Askari ka tirsan Maamulka Lafoole, Al-Xizbul Islami ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta deegaanka Ceelasha Biyaha ku toogtay qof rayida ka dib markii uu muran dhex marey.
Sidoo kale rasaastii u askarigu furay waxaa ku dhaawacey qof dhowr oo kale.
Askariga dhibaatada dhimashada iyo dhaawacba leh geystay ayaa goobtii ka baxsadey, halka Maamulkuna wado howl-gal lagu raadinayo si Shareecada loo horkeeno.
Dhanka Maamulka ma jiro hadal ka soo baxey oo ku aadan dhibaatada uu geystay Askariga cidankooda ka tirsan, balse wararka hoose ee laga helayo waxay sheegayaan inuu wado howl-galo lagu daba joogo.
Maaha markii ugu horeysay oo Askari ka tirsan Maamulada Xizbul Islam ee Gobolka Shabeelada Hoose, sidan oo kale u geystan dil ka dhanka dadka rayidka ah ee halkaa ku dhaqan.

Related posts:
xisbul islam iyo alshabaab dadka waa ay halaageen iyo umada ha ka qabto in sha alh qiil dambe ma harin iyo diintoo lagu qaraabtaaye ilahow wadanka nabad nooga dhig ilahayow umada dadka dhibayso umada ka qabo ilaahaow nabad nasii ilaahow dagaalka iyo qaxa naga qaad rabiyow qiil danbe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye
s/c. salantaas ka bacdi waxaan odhan lahaa dadka soomaaliyeed u adkaysta dhibaatadan idin haysata maxaa yeelay waa wax aad kasbateen, ilaahayna idinma dulmin waana camalkiinii waxan marba midabka yeelanayaa mar waa dawlad marwaa maxaakiim marwaa hagaamiye kooxeed, marwaa ashabaab, marwaa xisbi…, marwaa suufiyo ahlu sunnaha qasbaysa iyo qaar kaloo badan,( hanasna u maqan).(jeeraa aragtaan inamda iyo ul la daba sido waanay imanoo aaran baa hadhay) waxaa loogu heesaa geela marka aanu darka ceelka soo wada gaadhin, markaa weli la isma gaadhin.
ACW
ciidamada xisbul Islaam waxay u baahan yihiin in ay is hufaan oo mmujiyaan:
1) Alla ka cabsi
2) dulqaad
3) U naxariisasho shacabka miskiinka ah
4) Kala dambayn
5) Is maqal
6) Disibiliin
7) U hoggaansamid shuruucda caskiriyeed ee ku qotoma shareecada Islaamka
- Haddii la dilo miskiinka markii la murmo (in kasta oo tan iyo tii ka horreeysaba yihiin xaalado yar)
- Haddii la yeelan fiqhiga awalawiyaata ee shareecada islaamka oo lagu kaco sida kii calan siibidda
- Haddii la garan waayo miraha dhumiddooda iyo sii socodkooda iyada oo derbiyada ay ku qoran yihiin
- Haddii la akhrin waayo dabaylaha shacabka kagala noqonayaan kalsoonida mujaahidiinta sida saan saanteeda u muuqata dadka wax si sax u akhrinaya
- Haddii loo arko mid wax caburinaya oo diktaatoor ah sida Godane ku caan baxay
- Haddii aan lala imaan waydo mashruuc siyaasi ah oo la socda kan jihaadiga
Waxaa dhici doonta -laa qaddarallaah- in Xisbul Islaam dhumiyo taageerada shacabka sida ay shabaab u dhumiyeen midnamadii mujaahidiinta iyo kalsoonidii shacabka
Sh. Xasan Daahir waxaa khasab ku ah:
1) Inuu isku yeero culimada jihaadiyiinta Somaaliyeed
2) La yimaado mashruuc siyaasi ah oo lagu badbaadinayo miraha jihaadka
Haddii kale waxaan ka baqayaa in sidii Afgaanistaan miraha jihaadka loo dhumiyo.
oo ma dowladda KMG ah ayaaa dadka badbaadisa waatan xataa xildhibaanadeedii ay ka fakan la’yihiin mooryaantoodiye oo daraad sow maynan ahayn markay darawalka ku dilayeen xaafada madiiino ayadoo waliba loo dilay lacag baada keen iyo mahayo!!!!!!
asalaamu calsykium waraxmatulahi wabarakaatuhu
waxaa ila quman cidaas sumcada ka dilayso xisbiga in ay iska saaraan mujaahidiintoo dhana ka dilaysa, waxaana ku talinayaa ain aan la isku xirin khalad qofeed iyo urur dhan.
wabilahi tawfiq
asalamu calaykum
waxaa ila quman in dadkaa xun xun iska saaraan xisbiga sumcadooada iyo midda majaaahiditooo dhana dilaysa yaanaa la isku xirin khalad qof iyo mid urur , dadka ashkhaastaa muslimiinta ahna aanan la xamanin sidaas ayaa ila khayr badan
wabilahi tawfiq