Muddo 24 gudahooda Burcad Badeedu waxaa gacanta ku dhigeen 3 Markab oo laga kala leeyahey Dalalka Ingiriiska, Greek iyo Yaman iyo sidoo kale Shaqaalihii la socdey.
Sida laga soo xigtey ilo ku dhow waaxda Badaha ee Caalamiga, waxaa maanta gacanta Burcad Badeeda galey Markab weyn oo xamuul, kaas oo laga leeyahey Dalka Ingiriiska.
Markabka waxaa la afduubay xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan dhinaca Bariga Afrika meel u dhow, waxaana ka dul babanayay Calanka Dalka Ingiriiska.
Afhayeenka u Hadley Xafiiska arimaha Badaha ee Caalamiga, oo lagu magacaabo Michael Hewlett, waxa uu qiray in Markabkan oo lagu magacaabo St. James Park lagu afduubay agagaaraha Gacanka Cadmeed, waxa kale oo uu intaa raaciyay:“Xilliga la afduubayay oo Markabka xiriir la sameynay waxaa na soo gaarayay Hanjabaado ka dhan ah howl wadeenada Markabka, waxaana wali sugeynaa Macluumaad dhameystiran oo arinta Markabka ku aadan”, waxa uuse Hewlett ka gaabsadey inuu ka hadlo cidda leh Markabka, xilli ay socdaan baaritaan Caalamiya oo afduubka Markabka ku aadan.
Wararku waxay intaa ku darayaan inay Markabka la socdeen shaqaale gaaraya 26 qof oo aan wali warar faahfaahsan laga heynin dalalka ay u kala dhasheen.
Markabka oo ka soo kicitimay dalka Spain kuna sii jeeday dhanka dalka Thailand ayaa sidey Shixnad Kiimiko ah oo laga sameeyo walxaha Balastikada ah, sida uu sheegay Andrew Mwangura.
Sidoo kale xilli hore waxay Burcad Badeedu qafaasheen Markab kale oo laga leeyahey Dalka Greek kaas oo isna marayay meel ku dhow Gacanka Cadmeed, waxaana Markabkan la socdey 19 qof.
Dhinaca kale Wasaaradda Gaashaandhiga Yemen ayaa Xaqiijisay in Burcad Badeed Soomaali ah ay Af-duubteen Markab Xamuul oo laga leeyahay Wadankaasi waxaana saarnaa Shaqaale gaaraya 16- qof waxayna ula dhaqaaqeen dhinaca Bad-weynta Hindiya.
Wakaaladda Wararka ee Routres oo soo xiganaysay Qaar ka mid ah Ciidamada Badda Yemen ayaa sheegay “Markabka Magaciisa waxaa la yiraahdaa Al-Maxmuud 2, wuxuuna ka soo shireecday Dekadda Cadan ee koonfurta Dalka Yemen 18 December waxaana saarnaa 15- Bad-maaxiin ah iyo Kabtankii Markabka kuligoodna waa Yemeniyiin”.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Yemen ayaa sheegtay inay wado Dadaalo ay ku dabo galayso Arinta Afduubka Markabkaasi, balse kama aysan bixin wax faah faahin dheeri ah.
Dhanka kale Wasaaradda Arimaha Dibadda Shiinaha ayaa Maalinimadii Shalay shaaca ka qaaday in la sii daayay Markab laga lahaa Wadankaasi ka dib markii ay Bishii October ee la soo dhaafay af-duubteen Burcad Badeed.
Wasaaradu ma aysan sheegay inay lacag Madax furasho ah dhiibtay iyo in kale.
Qoraal Dhawaan ka soo baxay Q.M oo la xiriira Falalka Burcad Badeeda ka Qowlaysta Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sanadkan 2008 ay dhaceen 306 Fal.

Related posts: