nin soo weeraray dad ku jiray Masjid ku yaala Gaalkacyo oo la dilay

Published on December 12, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Masjid ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunt Gobolka Mudug ayuu xalay soo weeraray nin ku hubaysan Bastoolad  kaas oo rasaas huwiyay dad Culimo ahaa oo Masjidka ku jiray waxayna raasaataasi keentay dhaawaca labo qof oo ku sugnaa Masjidka .

 

Ninka Rasaasta Huwiyay Masjidka ayaa cararay waxayna wax yar kadib isku dhaceen ciidanka Amniga ee Magaalada waxayna taas ay is waydaarsadeen sababatay Dhimashada 2 Qof oo kala ahaa Askari iyo qof shacab ah oo goobta la isku rasaasaynayay marayay , waxaana sidoo kale uu dhaawac gaadhay ninkii masjidka soo weeraray.

 

Taliyaha Ciidanka Magaalada Gaalkacyo Muuse Xasaaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay dhaawac u geysteen ninkii masjidka soo weeraray uuna u geeriyoooday markii dambe rasaas ay la heleen, wuxuuna intaa ku daray in ay wali garaneyn heybta ninkaas iyo ujeedada uu damacsanaaba.

 

Sidoo kale waxa dhacdada ka hadlay duqa Magaalada Gaalkacyo wuxuuna xusay in dhacdada dhacday ay tahay mid aad u xun sidoo kale ay ciidamada iyo laamaha amniga ku shaqada lihiba ku howlan yihiin baadhitaano la xidhiidha falkii dhacay iyo raadinta heybta ninkii Masjidka soo weeraray .

 

Dhacdadan ayaa waxaa horay ugu horeeyay ilaa labo dhacdo oo noocan oo kale ah kuwaas oo lagu kala bartilmaameedsaday labo masjid oo ku yaalay Gaalkacyo kuwaas oo midkood lagu laayay Jamaaco Tabliiq ahayd oo u dhalatay Dalka Pakistan iyo masjidka kale oo sidoo kale rasaas la huyiyay ayna ku waxyeeloobeen ilaa 3 qof oo ay dhaawacyo soo gaadheen.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Masjid ku yaala Magaalada Gaalkacyo oo Xalay la weeraray
  2. Masjid ku yaala Ceel-baraf oo la weeraray
  3. Masjid ku yaala Baladweyne oo la weeraray
  4. Maaleeshiyaadka Suufiyada oo Nin Ganacsade ah kala baxey Masjid Caabud-waaq ku yaala.
  5. Guri ku yaala Suuq Bacaad oo loo dhacey Dadna lagu dilay.

Readers Comments (4)

  1. wadaad yare says:

    ummadu hadii aysan alshabaab iska qaban dhibka ka bixi mayo sababtoo ah alqaacida ayay ku xiranyihiin anaguna awood uma lihin aan alqaacido iyo wax ku xiran qarino oo waa lawada socotaan waxa ugaarsi ah oo ay ku hayaan dowladaha dunida ugu waaweyn sida Mareykanka iyo reer galbeedka oo idil.
    Maanta maslaxad nooguma jirto inaan alshabaab haysano ee waxay maslaxadu noogu jirtaa inaan iska fogeyno si aysan ugu yaraan waxyeelo nooga soo gaarin hardanka u dhexeeya iyaga iyo quwadahan kale ee cayrsanaya.

  2. Omer Suleiman Ali says:

    waxaan shaki lahayn in dilkii Pakistaniyiinta tabliiqa ahayd iyo weerarada masaajidadu is lee yihiin. Waxaanan marna rumaynayn in ruuxa dadka salaadda tukanaya iyo masaajidada weeraraya uusan noqon karin ruux muslim ah, sidaas darteed reer Galkacayo waxaan ka codsnayaa in ninkaas sawirkiisa la soo geliyo internetyada si loo heli cidda uu ka tirsan yahay.

    Anigu waxaan u arkaa in ruuxaasi yahay Itoobiyaan weliba gaal ah oo aan islaam ahayn. Itoobiyaanku waa noo eg yihiin lamana la kala garan karo Somaliga iyo Itoobiyaanka.

  3. Hooyo waa dhulkagi says:

    Arrimahaan waa qorshe cad oo la doonayo, in bulshada laga barakiciyo dhulkooda hooyo oo xitaa masaajidda lagu nabad gali waayo. Wadaad yare waa nin la socon xaaladda maanta jirta albaabna qorshaha maanta lala maagan yahay dalka waa ka balaaran yahay oo waxa la doonayo waa jabadka ehelkaagu dagan yahay in laga rarto

  4. abuumuscab says:

    waxaa layaab leh oo wax laga xishooda ah in ilaahay beydka uu ku tilmaamay baytu laah ee masjidka layidhaahdo janaan ku doonan taas waa arin u baahan in laga fikiro waxaana filayaa in arimaha noocaas oo kala ah ay ka danbayso dawlada macatbka ah ee ethiopia kagana gol leedahay sidii ay somalida daqomaha ah isgu diri lahayd ma filayo in jano lagu gali dad muslim ah oo la layn hayo hadana masajidka alle lagu raadsanayo in uu kan danbeeyo qof ashahaadanaya qirayana nabi mahamed (SCW) NABAD GALIYO IYO NAXARIIS KORKIISA HA AHAATEE marka soomali hoos ha isku fiiriso oo ha ogaato waxa ka danbeeya in ay ethiopia tahay anigu dhaafin waayay halkaas




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Masjid ku yaala Magaalada Gaalkacyo oo Xalay la weeraray
  2. Masjid ku yaala Ceel-baraf oo la weeraray
  3. Masjid ku yaala Baladweyne oo la weeraray
  4. Maaleeshiyaadka Suufiyada oo Nin Ganacsade ah kala baxey Masjid Caabud-waaq ku yaala.
  5. Guri ku yaala Suuq Bacaad oo loo dhacey Dadna lagu dilay.

Latest Headlines