Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca oo ka Mamnuucay Goobaha ay ka Taliyaan Qaadashada Indha shareerka
By Somalimirror on 12 Dec, 2009 9:38 AM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca ayaa Markii ugu horeysay soo saartay Amar ay kaga Mamnuucayso inay Dumarku Qaataan Indhashareerka, iyaga oo ku Mar-marsiiyoonaya inay ku soo gabadaan Dadka Fulinaya Mashinadda, waxayna ku tilmaameen shay aan Waajib iyo cowro toona ahayn.
Taliyaha Amaanka Degmada Guri-ceel u qaabilsan Kooxdan Maxamed Shidane Diiriye Dakhar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Muxaadaro Shalay Galinkii danbe ay ku qabteen Magaalada Guri-ceel ay ku iclaamiyeen inaan Mudo 24 saac ah wixii ka danbeeya aan la arki karin Gabar Indha shareer ku dhex wadata Gudaha magaaladaasi.
Qofkii Jabiya ayuu ku sheegay inay ka qaadayaan Talaabo adag oo uusan caro baabin.
Maxamed Shidane Diiriye oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Maamulka Degmada Ahlu Sunah Wal Jameeca ee Guri-ceel, waxay soo jeediyeen Shalay Casarkii Muxaadaro ay Qabteen in la mamnuucay Bahalka Indhashareerka ah ama ay Dumarka wajiga ku xirtaan Maadaama uu yahay Bahal lagu fuliyo Mashin iyo arimaha Dadka loola danleeyahay, uguna Danbeysay dhacdadii ka dhacday Magaalada Muqdisho, Maadaama uusan Shay Waajib ahayn Xaaraana uusan Qofku ku dhacaynin, dhibaato kasta iyo Mashin kasta la fulinayana loo adeegsanayo, raggii arimahaas rabay inay fuliyaan ay Qaadanayaan dharkii Dumarka ayaa waxaa lagu qancinayaa inay iska dhigaan si loo kala aqoonsado Dhib wadaha iyo Qofka Dhibka aan wadin”.
“Shayguna Shay waajib ah ma ahan, Sunadii haddii lagu fulinayo ama uu dhibaato keenayo xaaraam ayay isku badalaysaa, sidaa daraadeed Haweenka waxay ku qanacsanyihiin inay u Hogaansamaan Nabadooda”.ayuu sii yiri Taliyuhu
Wuxuuna intaa ku daray “Shaygaanu Shay Waajib ah ma ah, Cawrana ma aha, wajigii ay Dumarku Asturkii ay asturanayeen Dhibaato kale keenayso oo Dadkii falalka fulinayay ku dabo ganbanayaan, Nabadiina ay Khal-khal galinayaan, Ardadii iyo Dadkii Wax garadka ahaana iyo indhihii Soomaaliyeed ay ugu danbeyn ku bur-buriyeen… sidaas darteed baa loo xarimay, iska hor’imaadna ma ka imaanayo Dumarkana waa ay u Hogaansamayaan insha allaah”.
Ugu danbeyntii Amarkan ayuu sheegay inay si isku mid ahi uga fulinayaa Goobaha ay ka taliyaan ee Gobolka Gal-gaduud“Maamulka Si guud Meel kasta in laga iclaamiyo oo ay Ahlu Sunah wal Jameeca ka taliso waa la siiyay, laakiin Degmadda Guri-ceel ayaa ku Dhawaaqday Shalay”.
Daabaco


subxaanalaaaaaaaaaaaaaah
waa in lagu jihaada ragaaas dumarka islaamka ah saas u galaya . waaxaay un shaqeeyaan tikreeeda iyo usa
mohamed | Dec 12, 2009 | Reply
Bis milaah
waxaa wax laga noxo ah in ay duruqu suufiya ay isku sii badasho marxalado hor leh oo ay soo maleegeen saliibiyiinta waxaan wacad kumarnay in aan kacirib tiri doono somalia bi idnillaah
xadiith hadii aad laa ilaaha ilaahu muxamed rasuululaah aad taqaan oo macniyan iyo lafdiyan u taqaan wixii kasoo harana aad u aqoon kufaar in ay dhiigaaga iyo maalkaagu banaanyihiin
duruqusuufiya waxay aamin san yihiin cibaadada alle in ay lawadaa jiyaan adoomadiisa
Sayfun min sayfulaah | Dec 12, 2009 | Reply
Asc bacda salaan maanta waxaa halkan iiga mooqda shabakada mirror in eey ka aheen mid dhax dhaxaad ah ama ka aheen qol qola tooyinka siyaasadeed ee ka jiro somaliya ama koonfurta somaliya .bal eega qomadan kooxda sheegata ahlu suna wal_jameeca iyo errayo badan oo halkan aan ku soo koobi karin marka waxan kola talin la.ahaa walaaladeen in iska dayaan hadalada nin jecleysiga ku dhisan ama ah ba I. Wish somali weyn
I.wish somalia | Dec 12, 2009 | Reply
sixun baad wax ufaafisaa waxaad natahay dhinac waayo dacaayadahooda ayaad faafisaa maadna fah min sida war ku yahay dadka dhibta kuhaya soomaali baad kamid tahay waxaadna tahay qabqable afkaa ah ee dadka soomaaliyeed si xaq ah ugu sha qee sida wab saydayada shabelle.net somaliweyn iyo kuwo kaleba .
shabab uf akh yur | Dec 12, 2009 | Reply
SOMALIMIRROR, WAX GOONI U AH SOOMA AYSAN QORIN EE WAXA SOIO QORAY WEBSITE-YO BADAN IN INDHA SHAREERKA DUMARKA LOO DIIDAY, KOOOOOOOOOOOOOOOOOOXDA SUUFIYADA WAA KOOXDII U DIGRIN JIRTAY GENERAL GABRE, TAAS ANIGAA MARQAATI KA AH, MARKII AMXAARADU LAYNAYSAY SHACABKA LACAG AYUU SIIN JIRAY
WARDHIGLEEY | Dec 12, 2009 | Reply
Nabar lafilayay naaqis mooyee naxdin maleh tana waa fududahay marka loo eego waxa ay ku kacaan ama ay aamin yihiin qolo allah snw udiiday sifiidkii uu lahaaa qayr kiisna caabuday qariib maaha inay xalaaleyso wax uu xaaram timeeyay marka mujaahidiinta tani way ucadeed wayna kahortagi inshaa allah lkn hurdaayoow toos
Nasrullaho5 | Dec 12, 2009 | Reply
http://islamtoday.net/albasheer/artshow-12-124099.htm
Xussein Maalim | Dec 12, 2009 | Reply
Mushrikiin wada uskak badan dheh, weligoodba Islaam-ka iyo muuqaaladiisa way la dagaashanaayeen maanta hadii ay mamnuuceeba waxay calaamad u tahay in dagaalkoodu ku qotomo Caqiido faasid ah oo ay doonaayaan inay faafiyaan.
DIINTA ILAAHAY WAA GUULEYSANEYSAA CID WALBA OO IS-HORTAAGTANA WAXAA U DAMBEYSA SEEFTA SHABAAB-KA IYO SACIIRO QIYAAMO.
Somalimirror..waad mahadsanyihiin.
Faysal | Dec 12, 2009 | Reply
Magac wanagaasan oo lala baxo qarin meeyso qurunka ku hoos jira. Waan ku raacsanahay SomaliMirror inay saas dadka ugu sheegaan, li ana ma aha ahlu Sunnah wax ee ka ogyihiina malahan.
Ilahay baan idinku dhaarshee qof qabri caabud ah oo Ilahaygi weeyna ee kaligis abuuray intuu dawamaryeey makhluuq sidiisa kale ah, hadana mawtan wax u doontay, miyaa AHLU SUNNAH lagu tilmaami karaa???.
Al jawaabu cindakum
Kaaf iyo kala dheeri ayee kala yihiin ayaga iyo Muqaawamada.
Sideebee isku mid ku noqonayaan, midna sunnadi ayuu inkiray, midna waajibki iyo sunnanki ayuu xoojiyay.
Talaabada xigtana kolay tan mid ka daran umbay noqon ooo xijaabka weeyn hala khafiifiyo si wax loogu soo hoos qarin umbaa imaan doonta ayadana. Sababtoo ah maalinki shey suna ah la joojiyo kii waajibka ahaa waa kusoo xigaa.
Rajaah | Dec 12, 2009 | Reply
in wax waliba lagacararo alshabaab ayaa sabab u ah oo waxaban kabaqayaa dadku inay masajida kacaraan
libaan | Dec 12, 2009 | Reply
1991 WADAADO AYAA ISKU DAYAY INAAY DIINTA WAX KU XAKUMAAN, BEERTA SHAQAALAHA XAMAR, WAXAA SOO WEERARY OO LAAYAY CAYDIID…………….
1996 MAXKAMADII XARARYAALE WAXAA WEERARAY QANYARE OO SHACAB KU LAAYAY……….LAAKIIN ILAAHEEY FADLIGIIS WAA LAGU JABIYAY OO SHACABKA AYAA LA DAGAALAY…………………. 1997 CALI MAHDI AYAA WEERARY MAXKAMADII SHEEKH CALI DHEERE WAANA KAL CAYRIYAY,,,,,,,,,,,SU,AASHU WAXAY TAHAY MA SHABAB AYAA LA DIIDAN YAHAY MISE SHAREECADA , WAQTIGAAS AAN SOO SHEEGNAY MA SHABAB AYAA DALKA LAGA YAQAANAY MAYA,MAYA,MAYA, MAYA
WARDHIGLEEY | Dec 12, 2009 | Reply
asalaamu calaykum WARaxmatullahi wabarakaatuhu
waa ka xumahay nin caqli iyo diin leh in uu soo qoro hadalkaaan oo kale sida liibaan oo kale, hadal ka xunna maba jiro waxaas uu ku hadlay , diinta ma alshabaab baa kugu adoonsaday mise allaah?!!, ma alshabab baa ku leh mise allah?!! , ma alshabaab baa lagacab CABSADAA IYO ADOOMO MISE
ALAAH ?!!
DADKA DIINLAWAASHA AH AYAAA SIDAA KU ANDACOODO SIDA DURUQDA SUUFIYAD AHLUL BIDAC WATAFARUQ
wax xal oo aan ka ahayn in lala jihaado oo xaqqana lagu maamulo ma jirto, firaqdaas lunsan tigrigeedana la walaalooday , muslimiinta tigreegaas cadawga ah u gacan galinaysomujaahidiintana way colaadiyeen walibana way la dagaalameen, waxaana macquul ah baritona in ay yiraahdaan xijaabka akhwaan baa iska leh hala dhigo ilaa ay dadka diinta ka saaraan tigreegana u gacan galiyaan kaniisadana u dhisaan waxa la baciidsan karana ma aha arimahaas oo dhan ee intay goor ay goor tahay walalayaalaw halaga hortago hanalALA JIHAADO JANAA LAGU GALAYAAYE
WABILAAHI TAWFIIQ
ILAAHYA WAXAA NAGA LUNSANA XAQQA TUS WAXAA DHIBKA IYO FASAHAADKA NAGU WADANA NAGA QABO.
AAMIIN AAMIIN
cabdalla | Dec 12, 2009 | Reply
ACW
Marka diiniyan loo niqaasho laba madraso ayaa fatwooyin ka bixiyey niqaabka wakhtigan casriga.
1) Madrasada sh. Cabdicasis bin baaz oo ku adkayste in indha shareerku yahay waajib
2) Madrasada sh. almuxadith alcasr Albaani oo ku tagey inaysan waajib ahayn inskata oo xaaskiisu wakhtigii uu noolaa niqaabnayd bi ikhtiyaarihaa.
Labadaa madraso keliya iskuma khilaafin arrimahan ee waxay isku khilaafeen arrimo badan oo ay ka mid tahay jihaadka casriga, ka mid noqoshada xarakooyinka, dagaallada xoreynta dhulalka muslimiinta mowqifka laga qaadanayo iyo la shaqeynta xukuumadaha dhaaquutka iwm.
Waxay heshiish ku ahaayeen inta badan ee manhajka salafka xoojintiisa iyada oo xoog la saarayo caqiiidada salafka iwm. Ninna waxaa uu ahaa muxadith kan kalena fiqiih u shaqeeya ummadda.
Arrintan ay sameeyeen suufiyadan laga soo direy Xabashida waxaa cad inay ku hadleen kalimatu xaq u riida bihaa al baadhil.
Garanney in mad-habka saxda yahay inuu indha shareerku ahayn waajib. Laakiin inay ku andacoodaan waa naloogu soo dhuuntay sidaa ayaan u reebaynaa waa jahli iyo jawr.
Haddii berri xijaabka loo qaato waa in ay reebaan xijaabka qiyaasan calaa istikhraajaatihim albaadhilah.
Gabadh muslimad oo qaatay mid ka mid ah labada faham mid ka mid ah laguma dagaali karo. Ciddi ku colaadisana waa dad aan u jeedin xaqa iyo dhowrsanaanta gabadha muslimimaadka.
Waxa xuma ka jira degaankooda sida khamriga, qaadka, maandooriyah iwm waxay kaga khatar badan niqaabka.
Hadihi hiya alsuufiyaha alhaalikah
Cali Guure | Dec 12, 2009 | Reply
Indho shareerka iyo nafta tee in la dhowro mudan? Indhashareerka hadaad ka naxsantihiin kuwa kusoo dhuumanaya ee nafta xaq darada ku gooynaya maad joojisaan?
wadaad yare | Dec 12, 2009 | Reply
asw salan kadib waxaan ognahay diinta islaamku inay leedahay awlawiyaad aynakamidyihin waxyaabahaan
1waajib, sunno,mubaax, xaaraan karaahiyo saxiix, faasid , haddiilaysu dhexyaa ciyaana waxaakadhankara mushkid ah bililiqa diimeed, maka inqofkamuslimka ah dhiigii labad-baadsho wayka horaysaa idhashareer iyo waxiilamid ah 2danbiga waxaa leh intiisa badan kuwa shacaa irta islaamka u adeegsanaya faldanbiyeedka iyo xasuuqa muslimiinta
calidhux | Dec 12, 2009 | Reply
kuwan barina waxeey dhihi doonaan xijabka hala joojiyo ilaahayoow kuwan qabuurta caabudo naga qabo adaa maalik ahee ninkan leh indha shareerka iyo nafta yaaqaalisan indha shareerka hadii lajoojiyo malakba ma imaanaayo oo lama dhimanaayo miyaa waaleeys dili jiray waana leeysdhicijiray mudo dhowr iyo towan sanaha waxaasoo dhan ma indha sharerkaa sabab u ah hadii indha shareerka lajoojiyo nabat maa lahelaayaa
faadumo | Dec 12, 2009 | Reply
BISMILAAHI
WAXAAN U MALAYNAYAA AHDAAAFTA DHABTA EE SUUFIYADA SI FIICAN UMAADAN FAHMIN WADAAD YARE ULAJEEDADA SUUFIYADU MA’AHA DAD ILAALIN EE WAA ULA JEEDO GURACAN OO AH DIINTA SAXDA AH LA DAGAALANKEEDA, QOFKII RABO IN WAX QARXIYANA RUNTII INDHA SHARER KALIYA MAREEBI KARO SIYAABO BADAN AYAA UFURAN OO UU ISTICMAALI KARO, WALIGAYNA MA MAQAL NIN MUJAAHID AH BAA DHAR NAAGEED SOO XIRTAY SI UU HAWLGAL U FULIYO , MAXAA YEELAY SHAQSIYADIISA IYO DAMIIRKIISA AYAYSAN TAAS U CUNTAMAYN , MIDAAN LA FAAFIYAY EE HOTEL SHAAMOW WAXAAN AAMINSANAHAY DACAAYAD RAKHIIS AH EE LAGU WEERARAYO DADKA MUJAAHIDIINTA AH EE ARIMUHU YAYSAN KAA HOOS BIXIN SI FIICANA U DHUUX, SUUFIYO GAALO U SHAQAYSANA YAYSAN KU QALDIN
WA BILAAHI TAWFIIQ
cabdalla | Dec 12, 2009 | Reply
Midka yiri islaamkaan
Alshabaabka uga tagi
Awalbuu ibliis iyo
Uurka gaal ku duug naa
Afka wixi kasoo baxa
Waa inaad ogaa taa
Uurkuu kusugan yahay
Kufriguna idal kiis
Astaa nuu lahaadaba
Waa ibliiska ubadkiis
Waana cadaw ilaahay
Islaamkana ma u rabo
Waase eray layaab badan
Ahlusuna nimadiyo
Oraahduu mushrigu yiri
Idinkiyo amxaarada
Ubadkii nasaa raa
Oogada koree tana
Waysaga ekay deen
Uurkana wixii jiray
Oraah baad ku sheeg teen
Asturaada dumarkiyo
Indhohoo laqariyana
Waa astaan ay lee yiin
kuwa qira ilaa hood
Qaata amaradiisana
Ibliiskii u diidana
Waanu uga aar gudin
Ahlusuna sidoodana
Waa astaan u taag nayd
Dadka qiray ilaa hood
Rasuulkana adee coo
Ufku yiri bidcoo idil
In xiraaf kanabad galay
Asha haado diid kiyo
Kuwa uur ku gaala
Usha waanu saarine
Inyar haygu dhaw reen
Ama maanta waan iman
Isirkiisa gaalana
Waa noo ilaaq iyo
Arax doonu goy naa
Arxan iyo walaal iyo
Ehel toona manihine
Waa inoo ataag iyo
Olol iyo rasaas qura
abu fatima | Dec 12, 2009 | Reply
a/c salaan kadib walaalayaal waa wax laga xumaado in maanta soo maaliya meel kamid ah shacaa,irta diinta ismalka lagadiido taasna waxa ay hordhac utahay makriga ay gaaladu maleegayaan oo ay rabaan in aay dadka soomaaliyeed diintooda kala dagaalamaan taasna waa in lagu waana qaataa oo jihaadka dhidibada loo aasaa si waxaas looga nabad galo kooxdaan hada waxaan samaysay waa koox ay markii horaba cadowgu soo samaysteen
ansaaru,sunah | Dec 12, 2009 | Reply
asc wr wb waan soo dhoweynaya waana ku raacsanahey in niqaabka xaalado amaan loo mamnuuco maadama ragg is qarxinayo soo xiranayaan sidii xasuuqii shaamow hadduuna aheyn waajib iyo sunne dhib ma laha in la mamnuuco iyadoo masaxlixda caamka ah loo daneynayo si amaanka loo suggo hawweenka soomaaliyeed taas fahmeen xaalado amaan iney jiraan.
UMU ANISAAA | Dec 12, 2009 | Reply
A.w.w dadka dhahaya manta ahlusuna way qaldanyihin wayo quladas waxay u adeegan xabashi da salibiga geeska afrika marka magacaas waxa lagu yaqana dadka dhabaha saxda qaday oo ilahey wax la wadajin qabrina cabudin kuwas ayan dhihikarna waxa banaan dhigoda
xasan c/karim | Dec 12, 2009 | Reply
dadka somaliyed waxay kala garan la’yihin waajibka iyo sunada ,mid akale indho sharer yaa dhahay wa waajib ,haday dhacdo in muslimiinta lagu dhibataynayo isaga oo la isticmalayao indho sharer waxa waajibka ku ah mamaulkas in ay joojiyan wax walbo oo dhibato ku ah islaamka .dadkana ha ogadan in uusan indho sharer waajib diini ahayn cidi warabtana tafasil nala xiriirana dadka aqoonta dheer u leh hadad aqoon u lahayn walal waxba ha galayn ,mahahsanidin
hasan | Dec 12, 2009 | Reply
midkayri niqankani
waba nacaye iska fura
macnaciisu waxuu yahay
mid aan kuu tilmaame
maqlkaakina iifura
marka hore axmarkuu
ka rabaa irsaaqoo
markaxiga ibliyskuu
alhiis kajecelyahay
marka xiga mareeykaan
ayaa maal usheegoo
mirna anan siino
shuruuduu u meeriyay
ayay midi katahyoo
muradka waa isdaba joog
mida kale waxaytahay
maal kii isbarada
ayaa wali u muuqdoo
micna kalane loo waa
magac been mooyee
SHEEQ A/RAHMAN | Dec 12, 2009 | Reply
ass wr wb waad salaaamantihiin somali dhamaanteed khaas ahaan kuwa taaageersan niqaabkiyo asturnaanta ,,,,maaaha la yaab in ay suufiyadu ku dhawaaqdo wax xaq ahayn,,, waa rag loo qurxiyyay xumaanta iyo qaaawanaanta,,,maaantana jab ha u diyaar garobaan xabashi iyo gaalana wax ha u tarto,,musiibo idinku dhacday
cabdi naasir buuhoodle | Dec 12, 2009 | Reply
asc salan ka dib waxaan ku maleynayaa dadka halkan wax ku wada qorey iney yihiin dad jaahil ah ama badankood sababtoo ah meel shareecada islaamku leedahay ama kitaabka alle indha shareerku waa waajib ma jirtaa mise dadka hal ku qorey qoralada wey jidbeysan yihiin diinta sifiican ugu noqda hadii aad ku aragtaan anigaa jaahil ah inta ka horeysa inid ka juwalo ah wabilaahi towfiiq
ugaas yare | Dec 12, 2009 | Reply
TO:SHEEQ A/RAHMAN IYO ABU FATIMA
walaalayaal allaha idin ka ajar siiyo difaaca diinta teeda kale waxaan idin ka codsanayaa duco iyo inuu ilaahey mujaahid iga dhigo shahaadana isiiyo
c/raxman | Dec 12, 2009 | Reply
A c kuwaas awal ninkii raja ka qabay ayaa ka murgaya nin lagu kari la.yahay alle bas cibaadada u gooni yeel niqaab maxuu layahay
Jalaalu diin | Dec 12, 2009 | Reply
ehlu sixir wal sanaawi markeey ilaaheey cibaadadiisa fara gashtaan ayaa balaayo heshay walee hadeey balaayo idin heshay yaa idin dhaho afaaraha ilaaheey iyo daka kadhaxeeyo kabaxa walee waa maalin tuu ilaaheey musiibo idin la maagay wiil iyo gabar haleeyskugu tago kuwaan mar uun meesha halaga saaro war dhiigeno oobadan meesha haduu kubaxo kuwa naga danbeeyaa ka indha qaboob sanaayo malas ilmahiisa walalha waxaan kacotsanaayaa ineey xero noofuraan anagaa difacaneeyno shareerka wacibaado ilaaheey ugu dhbaaneyno marka markaan ookale waa waajib xataa gabdhaha
faadumo | Dec 12, 2009 | Reply
walaalkey cabdala adiga meeshaan waat kucusubtahay saan dareemay markii iigu horeysay oon kugu arko waxeey aheet markaat kasheekeeyneeysay safarkii kismaayo iyo dhibaatadii taalay iyo hada nabada taalo hadaan usoo dagto ninkaan aat lahatleeysit ee wadaad yare dadka hada mawa lahatlaan horaa loogu daalay adiga waxaatba leedahay suufiyada wajigooda dhabta ah ma ogit waxuuwa aamin saneen diinta islamka saas eey tahay wuu isqariyaa hadalo kasoo fakado maa hane waxaawa kuceeb ah inuu aamin sanyahay wax uu iskaqarinaayo oowa kuqanac saneen anaga koleey diinteena waan kufaanaa
faadumo | Dec 12, 2009 | Reply
Asc waxaan filyaa in badan eeysan fahmin hadalka ama qormadaan aan halkan ku qoroy.tusaale:waxaa ka jiro soomaaliya uroro badan mid walibana leh magac sida xizbul islam al shabaab ahlu suna wel_jameeca marka maxaa odiiday in eey ugu yiraan magacooda ahlu suna wel_jameeca.tankale niqaabko waa mid ku cad diinteena moqadaska ah .wake up somali
I.wish somalia | Dec 12, 2009 | Reply
A/C Walaalayaal Aniga Waxaan in eey meeshaas ka soo socdaan waan ogaa wax war ah oo aan ku daahayana majiraan ee waxaan leeyahay walaalaha mujaahidiinta ah ha u gurmadaan walaaha dhibaateysan ee goboladaas ku nool oo horay loogu diiday masaajidii dugsiyadii quraanka xarumihii agoonta iyo in loo diidanyahay sunada ka muuqato raga iyo dumarka ankee waa eey diidiin sida igu maqaalka ah in kutubada la akhriyo oo ankee eey ku dhibaateeyeen culimo badan oo dadka wa bareysay marka hadaba waxaan leeyahay mujaahidiintooy aan dhamaanteen u gurmano walaalha gobolada dhexe oo la ilhaaneystay tireedana loo soo watay.Alloow Dhibka Ka Dulqaad Diintaadana Kor Ka Yeel Weeyba Soo Sabreene Intii Sanad Ahe Aamiin Aamiin.
Abuu Asmaa | Dec 13, 2009 | Reply
subxaana laah
war sufiyadii maanta ayaay warkoodii cadaaday in dumarka wanaagsan ay yiraahdaan indhashareerka iska fura war miyaay san xishoonay oo a/lle ka baqeen war yaa naga qabta daalimiinta
by mataan
MATAAN | Dec 13, 2009 | Reply
Bismilaah
a/c/w/w salaan kadib shaki kamataagna inay qalad wayn kagalen diinta iyo gabdha jecel asturnaanta ayakoo kumaraanmarsoonaya waxyaabo kale wana nasiib daro inay amarkaasi fuliyan dad sheeganaaya islaannimo hada wadamada galada arimahaas waka xishoodan oo masamayn karan marka Allaha wayn hanaga qabto kuwaas indhashareeka gabdha udiiday iyo kuwakale oo diinta dhibku haya ayakoo huwan diinta wanaagsan ee islaamka
Abusalmaan | Dec 13, 2009 | Reply
A c ahlu sun wal kaneeco walee ku waas meel xun ayaa udan beyntoonta insha allaah waxaan adii hayaa sheeko dhexmartay madaxda suufiyad heysata galgaduud iyo yar sxb keey ah waxuu su.aalay maalintii iida arafo maxaad uqilaafteen islaamka waxaa ku jawaabay dad ayan tuseeynay amar keeno inuu soconayo marka nin halkaas ka joga diinta ilaamka gaaladu waxe amartay qaadanaya ahlu sunna malagu sifeyn karaa?
Jalaalu diin | Dec 14, 2009 | Reply
wabsaydkani waa af ku dable ku wii hore ee soomaalid isku diri jiray uun buu kusoo biiray sida waagacusub balaayo uun bayfaafiyaan si xun wax u sheeg sixir kadaran . war dad ka wax u dhex ah usoo qora mar dhow baad dhihi doontaa wariye ayaa ladilay af xumo dagaal wax kaagama tarto dagaalna waa kuu gaysaa .
waan oga hay in aad guri hoos tii waxan kuqortd laakiin mar uun baalagu heli.
shabab uf akh yur | Dec 14, 2009 | Reply
Anigu fikradayda haddii aan dhiibto diinta jowharteeda waxaa kamid ah ????? ????? ?????? in laheysto oo uu qofku heysto oo waxaan ulajeedaa caqiidada salafka waa dadkii noolaa 3-dii qarni ee ugu fadliga badneyd quruunta oo dhan. taas ayuu addunkiisa iyo aakhiradiisa kuliibaanaa qofkii caqiidadii salafkii suubanaa khilaafana wuxuu halis ugu jiraa aakhiradiisa haddii uusan kasoo laaban marka waxaa jira dad diinta jowharteeda gadaal gadaal ufahmay oo wixii arrinku ahaa kasoo horjeedkiisa diin kadhigtay oo bacaad qoorsagaaro kuhaya dadaalkooduna kubixanaya ashyaa ay si qalad ufahmeen hadana waxaa ceyb ah in magacaas ay isku magacaabaan ayna kasoo horjeedaan xaqiiqdiisa.marka indho shareer waxaa kadaran usuusha diinta in meel looga dhaco, marka somalia waa muslimiin diinta jecel waliba lafaha ay kagashay jaceylka diintooda islaamka ah waxaan dhihi lahaa aniga oo matalaya soomaalida dadka diintooda way jecelyihiin ee dadkaas dacwada halagaarsiiyo hana laysku dhimriyo xabad wax mataraysee illaa dad mulxidiin ah ay soobaxaan, mulxidiintaas xattaa waxaan oran lahaa xabad maya xalkale ayaa jiro karo.alle wuu ukaalmeeyaa qofkii kashaqeeya wanaagga walaalkiisa ayagana waxaa xaqiiqoah aniga oo ku hadlaya afka umadda soomaaliyeed hadday xaqiiqda ogaadaan in ay kudhagi doonaan haddii uu alle idmo insha allaah iyo in dhamaan umadasoomaaliyeed ay isku kaalmeystaan inay diintooda gacanta midig kuqabsadaan diintuna aytahay diin nabadgalyo oo kashaqeyneysa maslaxadda qof walba oo muslim ah dadkana in diinta lajecleysiiyo lanatuso macaankeeda iyo wanaageeda dadka walaalaha ee kunool dibaddana in wax ku farxaan maahanee wax yaabaha kale aan website-yada loo marin wanaagoodana laga shaqeeyo.wabillaahi towfiiq.
Ibnu muxamed | Dec 31, 2009 | Reply
diinta halla barto kadibna dadka halla baro ayadoon ladilin kulligiin diintaa idinku yar!!!
sh,cabdulqaadir | Jan 11, 2010 | Reply