Al-shabab oo Beelaha Abgaal & Murursade heshiis dhex dhigay.

Published on December 28, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Kulan Wilaayada Gobolka Banaadir ee Xarakada Shababul Mujaahidiin soo agaasimtay kana dhacey shaley Magaalada Muqdisho ayaa heshiis rasmiya lagu kala dhex dhigay labo Beelood oo walaalo oo horey diriri u dhex martey.

 

Beelaha Abgaal iyo Murursade ayaa shaley Xarakada Al-shabab, heshiis rasmiya dhex dhigtay kuwaas oo horey dagaalo dhibaatooyin badan ka dhasheen dhex mareen, waxayna dirirtoodu soo jiitamaysay muddo 16 sano ah.

 

Shirka balaaran oo labadan beelood lagu heshiinayay, waxaa ka soo qeyb galey Mas’uuliyiin ka mida Xarakada Al-shabab oo ay ka mid yihiin, Waaliga Gobolka Banaadir, Sh Cali Maxamed Xuseen & Afhayeenka Xarakada Sh Cali Dheere.

 

Waaliga Al-shabab ee Gobolka Banaadir, Sh Cali oo goobta ka Hadley waxa uu sheegay, Ujeedka Maamulkoodu u taagan yahey inay qeyb ka tahey dhex-dhexaadinta dadka Walaalaha ee is haya, si nabad iyo degenaansho taama ugu naaloodaan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay horey heshiisyo dhowra u soo kala dhex dhigeen beelo walaalo ah oo horey sidan oo kale diriri u dhex taaley, halkaasna ay ka sii wadayaan.

 

Sh Cali ayaa labadan beelood kula dardaarey inay xajiyaan heshiiska ay isla gaareen, ogaadaan waxay ku heshiiyeen inay tahey fulinta Shareecada Islaamka, iyaguna dhankooda u taagan yihiin ilaalinteeda iyo fulinteeda.

 

Wax garad badan oo ka mida labada beelood ee Walaalaha ah ee heshiiska la dhex dhigay ayaa sidoo kale goobta ku sugnaa kuwaas oo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan heshiiskan, sidoo kalena dadajinayaan dhaqan gelintiisa.

 

Waxay sidoo kale sheegeen in wixiii isugu dhiman loo saarey gudiyo soo dhameeya, lana shaqeynayaan si howlaha u yaala ugu fududaadaan.

 

Maaha markii ugu horeysay oo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee inta badan Gobolada Koonfureed gacanta ku hayaan sidan oo kale heshiisyo rasmiya u dhex dhigaan Beelo Walaalo ah oo horey diriri ugu dhaxeysay, oo ay ka dhashaan wada degenaansho iyo Nabad.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-shabab oo Heshiis 2 Beelood dhex dhigay, Sharuudna ku xirey Shir dibu heshiisiin oo Soomaalida loo qabto.
  2. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  3. Heshiis rasmi ah oo la kala dhex dhigay 2 beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Igadheys oo ka tirsan G. Bari
  4. Al-shabab & Beesha Hillibi oo heshiis isla gaaray.
  5. Heshiis dhexmaray Al-shabaab iyo Beel ka tirsan Abgaal.

Readers Comments (12)

  1. Ali says:

    Beelaha inlaheshiisiiyo aadbay u wanaagsantahay
    Laakiin waxaa kasii wanaagsan inlamideeyo
    xoogagga ladagaalamaya cadawga dalka kusooduulay
    iyo kuwo cusub oo hadda soosocda.

  2. samaan says:

    maasha allaah ..waa kuwaas mujaahidiintii

    dakiibay heshiisiinayaan
    shirkigii bay suulinayaan
    salaaddii bay ogayaan
    gaaladii bay la jihaadayaan
    aminigii bay sugayaan
    mukhaadaraadkii bay la dagaallamayaan
    qabyaaladii bay la dagaallamayaan

    dadka wax ka sheegayoow utudha nafahiina iyaga waxba yeelimaysaane..
    culimada ka soo horjeeddaay xaqa sheega oohanoqonnina mar haddaanan anigu xaqa hoggaaminayn xaq maaha …waa khlad weyn inaad isbarbardhigtan nimankaas iyo kuwan taangiga gaalada saaran oo uqaybinaya ummadda
    salaama…ilaahoow ugargaar mujaahidiinta…
    ilaahoow cadawgooda jebi..salaama

  3. Faysal says:

    Waa war horleh oo Farxad xambaarsan oo aan ka helnay walaaleheen Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    Waxaa La ii sheegay in beelahaan shalay hishiiskooda lasoo afjaray ay dhiig farabadan kala daadiyeen..dhulna ay kala qabsadeen iyo hanti kaleba…Balse ILAAHAY baa ku mahadsan inay cawada Nabad ku jiifaan.

    Waxaa halkaan ka muuqanaysa In AL-SHABAAB iyo GUUD AHAAN MUJAAHIDIINTU ay ku dadaalayaan sidii Dadka Muslimiinta ah u kala badbaadi lahaayeen ..Halka Shariif iyo Malez Zinawi ku dadaalayaan inay isku diraan beelaha oo hub isugu dhiibaan..si xasiloonida iyo deganaashaha meesha uga boxo.

  4. UMU ANISAAA says:

    asc wr wb waa wax iga yaabshey goormey is dagalen abgal iyo murusade????????????????

  5. soomaaliwayn says:

    Waa arin fiican wayna ku mahadsanyihiin dadkii hawshaan kasoo shaqeeyay,wixii fiican cidina ma dafiri karto,tanina waa wax fiican waana waxyaalaha ay umaddu ubaahantahay,walaalayaal isku mashquuliya midaas oo kale hana isku mashquulinina wax umadda wax yeelahaya ama aan waxba taraynin,
    waxaad ogaataan wixii xun umadda wax garadka ah kama dhaadhicin kartaan inay fiicanyihiin wixii fiicanna majiro qof idinka inkiri kara,tanina waa wax fiican,laakiin dilka dadka, gaalaysiinta dadka,aflagaadada culimada,dagaaladda umaddu ku baaba,ayso, qofna kama gadi kartaan inay fiicanyihiin,waxaadna kusii luminaysaan taageeradii shacabka hadiiba aad u baahnaydeen.
    waxaan idinkula talin lahaa ilaahay ka baqa dadkiina utura cid umaqan oon idinka ahayn majirto ugaandhiiska ha ku laynina dadka ,axmaaro inay soo gasho waddanka ha usabab noqonina,suufiyadu inay gaaloobaan ha ku kalifinina,dadka qurbaha ku maqan rajjo la,aan waddankoodii ha kadhigina,dhalinyarada soomaaliyeed badaha haku halaagina,nacaska iyo munaafaqa fursad uu wax ku haleeyo ha ubanaynina,xikamadda adeegsada iyadaa qoriga ka xoogbadane idinkuna midooba magaciin jirye,meeshaad moodaysaan aduunku eegga ma marahayee
    waad salaamantihiin ilaahayoow xaqqa nawaafaji

  6. somaliduwaadugaag says:

    waa arrin aad u fiican oo mudan in lasoo dhaweeyo, laakiin xaqiiqda dhabta ah waa sidan: Alshabaab iyo xisbiyada kalaba shareeco oogis uma dagaalamaan, ee xukun iyo kursi qabsi ayey u jihaadayaan. Malaha khibrad diineed iyo mid siyaasadeedba. maanshalaah saraawiishoodu iyo khamiisyadoodu canqawga ma dhaafsiisna, laakiin hubkooda iyo dacaayadoodu kama nabadgalaan shacabka iyo culimada.

  7. wakil says:

    awalba isma daglasaneyn beelahn wa ay leeyihin wa heshiisinay….
    mooryanta shacabka ayay qaldayaan..

  8. hymo says:

    Oo tan isugu yeertay UMU ANISAA iyadu mugga maxay rabtaa? Yaa, waa iga yaabisay? Gabartaan maxay rabtaa? Waxay ila tahay nin meeli u cadahay meeli u madow.

  9. wardhiigleey says:

    UMU ANISAA

    Walaal dagaalo aad u xun ayaa dhexmaray labadaas beelood ee walaalaha ah, ragga dagaalka uga dhintay kama yara kun nin , waxay ku dagaalameen, BARMUUDA, MADIINA , WARDHIIGLEEY, DAYNIILE, waxa kale oo dagaalkii ugu xumaa uu ku dhexmaray gobolada dhexe, waxaa ilaaheey ,ahadiis ah, in walaalaha mujaahidiin alshabaab ay heshiisiiyee, waloow aysan waayahan danbe xumaan iyo dagaal dhex marin , waxaa isku diri jiray oo qandaraas ku soo qaadan jiray hogaamiye kooxeedyadii , maantase dantooda ayay garteen, alaana waafajiyay talada wanaagsan

  10. Cali Guure says:

    In la heshiisiiyo beelo dagaallamay haddii sida loo sheegay u jirto waa arrin boogaadin mudan.

    Sida walaalkii hore uu sheegay ka warrama haddi laga shaqeeyo midnamada mujaahidiinta?

    kala dhantaalidda midnamada mujaahidiinta waxay keentay in xubnaha shabaab maanta ka muuqdo guux wayn oo la oddorosi karin waxa ka soo bixi doono.

  11. nasrillaah says:

    wa arin faraxat leh ilaahey xagiisa inta xaqa taagerta nasri ha uga keeno ha isjecleeysiiyo ha mideeyo haku midoowaan laa ilaaha ila laahu hana isku aqoonsadan kalmadaas waii kasoo horjeestana cidey doonaan ha udhashaane haleyska qabto

  12. abuu aways says:

    AS/C AQAYAARTA SHARAFTA LEH ARINTA HASHIISKA UU KU DHAWAAQAY CALI DHEERE ANIGA MA AAMINSANI WAXAA DAGAASHAN LABADAAS QABIIL SABAB TOO AH MA MAQAL MEEL AY KUDAGAALAMEEN UGU YARAAN 5 SANO HADA LAGA JOOGO MA OGI QOF QOFKALE DILO TAASNA MA AHAN QABIILO ISDAGAALAY EE WAA SHAQSI SHAQSI KALE DILO EE SHEEKADA CALI WAA SHOW OF AAN ATOORE KALE MAJIRO HAWSHA CALI DHEERE AA WAT? TANKALE ARINTA SOOMAALIYA MAANTA WAA KAGUDUBTAY DAGAAL QABIIL TAAS HALA OGAADO SOOMAALIYEEY ?
    WABILAAHI TOWFIIQ




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-shabab oo Heshiis 2 Beelood dhex dhigay, Sharuudna ku xirey Shir dibu heshiisiin oo Soomaalida loo qabto.
  2. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  3. Heshiis rasmi ah oo la kala dhex dhigay 2 beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaanka Igadheys oo ka tirsan G. Bari
  4. Al-shabab & Beesha Hillibi oo heshiis isla gaaray.
  5. Heshiis dhexmaray Al-shabaab iyo Beel ka tirsan Abgaal.

Latest Headlines