Askari ka mid ah Ciidamada Amaanka Af-madow oo Xukun Tacsiir ah lagu fuliyay

Published on December 12, 2009 by   ·   19 Comments   ·   print

Maamulka Islaamiga ee Degmada Afmadow ee Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa Shalay Galinkii danbe Xukun Tacsiir ahi ku Fuliyay Mid ka mid ah Ciidamada Amaanka ee Magaaladaasi,ka dib markii lagu eedeeyay inuu isticmaalayay Shay Mukhaadaraad ah.

Gudoomiyaha Af-madow Sheekh Maxamed Cabdi Xasan (Abuu Zakariya) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Askariga lagu Fuliyay Xukunka Tacsiirta lagu helay isaga oo ku dhex jira Isticmaalka Maandooriyaha “Qaadka”.

Sheekh Maxamed wuxuu sheegay in lagu Xukumay Tacsiir gaaraysa 15 jeedal, iyo in laga Fasliyo ku dhex jirka Ciidamada iyo in laga Musaafuriyo Gobolka oo dhan.

Waa Falkii ugu horeeyay oo uu Maamulka Degmada Af-Madow ku fuliyo Askari ka mid ah Ciidamada Amaanka, waxayna arintani qeyb ka tahay Hirgalinta Shareecadda Islaamka ee ka hana qaaday Qeybo badan oo ka mid ah Goboladda Koonfureed ee Soomaaliya.

23 Nov, 2009 ayay ahayd markii ay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Af-madow ka dib markii ay isaga Baxeen Ciidamadii Xisbul Islaam ee Gacanta ku hayay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 9 Ruux oo lagu Fuliyay Xukun Tacsiir ah
  2. Xukun Tacsiir ah oo laga fuliyay kismaayo
  3. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  4. Xukun tacsiir ah oo laga fuliyay magaalada kismaayo
  5. Tacsiir lagu fuliyay Xaruntii hore ee Warshada Baastada.

Readers Comments (19)

  1. Shardi says:

    WAA WAX CAADI AH IN AY ARIMAHAAS OO KALE KA DHACAAN QAAR KA MIDA JUNUUDA ILAAHAY WAANA BASHAR OO KHALAD LAGA WAAYI MAAYO.

    NABI MUX’ED OO SAXAABADIISA DHEX TAAGAN AYAY ARIMAHAASI DHICI JIREEN. KHILAAFOOYINKII KA DAMBEEYEYNA WAY KA DHEX DHICI JIRTEEN, LAAKIIN MAY AHAYN WAX SUMAD LOOGA DHIGO CIIDANKA ISLAAMKA OO DHAN EE WAA KHALAD HAL ASKARI KKU GAAR AHAA.

    WAXAA LAGA YAABAA IN AY HADA QAAR MUNAAFAQIIN AHI YIDHAAHDAAN NIMANKII SHABAAB DAROOGIISTAYAAL AYAY NOQDEEN EE BAL AAN DHOWRNO WAXAY QORAAN KUWII LAHAA DHAQANKA MUNAAFAQIINTA.

  2. Faysal says:

    Cadaaladu waa sidaas .

  3. Faysal says:

    Waa Tilaabo aanan looga baran cid aan Mujaahidiinta ahayn iyo guud ahaan dadka Muslimiinta ah ee wanaagsan.

    Qofku waa qaldami karaa balse muhiimadu waa in Sharciga ILAAHAY loo wada simanyahay maamul iyo mid lamaamulaba.

  4. Nasrullaho5 says:

    Maashaa allah ishii bugtooy ku bidhaansho qaar munaafiqiinta kamida ayaa ku andacooda in mujaahidiintu aysameyaan waxay doonaan badalkeedna ay dadka tacsiiraan marka ha arkaan sharciga allah loosiman yahay

  5. Xussein Maalim says:

    Asalaamu Calaykum

    Alshabaab hadeey 2 sameeyn lahaayeen wax ka fiican lama heleen:

    - Culimada somaliyeed oo aay udaayaan wixii diinta khuseeya oo ayaga u ahaadaan ciidan oo kaliya waayo siyaasada waxa ka raacaya weyni lasoconaa. Wadaadkii sh xassan Tuki ee hoosta gashaday waad aragtaan maanta in uu ka huleelay magaalooyinka Jubooyinka asagoo waliba xanuunsan oo uu aaday Ramkambooni. Ciidankiisii ayeey alshabaab ladagaalayaan ayagoo intooda badan waliba leh waa dagaal fitna ayagana uarkaan in hogaanka kambooni oo ladilaa in uu yahay jihaad …. subxaanallahi.
    - Maamulka Gobolada udaayaan wax garadka iyo aqoon yahanada udhalatay gobolkaas.
    - Shacabka somaliyeed diyaar umaahan dagaal caalami wakhtigan, marka waa in aay nagadaayaan labeyka-dan. Hadeey ururu kale oo caalami aha mathalaan in Godane, Zeylici iyo dadka lamid ahsomalida haka dhex baxeen oo ha aadeen ToraBooradii layiqiinay.
    - Maxkamadaha waa in aaysan fadhiisan ciidanka shabaabka ah ee waa in aay ahaadaan culimo madax banaan.

  6. Cali Guure says:

    Ka hadalka runta ma ahan nifaaq camali ah iska daa inuu noqdee nifaaq caqiido ah. Dadka ha digtoonaadeed axkaam juzaafi ah in la iska tuuro. Ruwaybidhada ayaa lagu yaqaan iska hadal aan loo meel dayan.

    Run weeye inay ninkan ama koox yar ku koobanaan karto. Waxaase dhab ah in diinta aysan aqoon badi dhalinta shabaabka. Iska ma lihi hadalkaa culimada dhabta ee soomaliyeed iska daaye axkaamley oo maanta diidan inay dawlad Islaam dhalato xitaa waa og yihiin.

    Waxaa kale oo dhab ah markii dagaalkii ka dhacay janaax cabdalla ee jubboyinka in ay shabab soo kaxaysteen kooxo beeloodyo ka dhinac dagaallama iyaga oo adeegsanaya alqaayatu tubarrirul alwasiilah. Kooxahaasi waxay si rasmi u codsadeen in qaad loo keeno iyada oo loo fuliyey rabitaankoodii.

    Waxaan shaki ku jirin ciidamada shabaab isgu jireen ku diin doon ah iyo kuwu ku salaysan beelooyin. Marka dhacdadan iyo kuwa la mid ah oo ay ka mid tahay dhiig daadin sidii tii xalay ka dhacday gaalkacyo ama jubbooyinka waa arrin la filan karaa.

    Khaladaadka dhacay ama dhacaya ee raadarka rasmiga qaban waxaa ka mid ah tan ka taagan Kismaayo ee guurka iyo furiinka macnaha lahayn ay fuliyaan shabaabka. Taasi oo ku beertay gabdho badan oo loogu sheekey mujaahidiin baa xaasas u noqonaysaan xanuun iyo mustaqbal aan qurux badnayn.

    Waxay shabaab iyo xisbul islaam labaduba ku fashilmeen in mowqif cad ka istaagaan xaaraamnida qaadka. Goaankii shabaab ee ugu dambeeyey ee dhoobley ee ahaa gudaha faras magaalada ha ku iibinina hana ku gadina qaadka ayaa daliil cad u ah qabashka diiniga ee ay ka haysta qaadkan burburiyay qoysaskii Soomaaliyeed, xoojiyey khasnadda dhaqaaale ee gaalada ama mareyna dhaqaalihii dalka Soomaliya.

    Waxaa labada koox u baahan yihiiny in ciidamadooda baran asaaska diiniga kuna xiraan culimada rabaaniga ah. Haddi culimada la diido cimaamado ma noqon karaan culimo.

    Ilaahow u gar gaar mujaahidiinta dhabta inta aan la dhumin miraha jihaadka.

  7. abdishakur says:

    alaahu akbar
    ilahey hadeesto askartiisa
    aaaaammmmmmiiiiiiiiiiiiiin

  8. Shardi says:

    INA GUUROOW WAXAA SIFAADKA MUNAAFAQIINTA KA MIDA IN AY AFLAGAADEEYAAN MUUMINIINTA, WIXII AAN KA HADLAY EE AHAA IN AY KUWO XUKUNKAAS IYO RAGA MUJAHIDIINTABA AY AFLAGAADAYN DOONAAN WAA SIFO KA MIDA SIFOOYINKA MUNAAFAQIINTA.

    ARINKA AAD LEEDAHAY SHABAABAA QAAD SIIYAY CIIDAMO KA BARBAR DAGAALAMAAYAYNA ANAGU MAHAYNO EE ADAA SHEEGI OO CADAYN.

    TA AH IN CIIDAMADA ALSHABAAB KU QABSADEEN JUBOOYINKA AY QAARNA DIIN KA AHAYD QAARNA AYSAN KA AHAYN TAASI NINKII NIYADIISA KHARIBAY AYAY DHIB KU HAYSAA OO SAXABADIIBA WAXAA LA LAHAA “MINKUM MAN YURIIDU DUNYAA” WAXAA DINKA MIDA KUWO ADUUN DOONAYA, NABIGUNA WUXUU YIDHI SALALAHU CALAYHI WASALAME “kiinii ku dagaalamaya inay kalmada alle kor ahaato ayuunbaa dar alle u dagaalamaya”

    DHANKA AAD LEEDAHAY WAXAY KU FASHILMEN INAY QAADKA JOOJIN WAAYAANA WAXAAN U MALAYNAYAA IN AAD AHAYD KUWII ODHAN JIRAY WAAGII HORE SHABAABKU WAY KU DEGDEGEEN JOOJINTA QAADKA IMIKNA WAADIGA SIDAN NA LEH. EE MA U JEEDO KALE AYAAD LEEDAHAY MISE CUQDAD SHAQSI AH BAA KU HAYSA.

  9. Abu MuCaD says:

    dadka xaqa wado saas aa lagu yaqaanee , ALAAHow inoo dhowr shabaabul mujahiddin wax walbo caqabad ku eh-na halaagi , iyagana qaladaadkooda sax , wadada toosan ku hunnuni marwalbo …

  10. daaif says:

    asc alaahu akbar alaahu akbar walilaahi alcistu wala muslimiin
    waaxaa lugfulinayaa xadka nini kamida ah
    jundulaahi oo mujaahid walaahi waa xaq
    cidna lagamadaynayo ilaahayo mujaahidiinta ugargaar shareecdii bay dabaqayanee

  11. Cali Guure says:

    Shardi

    Sifaadka munaafiqiinta waxaa ka mid saddex sida ku cad xadiiskii saxda ahaa;

    Haddii uu sheekeeyo waa ka been sheegaa
    Haddii uu ballan galo waa ka baxaa
    Haddii la aamino waa khiyaameeyaa

    Saddexdaasi waan ku dabaqi karaa haddii Alle ka cabsi jirin shabaabka iyo adigaba. Laakiin diin baaa i celinaysa.

    Saaxada jihaadka waxay u baahan tahay sixid iyo toosin. waxaad kala garan wayday sixid iyo toosin dad weliba banneystay dhiigga musliiminta marka waa ayaan darro xitaa inaan kula niqaasho.

    Xukunka juzaafiga ah ee aad tuuraysaan waxay ku tusinaysaa cilmi yaraantaada waana tan keentay in maanta la banneysto dhiigga muslimiinta iyo mujaahidiitna kale.

    Waxaan ku waayey jihaadka ka socda Soomaliya rag qaaliga oo ila dhashay oo weliba qaarkooda ku jiraan shabab qaar kalan ku jiraan xisbul islaam. Waxaanan ka mid ahay dad ka war hayaa jihaadkan welina qayb qaadanaya walaa fakhr ama tazkiya.

    Dib u cesho afkaad igu taageyso oo cilmi u yeelo waxa aad ka hadlayso.

    Shabaab waxaan u arkaa maanta inay dhuminayaan mirihii jihaadka. Taasi ilaah baan ugu dhawaanaya kuna raali gelin maanyo maangaab dibadda kunool oo doonaya in xamaasa been ku dhumiyo dhiiga badan ee loo daadiyey jihaadka.

    Ta kale, ka manuunicadda qaadka faras magaalada waa sheeko raqiis ah. Haddii kale laguma qabteen askartooda iyaga oo taqsiinta u buuxda. Mana oran waa lagu deg degay reebitaankiisa ee ha ii oran.

    Midda mooryaanta ay hubeeyeen caddeyn u raadso Godane iyo afgaan iyo beeshada sade ama cawrmale iwm. Nin mujaahid iyo wax garad waa og yahay doqon iyo guulwade xaadhibul layl ha u sheegin.

    Ma la socotaa inay maanta jirin hal xalqa oo cilmi ah oo shabaab wax ka akhriyaan gobollada nabadda ah ee gacanta ku hayaan. Godane ayaa ugu sheekhsan meesha isaga waxaa uu ka badan waayey dhuumalaysi dhabarka muuqdo. Culimadii waxaa la yiri waa mid dabadhilif ah, mid dhaaquut la safan, mid gaaloobay iyo mid wanted ah. Markaa yaa wax u akhrinaya. Anaashiid diin ma noqoto.

    Midda naqdinta shabaab ee sixid loola jeedo waa diin. Malaha maadan akhrin sida loo naqdin jirey mujaahdiintii saxaabada, ama salafka kale marka ay qalad galaan oo maanta ah ayaatun yutalaa.

    Marka akhi is deji oo dadka kala garo iyo sida wax loo naqdiyo. Haddii kale waad ku daba daali dad wax og ee doonaya in miraha jihaadka la badbaadiyo.

    Jacaylka mujaahdiinta waa kuwa ilaaliya xuduudda eebe ee ugu horreyso dhiiga muslimiinta. Ma aha kuwii shaley ku toogtey labadii sheekh Gaalkacyo kaddib markii ay dhaheen keliya is qarxinta ka mid ma aha camaliyaat al istishhaadiya. Fiqiigaasi wadiica nin mujaahid laguma jeclaan karo laman aqbali karo.

    Fatadkuruuna maa aquulu lakum raggiin dibadda jooga.

  12. wadaad yare says:

    Waxaas waxba kama jiraan oo waa xayeesiimaha loo sameynayo alshabaabka qariban ee dunidii oo dhami kasoo wada horjeedo.
    Ninki muxuu u isticmaalayaa mukhaadaraatka hadii uu mujaahid yahay sow taasi kuma tusinayso in nimankani diinta ku gabanayaan ee aysan daacad ka ahayn?
    Alshabaab ayaa wanaag wada cidina ii sheegi mayso aniga ee qolodan somalimirror.com ayaa xayeesiimo meel cidla ah u sameynaya.

  13. axmedcade says:

    s/c ku shardi waxaad uhadleeysaa sida nin mufti ah ee calaamatul munaafiqiin bal maiisheegi kartaa inta eey uqeeyb samaan ? anigoo idinkala dhax dhaxaadinaayo waxaan filayaa wallaalka kale wax jira in uu kuhadlay oo culimada in looga danbeeyo waa wax sax ah culimadana waa warathatul anbiyaa oo cilmigii beey kadhaxleen nabiyadii

  14. Cumar baburow says:

    Shabab wax badan o ay kamid tahay dacad nimada ayay ku saxan yihin.Lakin waxan oga so horjeda 1 wax sabab to ah waxbo ma maqlan qof kastana wa dilayan.Alaha la garab galo jihadka ay kula jiran amison.Shacabka somalida ay laynayana alaha ka so hanuniyo.Amin.E maxad ku dari lahayden???

  15. faadumo says:

    illahayoow waan kubaryeeynaaye gadaal hanoo celinin yaarabi ee kuwan noodaa noona atkeey noona hanuuni noona toosi noona kaalmeey ilaahayoow iskeena jecleeysii ilahayoow jihaatkana barakeey ilahayoow kuwa yar ee ilaaheey dartiis katahay jihaatka dartoot ilaahayoow garab nagu sii ilaahayoow qalalaat keena hanagu ciqabin ee ilaahayoow nasax yaarabi shareecada ilaaheey inaan hirgelino garab nagu sii war ilaaheey ayaan idin kudhaarshaye haloo soomo ilaaheey shardiyo hala lagalo oo cala baryo ilaaheey inuu garab nasiiyo si aan shareecadena uheli laheen

  16. Cali Guure says:

    Ukht Faadumo

    Ammiin.

    Waxaan ognahay in Uxud lagu qabiyey muslimiinta khalad ay sameeyeen rag yar oo la yiri ha ka soo degina buurta xitaa haddaad aragtaan hilibkayagu oo la waraayo darteed.

    Khaladkii baa loo jabey oo rasuulkii foolka looga tuurey oo god lagu tuurey oo sacad bin abii waqaas iyo dhalxa ibnu cubaydullaahi ku qaateen billad sharaf uu siiyey rasuulka scw.

    Qaadashada sunnanta sharciga iyo kowniga waa laf dhabar guul ay gaaraan mujaahidiinta

    Laakiin haddii la banneysto dhiigga mujaahidiinta iyo muslimiinta kale, la diido culimada salafka Soomaaliyeed ee jihaadka ku jira, lagu andacooda awood aaan jirin oo khilaafsan awoodda dhabta ah iyo sunanta Eebe, dadkan kama fadli badna saxaabadii lagu jarrimayey dagaalkii uxud.

    Shicaaraadka jowfaaga ee ku dhisan ku dul taagnaanta majaaminta mujaahdiinta gulufka lagu hayo iyo masaakinta kale waxay irhaasaat u tahay jab iyo halaag yimaado oo uusan Godane iyo Afgaan qaadi karin iska daa inuu babac dhigee.

    Taasi weeye midda ayan garan dadka qaarkii ee jecel jihaadka laakiin garan waxaa jihaadka burburiya iyo hadafka jihaadka oo ah dawlad Islaami oo ka dhalata dhulka ay ka taliyaan ama Somaliya inteeda kale.

    Cabbaas Madani iyo cali balxaaj baa hore ugu dhacay godkaasi. Aljihaad fii misr ayaa ku fashilay, Talibaaanna waxay ku dhumiyeen dawlad Islaami kaddiib markii ay shareecada sida ay tahay uga tarjumi waayeen.

    Taageridda ashkhaas iyo kooxo islaami ah waxaa ka wayn xaqa iyo waddada lagu sugaayo rabitaanka dawladda Islaamiga.

    Ilaahow u gargaar mujaahidiinta dhabta ah ee u turaysa shacabka masaakiinta.

  17. xasan aadan says:

    ma nin alshabaab ah oo ka mid ah mujaahidiinta ayaa qaad cunay arintaas macquul ma ahan ee wax kale sheega

  18. Cali Guure says:

    ACW

    Warka Xasan Adan waxaan ka dhahay warkiisa Allaahu akbar innahaa alsunan. Waa sidii laata, cuzaa, manaata saddexayn jirtey.

    Berrina waa la caabudi doonaa.

    Saaxiib haddii Saxaabada ka dhacday dunuubyo badan rasuulka oo dhex jooga oo weliba waxyi ku soo degayo maxay kulaha tahay kuwan baneeystay dhiigga shacabka iyo mujaahidiinta kale.

    Soo akhriso fadlan diintan aad aragtid sida aad u jarayso ay cidla ah.

    Ilaahow na fahamsii xaqa oo hana dhigin kuwii xad gubka jacayl caadifi dartiisa oo hawo ku dhisan.

  19. deka says:

    ukhtii faaduma waa salafiyad diinta taqana ee alaow nagu badi nucaas diintana intaan dadka lagu jihadin hala barto sida loo jihadaa iyo cida lagu jihaadaa qaadkuna waa xaran ee iska daya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 9 Ruux oo lagu Fuliyay Xukun Tacsiir ah
  2. Xukun Tacsiir ah oo laga fuliyay kismaayo
  3. Xukun Tacsiir ah oo lagu fuliyay Ragii horey u afduubey Gudoomihii Waxbarashada ee G/Hiiraan
  4. Xukun tacsiir ah oo laga fuliyay magaalada kismaayo
  5. Tacsiir lagu fuliyay Xaruntii hore ee Warshada Baastada.

Latest Headlines