Dagaal ka dhacey Koonfurta Baladweyne.

Published on December 27, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Dagaal aan faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey la ogeyn ayaa Saakadii hore ka dhacey meel dhanka Galbeed Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan uga beegan 10km.

 

Dagaalku, sida wararka la helayo sheegayaan wuxuu u dhaxeeyeen ciidamo kala taabacsan Al-xizbul Islami & Kooxda sheegatada Ahlu Sunnah Wal-jamaca.

 

Waxa uuna dagaalkan yimid ka dib markii ciidamada Kooxda sheegatada Ahlu Sunnah Wal-jamaca weerar gaadmo ah la beegsadeen fariisin ciidamada Al-xizbul Islami ku sugnaayeen.

 

Saraakiil labada dhinac u kala hadashey ayaa dagaalkan guulo kale duwan ka sheegtay, sarkaal u Hadley Al-xizbul Islami oo lagu magacaabo Macalin Faarax Daa’uud, waxa uu sheegay in ciidamadood la soo weerarey, isna difaaceen khasaare aanu faahfaahina u geysteen dhinacii kale, halka uu dhinacooda sheegay in dhowr Askari dhaawacyo ka soo gaareen.

 

Dhinaca Kooxda sheegatada Ahlu Sunnah Wal-jamaca oo uu Hadley sarkaal lagu magacaabo Aadan C/lle Cawaale, waxa uu sheegay inay dagaalkii Saaka gaadiid dagaal ku qabsadeen, midna gubeen, sidoo kalena khasaare nafadeen u geysteen dhinaca kale, goobtiina la wareegeen sida uu hadalka u dhigay.

 

Warar madax banaan oo dadka deegaanka laga helayo, waxay tibaaxayaan xilligan goobtii dagaalku ka dhacey oo lagu magacaabo Waadiga Xajuub inay ku sugan yihiin ciidamada Al-xibul Islam oo horey halkaa ugu sugnaa laguna soo weerarey.

 

Waxa uu dagaalkan imaanaya xilli qeybo ka mida Gobolada Hiiraan & Gal-gaduud gudaha u soo galeen fariisimana ka dhigteen cutubyo ka tirsan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo gacan siinaya Kooxda sheegatada Ahlu Sunnah Wal-jamaca oo shir uga socda Degmada Caabud-waaq.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal ka dhacey dhanka W/Galbeed ee Baladweyne.
  2. Dagaal Xaley ka dhacey Deg. Mahadey ee G. Sh/Dhexe
  3. Dagaal kooban oo ka dhacey Degmooyinka Shibis & C/Casiis.
  4. Dagaal Culus oo ka dhacey G/Gal-gaduud.
  5. Dagaal Culus oo ka Socda Baladweyne

Readers Comments (2)

  1. muwaxid says:

    alaahu akbar ilaahay subxaana watacaalaa horay ayuu ushaagay in gaaalda hagar daamadeeda eesan joogsaneenin marnaba. ama hala baxeen ahlusuna ama suufiya ama doowlada ama ……..
    marka waxaa nalga rabaa hadaan nahay ahlu toxiid inaan uduceeyno mujaahidiinta magacayrabaan halahaadeenee. oon sabarno allena kacbsano

  2. wadani says:

    sxb u wrong mn allah haku soo hanuuniyo nimanka dadka layay oo dhiigooda baneystay oo culimadii islamka ku tilmamay rido oo shacabkii barakiciyay oo afka dubtay ilahay hanaga qabto ku was wana iska celineyna inshah nimankas takfiirka eh




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal ka dhacey dhanka W/Galbeed ee Baladweyne.
  2. Dagaal Xaley ka dhacey Deg. Mahadey ee G. Sh/Dhexe
  3. Dagaal kooban oo ka dhacey Degmooyinka Shibis & C/Casiis.
  4. Dagaal Culus oo ka dhacey G/Gal-gaduud.
  5. Dagaal Culus oo ka Socda Baladweyne

Latest Headlines