Maqnaanshaha Aadan Madoobe oo fadhigii Maanta ee Baarlamaanku u baaqdey

Published on December 27, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Fadhi lagu wadey Golaha Baarlamaanka KMG inuu maanta yeesho ayaa mar kale baaqdey ka dib markii uu fadhigii maanta ka maqnaadey Gudoonka Baarlamaanka Aadan Madoobe oo lagu wadey inuu shir gudoomiyo.

 

Xubnihii Baarlamaanka ee fadhigii maanta soo xaadiray ayaa ka warhelay maqnaanshaha shir gudoonka Baarlamaanka arintaas oo keentay inay Golaha isaga kala dareeraan.

 

Waa markii labaad oo fadhiyada Baarlamaanku u baaqdaan kala maqnaansho Xubanaha iyo Gudoonka Baarlamaanka ah.

 

Ma jirto sabab cad oo Gudoonku fadhigii maanta uga maqnaadey oo Saxaafada u soo bandhigay, balse xubno ka mida Golaha ayaa shir gudoonkooda u jeediyay dhaliilo xoogan, sida inuu ka cararayo in lala xisaabtamo iyo arimo kale oo xasaasiya.

 

Aadan Madoobe oo kulankii shaley ee isna baaqdey la hadlayay xubnahiisa waxa uu u sheegay inay maanta fadhi isugu yimadaan oo balantu aheyd inay uga doonaan nuqulada Barnaamijyo horyaalada oo loo qeybiyay.

 

Qabsoomid la’aanta fadhiya Baarlamaanka KMG ayaa xubnaha qaarkood eedeeda dusha uga laaleen shir Gudoonkooda oo ay ku eedeeyeen inuu isaga tagri falo Sharciyada u degsan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo C/laahi Yuusuf uu ka baaqdey
  2. Xubno Baarlamaanka KMG oo eedeeyay Aadan Madoobe.
  3. Kulan dhex marey Hay’ada Culimada iyo Aadan Madoobe
  4. Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta la horkeenay Mooshino iska soo horjeeda.
  5. Aadan Madoobe “Hadaan la shaqaynaynin anigu xilka waan ka dagayaa”

Readers Comments (7)

  1. cali says:

    bisbilaah
    awalba dameero meel kugal gasha ayey ahaayeen ama hakala maqnaadaan ama hawada joogaan faa’iido sooma wadaan

  2. Faysal says:

    Waa Ciyaal suuq kuwaan Baarlamaanka sheeganaya…Wax shardi iyo qowl ah oo xira malaha.
    Kuwaas hadii ay namaamulayaan sow iska dhinta maaha ?!!!.

  3. khalid says:

    asc waxaay ahaayeen kuwii ethiopia u codeeyey iyo ugand burundi iyo qaarkale laakiin ninka godka ku dhacay waa shiikh shariif imikana way ka dhamatay oo cidkalaa loogelinayaa shaadhka markaas tolow xaguu qabanayaa illeen waxaan ahayn xadhiga ilahay ayuu kadeyey sharaf iyo cisiye iilahayow sug gumudaha mujaahidiinta iyo dhamaan umada muslinka ahba meel ayjoogaanaba aamiim aamiim aamiim

  4. caisha1 says:

    asc wrwb aniga ayaa idin sheegayo waxa ku dhacay beenti iyo dulmigi laysku sheegi jiray baa dhamaaday oo beenti lugtadi baa lahayaa marka waxa u wayey wax been iyo barabagaando u la soo shirtago madama u isaga hada baxar ku jiro oo lacagtii ay bada iyo dhulka cirka iyo dhiiga shacabka ku gateen ba layska rabaa oo hada waxa xita ku soo jeestay eeyadii ay dhigten albaabka oo wa tan kuwa usan xilka dhibin mid kamid ah la dhawacay lakin la yaab ma lahan sabaab to ah qofki diinta iyo wanaga illah siyey ku qanci waya wax u ku qancayo oo kale ma lahan ee illah shacabka si deg deg ah ha ooga qabto amiin

  5. abuxamsa says:

    sxb waa runtii waa xoolo meel isugu yimi oo biyo doon ah aysana ku filnayn biyaha meesha yaala axmed madoobe dadwanaha soomaaliyeed runta ha usheego oo wuxuu yahay ha qirto saasaan kulatalinyaa nimankan dawlad kusheega ahna hadaysan kala dareerin birtaa taqaan aakhirana dabkaa yaqaan

  6. Waddani says:

    Asc maxay ka hadlayaan dalkiiba waa la kala qeybinayaaye oo maalinba kilin cusub ayaa la soo dhisayaa

  7. Mideeye says:

    Alshabab waa dambiile, Alxisbul islaamna waa qawlaysato qabiil madax maray, labadaba waqtigoodii waa dhammaaday, dhallinyada ay wataanna waa carruur caqliga iyo diintaba ay ku yartahay, tusaale waxaa idinkugu filan wiilkii yaraa ee idaacadaha la hadlay ee alshabaab u soo direen inuu soo dilo oday soomaliyeed oo miskiin ah, waxay ila tahay qofkii wax garanyo taas baa ku filan waxaase iswaydiin leh dhalliyarooy maxaad ula sii joogtaan nimanka dhaqankooda sidaa yahay ee farah dhiigga ku leh ee aan diinta iyo islaanimad midna ku sicon

    Magaca; Dulmane




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kalfadhigii Maanta ee Baarlamaanka oo C/laahi Yuusuf uu ka baaqdey
  2. Xubno Baarlamaanka KMG oo eedeeyay Aadan Madoobe.
  3. Kulan dhex marey Hay’ada Culimada iyo Aadan Madoobe
  4. Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta la horkeenay Mooshino iska soo horjeeda.
  5. Aadan Madoobe “Hadaan la shaqaynaynin anigu xilka waan ka dagayaa”

Latest Headlines