Xaalada Sarkuusta oo u dhaw Ex-control Afooye isla markaana ay Dagaalo ka dhacayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Maanta degan waxaana saaka halkaa laga waayey Ciidamada DKMG ee shalay Isbaarada soo dhigtay, iyadoona ay siyaabo kala duwan uga hadleen dhinacyadii dirirtu ku dhexmartay goobtaas ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiina iyo Dowlada.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage ( Cali Dheere ) oo Xalay Saxaafada uga warbixinayey Dagaaladii ka dhacay Sarkuusta ayaa Sheegay inay halkaasi soo dageen Ciidamo uu ku tilmaamay Isbaarystayaal u shaqeeya AMISOM isla markaana dhibaatooyin Xoogan iyo tacadiyo u geysteen Shacabka wadada ku safra.
Sh Cali dheere ayaa sheegay in Ciidamda DKMG ah ee soo dagay Sarkuuta ay halkaasi yimaadeen kadib markii ay ka xirantay Wadada warshadaha oo ay lacagaha ka qaadan jireen.
Sheekh Cali Dheere oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“Meesha la yiraahdo Kabka agteeda Halkaas oo ay Isbaaro u tiil, Isbaaradaas oo ay Dad Muslimiin ah oo fara badan ku dileen, Dad kale oo Muslimiin ahna ay Xoolahoodii ku qaateen, AMISOM markii Jidkii wax u soo mara oo ay isbaaro ka qaataan weeyeen Calooshood u shaqeystayaashoodii ayay waxay Damceen inay horey u sii sikiyaan, waxayna geeyeen Isbaaristayaashii Meesha la yiraahdo Sarkuusta, Halkaas oo ay Dhibaatadii Dadka ku hayeen ka bilaabeen, Halkaas oo ay Ugu danbeyntii Maanta(Shalay) ay ku dileen 2 Qofood oo shacab ah”.
Waxa uu sidoo kale Sheegay Sh Cali Dheere inay Ciidamadoodu weerareen halkaas ayna ku guuleysteen inay goobtaas qabsadaan Hub iyo Saanadna lawareegeen wuxuuna yiri:“waxaa ku weeraray Halkaas ragga Mujaahidiinta ah oo ilaahay SW Diintiisa iyo kitaabkiisa iyo Shacabka Muslimiinta ah inay Difaacaan ku tala galay ayaa weerar ku qaaday Maanta(Shalay) Fariisinka ay dhigteen Qolada Murtadiinta ee AMISOM ka amar qaadata, Halkaa oo ilaahay SW Mujaahidiinta ku guuleeyay inay ka kiciyaan Meeshii ay Daganaayeen gabi ahaanba, iyada oo ilaahay SW ka siiyay Hub iyo Saanada fara badan”.
Dhanka kale Taliye Xigeynka Ciidamada Daraawiishta DKMG ah Afrax Cali Afrax oo isna ka warbixinayey Dagaalkii Shalay ka dhacay Sarkuusta ayaa Sheegay inay halkaasi aheyd goob Duur ah Ciidankooduna u tageen howlo shaqo ayna dib uga soo laabteen.
Afrax ayaan arinkaa ka yiri:“Deegaamadaas Dhul iska miyi ah oo markii horaba Shaqo loo tagay ayay ahaayeen, xiligaan iyagana gacan kuma hayaan, Ciidamadeena Shaqo ayay Shalay iyo xalay u joogeen, Goobohoodii ayayna Dib ugu soo laabteen,”.
“wax dhibaato ah oo ka jira haba Meeshaas haba yaraatee ma jiraan, wax hadda ka soo gaaray Dowladana ma jiraan”. Ayuu hadlkiisa sii raaciyey Afrax Cali Afrax.
Ilo wareedyo ka madaxbanaan labada dhinac ayaa Xaqiijiyey inay saaka Nabdoontahay deegaanka Sarkuuta Isla markaana aysan joogin Ciidamadii DKMG ee Shalay Isbaarad dhigtay, iyadoona wadayaasha gaadiidkuna saaka wajiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsanyihiin Nabadgalyada ku soo noqotay Sarkuuta oo shalay Ciidamada Dowladu ku dileen Dad rayid ah isla markaana lacago xadhaaf ah kaga qaadayeen gaadiidleyda.

Related posts:
waalayaab rag sheeganaya dowlad oo hadana lay naya shacabka waxaase Alaah mahadiis ah in ay wadanka joogaan mujaahidiin aan Allahh maahaane cikale ka amarqaadanaynin difaacayane diint Allah iyo shacabkamuslimka ah ee soomaaliyeed Allaaha kaalmeeyo mujaahidiinta AMIIIIIN
ILAAHAY wuxuu marqaati iiga yahay in AL-SHABAAB iyo kuwaan Dowlada sheeganaaya aysan xitaa isku dad ahayn isku diin iskaba dhaafe.
Qolona markay timaado bulshadu farxad iyo qosol ayay u keenaan, kuwo kalena Isbaaro iyo Dil ayay u keenaan…ILAAH baan runta inagu jecele ma dadkaas baa siman ?!!!.
Hada waxaa igu maqaalo ah in Tuugadii shalay Mujaahidiintu ka cayriyeen Sarkuusta ay gudaha galeen oo Isbaaro dhigteen meesha loo yaqaano SAYBIYAANO.
takbiiiiiiiiiiiiiiir mujaahiidnta waxaay u tagan yihiin difaaaca diinta ito dadkamuslimkaaa
alaahu akbaar
insha alaah inta ka dhimana waan ka qabsandoonaa
aswb.allahu akbar waa waxlagu farxo iyo guul usoo hooyatay mujaahidiinta xaqa u dirirka ah iyo shacabkooda ilaah ayaa kuma hadsan ilahaow sug mujaahidiinta cagahooda kana guulay munaafiqiinta iyo saliibiyiinta ilaahow midiiyay quluubtooda qalban waaxidan kadhig yaa rabi yaarabi………
shacabkeyga muslimka ah waxaan u dardaarmayaa inay isgarab istaagaan mujaahidiintooda biyadin waxid ay noqdaan rabina looo tobad keeno .allahuma waxid sufuufanaa warfac raayatal jihaaadi fiinaa tyaarabi unsurnaa cala alqowmi alkaafiriiiiiiiin. aaaaaaamiiiiiiiiiiiin.
Hadii aad marakhaatigan
fudhaan muuqda waagare
Mufsid iyoninkii muslixihi
Kala mid wee yaane
Mooryaan isbaarada kudhaca
Duul masaakiina
Iyo ragan masuuliyaadka wada
Kala midwee yaane
Jiri marada diirtiyo
Dugaag maafiyiyo tuugo
Iyo duul mashaayiikhihi
Kala mid wee yaane
Kuwa madaxa cimaamada
Kuwada maanta may garane
Calooshooda mugeedayrabaan
Meelay joogaane
Mufsidkiyo nifaaqay rabaan
Muuna doo diiye
Kala miira labadaas
Midii ay maalis leeyiine