Xaflad lagu soo bandhigayay Adeega Kanaalada Tv-ga Al-majd oo ay Boosaaso ku qabatay Mu’asasadda Minhaaj Media production

Published on December 29, 2009 by   ·   17 Comments   ·   print

dsc01881Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayay maanta Mu’asasadda Al-minjaah Media Production ku qabatay Hoolka shirarka ee Dhismaha Amal Plaza ee Magaalada Boosaaso kaas oo ay ku soo bandhigaysay Adeega Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd oo ay Mu’asasadaasi wakiil uga tahay Soomaaliya.(Sawiro)

 

Xaflada waxaa ka soo qeyb galay marti kala duwan oo isugu jiray Culimo iyo Ganacsato si weyn looga yaqaano magaalada ,waxaana sidoo kale xafllada goob joog ka ahaa Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan  oo lagu casuumay .

 

 waxaana ugu horeyn xaflada furay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur  wuxuuna si kooban uga hadlay faa’iidooyinka uu leeyahay adeega Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd ee laga leeyahay Dalka Sucuudiga.

 

Sheekh Axmed C/samed Cabdulle oo ah Gudoomiyaha Mu’asadda Al-minhaaj ayaa si faah faahsan uga hadlay mu’asasada wuxuuna ugu horeyn sheegay in m’usasadoodu ay ku howlan tahay sidii warbaahinta looga faa’iidayn lahaa faafinta diinta iyo wacyi galinta Bulshada .

 

Sheekh Axmed waxa uu itaa kadib sharaxaad ku sameeyay tirade Kanaalada uu ka kooban yahay Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd wuxuuna sheekhu xusay in TV-gu uu ka kooban yahay 13 Kanaal oo sadex ka mid ah ay yihiin bilaash halka tobanka soo hadhayna lagu daawanayo Kaadhadhka loo yaqaano Smart Card ,wuxuuna intaa ku daray Sheekhu In Tv-ga uu wato Receiver u gaar ah Tv-ga Al-majd oo ah mid uu gooni la yahay ,wuxuuna dulmar ku sameeyay Kanaalada oo uu ka tilmamay Kanaalka u gaarka Ah Quraanka Kariimka ,Kanaalka Axaaadiista , Kanaalka Wararka , Kanaalka Bii’adda ama deegaanka, Kanaalka Documentry-ga iyo Lix Kanaal oo gaar ah u ah wa Caruuta iyo sidoo kale Idaacad qaan Tv ahaan  u shaqeynaysa.

 

Intaa kadib waxa uu Sheekh Axmed ka hadlay Faa’iidooyinka  ay leeyihiin wuxuuna tilmaamay faa’iidooyinkooda in ay ka mid tahay in ay ka haqab tirtaan bulshada Aqoonta diinta barashada Afka Carabiga iyo Tarbiyada owlaada si looga kaaftoomo daawashada Kanaalada kale ee qaarkood xun xunyihiin .

 

Sheekhu waxa uu tilmamay in qaabka lagu heli karaa adeega Tv-ga Al-majd ay tahay in qofka doonayaa uu la soo xidhiidho Mu’asasadda Al-minhaaj si uu u gato Receiver –ka Al-majd iyo kaadhka Smart Card-ka , wuxuuna intaa ku daray in Magaalada Boosaaso ay tahay meeshii ugu horeysay ee ay adeegaas ka hirgalinyaan ayna ku tala jirayaan wakhtiyada soo socda ay xarumo ka furi doonaan Magaalooyinka waa weyn ee dalka si looga helo adeegyada kadib marka uu macmiilku galo .

 

Sheekh Axmed waxa uu intaa kadib xusay in qiimaha lagu qadan karo adeega Tv-ga ay tahay 170 Dolllar oo lagu qadanayo Receiver-ka oo hal mar ah iyo kirada Kaadhka (Smart Card) oo sanadkiiba hal mar la bixinayo 150 dollar  wuxuuna xusay in qiimaha Soomaaliya lagaga helayo adeegan uu yahay 115 Dollar halka Dalka Sucuudiga laga helayo 160 Dollar taas oo ah qiimaha u go’an adeega guud ee Tv-ga Al-majd 

 

Intaa kadib waxaa hadal kooban Xaflada ka soo jediyay  Sheekh Cabdi Waaxid  Xaashi wuxuuna ugu horeyn sheegay in uu aad u soo dhaweynayo barnaamjika ay Mu’asasadu soo bandhigtay wuxuuna sidoo kale xusay in uu ku fakarayay sidii Tv-an loo keeni lahaa dalka si xal loogu helo da’yarta soo koreysa ee la jaanqaadaysa dawashada kanaalada xun xun .

 

 xaflada ayaa ku soo gaba gabowday jawi aad u wanaagsan , talaabadan ay qaaday Mu’asasada Al-minhaaj ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ay Mu’asasadaasi ka hig galiso Soomaaliya marka laga eego dhanka adeegan waxaana jirta in Mu’asasadan ay ku howlan tahay sidii bulshada ay ugu faa’ideyn lahayd iyadoo xooga saaraysa dhanka warbaahinta oo lagu tiriyo udub dhaxaadyada Bulshada.

 

 Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji oo Khudbadeynaya & Axmed C/samad oo garab fadhiya

 Gudoomiyaha Mu’asadda Al-minhaaj Sheekh Axmed C/samed Cabdulle

Sheekh Cabdi Waaxid Cali Xaashi

Marti sharafta

Muuqaalada uu Qanaadku Baahinayo

Marti Sharaf

War-baahinta

Marti Sharaf.

Marti Sharafta.

Kasoo qeyb galayaashii Bandhiga TV-ga Almajdi

Ka soo Qeyb galayaashii Bandhiga Tv-ga Al-Majdi



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  2. Xaflad lagu soo bandhigay buugga ” Ambaqaad” ee Somalimirror oo Boosaaso lagu qabtay
  3. Telcom Puntland oo Xaflad ka qabatay “Telcom & Kaalinta Hablaha ”
  4. Xaflad ku saabsan sanad-dugsiyeedka cusub oo ay qabatay musasada Imaamu Shaafici ee Galkacyo
  5. Xaflad lagu bogaadinayey Idaacadda Alxikma oo satellite-ka gashay oo lagu qabtay Boosaaso

Readers Comments (17)

  1. cali says:

    Ictisaamku dadaal bey wadaan

  2. samatar says:

    waaba kheer hadii loo helay meeleey isku mashquuliyaan dhalinyaradi laga xiray melah lagu dawan jiray filimaanta xun xun marka waxaan kula talinayaa wadaadadaan iney gaarsiiyaan shirkadoodaan meelahaas aadka ugu baahan

  3. Qamaan Bulxan says:

    Waa dadaal fiican. Allah hala garab qabto.

  4. Cali Guure says:

    Masha Allah tallaabo fiican

  5. Wadani Soamli says:

    Gudoomiyaha Mu’asadda Al-minhaaj ma Sh Axmed C/samad baa mise waa Sh Xassan Ibraahim Abuu xasaan?
    Maqaalkaan kii ka horeeyey ee Mu’asadda waxaad noogu sheegteyn uu Sh Abuu Xassan uu yahay Gudoomiyaha?

    Mise anaa khaldan ee Gudoomiye iyo Maareeye baa kala jira?

    Culimadda iyo Ducaadeyna Alle hanoo xifdiyo, ayagana xaqqa Allah ha ku sugo.

    Waxaanan iloobi karain Salaanta iyo Mahadcelinta Somalimirror.com

    Wasalam
    Wadano Somaliyed

  6. Abu Axmed says:

    asw
    maasha allaah ilaah ayaa mahad leh marka xiga waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa mu,asasada alminhaaj barnaamijka cusub ee ay ku talaabsatay waxanu leenahay alle haydinka abaal mariyo waanu soo dhoweynaynaa wax walba oo uu ku jiro islaaxul umah waad mahadsantihiin allena khayr aduun iyo mid aakhiroba haydin siiyo.

  7. Shaakir says:

    waa loo baahnaa channels kan laakiin iyagoo afsoomaali ah ayey ku fiicnaayeen xoogaa lacag ahaan toodana dadku inaaney ku dhiirran ayaa laga yaabaa.

  8. Faaraf says:

    Waasax laakiin jihaadka yaan Lagu Farogalin

  9. nuur cadde says:

    wadaadadu shaleemooyinka haiska wadeen, annaguna jihaadka ayan wadaynaa hadaan u bogi weynana anagaa naqaan saan yeelayno

  10. TO nuur cadde

    malaha ninkaasi magaca jihaadka dhagta ayuu kamaqlay ee mayaqaan ? !!

    see ku dhici kartaa nin sheeganaya in uu jihaad aaminsan yahay, uu caayo culumadda iyo hawsha ay wadaan oo ah hagaajinta jiilka yar yar iyo kuwa dhunsan ? !!

    waa asaga ku sheegaya Barnaamijyada islaamic ga ah shaneemo iwm

    matihid mujaahid ee jooji manfaqadda iyo munaafaqadda aad lawareegayso lagu fahanye nuur cadde

    mise saas ayuu mujaahid ku yahay oo niyad sami ayuu hayaa ee waa Jaahil aan ku darsadey akhlaaq xumo iyo diinla,aan ?

    war muxuu yahay qofki ? !! yaab !!!!!!

  11. shaleemo mada itixaadka waloobaanyahay ee yaanladiidin hadaad diidaan mooryaan baa imaanayaa ayaba waa uru isbahaystay

  12. wali says:

    maashaa Allahu waa waxfiican oo da`yarta lagu mashquulinyo laguna tarbiyeynayo, diinta lagu fidinayo Alle ha ka abaalmariyo dadkii soo abaabulay, iyo kuwa keenayba.

  13. m. abhsir says:

    NUUR CADDOOW
    maxaad culimada ugu gafaysaa miyaadan Ilaahay ka xishoonayn, culimo iyo shaneemo ma wax laysu nisbeeya,midda kale miyaadan taqriirka si fiican u akhrin marka ay culimadu leeyihiin tv-ga waxaa loola jeedaa in looga faa’iidayso faafinta diinta iyo wacyi-galinta bulshada,waxaan kuu sheegayaa culimada hilidkoodu waa sun qofkii cunaana waa ku dhintaa marka waxaan umalaynayaa belaa ku wadata, waxaanna hubaa jihaadka aad u nisba sheeganaysid inaadan waxba ka aqoon shuruuddiisa, dawaabiddiisa iyo axkaamtiisa midna inaadan waxba kala socon xattaa inaadan tacriifinkarin haddii maanta lagu waydiiyo maxaa yeelay qofkii culimada qiimeheeda yaqaan baa jihaadka qiimihiisana yaqaan.

  14. Cali Guure says:

    Nuur Cadde

    Maxaad u jeedda sida tii hotel shaamow? Mise tii Jubbooyinka? Miskiin baad tahay. Malaha jihaadka anwaacdiis adiga keligaa ayaa qandaraas ku qaatey. Orodoo baro axkaamta dhabta ah ee jihaadka camaliga inta aysan dhumin miraha jihaadka kuwa sidaada oo kale u fikira ee dibadda iyo gudaha jooga.

    Akh Faarax

    Maxay tahay faragelinta aad sheegtay? Jihaadka uma baahnaa faragelin ee waxa uu bahaan yahay hirgelin dhab ah oo ku fadhida manhajka rasuulka scw iyo ilaalinta miraha jihaadka oo loo beddelo mashruuc dawladeed oo ummadda haaka ku tiraahdo.

  15. jaamac says:

    aslaamu calaykum

    kkkkkkkkk

    War culumada ganacsi ayey bilaabeen war heedhe culumadii maxaa ku dhacay jihaadkina waa ay ka fariisteen.
    barnaamij cusub ee ganacsi ahna waa ay galeen. hadda waxay suuqa keneen reciverro kanalka majdi ay leedahay iyo kaararka smartiga waa ganacsi cad ii dadka yaana la qaldin ha dhihina mu’sasad ee dhaha shirkada ganacsiga kannaalada ………

  16. Filsan says:

    Fiiriya Kuwiinan lamagoodlayaasha ah. Magaca JIHAADKA afkiina ka daaya oo ha wasaqeynina..

    Soomali lamagoodle Geel sida loo raaco iyo sida loo dilo loona xasdo walaalkaa Soomaali-Lamagoodle-Geel-Maale ah kaliya ayaad taqaaniin wax kale oo aad ku tooran tihiin lama arko.

    Wadaad ahaada ama Waranle ahaada Diinta ILLAAHEY waa ka been sheegtiin , waxaad ku roontihiin inaad waxyaale kale ka hadashiin oo aad iska dhaaftaan DIIN wixii ku saabsan.

    FILSANEEY

  17. Cali Guure says:

    Jaamac

    Yaa u diiday in culimada ganacsadaan oo ilaah la tijaaraystaan.

    -Nin naftiisa saaxada keena oo qoriga AK ku jeen qaaran

    -iyo mid daaci ah oo dadka ku dhiirri geliya jihaadka,

    -mid gabyaa ah oo carabkiisa jihaadka iyo mujaahidiinta ku difaaca,

    -nin dhaqaaleeya reearaha oo mujaahid ah

    -iyo mid ummad wax u tara ama ganacsi ha ku jiro ama TV ha u sameeye

    -iyo mid jihaadka qalabeeya oo dhaqaalihiisa ku bixiya iwm intaba waa mujaahideen.

    Arrimahaaasi oo idil iwm waxaa koobay xadiiskii ahaa alaa inna silcatallaah (ganacisga ama badeecadda Eebbe ) waa mid qaaliya.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xaflad lagu dhagax dhigayo Dhismaha Shirkada Somali Electric Power oo Maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso
  2. Xaflad lagu soo bandhigay buugga ” Ambaqaad” ee Somalimirror oo Boosaaso lagu qabtay
  3. Telcom Puntland oo Xaflad ka qabatay “Telcom & Kaalinta Hablaha ”
  4. Xaflad ku saabsan sanad-dugsiyeedka cusub oo ay qabatay musasada Imaamu Shaafici ee Galkacyo
  5. Xaflad lagu bogaadinayey Idaacadda Alxikma oo satellite-ka gashay oo lagu qabtay Boosaaso

Latest Headlines