Hal Qof oo Rayid ah ayaa Xalay fiidkii lagu Dhaawacay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ka dib markii ay weerareen Dabley Hubaysan oo aan Haybtooda la garanayn
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Qofka la dhaawacay uu iibinayay Dukaan lagu iibiyo Qalabka Electroniga ah sida Mobilada iyo wixii la mid ah.
Dableyda Falkaasi geysatay ayaa la sheegayaa inay sidoo kale Dukaanka ka qaateen Mobilo iyo Qalab kale sidoo kalana ay ka dhaceen lacago iskugu Doolar iyo Shilin Soomaali.
Qofka la dhaawacay ayaa la dhigay Isbitaalka Xaawo Cabdi ee Duleedka Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Al-Xisbul Islaami oo ku aadan Falkani.

Related posts:
arintaan guracan ee ay Xizbul Isaam ku hayaan shacab ku barakacsan ceelasha wax fikir ka dhiibtay miyaa la waayay oo dadka oo dhan miyaa taageersan dhibaatada ka taagan ceelasha mise Somalimirror ayaa ka saarta eedeynta Xizbigooda?
walaa la yaabay ee xizbul Islaam dhaca iyo dilka ay ku hayaan shacab in fikir laga dhiibto waxaa diiday Somalimirrow!