Sarkaal WFP ka tirsan oo B/weyne lagu dilay.

Published on December 22, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

B/weyneSarkaal u shaqeynayay Hay’ada WFP laguna magacaabo Cali Af-weyne ayaa maanta lagu dilay gudaha xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, lamana oga Ujeedka iyo cida sida rasmiga dilkiisa uga danbeysa.

Dilka sarkaalkan ka dib waxaa goobtii ka dhacey isu soo bax kooban oo dadka rayidka ee Magaalada ku dhaqan sameeyeen, balse waxaa muddo yar ka dib goobta soo gaarey ciidamo ka kala tirsan Xarakada Shababul Mujaahidiin & Xizbul Islam oo dadkii kala kaxeeyay.

Ma jiro hadal dhanka Maamulada Al-shabab iyo Xizbul Islam ee Gobolkada ka soo baxey oo ku aadan dilka sarkaalkan.

Sarkaalkan ayaa la sheegayaa inuu horey uga tirsanaa Maamulkii DKMG ee Gobolka Hiiraan, sidoo kalena la soo shaqeeyay Maamuladii MMIS ee isla Gobolka.

Dilka sarkaalkani waxa uu imaanaya xilli Maamulka Xzbul Islam ee Magaalada B/weyne Hay’adaha Gobolka ka howl gala ugu baaqey inay isdiiwaan geliyaan si xaaladooda amaan iyo shaqadoodaba loola socda, sidoo kalena uu ku soo rogay inaaney hub Magaalada ku dhex qaadan.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Banad Sugida DKMG ah oo Deg Boondheere lagu dilay.
  2. Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu Dilay Duleedka Muqdisho.
  3. Sarkaal ka tirsan nabad sugida iyo 4 ilaaladiis ah oo lagu dilay agagaarka Ceel Macaan
  4. Sarkaal ka Tirsan UNICEF oo Lagu Dilay Xudur
  5. Sarkaal ka tirsan Dowlada Hoose oo lagu dilay Baydbabo

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Banad Sugida DKMG ah oo Deg Boondheere lagu dilay.
  2. Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo lagu Dilay Duleedka Muqdisho.
  3. Sarkaal ka tirsan nabad sugida iyo 4 ilaaladiis ah oo lagu dilay agagaarka Ceel Macaan
  4. Sarkaal ka Tirsan UNICEF oo Lagu Dilay Xudur
  5. Sarkaal ka tirsan Dowlada Hoose oo lagu dilay Baydbabo

Latest Headlines