Yuhuuda la deegaameeyay oo Masjid ku gubay Nabulis.

Haraaga Gubaalka MasjidkaKoox ka mida Yuhuuda la deegaameeyay ayaa gubay Masjid ku yaala Tuulada Yasufu ee konfurta Nabulis ee Daanta Galbeed ee Dhulka reer Falastiin, ka dib markii darbiyada Masaajidka ku qoreen qoraalo Cibriya.

Sida Maamulka hoose Nabulis iyo ciidanka Bileyska ee Dowlada Yuhuudu sheegeen kooxda Yuhuuda ee falkan Masjidka lagu gubay fuliyeen xilli hore oo Maalintii Jimcada aheyd, ka dib markii tobanaan ka mida weerar Masjidka ku soo qaadeen.

Falastiiniyiinta deegaanka ayaa ku waramey kooxda Yuhuuda ee Masjidka soo weerartey markii hore albaabka weyn ee Masjidka dab qabadsiiyeen ka dibna ku bil bileen maadooyinka dabka sii huriya.

Agabkii Masjidka ku gubtay waxaa ka mida Kutub badan oo Qur’aanka Kariimka, waxaana la arkayay falastiiniyiin u soo gurmadey Masjidka oo daminaya, korna u qaadaya qaar ka mida Kutubtii gubatey.

Masjidkan Yuhuudu gubeen waxa uu ka mida yahey 4 Masjid oo deegaanka ku yaala wehelna u ah Kun qof oo falastiiniyiin ah, waxaana deegaankaas ku hareereysan Yuhuuda la deegaameeyay oo cadaawad xoogan u qaba Muslimiinta reer Falastiin, Siyaasadooduna tahey in lacag laga qaado.

Waxaa goobta ka dhacey iska hor’imaad u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Ciidamada Yuhuuda oo goobta yimid, arintaas oo keentay labo qof oo ka mida Falastiiniyiinta inay dhaawacmaan.

Mid ka mida boodhadhkii Yuhuudu ku dhajiyeen darbiyada Masjidka waxa ku qornaa ereyo ka dhana Falastiiniyiinta, sida inay lacag bixiyaan amaba ay gubayaan dhamaan deegaanadooda.

Dowlada Yuhuuda oo falkan ka hadashey waxay ku tilmaantey mid xag jirnimo ku dheehan tahey, sida taxadar lehna ula jaan qaadayaan.

Falkan ayaa qeyb ka noqonaya kuwo sidan oo kale horey Yuhuuda la deegaameeyay ugu dhaaqeen kuna baabi’iyeen hanto badan oo gaadiid iyo Guryaba isugu jirta.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

5 Comment(s)

  1. asc wr wbdhamaan waxaan salaa mayaa walaalahayga islaam ka meel kastay joogaa salaan kadib waxaan lee yahay huhuuba alaha islaamka tuso waxaay kukacaayaan dadka islaamkana waxaan usheegayaa in ayugaggaaraan walaalahooda reer falastiin diin toodan karun sheegaan cadoowgooda si ay uarkaan dhacdooyinkuu samaynayo

    um maxamad | Dec 12, 2009 | Reply

  2. ASALAAMU CALAYKUM
    CID WALBA OO GAALO HOOSTEEDA GASHANA SAAS UN BAY ULA DHAQMIYE HALA OGAADO
    CIDII KA DANQAN LAHAA GUBISTA MASAAJIDDA IYO KUTUBTANA WAA UN ANNAGA UN CID KALE MA’AHA
    YAA RABI UMADDA MUSLINKA CISO IYO SHARAF SII

    cabdalla | Dec 12, 2009 | Reply

  3. waxaan alle kbaryeeyna in uu noohiiliyo alle wana kaguulaysan doonaa insha allaah

    fahad | Dec 13, 2009 | Reply

  4. subxaaaaaa nalaaaaaaaaaaaah !!
    waa islaamaah …. waa islaamaaah …. waa islaamaah ?? !!!!

    jacfar | Dec 13, 2009 | Reply

  5. S/c dadka maanta rajo ka qabo gaalo in ay kaalmeyso waa taas uun. Tan kale Nabi Muxamed o wax ku soo degayo ayey Yahuud Sun u qarineysay e adiga maxay ka warsani?. Tan kale ku bishaareysta 4qofood e dunidan meel socoto mid ayaa muslin, Diinta Islamkane waa tan ugu kororka badan. Marka ha la adkeysto rag waan heynaahe Nasrigane waa dhow yahay insha Allah. S/c

    M.Irshad | Dec 13, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo