Al-Xisbul Islaami oo ka warbixiyay Howl-galo Amaan sugid ah oo ay ka fuliyeen

Published on December 27, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

mujaahidiin Maamulka Islaamiga ee Degmada Buur-hakaba ee Hoos taga Ururka Al-Xisbul Islaami ayaa ka war bixiyay Howl-galo ay ka sameeyeen wada isku xirta Gobolka Shabeeladda Hoose iyo Qeybo kam id ah Gobolka Baay.

 

 

Afahayeen u hadlay Al-Xisbul Islaami oo lagu magacaabo “Maxamed Ibraahim “indha Buur” ayaa sheegay inay Howl-galkaasi ku soo qab-qabteen Burcada dhexda u gasha Baabuurta Rakaabka isla markaana dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geysta Shacabka.

Burcadaasi oo uu tiradooda ku sheegay 70 ayuu sheegay inay u taxaabeen xabsiga Magaalada Buur-hakaba isla markaana ay soo taagi doonaan Maxkamadda si loogu fuliyo wixii ay mutaysteen.

Qaabka ay ugu suuro gashay inay Tiro intaasi la eg soo qabtaan ayuu sheegay inay iyaga laftooda isku adeegsadaan oo ay sheegaan meelaha iyo wakhtiyada ay dhexda u galaan Gaadiidka.

Dhanka kale Mas’uulkaasi ayaa sheegay inay wadaan Howlo Zako Uruurin ah gaar ahaan Xoolaha Nool Geela, lo’da iyo Ariga.

Isku soo duuboo Jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo oo ay Burcad badan ka qowlaysan jirtay isla markaan xad-gudubyo badan u geysan jirtay Gaadiidka Rakaabka ayaa u muuqda kuwi sii yaraanaya ka dib markii ay Howlgalo dhowr ahi ku baacsadeen Xoogaga Islaamiyiinta ee Goobahaasi ka taliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Luuq oo Howl-gal Amaan sugid ah sameeyay
  2. Howl-galo Amni sugid ah oo ka Bilowdey qaar ka mid ah Deg. G/Banaadir
  3. Ciidamada Xisubl Islaam oo howl galo Amni sugid ka fuliyay Deg. Tayaglow
  4. Ciidamada Amaanka ee Buur-hakaba oo soo Qabtay kooxo ku eedaysan inay wadeen Amaan xumo.
  5. Al-Shabaab oo wada howl-galo Burcad Sifayn ah

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Luuq oo Howl-gal Amaan sugid ah sameeyay
  2. Howl-galo Amni sugid ah oo ka Bilowdey qaar ka mid ah Deg. G/Banaadir
  3. Ciidamada Xisubl Islaam oo howl galo Amni sugid ka fuliyay Deg. Tayaglow
  4. Ciidamada Amaanka ee Buur-hakaba oo soo Qabtay kooxo ku eedaysan inay wadeen Amaan xumo.
  5. Al-Shabaab oo wada howl-galo Burcad Sifayn ah

Latest Headlines