Sarkaal madax u ahaa Hay’ad maxaliya ayaa xaley lagu dilay gudaha Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana dilkiisa geystay kox hubeysan oo gurigiisa ugu tegay.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Cismaan Maadi, una shaqeynayay Hay’ad lagu magacaabo Jubba Land oo ka shaqeysa daryeelka dadka waayeelka, ayaan la ogeyn ujeedka rasmiga ah ee dilkiisa ka danbeysa iyo sidoo kale cidda geysatey.
Sarkaalkan oo saldhigiisu yahey isla Degmada Balad-xaawo ayaa sida wararka lagu helayo dhawaan safar uga yimid dhanka Nairobi oo uu ku maqnaa.
Ragii dilka sarkaalkan geystay oo gurigiisa ugu u tegay ayaa goobta ka baxsadey, mana jirto cid arintan ka hadashey.

Related posts:
war nimankaan dadkii waa dhameeyeenee maxay damacsanyihiin?
dadka qaar oo wax taacliiqiyaa ayaa orondoona shabaab kama danbeeyaan dilkan, dadka oo la laayo bilaa maxkamad waliba lagu laayo magaalooyin ay xukumaan wallaahi wallaahi waa la is aydiin aduun iyo aakiraba
is weydii maxaa loo dilayaa dadka bulshada wax u taraya?maxaa loo dilayaa ugaasyada iyo dadka ay isha qabanayso?
waxaan ka leeyahay somali waa isgarnayaan weligeedna sidaan ma ahaan doonto oo isbedel ayaa dhici doono goor uu ahaadaba cidkastaa oo dadkaa n dambi ka galo ama ha ahaado qable ama ahaado ururada diinta war wax iskula hara
marka hore waxan ilaheey uga baryayaa qof alle qofkii xaq darra lugu dilay inuu ilaheey janno siiyo kuwii dilayna ilaahey naar ugu abaal mariyo hadeysan ka towbad keenin oo eysan dhihin naf ayaan xaq darra ku dilay ee xadkii ilaaheey tilmaamay hala igu fuliyo.
tan kale cid kasta oo xoog ama xeelad ku haysata meel waxa la weydiinayaa wixii qalad iyo sax halakas ka dhaca hadii aan u soo noqdo dilalka dabcan cida markaas ka talisa halka dilku uu ka dhacay hadeysan ka hadlin oo eey ka aamusaan macnuhu wexey noqon karaan ineey ayagu dileen amaba ey raali ka yihiin hadii ey ka hadlaan laakiin eysan wax ficil ah sameyn oo cidii wax dishay eysan horkeenin uamda waxan u qaada karnaa ineey ayagu soo qorsheeyeen dilkaas balse ey dadka isu tusinayaan ineysan ayago ka dambeyn falkaas maxaa yelay meelaha wax lagu dilo inta badan waa leys yaqaanaa hadii ey ku tala galaan ineey qofkaas gacan ku dhiiglahaa soo qabtaan saacad ku qaada mayso gabagabadii waxan talo usoo jeedin shabaabka diinta sheegtay ineey wax ku xukminayaan iyo xizbul islaamka ku garab ordaya ineey ciidankooda diinta baraan oo eey baraan waxa ka reeban iyo waxa u banaan oo eysan kaliya barin sida wax loo dilo maxaaa yeelay maalin waliba waxa dhaca dilal aan la sheegin cida wax dishay miithaal markii aan u soo qaato qabaailada wada dega halka meel ee qura hadii qof la dilo horay ayaa laga sheegaa qofkaas gacan ku dhiiglahaa lamana qariyo laakiin meel aad ka talisaan dilal xaq daraa ayaa kadhaca mar waliba si is dabajooga qofna uam soo qabataan qofkii la dilay ehekadiisii wax ey ku qancaan uam sheegtaan hadii qofka la dilaa uu yahay mid diintu ku xukuntay dilka yaanan la qarinin ee si cad haloo sheego weliba waxyaabaha uu ku muteystay dilka ayagoo cadcad soo hordhiga shacabka si qaldka leydinka fahamsanyahay uu meesha uga baxo wixii wanaaga ilaahey ajir ha iiga siiyo wixii qaladana sheydaan ayeey ka ahaadeen waxan ilaahey ka baryayaa inuu imaam wanaagsan noogo dhiibo hogaanka anagan kuwii xaqa ku raca naga dhigo (WALAAL WIXII KA QALDAN IISHEG)MAHADSANIDIIN
Waa muhiim in la laayo dadka Islaamka dhibta ku haya ee u shaqeeyaa gaalada, Cismaana dadkaas ayuu ka mid ahaa waa in la dilaa isaga iyo wixii la mid ah.
kan isugu yeeray Xasan Aadan adigu maxaad cadayn ah oo haysaa? Adigu ogow inaad wax aadan hubin haddii aad saartid raggaas ku jira ururkaas in aakhiro lagu weydiin doono haddii ay raggaasi gacanta kugu dhigaanay ninkii oo ku gartaan inaad tahay ninkii meeshaan ka taataa lahaa inay waajibkaaga ku marsiin doonaan.
Akh Xasan
Sarkaalkan waxaa diley shabaabka. Ha’yadan Jubba land la baxday waxaa ay ku xiran tahay hay’ado kale oo gaalo ah. Shabaabka Gedo jooga way u ogaalatey inay ka shaqeeyaan degaankooda.
Oggolaanshaaasi waxaa uu yimid kaddib markii ay u arkeen inay kaga shaqeysan karaan laguna dhex dhuuman karo.
Waa tanaaqudaatka shabaabka ama ku biirey ee sheegan jirey inay xisbiga ahaayeen meelna ku xarrimaya hay’adaha qaarkood meelna si beel beel ah ula tacaamulaya oo u oggolaanaya shaqadooda.
Dilkiisu waxaa uu ku tusinaysaa inay shabaab iska war hayn marka ay kooxdooda amniyaadka fulinayaaan dilka qoorsheysan.
Si kastaba ha ahaate, Gedo uguma biiran shabaab caqiido ahaan marka laga reebo in yar mooye. Waydii dhalxa oo maanta loo yaaqaan seyful Islaam iyo Ugas Maxamed Weli oo Abdullaahi Yusuf boqray?!!. Waxay ugu biireen arrin beel iyo hunguri ka galey Kismaayo. Dhacdadanna waxay ku tusinaysaa inay maanta u muuqdaan ku guranaya waxa ay ka galabsadeen walaalahooda mujaahidiinta kale ee ay kula dagaallamameen kismaayo iyo jubbooyinka.
Waxaan shaki iiga jirin haddii Barre Hiiraale Berri yimaado Gedo isaga oo saaran taankiyada Xabashida in magaca iyo muqaalkaba sida labada gelin u beddelan doonaan iyaga oo ku doodaya waa maslaxad diini ah.
Raggii mujaahidiinta dhabta ahaa ee reer gedo badankooda dhinte ee Ilaahow na astur.
HALAYSKA HUBSADO,WARKAAS QOFKA MUSLIMKA AHINA WAA INAANU KU DEGDEGIN SIDIISABA WARARKA.SABABTU TAHAY ALLAH S.W.C. AYAABA NOOGA DIGAY OO YIDHI.(haduu idiin yimaado mid faasaqi oo war sidaa is dejiya,si aydaan qolo wax uga sheegin idinkoo warka hayn,hadhowtana aad ad ka calaacashaan waxaad samayseen}.markaa afka hala haysto.wsc
Waayeel. Alle ka cabso oo qabiilka iyo Cuqdada iska saar, Hadii aad taqaan Cismaan maadi waxuu u shaqeyn jiray Islaamka waana dadkii ugu horeeyey Jihaad gala Somalia, Cismaan waxuu ahaa Mujaahidiintii Al-itaxaad 1992 dhiigooda u huray iyo maalkoodaba Diinta Alle marka fadlan Hubi warka aad sheegayso
walaale hana dag-dagin.