Qarax Xalay lagu weeraray Saldhiga Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

Published on December 22, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

CeelashaQarax aan qasaare geysan ayaa Xalay Fiidkii lagu weeraray Saldhiga Ceelasha Biyaha oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulk Xisbul Islamam ee Deegaanada loobarakacay.

 

Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa Bamka gacanta laga tuuro wuxuuna ku dhacay Dhabarka dambe ee Saldhiga waxeyna wararku intaa ku darayaan inuu ku dhacay goob cidlo ah isla markaana uusan geysan qasaaro.

 

Taliyaha Saldhiga Ceelasha Biyaha ee Maamulka Xisbul Islaam Ibraahim Ganey oo ka warbixinayey Qaxa ayaa sheegay inuu jiro weerarkaas uuna ahaa Bam Gacmeed si dhuumaaleysi ah loogu dhuftay meel ku dhaw Saldhiga.

 

Taliyaha Saldhiga ayaa intaa ku daray inuusan qaruxu wax dhibaato ah ka soo gaarin Ciidamadii Saldhiga, Maxaabiistii ku xireed iyo Shacabkii ku noolaa hareeraha Saldhiga Bamka lagu tuuray.

 

Macada  Cida weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerarkaas.

 

Waa markii ugu horeysay oo Saldhigaas qarax lagu weeraro tan iyo intii Amaanka Deegaanadaasi gacanta ku dhigeen Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Lafoole.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam oo Xalay lagu weeraray Duleedka Muqdisho.
  2. Sheekh Xaley lagu diley Deegaanka Ceelasha Biyaha.
  3. Goobo Ganacsi oo laga Qaaday Hareeraha Wadooyinka Ceelasha Biyaha.
  4. Faah faahin qarax xalay ka dhacay Magaalada Garoowe
  5. Dad lagu laayay Ceelasha Biyaha

Readers Comments (5)

  1. Cali Guure says:

    Xisbul Islaamka Ceelasha ka taliya ma ONLF bay noqdeen?!. Allahuma ustur. Shabaabkii Xaley weeraray xisbul Islaam raggeenna Xamar jooga way Og yihiin, Somalimirror iyo dad kale way xeerin karaan iyaga oo adeegsanayaa qaadicooyin aan halkan ka shaqeyn karin.

    Dhuminta miraha jihaadka ee socota waxay ka billaabatey

    1) Isqaadhka culimada
    2) gaaleynta iyo daadinta dhiigga aan waxban galabsan
    3) ballan ka bixiddi Kismaayo iyo ku caasintii Mujaahid Xasan Turki
    4) baneeysiga dhiigga Sh. Axmed Madoobe iyo mujaahidiinta raaska iyo cannoole
    5) kala dhantaalidda midnamadii iyo mashruucii mujaahidiinta
    6) Diiddadii midaynta mujaahidiinta iyo doonidda duni iyo kooxaysi aan meelna jirin
    7) Goosasho joogta oo loo galaayo shariifka
    8) Iyo weerarkan xaley lagu qaaday mujaahidiinta Xisbul Islaam ee ceelasha.

    Inta kale ka aamusay

    Mashruuca jihaadka waa inuu la socdaa mashruuca siyaasi oo ku dhisan kitaabka iyo fahamka salafka. Sida muuqata raadintii Dawladdii Islaamka rajadeeda ma quruxsan ee Allow na taban taabi.

    Maalmaha iyo bilaha soo socdaan waa xublaa ee Ilaahow miraha jihaadka mujaahidiinta badbaadi.

  2. Faysal says:

    Xisbiga iyo dadka deegaanka ceelasha degan waa is afgaran weysanyihiin..heer ay dadku ku mudaaharaadaan bay gaartay maalinkii Calanka la isku qabsaday.

    Halkaas waxaa ka cad in Ceelasha ay joogaan kuwo qaswadayaal ah oo doonaaya inay Maamulka carqaladeeyaan, waana kuwii uu Shariif u mahadcelinaayay ee uu lahaa waa haleyeeyo calankoodii difaacay, mana dheera inay lacago ku bixiyaan Kuwan Dowlada sheeganaya.

    Xisbiga waxaan ugu baaqayaa inay gacan bir ah ku qabtaan canaasiirtaas fowdada ku kacaysa..

    Mahadsanidiin

  3. sheikh salman says:

    a.c
    arinta bamka lagu tuuray hisbul-islaam yaaney dhib u arkin waayo ayaga ayaa dadka ku tuuri jiray.

    waa waxay ayagu keeneen oo dhalinta bareen

  4. Hassan says:

    Cali Guure
    Waxaa fiicnaan laheyd in qalbiga lawaasiciyo oo kooxeysigan dunida islaamka dilay dhan looga boxo. Xisbiga iyo Dhalinyarada way ka weyn tahay ee bal culumadii maraadinaa bal talo aan kaga baxno mushkiladaan hanoo ikhtiraaceen mise xili walba calaamadaha cudur na haayey 20sano iyo ka badan ayuunbaa maalinba si aan u raganaa?

  5. riim says:

    hi umada soomaliyeed waa ay dhibaatoodeen waana ay barakaceen dhibaatadana waa ay socotaa ilaa hada umada soomaliyeey ilahy waxaan uga baryaayaa nabad barwaaqo iyo bash bash sanad ka cusub amiin yaarabi by ascw




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sarkaal ka tirsan Xizbul Islaam oo Xalay lagu weeraray Duleedka Muqdisho.
  2. Sheekh Xaley lagu diley Deegaanka Ceelasha Biyaha.
  3. Goobo Ganacsi oo laga Qaaday Hareeraha Wadooyinka Ceelasha Biyaha.
  4. Faah faahin qarax xalay ka dhacay Magaalada Garoowe
  5. Dad lagu laayay Ceelasha Biyaha

Latest Headlines