NATO oo Dil iyo dhaawac loogu geystay Afqanistan.

Readers Comments (4)

  1. mujaahid wadani says:

    ALLAAHU AKBAR ALLAHU AKBAR

    WAA RAG IIMAAN AMA WADANINIMO KU JIRTO, OO XANAAQ ISKA BAADH-BAADHAY.

  2. Sanka says:

    Maasha allaah waa arin lagu farxo dhimashada uu kudhinteen askarta naato cadaabtii rabina waa udambeysaa masaakiinta ay xaqdarada kulaayaan oo reer afganistaan bi idnilaahi karim waa kabaxayaan ilaahayna hagarabgalo daalibaan iyo wixii jecel in ay dunida lawareegaan

  3. Adoon Eebe says:

    Xaamud Karazay waa Neef. War Kuwaas oo kale waxaa la yiraahdaa XABAD SAAXIIBTINIMAA DISHEY. soomaliduna waxaay tiraahdaa arintaas oo kale waa nin dameertiisu haraatyiday oo meelna loona raaco.

  4. abuu mujaahid says:

    AS intaas ka dib waxan dhahaya mujaahidiinta meel walba ay joogaan jihaadka wada ilaa aad ka heshiin ama shahaado ama guul marka inshaa alaah guusha aya soo dhow maadaama ay 80% afghanistan ay mujaahidiinta heystaan, macsalaama.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 2 Askari oo Ingiriis ah oo lagu dilay Afqaanistaan
  2. 2 Askari oo NATO Afqanistan looga Dilay & dhimashadooda sanadkan oo kor u dhaaftay 500 oo Askari.
  3. 77 Askari oo Bishii Tagtay NATO looga Dilay Afqanistan.
  4. 2 Askari oo Mareykan ah oo Afqanistan lagu Dilay & Booyado Shidaal oo NATO laga Qarxiyey.
  5. 18 ka tirsan Askarta NATO oo Dil iyo dhaawac loogu geystay Afqanistan.

Latest Headlines