Hadal uu maanta Sh Shariif ka jeediyay Xaflad loo qabtey dhameystirka khilaaf ka dhex jiray Mas’uuliyiinta Maamulka isku magacaabey Gal-mudug ayuu ku taageerayay Maamul Goboleedyada cusub ee xubno ka mida Dowladiisa hirgelintooda ka wadaan qeybo ka mida Gobolada Dalka, iyaga oo taageero ka helaya Dowlado Shisheeye.
Waxa uu Maamuladan ku tilmaamey hirgilintoodu mid qeyb ka ah dhameystirka Siyaasada iyo qorshayaasha shaqo ee Dowladiisa u yaala sida uu hadalka u dhigay.
Sh Shariif, isaga oo arintan ka amba qaadaya waxa uu taageeray qorshe xubno shir ku yeeshay Degmada Dolow ee Gobolka Gedo, cisho dhaweyd ku dhawaaqeen, taas oo aheyd hirgelinta Dowlada Goboleed ay yeeshaan 6 Gobol oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna talaabadan ku sifeeyay mid lagu dar-dar gelinayo howlaha shaqo ee u yaala Dowladiisa.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay ku guda jiraan dadajinta, dhismaha Maamula kale ee dhiman, si loo xaqiijiyo qodobka Dastuurka KMG ku jira ee dhigaya dhisida Maamul Goboleedyo madax banaan oo qeyb ka ah Barnaamijka Federaalka ee DKMG ku dhisan tahey.
Dhinaca kalase, Sh Shariif waxa uu dhaliiyay Khilaafyada, had iyo jeer ka dhex dilaaca Maamul Goboleedyada oo ku saleysan muran xaga Xuduudka ah.
Arinta taageerida Maamul Goboleedyada madaxa banaan waxaa Sh Shariif isna ku taageeray oo isna goobta ka Hadley Sh C/qaadir Cali Cumar, waxa uuna bogaadin u jeediyay Mas’uuliyiinta Gal-mudug.

Related posts:
shariifka wuu ku sax san yhay inuu dardar geliyo shuruucda federaaliga ah isagoo jebinayo isukeenida muslimka iyo kudhaqanka islaamka. Waayo, waa madaxweyne qunyar u socod ah oo tiro,talo iyo talo ka hela gaalada.
Alxamdulilah, laakin uma suurti galeyso inuu ku guuleysto dantiisa fosha xun, waayo muslimka oo dhan waxay ogaadeen nifaaqa u qarsoon, Allahna sumcadiisi oo fiicneyd wuxuu uga bedeley mid xun, guul darana ku dhamaaneyso inshallah.
asw.salaankadib soomalimirror.com waxaan ugamahadcelinayaa inay qarsan wayday sirhoosaadkeedi aykushaqanjirtay maxaayeelay waxan filaynay maadaama dad culuma u nisba sheegtaa qoraan inay qalooca iskadayso
1 haddii putlan waab ama edag waxarood lagadhiso sawirayku qotonshaan.
2 marka putlan dadka muslimiinta ah ee walaalaha somali galbeed itoobiya ay ugacangaliso kama hadshaan.
3maxaa koofurgalbeed somaliya maamulkeeda kadhigay kalaqoqobka dalka putlan iyo calankeedana kadhigay
horumar xalaal ah????
4sheekh shariif xafidahullaaahu waamahadsanyahaay.
5hadaadan rabin maamulgoboleedyo pulanka dhaadhiciyataas soomaalida kale diyaar bay utahaye
shariifoow iska hadal maanta hadal uunbaat kartaa hadalka ataa xuriya umatihit waxuu malas kuusoosheega uun walaahi ilaaheey xujadii aat afkaaga kaga dhawaqi jitay ayuu ka oofinaaya inuu ilaaheey tawartada kutusiyo iyo kuwa at racday oot kufaaneeysay ineeysan wawa kuuqaban karin waxaat dhiijirtay markii hore ilaahee cisi iskale kadibna nabigeena kadibna muuminiinta ayadas ayaat sooqadan jirtay ninkii cizi rabo ilaaheey xagiisa hakaraadiyo maanta adiga intee karadineeysaa
Asc qoladaani cadaw ayey ku yihiin jiritaanka ummadnimada somaliyeed iyo soo celinta qaranimo.
Malahan siyaasad ay ku gartaan cadowgooda. Malahan isku kalsooni mid dawladeed xitaa mid qabiil iyo deegaan. Dhexdoodu isku hadaf ma ahan oo qolaba qaarad ayaa laga xukumaa, lagana biilaa. Middaan oo kale taariikhda soomalida ma soo marin ”yaa huu” allaw yeysan dal la’aan na dhigin ku waan.
Salaamu calykum.
Runtii in soomaalidu mid ahaato waxay ahayd himilada qofkasta oo soomaali ahi ku fekarayay. Laakiin markii ay fahmi waayeen reerkoonfureed ayaa arintaasi noqotay riyo fog.
Anagu(Somaliland), qayb kama nihin soomaaliya inteeda kale, waxaan markaa so jeedin lahaa in koonfurtu dawlad qudh samaysato, oo arinkeeda saxdo kadibna ay soomaliland isu yimaadaan si ay uga wada tashadaan ayaaha umda iyo wixii dan u ah dadka wada dhashay ee walaalaha ah, hase yeeshee taasi maaha hada mid suuragal ah waayo koonfur maka laga reebo Puntland Iyo Galmudug waxa gacanta ku haya Al-Shabaab, ee ciyaarta koonfurtu halka ay ku dhamaato waa loo joogo.
runtii arinta meesha taal waxay tahay,,,, Hogaamiye kooxeedyadii somalia kajiray waxaa sameyey itoobiya waxayna u abuurtay in somalia ayka dhigto gobolo ka amarqaata adis,, ilahey waa fashiliyey,maantana sharifka iyo inta la jirta waxaa sameeyey itoobiya waxayna u sameysatay waa arintii hogaamiye yaashii ku kashifmeen,, sharifkana muqdisha ayaa looga dhigayaa gudoomiye gobol,ka amar qaata adis ama meles,, waa barnaamij gaaloo dhan isku waafaqsan tahay,insha allaah ilaahbaa fashilindoona bi’idnillaah,
Asalaamu calaykum
Somalida iskuma fahanto af somali ee luqad kale sida carabiga aaynu barano si aan mustaqbalka isu fahano.
Arintan waxaa igu keenay markaan akhriyay wax aay ka qortay shabelle hadalkan iyo waxa somal mirror ka qortay. U maleyni maayo in sh sharif taageeri nimankaa dhobley lakiin waxaan aamin sanahay dad somaliyeed in aayba isfahmeynin.
Tan kale, gaaladu waxeey la rabeen somalidu wey u suurto gashay. Anaga maantan dhobley waxaa ina maamula alshbaab – diinta islaamka ayeey nagu dhaqdaa, kahore waxaa na maamuli jiray xisbul islaam ayagana shareecada ayeey nagu xukumi jireen maanatana ayagii ayaa dagaalay oo maalin walba xabadii ayaan dhobley la joogi laanahay. Musiibo ka weyn miyaa jirtaa in beentaas laga sheego islaamka oo dartiis naf loo dilo. Allow kuwan inaga qabo, diintaadana ugargaar.
Cabdallah – Dhobley
asc wr wb waa arin fiican in maamulo loo dhiso wadanka waana soo dhoweynayaa sidii pland in maamul goboled loo dhiso waa ok somali miror hada pland ogolateen dee ogolada maamulada koonfur galbeeed.kkkkkkkkk
la yaab malahan daba dhilifkan in uu taageero kala qoqobidda dalka soomaaliya maxaa yeelay kolkii horeba looma soo magacaabanin ujeeddo kale .
shaqadiisa ayuu wataa la yaabna malaha , laakiin waxaan filayaa kuwa ay qabyaaladda iyo jahliguba uy madaxmareenba in ay wali ku adkeysanayaan dabadhilifkan in uu madaxweyne u yahay dowlad islaami ah (waa kaaf iyo kala dheeri ) shaqada uu ku jiro iyo waxa aad aaminsantihiinba waa sidaas ee alleha miir ka idiin soo celiyo xaqqana idin tuso. AAMMIIN.
ASC. WALAALAYAA WAXAA LAYAAB LEH IN SOMALIMIRROR AY U ARAGTO MAAMULKA GALMUDUG KALA QOQOBIDA DALKA, MAAMULKA FAAROOLANA AY XALAAL U ARAGTO, TAASI WAA MID LAYAABAY ANIGU. SOMALIMIRROR WAXAA U ARKI JIRAY WALAALO KAFOG QABYAALADA, ARINTAASI MEESHA WAA AY KA BAXDAY, AQRISTOO BALFIIRI CINWAANKA SARE, IYO SIDA TAAGEERADA KASHA IYO LAABTA LEH EE AY WANAAGIISA UUN UGA SOO WARAMAAN MAALIN WALBA MAAMULKA FAROOLE. WALAALAYAA HAKA XUMAANIN GALMUDUD HADII AAD TAAGEERAYSID MAAMULKA FAROOLE. SOMALIMIRROR WAXA AY KU SOCOTAA WADADII AY MARTAY WEBKA HALGAN OO MARQURA DAYNIILE LA MID NOQDAY, ISKA ILAALIYA IN AY QABYAALADU IDINKA FOGEYSO CADAALADA, MAAMUL GOBOLEEDYADA AMA WADA CAAYA AMA WADA TAAGEERA. BAHDA DARYEEL
ASC DHAMAAN UMADA SOM GAAR AHAAN INTA NABADA JECEL.SU.AAL KU SOCOTO RAGA KA SOO HOR JEEDO MAAMUL GOBOLEEDYADA HADA JIRA AMA KUWA SOO SOCODA MAR HADII LUGU GOOL DAR REEYSTAY IN LUGU HASHEEYO KITAABKII ALLE OO aano ARAKNO MAANTA WAXA KAJIRA SOOMAALIYa MAANTA NINBA NINKA KALE HADII TIISA KAGARAN WAAYO KU TIL MAAMAYO MORTAD AMA GAAL WM! FRM CADDE GOOD BYE
SOMALIMIRROR WAAN BARTAY WAA QOWLEYSATADA FAROOLE LA SHAQEYSA EE KA XUN MAAMULADA KALE.
WADAADO MATIHIIN WAX KA QORA DADKA BADA AAD KU XASUUQDAA, IYO DADKA AAD ITOOBIYO U DHIINTAAN.
GALMUDUG KA NAXOO NAFTA WAA, WAAJEEL
Wadaadada xeyraansan oo uu afhayeenka u yahey bogaani siyaasad kuma socdaane waa uun iska hawtal hamag hadii qalad jirana uga sii daraya.
sidii caadada idiin ahayd fikradeeydii waad xayirteen soo maahan somalimirror.
Well done for censoring me again as i understand that you are not a free media.
Ninkaan Shariif la dhoho waa NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY…wado walba oo uu uga hortegaayo Horumarka Dalka iyo dadka waa uu qaadayaa..Cid walba oo ay gaaladu raali ka tahayna wuxuu ku qasbanyahay inuu qorsheheeda soo dhaweeyo.
Weli waxaan leenahay Rajo aad u weyn in ILAAHAY SW uu naga badbaadiyo hagardaamada cadaawaha isla markaana uu gargaar iyo gurmad u fidiyo Mujaahidiinta dhiigooda noo hursaysa.
SHARIIF:
BEENAALE!!
SHARIIFKA WAA UU KU SAXAN YAHAY:
INTII KUWA DIINDA CUSUB LA SOO BAXAY OO DADKA QASHA WADANKA LA SIIN LAHAA SAAN AYAA DHANTA
asc walaal waxaan is lahaa somalimirror waa website ay leyihhin dadka u nasb sheegta diinta. laakiin maanta markaan akhriyay maqaalka aad kag hdalysan maamulgoboleedyada waxaan is iri somalimirror wey ka dhacdey misaankii dhexdhexadka ahaa, sababtoo ah waxaa dhow jeer arkey idinkoo leh maamulgobleedka puntlan ama somliland. galmudug wxaad u quuri weydeen xataa maamul goboleed wxaad dhahdeem la magac baxay. waxaan is iri midka tafaaftiraha ka ah somlimirror ma galmudug ayuu xasdayaa mise habaarwaalid buu soo maray. ilaahey ka yaaba oo cadaalada sameya qabyaald hanoo horseedina wsc
Waxaan aad ugu faraxsanahay in soomaalimiror ex beerdhiga maanta soomaali badan ila aragto inay yihiin niman qabiil ka buuxo, waan ogahay inaadan soo qoraynin qormadaan mar horaan idiin nasteexeeyay laakiin waad ku waan qaado wayseen sida xisbul xasan daahirka aad taageertaan culumada ugu nasteexeeyaan kana diidin warkooda.Waad aragtaan fashilka xisbul xasan daahir idinkana saas aa idiin danbaynayso marka magac cusub la imaada aad umada ku qaladaan.
Nin ilaah ku caasiyay dhul iyo deegaan waxba lama ahan iyo Midnimo umadeed.
Ninkaas waa halaabay ilaahay hasoo hanuunsho Murtadka Biijada ddheere
Waxaan la yaabi jiray markii TOGANE u bixiyey websitekaan SOMALI MIRIR oo uu ula jeeday SOMALI DAXALEYSATAY bilooyin ka hor>
Hadeer ayaan warkii Togane yaqiinsaday//
Somalimirror
ii dayda qoraalkayga
Akh Cabdalla Min dhoobleey
scw
Xaqiiqda jirta ayaad ka hadashey. Waxaan xusuusta rag badan oo Cali Guure ku jiro oo Xamar jihaad iyo dacwa u jooga inay og yihiin waxa shabaab ku sameeyeen dhiiggii mujaahidiinta Kambooniyiinta, midnamadii mujaahidiinta iyo shacabkan tabaaleysan.
Guuxa aad cabbirtay waa tan keentay maanta in shabaab iyo xisbiga qarka u saaran yihiin inay qaybsamaan fursad siisay cilmaaniyiinta.
Waa tan keentay in laba baabuur oo shabaab maanta ka goostaan dhoobley…..inta kale ma qori karo waa la is…………….
Mohamed
Xisbiga iyo Somali mirror midna ma fashilmin laakiin Soomaalideenna ayaa fashal u aragta haddii loo qorin waxa ay doonayaan.
Halna iga hoo
Shabaab ama Xisbul Islaam arrinta ay ku fashilmeen marka laga hadlaayo maamul goboleedyada Xabashidu sameyeen ama ku jar jarayaan Soomaaliya waxay tahay in mowqif cad ka istaagaan shirqoolladan oo maya cod qayaxan ku yiraahdaan ma jiro wax la yiraahdo Somaliland ama Puntland iwm.
Tusaale ahaan waxa lagu magacaabo Somaliland, waxaa sameeyey Xabashida. Marnaba weli ma dhicin:
1) In Shabab iyo Xisbul Islaam yiraahdaan wax la yiraahdo Somaliland waa xijir gumeysi oo gaalada Xabashida sameeyesay
2) Bil Caksi waxaan haynaa Godane oo u tahniyeynaya waafaqsanna waxa uu ugu yeeray maamulka xukummadda Somaliland. Hal nin oo shabaab oo ka daba hadlay ma jirto.
3) Xisbul Islaam waxay aaminsan yihiin Soomali mid ah laakiin marnaba ma dhicin inay dhahaan kuwan magaca Somaliland isku magacaaba ama Puntland isku qariya ma aqoonsanin labadaas magac, Somaliyana waa mid qura.
Xasan Daahir ayaa ugu dhowaa ayaa yiri mar qura dalku waa mid.
3) Maanta waxaa Berbera la wareegay shirkad Faransis ah oo ay leedahay yahuudda caalamiga. Hal ruux oo labadan urur ka mid ah oo ka hadley ma jirto.
4) Dibadda iyo gudahaba waxaa ay reer woqooyiga labaatankii sano ee u dambeeyey ku cabaadayeen Soomali manihin ee gaalooy na soo gaara. Hal daaci oo ka tirsan labadan Xisbi ama shabakooyinka entarnatka taageersan oo dhahay diidnay ma jirto iska daa mowqif diidan oo ay ka qaataane. Bal sida badan waxaa dhacda inay tamaluq iyo taagero cad siiyeen iyaga oo ku andacoonaya:
1) Nabad baa ka jirta degaankooda,
2) Horumar bay gaarsiiyeen qabiilooyinkooda
3) Somali baad tusaala u tihiin!!
4) is maamul fiican u sameeyseen qabiloyinkina
Markii kuwan isku magacaaba Puntland tarxiil iyo jir dil u geysteen reer bay iyo bakool ama dadka koonfurta Soomaliya ka yimid hal urur oo ka hadley ma jirin. Xataa waxaa mowqif dhaameey kuwan daaru nadwada shariif ku ururusan oo ku muujiyey afka baarkiisa wixii dadka xaqa muujin lahaayeen.
Marka sheekadu waa xees bees
akh Norway
Alla ka baq oo afka hagaagso. Ragga iska leh Somalimirror waa ducaad khayr doon ah.
Naqdi oo adiga oo dibadda si nabad ku jooga laakiin afkaada hagaagso. Faroole u shaqeeyaan kulahaa.
Somalimirror maxaad ugu ogolaataan dadkan oo kale annaga faafreeb noogu sameeysaan faallooyinkeenna qaarkood oo muhimka ah.
Walillaahi fii khalqihi shu’uun
As.w.w. Walaaalayaal hadii aan soomaali nahay ma muuqato in ay soomaali dambe dhismeyso iyadoo soomaali sax ah waayo waxaan ku heshiin la’nahay 1-Diin 2-Dadnimo 3-Fikir 4-Dhaqaale 5-siyaasad iyo bani aadamnimo waayo kuwii diinta isugu yimid 2006-kii maanta waa 3 ayeey u qeybsanyihiin kuwa loo bixiyey qunyar socod ee dowlad noqday kuwo lagumagacaabo shabaab iyo kuwo kale oo xisbulislaam loobixiyey hadii uu jirto arindiineed oo sax shareecada islaamkana lagu dhaqmayo maxey isu raaci la’yahiin oo ay hal u noqon la’yihiin shabaab iyo xisbul islaam.
mida kale soomaali 2israacdo waxaan loo heleyn bal u fiirso dadkeenaan fikirada dhiibto wax iskumeel ujeedo ma’ u egnahay jawaabta waa maya xataa waxaa ku jira shabakadahan warbaahinta oo ay kow katahay soomaali mirror.
hal arin marka lasoo bandhigo oo fikir laga dhiibanayo waxey dadka ugu kala muuqato waxeyna fikirada isugu biyo shubanayaan kun fikir mid mid raacayana ma leh mid laqaloocan mid latoosan mid kamadowtahay mid ku farxsan mid ka xun mid la cagaaran mid la gauduudan mid barobaro la leh hase ahaatee dakan aan hubka wadan ee fikir dhiibto ayaa sidan ukala hadlaaya oona wax isku aragti noqon la’ bal maxey idinla tahay inta hubka heesatana?
puntland = cadaalad barwaaqo hor mar ;
galmudug = kala qoqobida dalka ;
midka cusub ee hada la sheegaayo = galmudug;
qaran iyo qabyaalab isma qaadan karaan ee kala qaada somalimirror dib isu sax anigu ma taageersane in somaliya cad cad loo jar jaro oo ay noqoto devide and rule laakiin kuwa taageersan waxaa wax badan ka waalan kuwa qaarna qabyaalad ku taageersan qaarna ka soo hor jeeda .
asc wr wb
shariif tuke nin isagoo soo jeedo iska riyooday.muxuu gobolo maamul u suubiyaa .isagii baa magaalo madaxdii 2km ku ooday markuu kasoo baxayana taangi amisom saaran shyt.reer koofurtaa waxay ku maahmaahan sidan. waa soco wayniyee aan roorno.taas oo la micno ah qof socodkii kari waayay ee hadane ku leh waan ordaa.isaaq-land,majeerteen-land,sacad-land,saleebaan-land. iyagaa maamul suubsaday iyagoo weliba adeecaaya amiirkooda melez. shariif tuke adigu mid walboo u sujuuda waxba kuuma ogola. shicibkaadana uma aadan daneyn.marka waxaan filaayaa inaad iska hadshay oo hadalkaadu wax micno ah suubin karin ileen cid kaa amar qaadato majirto.amisom baa adiga ku marta iyo kuwa la midka ah.shariif kadare shame on u.
somali miror,mahad naq dabadeed, waxaan jeclaan lahaa inaad dhax dhaxaad ka ahaataan anuurta,soomaaliya.
waa sax waxaad u dhalateen buntland,laakin mahnadda saxaafadeed waxa ay faraysaa inaad u soo gudbisiin wararka sida ay u dheceen,aqristayaashana u daysaan in ay u fasirtaan siday jecelyihiin oo ay ku jirto,maslaxaddooda.
laakiin may ahayn innad idinka biloowdaan oo aad noo sheegtaan cida aad tihiin iyo waxaad jeceshihiin.
maamul isku sheegyada ka jira soomaaliaya dhamaantood waxay qayb ka yihiin burburka dalka ku dhacay,waana mirihii dowlad la’aanta.
shariif iyo c.dir cumar siday maanta kuula xunyihiin uun bay weligood u xumaayeen laakiin shalay waxy gubayeen gobol aadan ka naxaynina.
alaah ka baqa
shariifku waxa uu haystaa shaqadii loo soo wakiishay, oo ahayd kala jajabinta somalia laakiin nshaa allaah wuu ku fashilmi doonaa sida kuwii kahoreeyay ugu fashilmayn.
AS/CL salaam ka dib waad ku mahadsan tihiin webka somalimirror cadeyntii aad cadeyseen shirqoolka cadawga iyo daba dhilifkooda oo maqaarka iyo diinta islaam ka ah lkn qalbiga iyo fikirkiisa waa melez iyo obama ayay isku fikir yihiin mahadsanidiin. FG. codsi somali mirror badiya qoraalada xanuujiya gaalada kana farxiya umada islaamka kuwa ciraaq iyo afghanistan iyo somalia iyo kuwa kale mahadsanidiin.wabilaahi towfiiq.
ASC aniga oo anan fogaanaynin shariif waxa uu raadinaayay waa uu helay oo aheed kursi awalbo ka ma aheen dhinac diineed wsc